SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

waxba ayaan duruufaha maldahan diimo loo rogine 

Digtaan iri hurdada xalay miyaan darinta heyn waayey
Dacalkaan u jiiftaba miyaa gama`a leydiiday
Ficillada dahsoon iyo waxaan qaraw dabaashaaba
Deelaalo iyo yaab miyaan dan ula soo toosay
Mays la dooday kaligey markaan dulucda faaleeye

Soomaalida iswada dooxday iyo deben colaadeedka
Daqarada shacbiga gaaray iyo dilada yeereysa
Qoxootiga xeryaha daadsan iyo qaranka sii duugmay
Dandarada dhafoorada dubtiyo diifta nagu taala
Duufaanada abaartiyo faqriga nagu dekeynaaya
Daalaadhacaa iyo ifkaan diriqku joognaaye
Marki uu ilaah naga dulraray cadowgi soo duulay
Ee ninkii sideed door korsaday laba u duur joogto
Lixdi kale duugee qabrida laga dulmeegaaray
Dibne wali gurihi loogu noqon damacin mooyaane 
ninka yiri dagaalkaan wadaa waan u digayaaye 

Isu daran dakana qabaha iyo toosh ku daaruhuye

Isu daran danley wax isbidiyo daad ku fooraraye
Isu daran dhurwaa doola iyo dabinada u yaale
Isu daran dagaal baa dhexyaal dab iyo baasiine
Isu daran deleel dhaxanleh iyo dadab caruureede
Isu daran nin daaci u qabiyo daalim shaash hugane

Dirya farac islaam baan aheyn daahir iyo shiiqe
Diintana illaah baa na baray derejadeediiye
Waxba ayaan duleelada qabiil daaha lagu heyne
Waxba ayaan jihaad lagu dabaqin damaca beeleede
Waxba ayaan duruufaha maldahan diimo loo rogine
Waxba ayaan derbiga madaxa iyo duudka lagu heyne
Waxba ayaan dadweynaha madfaca loogu damagsiine
Waxba ayaan darwiish leyska dhigin gaalo soo dilaye
Waxba ayaan dabaaburo la kicin dab iyo baasiine
Waxba ayaan dacaayado fidnaa leyska soo dirine
Waxba ayaan dariiqiyo firqaba leysu soo dumane
Waxba ayaan dilaagii carbeed leysu daabicine
Waxba ayaan dabool nalagu hugin dunidu raadeehe
Warna daaya diin kama wadaan danaha gaarkaahe

Dad muslimoo guryihi ay dageen lagu duqeynaayo
Ayaa daar janaa lagu galaa meyga degi weysay
Dugsiyada quraankiyo wadaad diinta fidinaaya
Hala dilo kitaabkey ku taal meyga degi weysay
Dulli iyo amxaar jananadii naga difaacaayey
Inla dooxo culamaa ku talin meyga degi weysay
Laba diinta wada sheega iyo daacad nimo eebe
In ay dhiiga kale daadiyaan meyga degi weysay
Qabuurihi in lagu duulayoo debeda meyd yaalo
Ayna waa dagaal aaqiree meyga degi weysay

Dab waxguba ninkii ay ku tahay daniyo yeelkiise
Afartaas digniin iga tagiyo daahi waanada dheh
Waa dahab murtidu ee anoon dulunku taageerin
Dalka yaga amiirkiisa baan baaq u dirayaaye
Ma duulow ma daalow xilbaa deegta kuu surane
Ducaan kuugu kaalmeynayee kuma dagaaleene
Kuwow cadowgu daaneeyey baa daawa kaa sugiye
Adey dib u dhiskaa filanayaan laamihii dumaye
Dagaaladii cadawaha hablihi doorarki u waayey
Kama degin asaydii walina duub cadbow xirane
Markaas bey dabeyl iyo cadceed debed u yaalaane
Dejintiyo daryeel koodu waa waajib diiniyehe
Dulqaadyeelo diintana xaqdhawr dixindix weeyaane
Daacadnimo shacbiga ugu adeeg dalabi waa iine
Doqonimo adoon muujin iyo dirirya xoogtoona
Daabulo hub iyo ciidan baa dowlad heyn karaye
Dalka iyo dadkeenaba ragbaa doolar dhaafsadaye
Oo dumiyey qarankiye dhismihi dib ugu soo laabo
Hays daloocin adigey shacbigu kuu durbaan tumiye 

Hassan Garaad 
abwangaraad@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: