SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

CABDULWAAXIDOW GUMAADKA SHACABKU MA HALGANBAA?

Walalaalayaalow iyo saaxiibayaalow, Saaxiibkeen Cabdulwaaxid khaliif ma waxaa isaga qaldan erayga Halgan iyo gumaadka arxan darada ah ee maataada xamar joogta. Mise waa daacad oo wuxuu u heystaa in leynta iyo barakicinta Dumarka, odayaasha, dhalaanka, curyaamiinta iyo inta bir ma geydada ah uu halgan yahay lagu xoreyenaya Soomaaliya? Mise saaxiibayaalow ninkaan waxaa weeye mufti caalim ah oo ka cilmi badan culimada Soomaaliyeed oo dhan kuwaas oo maalintii la arkaba qeylo dhaantu ka soo yeereyso iyagoo leh war dagaalkaani waa fitno ee hala joojiyo.

Cajiib badana! In badan ayaan akhiryay maqaalada saaxiibkey oo markaan damcay inaan ka jawaabo is iri iska daa bari ayuu is garane! Ama aan is iri dhaayo wax lagu maqluu yeelan. Maanta waxaa cadaatay inuu Cabdulwaaxid khaliif yahay cadow naxariistii laga dheereyey oon wax diin iyo garasho toona ku socon, balse jecel oo kaliya inuu buunbuunis la daba joogo qolyaha ay laabtiise la dhacsan tahay. Waxaa yaab leh Cabdulwaaxid khaliif oo U.K guri qurxoon oo qabow badan ku raaxeysana noloshiisuna meel u saran tahay, Magangalyo siyaasadeedna ay dowladaha uu had iyo gooraale dhaleeceeyo ay siiyeen , in uu raali ku noqdo barakicinta iyo leynta maatada aan waxba galabsan. Haduu Cabdulwaaxid run sheegayo muu isaga soo haajiro London iyo dhulka gaalada oo dadka Soomaaliya jooga dhibka la qeybsado? Sidee ayuu u jeclaan lahaa in rabi ka dhigo dadka xamar lagu gumaaday ama geedaha hoostooda dhooban oo gaajada iyo roobka ama cudurada ugu dhimanaya banaanka Xamar inay ehelkiisa iyo qaraabadiisa yihiin? Walaahi inuusan jeclaadeen?

Yaab badanaa! War sidee maqsuud ugu tahay hooyooyinka ilmada qubaya? Dhalaanka haraadka iyo gaajada kula il daran geedahay hoostooda? Bilaahi caleyk ma kanaad jihad iyo halgan u taqaan? Adoomadii ilaahahow, yaa raali ku noqon kara hoobiyaha lagu dul garaacayo shacabka aan waxba galabsan oo boqlaal ay dhimanayaan maalin walba? Qeylada iyo sawaxanka maatada, baroorta iyo infiriirka haweenka waayeelka ah yaa raali ku noqon kara? Waxaan filayaa qofka kaliya ee arintaas raaliga ku ah inuu yahay saaxiibkeen Cabduwaaxid Khaliif oo waliba u arka jihaaad iyo halgan lagu xoreynayo Soomaaliya, sababtoo ah haduusan sidaas raali ku ahayn cuqubada xamar ka socota Jihaad iyo halgan uguma yeereen.

Saaxiibkey Cabdulwaaxid waxaan weydiin lahaa duq Xassan Daahir Aweys dagaalka uu ku doonayo inuu ku hanto gursiga madaxtinimada Soomaaliya oo shacabka aan waxba galabsan loo gumaadayo miyaa jihaad ah? Diinta qabta in kursi iyo xukun jeceyl loo laayo dadka waa tee? Islaamka meel ay ku cadahay (kitaabka iyo Sunnadaba ) in xukun raadintiis dadka loo gumaado si arxan daro ah bal noo soo sheeg waa adiga maalin walba qiso cajiib ah oon ka turjumeyn xaqaa’iqda dhabtaa ku soo qaata qoraaladaada’e, isla markaasna fatwoonaya in dagaalku xaq yahay’e? Ma Fu’ad Shangole, Axmed Godane, Xassan daahir iyo Xassan Turki oo labana ay saraakiil ciidan iyo kursi jaceyl madax maray, labada kalana yihiin wiilaal aan diinta islaamka aqoon u laheyn, gudbinayana fariin ay dad kale u soo dhiibteen iyo fikrado guracan oo aysan fahansaneyn ejeedada ka danbeysa ayaa diinta Islaamka marti looga noqonayaa? Mise culimadeenii aqoonta dheer diinta u lahayd kuwaas oo dal iyo dibadba jooga maalin kastana ka hadlaya xaqaa’iqda dhabta ah ee ka jirta gayiga Soomaaliya? Su’aashaas akhristaasha ayaan u deynayaa jawaabteeda. Culimada musaalixada iyo culimadeena kalaba macsuumiin mahan oo gaf waa gali karaan laakiin yaa saxaya ma Fu’aad Shangole iyo Axmed Godane ayaa culimadeena ku xeel dheer diinta ay marti uga noqonayaan cadeynta xaqa iyo riddinta baadhilka? 

Gabagabadii qoraalkeyga,saaxiibow hadaad ilaahay ka cabsaneyso dadkaas masaakiinta ah hadii aadan wax kale ugu gargaareyn niyada ka jeclow in dhiba rabi ka dul qaado. Walaahi inaan sidaas liibaan aakhiro iyo mid aduun toona lagu gaareyn. Waxaadna ogaataa inaanan anigu ka soo jeedin Xamar dhalasho ahaan, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo dhalasho ayaa wada ninkaan.
Walaahi maalintii xabashidu wadanka ka baxday farxadii aan farxay waligay horey uma farxin sababtoo ah waxaan is lahaa maanta fursad fiican ayaa soo martay Soomaalida oo nimankii dagaalka ku jiray iyo Soomaali oo dhanba way isku imaan wayna tashan oo waxay garan doonaan aayahooda . Sidoo kale waxaa fursad u iigu muuqatay in waxyaabah yar yare ee la isku khilaafsan yahay wada hadal lagu dhameyn doono laakiin waxaa xeero iyo fandhaal kala dhaceen maalintii Xassan Daahir oo boorso lacag ah oo gaalo uu ka soo qaatay wata Xamar ka soo dagay uu la shir yimid gaalo Xamar ha ka baxdo hadii kale maatada ayaan leynayaa! Ma gaalbaa gaal ii dhaama? Xikmada cajiib ah ayaa malaha meesha ku jirta.

 GAALKEYGU GAAL GAAGA OO KALE MA AHAN!! ERETERIA KHEYR ALLAHA SIIYANA AFKA AYAA HADA KA HOR KA XADAY DUQA! 

Ahmed Ali 
guled22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: