SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

QISADII UDGOONKA CALYHI SALAAM MAANSO

Maansadan aan ugu magacdararay qisadii udgoonka waxa igu kalifey inaan sameeyo waxay ahayd kadib markaan jeclaaday inaan dadweynaha aan ugu soo gudbiyo maansadan afkeena filka weyn leh iyo sugaanteena hodonka si ay dadweynuhu waxbadan isku dayaan inay u ogaadaan taariikhdii udgooneheena nabi muxamed caliyhi salaam waan ogahay inaan siirada rasuulka aan lugu dhamayn karayn af lakiinse inta ugu muhiimsanbaan kasoo qaatay maansadanina waxay soo baxday maanta oo salaasa ahayd abaarihii shantiyo badhkii galinkii danbe waadna mahadsandihiin

Rasuulkii ilaahoow
ifriinkii aduunkoow
dunidana iftiinshoow
ayaantaad dhalateey
ku beegnayd asxaabtii
ehlulfiil la odhanjiroo
ilaahayna haligoo
kusoo direy abaabiin
iyo axjaaro naareed

Dabadeed ayaantaas
xidigihaa iftiimoo
ibliis iyo xertiisaa
lugu laayay onkodoo
aduunyadaana faraxday
adigoo ku sugana
agoonima yatiima
ayay dhimatay aamini
iilkiina la dhigay

Dabadeed alsacdiyaa
kuga ababisay meeloo
aqalkeed wacnaydbay
ayaa ayku gaysay
aaminbaad ahaydoo
umadanu ku jeceshay

Dabadead agteediyo
agagaarka makabaad
aqnaam aadku raacdoo
waa u dhabar adaygtay
dhibaatada aqnaamta

Dabadeed ilaa iyo
ardushaam dhulkeedaad
aadtagtay rasuuloow
ganacsadaad ahaydoo
khiyaamada aqoonin

Waxaad gashay aroosoo
khadiijad aroostoo
hooyadii aduunyadan
iyadoo ku sugunba
soo salaamay eebe

Dabadeed agteediyo
godkii uduga weynaa
adigoo ku suganbuu
ayuu malagii kuu yimi
iqra akhri ku yidhi
aayadan ilaahay
iyo magaca eebe
adiguna qiraada
iyo sida waxloo qoro
ma aadna aqoonoo
eebeheenbaa ku baray

Markaad fahantay aayadii
ayaa aad usheegtay
ahligii qureysheed
iyaguna sidooday
kaa madax adaygeen
waa aadna samirtay
samir aad u adagbuu
ilaahay ku siiyay

Dabedeed alahabkii
iyo aafadiisii xumaydoo
u darbanayd xumaantaa
ayaa ku dhibay rasuuloow
ayadbuu ilaahay
kulancanadayna iyaga

Dabeedna udgoonoow
waa aadka haajirtay
dhibaatadii adkaydoo
kugu hayeena iyagu
madiinaad aadoo
ansaartii wacnaydbaa
kusoo garabistaagtay

Abujahal xertiisii
kum aysan joogsan
intoodii yaraydoo
intay soo gurgurteen
seefahay afaysteen
sowkumay imanoo
gardaro afaysan
lamay iman dhamaantood

Badarbaad ayaad gasheenoo
gaaladii aslayseen
ayaantaasi faraxbay
u ahayd islaamka
bilaalbaana adimoo
eedankiina dalacay

Ajashii rasuulkaa
timiday ayaaantaas
naftiibaan aroortoo
asxaabtii dhamaantood
waa ayna ooyeen
idil ahaanteed oo dhan
ina alkadaabaa
arintii rumaysan
abubkordadkiibuu
u akhriyey qur'aanoo
asxaabtii la ooyeen
ayantaasi nabiyoow
cidkastii ilaahayi
rumaysan rasuulkaa
kugo oogay salaadii

Rasuulkii ilaahoow
waxaad ololbakhtiisoo
iftiin aadku siisoo
ayaa aana cadadiyo
xisaabteeda idilkeed
ayaan ayna cidina
ayna tirinkaraynee
amaantaadu hajirto
ilaa iyo qiyaamaha

Hamse Riraash
hamseriraash@yahoo.com
Hargeysa Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: