SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 

Falaqaynta  Fikirka Shabaabka

Alshabaab waa urur Soomaaliya haatan ka hana qaaday, lana dhihi karo waa ururkii Islaamiga ahaa ee ugu danbeeyey  ee Soomaaliya  hana kaqaaday. Ururku ilaa hadda uma soo gudbin shacabka Soomaaliyeed ujeedooyinkiisa, dastuurkiisa, barnaamijkiisa siyaasadeed iyo sida uu ula falgalayo caqabadaha ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed.

Dabcan kaafi ma ah in urur si guud u yiraahdo wax walba Kitaabka Alle ayaa loola laabanayaa ama isaga ayaa barnaamij siyaasadeed innoo ah ee waxa looga fadhiyaahi waa in laga hadlo masalan qaabka siyaasadeed ee loola falgalayo arrimaha haatan Soomaaliya ka taagan. Ma dawlad dhexe uu Jamhuuriyaddii kawada talisa ayey rabaan? Mase maamul goboleedyo dusha isaga xiran? Sidee khilaafka siyaasadeed lagu xallinayaa ee Soomaaliya ka dhex jira mise ururkooda ama wadaada uun baan meel kastaba maamul u dhisaya, uusan shacabku dooranayn cidda xukumaysa ama uusan la xisaabtami karin balse uu raciya uun ka yahay.

Maadaama uusan jirin barnaamij cad oo xadidan oo ay soo bandhigeen waxa kaliya ee la eegi karo waa fatwooinka iyo bayaannada  siyaasaded ama diineed ee ay soo saaran oo inta badan ay ku xardhaan mawqifka ay ka qabaan diin ahaan arrimo badan oo Soomaaliya ama caalamka maanta ka jira.

Yoolka dagaalkooda

Alshabaab maadaama ay yihiin urur diineed waxay ku doodayaan in dagaalkoodu yahay mid diineed oo ay kula jiraan gaalada dagaalkana ay wadi doonaan intii arliga fitno laga waayo, iyagoo inta badan soo daliilsada aayado quraanka kariimka ah oo ay u fasirayaan  dilka ama la dagaallanka gaalada ama mushrikiinta meel walba oo lagu arko ama intii fitno laga waayo .

Hadaba maxaa ka jira in muslimiinta laga rabo inay gaalo oo idil la dagaalaan iyagoo ka billaabaya kuwa ugu dhaw ama meel walba oo ay ka helaan  ama intii fitno laga waayo? Yaa qaba fahamka caynkan aha maxayse culimada Islaamka ka qabaan arrintan?

Shabaabku ilaa hadda aayadaha si guud bay usoo daliilsadaan, waxayna ku celccelyaan inay dagaalka wadayaan ilaa fitno laga waayo.  Cumuumkaa guud  kama soo dagaan, lagamana hayo wax ku koobaya dagaalkooda gaalo gaar ah oo dhulka Soomaaliya ku soo duushay, oo loola dagaalayo sidii dalka looga xorayn lahaa ee waxay u dhigayaan inay uun sida daahirka aayadaha ka fahmayaan dagaalkoodu yahay mid furan oo muslim iyo gaalo oo idil u dhexeeya. Sidoo kale waxay sheegayaan in xattaa haddii ay gaaladu Soomaaliya ka baxdo ay la dagaali doonaan  cid kasta oo isku dayda inay Soomaaliya ka dhisto nidaam dawladeed oo dastuur iyo dimoqoraadiyad ku salaysan .

Aayadaha ay sida guud usoo daliilsadaan waxaa kamid ah kuwan hoose:

(Al baqara 193)

La dagaallama ilaa laga waayo fitno (gaalnimo), diintuna ay u ahaan Alle, hadday ka joogsadaan lalama collaytamayo ciddii xadgudubta mooyaane.  

(Al tawbah 123)

Kuwa xaqqa rumeeyayow la dagaallama kuwa idin la xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada. 
 
Labo Faham

Fahamka ay aayadahan kala baxeen dhallinta shabaabka waa mid iyaga in yar oo kale uu dunida musimka joogta ku koobaan in aayadahaa loo fahmo inay ku baaqayaan dagaal furan goor iyo goob kasta oo ay muslimiintu la galaan gaalada.

Culimada  Islaamku ma qabaan in dagaal furan lala galo gaalada oo tabar iyo tabaryariba loola dagaallamayo gaalnimadooda. Aayadaha kore iyo kuwa la midka ahba waxay leeyihin siyaaq ama context iyo duruuf ay ku yimaadeen mana aha in aayadaha laga soo dhex bixiyo duruuftaa iyo asbaabtiiba ka dibna laga dhigo amarro sidooda u taagan.

Markii  Nabiga scw iyo saxaabada Mako joogeen waxaa la amray inay dul qaataan oo ka fitnaynta diintooda ee mushrikiinta ku hayeen ay ku samraan iyadoo rumaynta Alle iyo rasuulkiisa loo jir dilayey. Looma fasixin inay dagaal sokeeyey Makko dhexdeeda ka galaan, waxaase la faray in halkaa ka hijroodaan. Markii ay Madiina tageen baa reer quraysh oo diidan inay muslimiintu meel kale ku baraaraan ay weerarro daba joog ah ku qaadeen ay doonayaan inay nuurka Islaamka ku damiyaan.

Markii hore waxaa muslimiinta loo idmay (khiyaar)inay la dagaallamaan kuwa gardarrada ku hayey sida ay tilmaamayso aayadda 39aad ee suuratul Alxajj.  Muddo ka dib markii ay xoogeysteen idan maahee waxaa la faray  inay la dagaallamaan kuwa  diintooda kula dagaallamaya ama kusoo xadgudbaya  sida ay tilmaamayaan aayado kale oo ay ka mid tahay aayadda 190 ee suuratul baqara ee Alle uu muslimiinta ku farayey inay la dagaallamaan Alle dartii kuwa kula dagaallamaya sidaa oo aysan xad gudbin

Waxaa kaloo Muslimiinta la faray marka ay dagaallamayaan inay cadawgooda ula dagaallamaan hadba sida ay ugu kala soo sokeeyaan  sida 123 ee suuratul tawba tilmaamayso.  Dagaalka ay muslimintu galayeen ee la amray wuxuu lahaa laba weji. Midka hore waa mid ay jiritaankooda ku difaacayeen oo qurayshtii Makko iyo xulafadeedii ee diidanaa inay muslimintu helaan meelayba aamin ku yihiin iskaga difaacayeen. Markii ay muslimiintu xoogaysteen ee ay heleen dhul aamin ku yihiin, waxay ku qasbanaayeen inay la dagaallamaan gaaladii kale ee dariska la ahayd ee u diidanayd inay dacwada iyo diinta Islaamka muslimiintu gaarsiiyaan ummadaha kale, oo berigaa adduunku wuxu uqabysanaa daarul Islaam oo ah meel qofka muslimku ku aamin qabo, diintiisana uu ugu dhaqmi karo sida ay tahay. Iyo daarul xarbi oo ah wixii xuduudda Islaamka ka baxsanaa berigaa badankood, oo aan qof muslim ah ku dhex noolaan karin, oo qofkii dadkaa ka islaamana ay diintaa ku ciqaabayaan ilaa ay ka celiyaan diinta Islaamka, iska daa in la ogolaado in qof muslim ah diinta islaamka ka dhex fidin karo dhulka aan ahayn daarul islaame.

Dhanka kale waxaa alle  aayadda 8aad ee almumtaxinah ugu sheegay inuu Alle muslimiinta ka reebayn inay u samo iyo cadaalad sameeyaan kuwa aan muslimiinta ahayn ee aan muslimiinta diintooda kula dagaalayn, guryahodana ka saarayn.

Gaalka ama mushirgga meel walba lagula dagaallamayo  waa midka kaa saaraya dhulkaada, ama diintaada markaa kugula diriraya ee gaal oo idil maaha in meeshuu joogaba la leeyahay kula dagaallama. Haatan adduunku uma qaybsana dhul Islaam iyo daarul xarbi oo dhul dagaal ah, looma baahi qabo sidii waagi hore in dagaal loo galo si dacwada loo gaarsiiyo ummadaha kale, kii ka islaamana loo ilaaliyo oo maanta caalamka waa isu furan yahay, mana jirto meel la diidayo in Islaamka laga faafiyo amaba lamaba koontarooli karo maadaama warbaahin aan xuduud lahayn ay soo baxday, dhanka kalena uusan jirin wadan lagu dilayo qofkii Islaama taasoo ah fursad weyn oo diinta Islaamka ay haysato oo aan berigii fidinta diinta loo dagaallamayey aan jirin.

Aayadda kale ee tilmaamaysa in lala dagaallamo  gaalada intii fitno laga waayo, waxaa culimadu ku fasireen in loola jeedo intii ka fitnayn diinta laga fitnaynayo dadka laga waayo oo loo dagaallamayey inaan fidinta diinta la hor istaagin ama qofkii Islaamka oo loo ciqaabin taa. Culimada qaar baa ku fasirtay fitnada intii shirki ama gaalnimo laga waayo macnahaasise ma ansaxayo sida culimada badankood tilmaameen laba sababood dartoodba.

Tan koowaad ma jirto cid loola dagaallamay inay islaamto ama lagu qasbay islaamnimada oo waa mid qancis u baahan ee aan qoorqbad gelin, Allana wuxuu aayadda 256aad ee Albaqara ku leeyahay Isku qasbid ma aha diintu, dhab ahaantiina hunuunku waa ka soocmay baadida.

Tan labaad taariikhda islaamka laguma hayo dad diinta islaamka lagu qasbay oo ilaa haatan waxaa Masar, Ciraaq iyo wadamo badan oo saxaabadu islaamka soo gaarsiiyeen ku sugan dad diimo kale haysta oo aan lagu cadaadin inay islaamaan ama ka baxaan diintooda. Sidaa darteed dagaalka aayaduhu tilmaamayaan ama axaadiista rasuulka scw waa mid muslimiintu kula dagaallamayeen gaalo ama mushrikiin dullaan iyo dagaal ku hayey oo u diidanaa inay diintooda haystaan ama fidiyaan shiddo iyo ka fitanayn laaan. Marna sax ma aha in laga fahmo aayadahan in gaalada loola didirayo gaalnimadooda ama lagu qasbayo islaamnimadka.

Musliminta waxay u dagaallamayeen waa is difaac iyo difaacidda xornimada fidinta iyo gelista Islaamka. Maanta haddii uusan jirin nidaamkii hore ee caalamiga ahaa ee qarniyadii hore jiray ee adduunku ugu qaybsanaa muslimiinta Daarul islaam iyo Daarul xarbi  oo diinta islaamka meel ay mamnuuc tahay in laga baafiyo aysan jirin ama qofka loo dilayo maxaad u islaamtay, waxaa markaa meesha ka baxayo ujeedkii ahaa in loo dagaallamo ilaa fitno laga waayo. Ujeedada soo hartay ee loo dagaallami karo waa kan is difaaca ah oo haddii muslimiinta dhulkooda lagu soo weeraro ay tahay inay cadwgaa iska difaacaan.

Laba ujeedo kii ay noqotaba waa amar muslimiinta dhan u yaalla oo u baahan goaanka dagaalka in lagu qaato wadatashi iyo hoggaan sharci ah oo shacabku taageersan yahay, mana aha in koox aad u tiro yar goaansato dagaal ay shacabka muslimka ah geliso ama ku farad yeesho iyadoo aysan ahayn hogaan sharci ah, shacabkuna rabin ama diyaar u ahayn nooca dagaal ee ay ku baaqayaan.

Dastuur, Dimoqoraadiyad iyo Kitaabka

Fikirka labaad ee ay qabaan shabaabku, sheegaanna inay dagaal dartii u wadi doonaan waa la dagaallanka dimoqoraadiyadda, dastuurka iyo wixii la hal maala iyagoo gaalnimo u arka labadaa iyo talo ku darsiga QM iyo hayadaha kale ee Soomaalidu xubinta ka ahayd sida midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iwm. Waxayna sheegaan inay dagaal ka wadayaan intii dalka kitaabka Alle looga xukumayo.

Halkan waxaa muuqda fikir aan qodnayn ama sadxi ah oo dad badanna la qaadsiiyey taasoo ka dhigaysa dastuur oo idil inuu kufri yahay muslimkana aysan dastuur qoran karin oo kitaabka alle uu dastuur u yahay! Sidoo kale in dimoqoraadiyadda ay iyana kufri tahay iyo in shacabka xukunkii la siiyey halkii Alle la siin lahaa.

Dastuurka:

Dastuurka KMG ah iyo kuwa la hal maala ee meelo badan oo dunida muslimka ah ka jira waxay shabaabku u arkaan mid kitaabka Alle booskiisii la galiyey, xubnaha baarlamaankuna yihiin kuwa riddoobay mar haddiiba ay sharci dajiyayaal noqdeen. Ciddii dawlad sheeganaysa dimoqoraadiyad iyo dastuur ay qoratay ku biirtana waa cid riddo ku biirtay, oo diinta allena iibsatay ama ka siibatay!

Marka hore Dastuur ama xeer ama dokuminti qoran waa lagama maarmaan kaasoo qeexaya Astaanta iyo xuduudda dalka, sida dalka lagu maamulaya, awoodaha kala duwan sida madaxda loo dooranayo, xuquuqda mudaawinka iwm. Dastuurka waxa Islaami ka dhigi kara ama ka saari kara waa haddii ay ku jiraan qodobbo sharciga Islaamka kasoo horjeeda ama wax sharciga xaraan ku ah lagu xalaaleeynayo. Wadamo badan oo dunida muslimka ka mid ah dastuurkooda waxaa la sheegaa in shareecada islaamka sal u tahay hadana waxaa wadamaadi ka jira qodobo shareecada ka hor imaanaya. Inta badan islaamiyiinta wadamadaa ku nool waxay u arki jireen intaasi gaalnimo tahay dawlad caynkaa ahna aan lagu biiri karin waxaase markii danbe khibraddu bartay in halkii bannaanka laga joogi lahaa ay ka haboon tahay in baarlamaannadaa la galo oo hadiba wixii laga sixi karo gudaha laga saxo iyadoo taasina looga dayanayo sidii Nabi Yuusuf SC uu ula shaqaynayey boqor aan diinta islaamka waqtigaa haysan iyo iyadoo laga duulayao qaacida ah in shartana la yareeyo, khayrkana la kordhiyo intii hadba la karo.

Dabcan waxaa jira kooxo islaamiyiin ah oo laga tiro badan yahay qaarkoodna fikirkan qaldan kasoo laabteen oo aaminsanaa in xoog lagu badalo nidaamyada ka jira dunida muslimka kuwaasoo qaraxyo ka samayn jiray Masar iyo meelo la mid ah. Inkastoo iyaga sidaa la qumanayd hadana ugu yaraan ma aysan gaalaysin jirin ama qarax la beegsan jirin islaamiyinta kale ee baarlamaannadaa gasha ee aaminsanayd in gudaha si tartiib ah wax looga bedelo inay ka qumanayd in dalka qaraxyo iyo dagaal sokeeye laga rido oo tan danbe ay ka khatar iyo fidno badnayd.

Haatan dawladda Soomaaliyeed waxay goaansatay oo golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo madaxweynuhu waxay ansixiyeen ku dhaqanka shareecada islaamka, hadana shabaab weli waxay taagan yihiin inay riddo yihiin ama gaaloobeen mar hadiiba ay baarlamaanka weli ku jiraan raggii embagati iwm tan uu muujinaysa in arintu soo dhaaftay diin oo qura ee ay isu badashay koox iyada kaigeed isu aragta inay diinta wakiil ka tahay oo magaca Eebbe ku hadasha, ciddii ajandaheeda ka hor timaadana ay dagaal ku qaadayso ama dhiig xalaalaysanayso!

Kitaakba:

Kitaabka Alle Waa dastuukeena wuxuu halkudhig qarniyadii danbe aad usoo caan baxay oo ay billaabeen xarakada ikhwaanul musliminka ee uu aas aasay Xasan Albannaa, hadana sida ay haatan u dhigayaan shabaabka iyo ragga la hal maala waa mid xarfi ah waxaa laga dhigayaa in quraanku sidiisa uu yahay u ku yahay dastuur islaami ah, dawladda muslimka ahna aysan u baahnayn inay qoroto wax dastuur ah haba ahaado mid ku qotoma quraankee. Waxaan shaki lahayn inuu quraanku ka gudo ballaaran yahay dastuur dawlo oo ku hadlayo waxyaalo badan oo aan dastuurka qusayn.

Dhanka kale kama hadlo tafiishiisa sida dad meel gaar ah degan u dhaqmayaan oo wax badan waxay u taalla in dadkaa mjusliminta ah samaystaan xeerar u gaar ah. Masalan dhirta inaan la xaalafin karin iyo cidda loo ogol yahay inay jarto iyo waqtiga iyo tirade la jarayo waa mid ku imaanaysa wixii laga xeerto ee lagu heshiiso ee ma ah wax sideeda quraanka ugu qoran. Taani waa mid aa du yar waxaaswe badan waxyaalo kale oo ay ka mid tahay cidda madaxda loo dooranayosida loo dooranayo iyo salaaxiyadka madaxdaasi iyo barnaamijyada xukuumada intuba waa kuwa ijtihaad ku qotoma badankooda.

Kitaabka qaadashadiisu waa in waxyaalaha ku cad quraanka ee aan tafsiirkooda culimada isku qaban sideeda loo qaato iyadoo weliba hadana ay jirto axkaam kale oo ay ka mid tahay mafsado iyo maslaxo oo keenaysa mararka qaar in dib lo dhiga waxyaalaha qaar sida Cumar bin khidabba u dib dhigay sanadkii gaajada inuu tuugada gacanta ka gooyo iyadoo ay tahay nas cad gacan ka gonyta tuugga. Wixi culimada tafsiirkooda isku qabtaan iyo sida loo kala rajaxayo waxaa ay noqonaysaa in wax laga qaato oo dasturka ama xeerarka lagu qorto sidii raajix loo arko. Wixii aan diintu horey si toos ahuga hadlin ama musliiinta iijtihaadkooda loo daayayna waa in xeerar laga qortaa iyadoo taasina aysan macnaheeda ahayn in Alle lagu qabaday xaakimiyadii sida masalan dhulka beeraha iyo degaanka ee la bixinayo yaa bixinaya meeqaase lagu gadayaa waa arrin u taala dawladda iwm.

Dimoqoraadiyadda

Waxay ku sheegeen tanina inay gaalnimo tahay si duubduub ah waxaase u baahan si hoose loo eego tan. Haddii bulshada muslimka ku heshiiso in dastuurkeeda iyo xeerarkeeda aan marna lagu darsan karin wax shareecada islaamka kasoo hor jeeda. Maxaa gaalnimada keenaya markaa? Hadiise dastuurka islaami mid ah laga dhigo maxaa diidaya in cidda xilka dalka qabanaysa loo baratamo iyo barnaamijka siyaasaded ee dalka ku maamulayso. Shacaku miyuusan awood u lahayn inuu madaxdiisa doorto ama iska casilo haddii ay u  cuntami waayaan? Hadiise qaa bka doorasooyinka dimoqoraadiyadda la diido sideebay rabaan in kooxaha musliminta eek ala ijtihaadka duwan balse shareecada islaamka guud ahaan isku waafaqsan talada dalka ugu baratamaan? Ma xoog iyo xabbad baa xilka lagula kala wareegayaa sida habdhaqanka muslmiinta ka muuqatay tan iyo waqtigi umawiyiinta? Ma jirto halkan wax jawaab cad ama macqul ah oo ay u hayaan  arrinta shabaabka iyo kooxaha la halmaara ilaa iyo haddana ma aysan caddayn wax aan ka ahayn ninkii xoog badan oo talada dalka si nabad ah lagu xallin karo qabashada iyo ka degistaba.

Shanta qodob ee diin ka baxa ee Isbahaysiga;

Waxaa jira bayaan ay ugu magac dareen (( )) oo kusoo baxay bogga shabaabka oo la sheegay inay haya sharciya soo saartay balse aan la sheegin xubnaha iyo madaxa hayaddaas midna, kuna qoran afka carabiga, sidoo kalana aysan caddayn in shabaabka Soomaaliya qoreen iyo inuu kasoo baxay kooxo kale oo xiriir la leh sida ku saxiixan bayaanka oo ah  .

Bayaanku wuxuu sheegayaa shan qodob oo diinta looga baxo oo Isbahaysiga dib o xorayntu  ku dhacay waa intii Isbahaysigu midaysnaayeene.

  1. Waxay xiriir la samaysteen gaalada mar haddii ay dastuurka Isbahaysiga ee cilmaaniga ah ay ku xuseen in ay qadiyadda Soomaaliyeed ka difaaci doonaan goloyaasha caalamiga ah  taasoo muujinaysa inaysan wax ka qabin la fariisadka ama wax ku darsiga ururrada gaalada ee la qabta dareenkooda wadaniga ah.
  2. Galista daacada nasaarada iyo u gardhigashada ururrada Qaramada midoobay taasoo iyana gaalnimo ah!
  3. DiintaDimoqoraadiyadda oo ay galeen kuna badasheen diinta ilaahay.
  4. Inay xeerarka caalmiga ah aqbaleen una xukun tagayaan
  5. Ka qaybgalka ay golaha baarlamaanka ee kufriga ah ay ka qayb galayaan.

Qodobadan marka aad eegto iyo khudbooyinka shabaabka waxaa kuu soo baxaya arrimo qatartooda leh. Waxay gaalnimo ama diin ka bax u arkaan la fariisadka ama ku biirasta ururrada caalamiga ah sida Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka dalalka Muslimka, Qaramada Midobay iyo  ururrada kale ee caalamiga  ah ee ay Soomaaliya xubin ka ahayd.

Dastuurrada ka jira dunida muslimka waqtigan xaadirka ah oo aan badankood kuwada salaysnayn shareecada islaamka basle magac ahaan la xuso in shareecadu ka mid tahay ilaha sharci dajinta iyo goloyaasha dalalkasi u taliyo  iyo dimoqoraadiyadda ka jirta haddiiba la  helo ayay u arkaan gaalnimo, ciddii ku biirtana ay dhiig xalaalaysanayaan sidii ay ugu adkaysanayeen in raggii maxkamadaha ka tirsanaa ee ku biiray baarlamaanka DFKMG ah inay ridoobeenna waa mid muuqatay oo ilaa iyo hadda ay mawqifkaa ku adkaysanayaan xittaa  haddii la ansxiyey in shareecada islaamka la qaato qodob kasta oo ka hor imaanayana dasturka laga saaro.

Ugu danbayn qatarka fikirkani leeyahay waa in uusan ogolayn in cid kale oo culimada muslimiinta ka mid ah xaq  u leedahay in ijtihaadka ku khilaafto. Sida ay u fasirayaan diinta ama u qiimaynayaan xaaladaha maanta dunida ka jira iyo sida loola tacaamulayo  duruufaha jira waxay ka dhigayaan inay tahay kama danbays iyo sidii Allaah amray inay tahay iyaguna wakiil uga yihiin. Culimo kasta oo ku khilaafta fasirka aayadaha iyo qiimaynta daruufaha jirana uma arkaan kuwa ka saxsanan kara ama ka aqoon  iyo khibrad badnaan kara ee waxay u arkayaan kuwa diinta allaah khilaafay ama aan daacad u ahayn ama camiil noqday. Waxaan ahayn kaligeey wakiilka Alle iyo ciidankiisa, inta iga aragti duwan ee muslimiinta kale iyo  xittaa xarakaadka islaamiyiinta iyo culimada kalana waa ama cadaw ilaahay ama kuwa diinta qiyaamay oo ka been sheegaya waa arrin qatarteeda leh una eg fikirkii khawaarijta ama dawlado diimeedkii waqti Yurub ka jiri jiray ee ay iska dul qaadeen.

Fikirka shabaab mid u dhaw waxaa qabay jamaacadka Masar kuwa kamid ah oo muddo ka dibna muraajacayey, qirtayna in wax badan ka qaldanaayeen. Waxaa fiicanayd inay culimada kale ee Soomaaliyeed talada wax kaga ogolaadaan oo fatwooyinkodana dhagaystaan maadaama ay diinta kaga aqoon badan yihiin, damac kurisina uusan hayn  culimadiisa. Waxaa qumanayd inaysan fikirka jihaadka caalamiga ah oo culimada Soomaliyeed iyo shacabkuba diyar u ahayn ku san dullayn oo aysan ka hor marin culimadooda iyo shacabkoda fikirka iyo danaha ururrada alqaacida iyo  kuwa la hal maala.

Waa fiicnaan lahayd intii aan xeero iyo fandhaal kala dhicin inay shacabkooda iyo culimada Soomaliyeed u dhaga nuglaadaan intii ay ku qasbi lahaayeen dagaal sokeeye iyo mid caalami ah oo aysan shacabka Soomaliyeed ka bixi karin.

Saadaalintayda ma muuqata inay sahal ku yeeli doonaan tan waxaanan cabsi ka qabaa in khilaaf ka dhex dillaci doono dhexdooda ama iyaga iyo xisbul islaam oo ay is iskugu jabhad yihiin haatan. Waxaa kaloo ay badi doonaan shacabka Soomaaliyeed ee awalba rafaadiyeed dagaalladii sokeeye, dagaalla kale oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa sokeeye.

Culimada Soomaaliyeed waxaa looga fahdiyaa inay dood furan iyo  mid hooseba la galaan afkaarta shabaabka oo u caqli celiyaan waa intaasoo in badani ku qanacdo inaysan xaqiiqada kaligood ixtikaaraan ama qumanayn sida ay haatan u fekeryaan. Shacabka Soomaliyeedna waa inay u muujiyaan raggan inaysan qaadan karin in dagaal caalami ah lugta loo galiyo oo iyagii oo gaajo la liicaya hayadaha caalamiga ahna deeq ka sugaya aan lagu qasbin inay gacanta kalena kula diriraan. 

Abdulkadir Abdi
xogta@garasho.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: