SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Naga gaar allow shaahid iyo shaakir baad tahaye !!

Turki iyo shabaab cumar imaan nugu shabbaaxaaya
shilke inay ridaan hoobiyiyo shiddo un mooyaane
haddaan inay dabcaan laga shinseyn quusna lugu sheegay
shisheeyihiina uu kaabayoo sheedda naga joogo

Xasan daahir sheybkaan lahaa wuu shakinayaaye
cumar xaashi shuruggii caydiid shiine kuwi joogey
ee shaqo un doonaayey ee soo shiraacanayey
shikeetiyo asmara shiimanguus shaambikiyo iidi
hadduu shaaqi afaweerke uun talo ku soo sheemay

Shariif baan dulqaad iyo lahaa diin ku shaac noqoye
hadduu iyadi shilin siistay ee sheexi kari waayey
oo uu sharwade baadhamiyo shawa u ooyaayey
shahaadada la dirirkiyo haddeer shiriyey beeshiisa

duulkaan dhammaan wada shuboo waalli ku shirkoobay
sheybaar la geeyana la hayn sheega cudurkooda
cid kaloon shafeec kaba sugaa waa shin aan dhalane

iyagiyo wixii shaabbahee shar ahe soo raaca
lafaheenna bay shidanayeen shubena dhuuxiiye
maantana shireystoo baddii keenya sharafeene
shuf inay ka siiyaan dadkey gebi ku shawreene
haddey shiish rasaas iyo waxan sharaba ay haynin
shisheeyaha inaan megensanney nugu shuqeeyeene

shakuurow ilaaheenniyow shaaric baad tahaye
shimbirikii abraha soo dirtaa sharaca hiilkeeda
ama meelan shuufeyn haddeer nooga shabisaaba
shaqaalahaagu way badanyihiin kuuna sheegannaye
naga gaar allow shaahid iyo shaakir baad tahaye !!

Ali Jeyte 
bartilmaameed@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: