SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

ABBAANDUULEYAALKA DOWLADDA MIDNIMO QARAN

"Baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badane 
Oon doonihayn inaad heshana daa’in abidkaaye 
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne" 
(Qamaan Bulxan Yusuf: Dabuub


Kowda hore bal aan Soomaalida dib ugu soo nooleeyo, magacyo xasuustoodii laga dilay; magacyo hoos ku taxan: dembiileyaal aan, sinaba, ugu dhigmi kareynin Abaanduulihii Weynaa ee Jihaadkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid (RC), iyo wax loo oqoonsan karaba, 'xildhibaan qaran' ahaan:

Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cabdi Qeybdiid, Cabdiwaal, Maxamed Dheere, Cali Maxamed Geeddi,  Cumar Xaashi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Prof. Ibbi, Gacmadheere, … iyo qaar kalee badan.

Sanadkii Maroodiga (570 CD), sida ciidamadii Abraha al-Ashram ba ay Kacbadii ugu duuleen, ayay Diseember 2006, ciidamada Woyanne-ha Itoobiyana ugu soo duuleen caasimaddii Soomaaliya. Raggaas aan kor ku soo carrbabbaabay, iyo dad iyaga la garaad ahaa, ayaa qabay faafinta Islaamka, tilmaamaha toolmoon ee Islaamka, Masaajiyada Islmaamka, heybadda Muslimiinta, iyo geesiyaalka Soomaaliya, in lagaba tirtiro Geeska Afrika. Run ahaan, sidaas arrimuhu waaba ay u muuqdeen. Kolkiise Soomaalidii loogu baaqay in ay qaatan Waraaqo Aqoonsi, sida dhaafiye Itoobiyaan ah...iwm.; giiryaale [fulay] badan ayaa rabay in la iska qaato; waayo dhalankooda ama sinjigooda ayaa aad ula liidtay.

Khaalid Bin Waliid (RC), hadduu gaal ahaa, iyo hadduu Muslim ahaaba, labaddaraadle, waxa uu ahaa: geesi aan dirkiisa ka faanin, iyo saajac iyo abbaanduule cadawga Ilaahay u xoog weynaa. Wasiir Ku-sheegga Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Sheekh Janaqow, maleha, Kutubbada Tigreega ama kuwa gaalada kaleba, ayuu ka soo daliishaday in dagaalooge noqon: Muslim wanaagsan, kaas oo welibana la barbardhigi karo Khaalid Bin Waliid. Haddii dabadhilifyadaas ay Muslim yihiin iyo haddii kaleba, kolley anigu shaki weyn ayaa iiga jira; bal iska daa' wax kale e, xataa SOOMAALINNIMADOODA. Haddiise loo maarmi waayaa in Dagaalooge cid kale lagu misaalo, -- allaylee, sida ay aniga ila tahay, ciddaas waa munaafaq ama waa Sheydhaan uun.

Weerarka iyo wararka gaaladaba, warka Sheekh Janaqow oo kale ayaa iiga sii daran. Cadaaladda Allaah ayaan ka magansanayaa dagaal oogeyaalkaas oo kale, iyo garsoorka Wasiir runta ka iisha, iyo calmaani ii ammaana ama ii cafiya ba dembiileyaal weliba halis ah -- GACAN-KU-DHIIGLEYAAL HEER QARAN!

 A. M. Yusuf  
wayeel@operamail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: