SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"Haddii Aynu 200nm Sheeganno, Baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia" Ra'iisul Wasaaraha DFKMG


Warbixin-Washington DC: RW Gaas oo ku barriiqday su'aalo Sharciga Law. No 37 ee Badda Soomaaliya laga weydiiyeya--Shirkii  cashasharafta RW C/weli M.C. Gaas.

Shirkii casha sharafta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC, Virginia iyo Maryland ay ku soo dhoweynayeen Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli M.C. Gaas, ayaa qabsoomay habeenimadii Sabtidu soo geleysey (December 17, 2011).

RW Gaas waxa uu dadweynihii halkaa isugu yimid u jeediyey khudbad, isagoo ka hadlay barnaamijka 'Road Map' ee dhawaan lagu soo unkay Shirkii Wadatashiga ee dhowaan Muqdisho lagu qabtay. Hase ahaatee Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/weli Gaas ayaa ka booday qodobka looga gol lahaa Shirkii Wadatashiga, qodobkaas oo ah dib u soo noolaynta muran la geliyo xad-badeedka Soomaaliya oo sannaddii 1972-dii dawladdii markaasi Soomaaliya ka talianaysay ka gudbisay Sharciga 37 (law.No 37), sharcigaas oo dhigaya in xad badeedka (territorial sea) ee Soomaaliya inuu yahay 200nm (nautical miles, mayl-badeed.)

Muwaaddiniin Soomaaliyeed ayaa weydiiyey RW Gaas waxa uu uga hadli waayey qodobka khuseeya Law no 37, iyo weliba waxa ku xambaaraya xukuumaddiisu inay arrintaa faragashato, si markaasi loogo takhaluso sharcigaas (Law no 37) ee muhiimka ah oo ah sharciga la mari waayey, iyadoo horay uu ugu fashilmay raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid inuu meel mariyo heeshiiskii Kenya ay la gashay TFG ee MOU.

RW Gaas su'aalihii ku saabsanaa xadka badda Soomaaliya uu weydiiyey Cabdiraxman Warsame, oo meesha loogu caga jugleeyey, microphone-kana loo oggolaaday isqaqabsi kadib ayaa RW Gaas wuuxi kaga jawaabey, "...Haddii Aynu 200nm sheeganno, baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia," sidaas waxa ku jawaabey RW Cabdiweli MC Gaas. Jawaabtan oo dad badan ka caraysiisay, Intaa wixii ka dambeeyayna shirkii lagu kala dareeray.

Warbixintan oo dhamaystiran la soco....

Investigative Journalist
Mohamud Ahmed
Email: maash68@gmail.com

Dublomaasiyad Soomaaliyeed oo kusugan dalka faransiiska ayaa sheegtay "Ragga raba in biyaha Soomaaliya la cabiro waa dadkan aan aniga la joogo oo aan dalkooda ku noolahay ee martida u ahay (Faransiiska), ayaga ayaa si toos ah markii ay Ramadaankii ka hor wasaaradda Arrimaha dibadda igu qaabileen si cad iigu sheegay arrintaas." Akhri/Dhegeysi

Dhanka kale ra'iisul wasaaraha DFKMG oo Sept 17, 2011 ayaa yiri "Waxaa loogu baahan yahay (in kumeel gaarka laga baxo) sababtoo ah dawlad dhab ah ma ahin, xiriir laba-dhinac ah (Bilateral ah) amase xiriir lama geli karno waddama qaarkood. Sababtoo ah ma ah in sidii dawlad "permanent" (DHEGEYSO).


Fogaanta xagga badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Hindiya, marka toos looga cabiro Google Earth, waxay noqonaysaa in kabadan 2,700 km oo u dhiganta 1500 nautical mile.

Arbacadii (September 14, 2011) shirkii Qaramaada Midoobey ka yiri Madaxa Golaha Ammaanka ee UN (ahna Hindi) hadalkaas oo ah "Waa in Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ay fuliso qodobada habraaca (Roadmap-ka shirkii muqdisho)". Qodobada ay tahay in la fuliyo asagoo ka hadlaydeyna waxa uu ku daray waa in la sameeyo "cabirka xuduudeeda badda ee aagga ganacsiga Soomaaliya (demarcation of exclusive economic zone)," ayuu yiri Madaxweynaha Golaha Ammaanka, ahna wakiilka dalka Hindiya u fadhiya UN-ka, Hardeep Singh Puri.

"Haddii Aynu 200nm Sheeganno, Baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia"... RW Gaas...

Sida qoraallo badan lagu xusay, badda muranka la gelinayo waa badweynta Hindiya ee baaxadda weyn leh.

September 17, 2011 Idaacadda Codka Maraynka ee VOA ayaa oo waraysi la yeelatey ra'iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas oo ku sugnaa Washington (Virginia) waxa ay weydiisey su'aal ahayd in uu Qarammada Midoobey u ballan qaaday in ay fulinayaan Roadmap-ka, waxa uu ku jawaabey "Khasab ayey nagu tahay in aan ka baxno Transitional-ka, 10 sano ayaan ku jirnaa Transition. Maxaa loogu baahan yahay in Kumeel-gaarka (transitional-ka) loogu gudbo? Waxaa loogu baahan yahay sababtoo ah dawlad dhab ah ma ahin, xiriir laba-dhinac ah (Bilateral ah) amase xiriir lama geli karno waddama qaarkood. Sababtoo ah ma ah in sidii dawlad "permanent". Xataa adduunka haddii aynaan ka helin mucaawanada aan u baahanahay annaga Soomaali ahaan ayey khasab nagu tahay in aan ka baxno waxa aanu ku jirno oo aanu noqono dawlad dhab ah oo dalkeeda iyo dadkeeda gaarsiin karta horumar dhan walba ah ama dhalka ijtimaaciga, dhaqaalaha iyo dhanka siyaasaddaba. Marka roadmap-ka in aan ka dhabaynaa danteena ayaa ku jirta, ma ah wax nalaku khasbaayo, annaga Soomaali ahaan ayaa dani noogu jirtaa.." (DHEGEYSO).

Roadmap-ka waxaa ku qoran in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqo cabirka badda Soomaaliya oo ah EEZ, taas oo lagu baabi'inaayo sharcigii badda Soomaaliya u dhignaa 40-ka sano.

Faafin: SomaliTalk.com | September 17, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: