SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

June 6, 2013 - Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-

1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.

3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Phone: +252 (0) 616 44 00 28

### dhammaad ###

LIFAAQ: SOMALITALK.COM

Bahda somaliTalk.com waxay umadda Soomaaliyeed la qaybsanaayaan sidaan ugu faraxsanahay go'aankaas ka soo baxay dawladda Soomaaliya, waana go'aankii ugu wanaagsanaa ee ay dawlad Soomaaliyeed qaadatay 22-sano kaddib, waana ugu hambalyaynyaa ummada Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta haystaan dawlad ayaga (Soomaalida) maatasha, una dhaga nugul shacabka Soomaaliyeed. Waana guul ummadda Soomaaliyeed oo dhan usoo hoyatay.

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelidda arrintan, ee usoo jeedey difaaca dalka 22kii sano ee burburka, noocay noqotoba ha noqotee ka qayb qaatay dalka Soomaaliyeed inaan lagu soo xad gudbin xornimadiisa.

  • Qodobkan waa mid lagu diirsaday: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

Dunida waxaa dawlad lagu qadariyaa sida shacabkeedu u taageeraan, mar haddii dawladdu ogolaatay wixii shacabku dalbanayey ee la xirira badda Soomaaliya cabbirkeeda, waxaa muhiim ah in shacabkuna taageeraan dawladda si loo gaaro nabad waarta oo camirta dhammaan dhulka Soomaalidu degto, lagana wada shaqeeyo sidii laga bilaabo maanta looga wada shaqayn lahaa.


Shirkii golaha wasiirada ee June 6, 2013

Libaaxyadii Afrika soo rogaal celiye. Dawladdda Soomaaliya waxaa lagu yiqiiney geesiyaal aan gorodda hoos u rogan oo adduunka wax la qaybsada. Sharciga Law no. 37 waxaa 1972 la sameeyey asagoo juhdi iyo geesinimo ay u gashay dawladdii Soomaaliyeed ee xilligaas, waxaana farxad leh in dawladdii rasmiga ahayd ee xigtey ee maanta ka jirta Soomaliya ay tooshkii halkii ka sii qaaday marka laag hadlayo badda Soomaaliya, kuna dadaalayso in aan xeerkaas badda Soomaaliya ee dhigaya 200 TERRITORIAL Waters ah laga war wareegin.

Tallaabada xigta: (In dastuurka Qaranka Lagu qoro Law no. 37)

Tallaada xigta ee aan arrintan ku darsanayno, ee dhiman, waxay tahay in Xeer Dastuuri ah oo Baarlamaani ah laga dhigo qodobada uu xambaarsan yahay Go'aankan golaha wasiiradda Soomaaliya ee ku aadan badda Soomaaliya ee soo baxay June 6, 2013, si xukuumad iyo dawlad kasta oo Soomaaliyeed ee mustaqbalka timaada ay halkaas uga ambaqaado, dhaxalkaasi u jiro - si aan muran dambe la gelin badda Soomaaliyeed.

Arrintaas in ay ku dhaqaaqaan ayaan ku dhiiri gelinaynaa baarlamaanka Soomaaliyeed.

Hab-raaca arrintaas loo marayo wuxuu noqon karaa:

1.In baarlamaanku soo saaro xeer ku qoran Dastuurka Qaranka (sida dalka Peru oo si aan baddiisa oo ah 200 mayl-badeed oo (Maritime Domain) aan muran loo gelin, xeerkiisa badda ku qoray Dastuurkiisa) - xeerkaas dastuuriga Soomaaliyeed oo noqonaya mid qeexaya sida ku soo baxday Go'aanka Golaha Wasiirada ee ahaa (Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed....)

2. In markaas "Xeerkaas Dastuuriga ah" baarlamaanku u gudbiyaan madaxweynaha si uu u saxiixo, kuna soo saaro FAAFINTA RASMIGA ah ee dawladda.

3. Kaddib in Golaha fulinta (Ra'iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiiradu) ay go'aankaas oo rasmi ah, oo TIXRAAC DAWLADEED leh, u gudbiyaan Safaaradda Soomaaliya ee New York.

4. In markaas Safaaradda Soomaalidu ay  Qaramada Midoobey la socodsiiso xeerka Law no.37 oo ahaa sharci soo jirey Afartan sano, horena ugu jirey websiteka Qaramada Midoobey, haddana uu ka  mid noqoday qodobadda Dastuurka Qaran, kana dalbadaan sidaas (Update ahaan) lagu soo saaro website Golaha Qaramada Midoobay, si uu noqo dhaxal gal tixraac rasmi ah.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in ay arrintaas ku taageeraan Dawladda Soomaaliyeed, kuna dhiiri geliyaan si ay uga mira dhaliyaan. Gaar ahaan dhiiri geliyaan baarlamaanka Soomaaliyeed in uu arrintan hirgeliyo. Guul insha Allah.

Faafin: SomaliTalk.com |  June 6, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

somalia map