w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print



Bismilaahi Raxmaani Raxiim 

Aafada Badgariirka Aduunka Waa Mid Mudan Ku Cibra Qaadasho


Burburkii badgariirka ee degmada Xaafuun
Sawirka Dec 30, 04 | WFP

Xaafuun oo biyo qariyeen guryihii | Sawirka waxaa qaaday WFP December 30, 2004

Waxay ka koobnaan doontaa Faaladeenu

  • Dhacdooyinka  inaan loo celin asbaabta ee loo Celiyo Sababaha
  • Inaan xasuusnaano in wax kasta oo koonkaan ka dhacaya ay ku socdaan Qadar
  • In dhibaatooyinka  dhacaa ay ka yimaadaan Dunuubta aadanahu galayo
  • Inay dhibaatooyinku noqon karaan imtixaan iyo is taba tus
  • In lagu xasuusan karo dhacdadaan Qiyaamaaha oo siduu u dhacayo Quraanku noo sheegay.
  • Mucjisooyinka lagu arkay aafadii bad-gariirka
  • Dhibaatooyinka aafada bad-gariirka kasoo gaarey Soomaaliya

Arar 

Waxaa aduunka ka dhacay Asbuucii ina soo dhaafay  dhacdo Taariikhi ah, oo ka fajicisay kuwii joogay iyo kuwii maqlayba, taasoo nooceeda inta aan maqashiisoonahay aan horay loo arag, taasoo sababtay dhimasho, dhaawac iyo bara kac aan lasoo koobi Karin in la qiyaaso ma’ahan e, ilaa hadana tirida dhimashadu aad u soo badanayso maalinba maalinta ka danbaysa, arintaan oo dharbaaxo ku noqotay dowlado isku tirinayey inay ku hor mareen xaga aqoonta Cilmiga casriga ah iyo Saadaasha Cirka, Bada iyo dhulkaba oo aqoontii ay sheeganayeen ay banjartay oo ay ogaan waayeen badgariirkaan soosocda si ay uga gaashaantaan, taasina marag u tahay Aadanaha tabar yaraantiisa  iyo inaan waxba laga siin cilmiga qaybka.

Asbaabta inaan loo celin dhacdooyinka ee loo Celiyo Sababaha

Badanaa aadanuhu wuxuu dhacdooyinka u celiyaa sababo ay markaas indhahoodu qabanayaan ama aqoontoodu gaar siisan tahay, ama qiyaas laga qiyaas qaadanayo dhacdooyin hore oo taas la mida sida inta badan la yiraahdo, dhulbaa dilaacay, biyaa is hardiyey volcanic-aya qarxay dhagax ayaa circa ka soo dhacay, diyaarad/Markaba iyo gaari baa burburay oo wax baa ka xumaa iwm. Intaas oo dhan waa sababo dhacdooyinka lagu arkay amaba loo maleeyey, hadaba su’aasha meesha ku jirta waxat tahay “Masababtaan u celinaa dhacdooyinka mise Cidii sababtay oo Alaah ah?!”.

Su’aashaan Jawaabteeda waxaan ka dhigaynaa Xadiis Nabiga (scw) uu ka wariyey Zayd Binu Khaalid ilaahay ha ka raali noqdee oo ay soo saareen Bukhaari iyo Muslim wuxuu yiri “Waxaa natujiyey anaga Rasuulkii ilaahay (scw)  Salaad Subax  Xudaybiya iyadoo roob da’ay  habeenkaas, Markuu salaadii kabaxay ayuu dadka soo qaabilay wuxuuna yiri: Magaranaysaan waxa Rabigiin yiri?, waxay yiraahdeen Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: (rasuulku scw) wuxuu yiri (Alle sw): Waxaa waabariistay Adoomadayda Qaar i rumaysan iyo qaar igu gaaloobay, Cidii Tiraahda Waxaa nalagu roobeeyey ilaahay fadligiisa iyo Naxariistiisa waa kuwa i rumeeyey ku gaaloobay Xiddiga, qofkii yiraahda waxaa naloo roobeeyey Xiddiga hebel iyo hebel ah (dartiis) kaasi waa igu gaaloobay wuxuu rumeeyey Xiddiga."

Waxaan ujeednaa xadiiska saxiixa ah sida uu cadyahay uusana u baahnayn sharax dheeri ah, hadaan wax yar ka ishaaro sababta keentay gaalnimada, in raxmadii iyo naxariistii ilaahay ugu deeqay uunkiisa  loo leexiyey lana siiyey cidaan lahayn taasoo ah xidig ka mida makhluuqa ilaahay, waxaan kaloo ognahay  in xidigisku yahay cilimul Falak, kasoo ah qayb kawaramid diinteenuna ay naga reebtay, Masii dhex galayno xiddigiska waayo mowduuceena ma’ahayn, waxaan se ku gaab sanaynaa  xadiiska sharaxiisa hadal uu ka yiri xadiiskan sharafta leh, Imaamul Qurdhubi isagoo sharxaya xadiiskaan “carabi waxay ahayd Islaamka ka hor mid hadii xidig kasoo baxo dhica bariga midna u dhaco dhinaca galbeedka tiraahda waxaa imaanaya roob ama dabayl…. Arintaasna dhamaan waxaa reebay shaarica inaan cidina rumaynin wixii ay rumays naayeen, aana la shabihin hadalkoodii”.

Hadaba muxuu yahay calaaqada xadiiska kala dhexaysa bad gariirka, waa iska cadahay sida raxmada iyo naxariista alle u qadaray ayaa uu u qadaray aafooyinka kala duwan, loomana tiirin karo cidaan isaga ahayn, sabab tay doontoba ha ku dhacdee sababtana waxaa keenay Sababaha oo Allaah ah SW.

Inaan xasuusnaano in wax kasta oo koonkaan ka dhacaya ay ku socdaan Qadar.

Waxaa kamida Tiirarka iimaanka ee lixda ah inaan rumayno Qadarta Khayr keeda iyo sharteedaba, waxa ka dhacaya koonkaana ilaahay baa qadaray waa hore, waxay ku qorantahay Lowxul Maxfuud, inaga dahsoon, waana waajib inaan rumayno, ilaahayna wax kasta wuxuu uyeelay qadar wuxuusan qadarina maba dhacayaan qofkii shakiya amaba beeniyana waa ku gaaloobayaa, Nabiguna waa inooga digay inaan qadarta beenino waxaana kusoo gaabsanaynaa hadiis marfuuc ah uu Nabiga (scw) ka warinayo Anas Binu Maalik ilaahay ha ka raali noqdee "Umadayda waxaan uga baqayaa gadaashay laba arimood Inay beeniyaan Qadarta iyo Inay rumeeyaan Xiddigiska" Waxaa wariyey abuu yaclaa iyo Ibn Cadiye, waxaana waa xasan yiri Suyuudi.

Hadaba waa inaan ku qanacnaa ilaahay iyo Nabigiisa xagooda waxa inooga yimid ee waxyi ah waana inaan ka duwanaanaa dadka gaalada ah ee aan qadarta rumaysnayn, wax kasta oo dhacana sabab kale uyeela.

In dhibaatooyinka  dhacaa ay ka yimaadaan Dunuubta aadanahu galayo

Waxaa ka dhaca dunida guud keeda wax yaabo badan oo isugu jira shar iyo khayr, aadana dunida guud keeda saarana waa danbi badan yahay, waana ka leexasho badan yahay wadadii loogu tala galay, sidaa daraadeed ilaahay wuxuu ku ciqaabaa danbiyaday galeen daraadood iyadoo inbadana loo cafiyey, sida ilaahay quraankiisa ku leeyahay "Musiibo idinkuma dhacdo illaa waa waxaad gacmihiina ku shaqaysateen, in badana waa la idiin cafiyey" aayadaa waxaa ku cad in waxa nagu dhacaya ay yihiin waxaan shaqaysanay iyadoo walibana Alle  raxmadiisa daraadeed uusan u qaban badanaa danbiga aadanuhu galayo, aayad kale illaahay wuxuu leeyahay "wixii ku asiiba oo wanaaga xaga Alle ayey ka yimaadeen, wixii ku asiiba oo xumaanana naftaada ayey ka yimaadeen".

Waxaa noo cad inaan dunuubteena ay sabab u tahay dhibaatooyin badan oo aynaan qaadi karin, waxaana marag madoonto ah inta badan dhibaatada inay ka dhacday xeebaha oo goobaha ugu fisiqa badan iyo walibana xiliga lagu jiro oo ah xili ay gaaladu u dabaal dagaan ciidahooda baadilka ah sida:Ciida Kiristaanka  iyo mida Sanadka cusub oo dad badan oo Islaam ah ay iyana Fisqi ugu dabaal dagaan iyagoo ku magacaabaya soo dhawayn sanadka cusub, siiba dadka jooga dhulalka gaalada oo ay ugu horeeyaan kuwii wadankeena soo rogay (fanaaniin) laakiin se ah Ducaatu abwaabu jahanama, kuwa taagan albaadada Jahanama oo dadka ku casumaya, sameeyana fisiqi badan, waxaana lawada soconaa xeebaha Thailand, Indonesia, India, Srilanka  wixii fisqi ka dhacayey xiliga dhibaatadu dhacday iyo in la layahay kumanaan dalxiis ah oo halkaas kusugnaa xiligaas, hadaba waa saas oo ilaahay u naxariistay sidii aan horay usoo maray, waxaa laga yaabaa in markiiba ay madaxaaga kusoo dhacdo maxay sameeyeen reer Soomaaliya, waa su'aal meesha ku jirta, jawaabta oo koobana waxaan ka helaynaa Quraanka kariimka ilaahay wuxuu yiri "Kabaqa fitno aan ku dhacayn kuwa idinka midka ah oo dulmiga  sameeyey kaligood" Maadaama dhulalka dhibaatadu ka dhacday ay Muslimiin u badan yihiin anagana aan Muslimiinta ka midnahay, waxaan soo galaynaa aayadaas.

Hadaan nahay Soomaalina arintaan tusaala yaal badan ugama baahnin maadaama dulmigii (dilkii culimada, ladagaalankii diinta, dilkii guud ee shacabka, Sinadii, Xarigii, Laaluushii, Dhacii hantii qaranka, tii shakhsiga, Xumaantii Jaziira & iwm) ay gaysteen dad  inaga mida uu ina camimay dhamaanteen eelkii siina aan ilaa hada la dhud go'nahay (gagabsanahay) oo ay ka soo wareegtay mudo dheer, gaal iyo muslina wax ina afgarta lalayahay. Waxaa kaloo sii xoojinaya fahamka selefkii suubanaa aragtida ay ka qabeen marka ay dhacdo tanoo kale, sida laga wariyey Amiirul Muminiinkii Labaad Cumar Ibn Khidaab ilaahay ha ka raali noqdee, inuu inta Minbarka iska taagay yiri uma dhicin aafadaan illaa danbi aan galay anigu ama idinku gasheen ma'ahan, dadkana toobad ugu baaqay.

Inay dhibaatooyinku noqon karaan imtixaan iyo is taba tus

Dhibaatooyinka qaar baa noqonkara imtixaan  iyo istaba tus, banii'aadamka lagu imtixaanayo si ay ugu cibra qaataan, waxayna noqonaysaa cidii kusabirta imtixaanka mid la ajarsiiyo, waxaana arintaan inoo koobayada aayadan Qur'aanka ah "Waxaan ku imtixaanaynaa shay kamida Cabsi, Gaajo, Xoolha, Nafta iyo Beeraha oo laga Nusqaamiyo(laga baabi'iyo) u bishaaree kuwa sabra." Suurat Al-Baqarah Aayada 155.

 Waxaa ku cad aayadaan in la is imtixaanayo ajar wayna loogu bishaareeyey kuwa sabra balaayo markay haleeshokadib, miyey san se noqon karin in ilaahay Muslimiinta si khaasa u imtixaanayo maadaama ay dhibkaan iyagu ugu badan yihiin oo ilaa hada qiyaastii ay ka dhinteen 100,000 wax kabadan in ilaahay tusayo in dhimashu aysan meel jirin ee ay Diintooda u istaagaan oo soo ceshadaan sharaftoodii halka ay maanta ka noq deen (Sadexdii Dibi iyo Libaaxii) hadana Dibi uu cunay Libaaxii midna dhaawac yahay. Hadaba hadaan nahay Muslimiinta guud ahaan Masiibadu ku dhacday gaar ahaana Soomaali madanbi la'in oo waxaan wada og nahay ayaan samaynay guud ahaan, hadana waxaan u rajaynaynaa dadka aafadu ku dhacday in illaahay imtixaan iyo danbi dhaaf uga dhigo, kana dhigo kuwa ku sabra aafada naf iyo maalba leh ee ku habsatay dad badan oo quutul yoon kooda la xarbinayey, inana ilaahay ha inooga dhigo ku cibraqaadasho.

In lagu xasuusan karo dhacdadaan Qiyaamaaha oo siduu u dhacayo Quraanku noo sheegay.

Quraanka iyo Sunadaba waxaa ku soo arooray meelo badan in Qiyaamo dhacayo aduunkuna gaba gaboobayo, waxaana aad loogu celceliyey Qiyaamaha iyo magac yadiisa iyo sida uu u dhacayo, taasoo Muslimuuntu aysan isku khilaafin qofkii beeniya ama shakiyana uu gaaloobayo, hadaba maxaan usoo qaadanay cinwaankan ah in Badgariirkan lagu xasuusan karo Qiyaamaha, waxaan lasoconaa wiigii lasoo dhaafay in hal mar caalamku is qabsaday baroor iyo sawaxan, kadib markii hal mar badu ooda soo goosatay, taasoo sababtay dhimasho siimaraysa Rubac Malyuun qofood oo naf waayey iyo Malaayiin barakcay iyo tiro aan xad lahayn oo dhaawac ah, halka qaar kalana meel lagu sheego lagaran la'yahay ilaahada, Aafadaan oo illaahay awoodiisa gaartay meelo aad u kala fog xaga deegaanka dhulka sida Aasiya iyo bariga afrika iyadoo isku magac wadatahadaba miyaan lagu xasuusan karin Qiyaamaha, markii qof walba uu naftiisa lacaray si uu ubad baado uuna ilaaway wixii ka danbeeyey ee dad uu jeclaa ahaa sida aad ka arkayso warbaahinta qof leh anaa ka haray reerkayagii, miyaanse lagu xasuusan karin marka aad aragto meel shalay magaalo ahayd oo camirayd maantana ay ka hareen daad xoor, miyaanse lagu xasuusan karin dhimashada intaa leeg oo halka mar ka  dhacday qayb wayn oo aduunka kamida, maydkiina  lakala guri la'ayahay ilaa hada.

Waxaas oo dhan waxaa inoo soo koobaya Suuradaan, ilaahay uga sheekaynayo sida qiyaamahu u dhici doono iyo argagaxa ku dhici doona aadanaha qof walbana inuu heli doono wuxuu shaqaystay khayr iyo sharba.

"Marka dhulka la gilgilo. Dhulkuna soo bixiyo culayskiisii (wixii ku aasnaa). Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay. Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda. Maxaayeelay Eebaa u waxyooday. Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaan camalkooda. Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki. Kiise wax yar oo shar ah fala wuu arki." Suutadda Az-Zalzalah.

Ugu danbaytii waxaa inala gudboon inaan ku waano qaado dhacdooynka indhaheenu qabanayaan ee waawayn aana xasuus-naano maalintii ay timaado runtu iyo Qiyaamaha naloo sheegay inaan cid kasta oo hadda awood sheeganaysa markaas soo gurmanayn nin walbana ay tiisii haysato, walow cid wax qabsan karta aysan jirin, hadana ay inala gudboon tahay inaan toobad keeno oo illaahay barino.

Waxaan ugu baaqaynaa hadaan nahay bahda SomaliTalk.com dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay walaalahooda Muslimka ah ee aan lahayd dowlad iyo hay'ad u gurmata toona (dowlada cusub wali waxay joogtaa Nairobi mana howl bilaabin) inaad u fidisaan gacan walaal nino oo dag dag ah walaalihiina Soomaaliya ku aafoobay, barnaamijkan loogu tala galayna aad ka qayb qaadataan cidna uma maqna ceelana uma qodna. Waxaan umahad celinaynaa dhamaan dadka nagala qayb qaatay barnaamijkaan oo ay ugu horayso Culimadu iyo Xawaaladaha aan Soomaali ilaawi doonin kaalintay maanta  kasoo baxeen, waxaan idinka rajaynaynaa inaan khayrka u kala hormari doono, taariikhna reebi doono.

Mucjisooyinka lagu arkay aafadii bad-gariirka

Inta aynaan u gudbin qaybta Mucjisooyinka lagu arkay Aafada Bad-gariirka ee ka dhacday Badweynta Hindiya, gaara haan sida Allah u badbaadiyye Masaajidyada, waxaan idin xusuusineynaa in aad wixii aad awoodaan ugu deeqdaan walaalihiina Soomaaliya aafadani ku wax yeelaysan, kuwas oo lagu qiyaasay 50,000 oo qof oo ku barakacay.. Mucjisooyinka... Guji....


Email: aafadabg@somalitalk.com
Web: www.Somalitalk.com/aafadabg

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD