SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - C/RISAAQ XAAJI XUSEEN

Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya!

WARAYSIGII C/RISAAQ XAAJI XUSEEN EE SOMALISTAR

"Culayska dawladaha caalamku saaro qabqablayaasha kooxaha Soomaaliya ayey ku xiran tahay rajada shirku Eldoret inuu guulaysto"

Waraysigii SomaliStar | somalistar1@yahoo.com 

crisaaq CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Faafin: November 7, 2002

Sida aan la socono waxaa shirka ka socda Eldoret/Kenya lagu casumay siyaasiin Soomaaliyeed oo ruugcadaaya oo dibadaha ku nool, iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo iyaguna sidoo kale ku nool dibadaha. Hadaba dadkaas shirka lagu casumay waxaa ka mid ah ra’iisulwasaarihii hore ee dawladii rayidka ee Soomaaliya [14 Jun 1964 - 15 Jul 1967] mudane C/risaaq Xaaji Xusseen. Intii uusan shirka u soo amba bixin ayaa wargayska Somalistar usuuro gashay inuu waraysi la yeesho mudane C/risaaq Xaaji Xusseen. Waraysigiina wuxuu udhacay sidatan.

Somalistar: Mudane C/risaaq waakan shirkii qaybtii koowaad la soo gabagabeeyey,adna hadaad usocotaa shirka Eldoret sow xili dambe maaha,maxaadse hada ka doonaysaa shirka?.

C/risaaq Xaaji: Waa runtaa oo shirka qaybtiisii hore waa la soo gabagabeeyey guulbaana ilaa hada laga gaaray oo waa iyada heshiiyo dhowra lagu saxiixay,laakiin shirki qaybihiisii kale hadaa la gudagalayaa. Haday noqon lahayd dhismihii dawlada iyo hanti isu celin iyo dib uheshiisiin iyo hawlihii ugu muhiimsanaa ayaa hada iyo wixii ka dambeeya la gudagalayaa. Mida aad tiri maxaad hada ugu socotaa shirka Eldoret daahida xaga qolada shirka qababqaabinaysa maaha oo runtii waxaa martiqaadka la ii soo gaarsiiyey markii uu shirku bilowday marar ku dhowdhow.Waxaase jirta hawlo aniga ii gaara ayaan ku daahay oo aan sugayey inta ay iiga dhamaanayeen oo safarkayga ku saabsan .

Somalistar: Waxaad sheegtay inaad casuumaad ka heshay shirka,hadaba yaad ka heshay casuumadaas?.

C/risaaq Xaaji: Aniga martiqaadka waxaan ka helay ururka midowga Yurub ,oo nin ka wakiila ayaana isoo gaarsiiyey.

Somalistar: Maadama shirkaanu uu ka duwan yahay shirarkii hore marka laga fiiriyo tirade kooxihii is-hayey oo marakan dhamaantood ay ka soo wada qayb galeen,rajo intee le’eg ayaad ka qabtaa in dawladi halkaas ka dhalato oo lagu heshiiyo?.

C/risaaq Xaaji: Waxay horta ku xiran tahay sida hadba shirka loo dedejiyo oo laysuguna afgarto,talaabada kaloo hada la qaadayo waa dhismo gudiyo, gudi walbana arimaha loo xilsaarayaa inay soo darsaan oo rayi ka keenaan.Talaabadaas labaad markii ay soo dhamaato ayaa loo gudbayaa horta dhismihii dawlada .Inkastoo marka loo fiirsho shirarkii hore ee hore udhacay,hadana waxaan isleeyahay hadii shirkani ay si fiican cadaadis usaaraan dawladaha Yurub oo hada aad udanaynaya arimaha shirka in lagu dhiso dawlad, dhaqaalaha shirkana haatan iyagu bixinaya inta badan, markawaxaan oran lahaa rajadaydu waxay ku xiran tahay sida ay ugu qasbaan in wax fiican ka soo baxaan shirka dawladahaas reer Yurub waana rajeynayaa insha allaah in wax ay ku farxan dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay ka soo baxaan.

Somalistar: Mudane C/risaaq sida aad la socoto goboladii waqooyi ee Soomaaliya waa kuwa shirka ka maqan ilaa hada,hadaba ma la oran karaa waxaa suurowda in aqoonsi ay helaan oo koonfurta uun dawlad loo dhiso sidaasna ay ku baa’bado wadajirkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed?

C/risaaq Xaaji: Anigu shakhsiyan maqnaanta ay walaalaheen reer waqooyi shirka ka maqan yihiin inay culays la maqan yihiin,oo soomaalida meesha fadhida uu culays ka maqan yahay,laakiin hadii laga hadlayo midnimadii iyo qaranimadii Soomaaliya jiritaankeedii waxa ay tahay ilaa hada dawladaha danaynaya arinamaha Soomaalida ama dawladaha reer galbeedka waxay weli adkaynayaan midnimadii Soomaalida. Waxaan hada maqsuud ka ahay heshiiskii ugu horeeyey ee hada shirka ka soo baxay in qodobadii hada bilowgaba lagu heshiiyey inuu ku jiro qodob taabanaya midnimada ummada Soomaaliyeed inay muqadas lama taabtaana tahay.Waana arin runtii ubaahan in si weyn loogu fiirsado oo si taxadar leh loola socda loogana wada hadlo walaalaheen reer waqooyi. 

Somalistar: Waxaa jirta in khilaaf shirka ka dheliyey gudi aad adiguba ka mid tahay oo la yiri waxay la talinayaan hawlwadeenada shirka,ama dawladaha shirka daadihinaya.Hadaba waxaa si bareer ah arintaa uga horyimid golaha lagu magaaco SRRC maxaad arintaas kala socotaa ood nooga sheegi kartaa?. 

C/risaaq Xaaji: Waa jirtaa warkaasi oo sida idinkuba aad umaqasheen ayaan ana umaqlay, bilxaqiiqatan nimankaas SRRC la leeyahay, haba sii kala dardaraadeene, nimankaas qabqablayaasha ah waxay gudigaas u arkeen niman dhabarkooda fadhiya oo awoodooda ama sida ay iyagu isu arkayaan wax ka naaqusinaya ama dhimaya awoodooda. Marka waan maqlay haba kala daraadeene balse kuligood xasaasi bay ka noqdeen. 

Somalistar: Sida la sheegayo ergooyinka shirka waxaa ka mida ururada bulshada,door intee le'eg ayey ka qaadan karaan shirka ayey kula tahay ururada bulshadu shirkan? 

C/risaaq Xaaji: Horta in ururada bulshada laga marti galiyo shirarka dhaqan ahaan waxay bilaabatay shirkii Jabuuti,oo dadka qaar lagu magacaabay ururada bulshada oo nooc walaba leh. Aqoonyahan, culimaa'udiin, dumar, dhalinyaro. Shirkan waxaa la yiri waxaa la casumay ergooyin dhan 300 oo ergo.Tiradaas laba boqol iyo saa'id waxaa la siiyey hogaamiyaasha kooxaha,marka waxa usoo haray ururada bulshada qaybaheeda kala duwan waa wax uun aad uyar.Shirkaan ilaa hada ma maqal kalin weyn oo ay kaga jiraan shirka,badanaa waxaa la soo hadalqaadaa qabqablayaasha dagaalka.Waxaan maqlay shirkan heshiiskii dhawaan la gaaray waxaa la yiri ururada bulshada oo dhan marka laysku daro heshiiskii hal aqof ayaa usaxiixay,halka qabqablayaasha dagaalka uu qofwalba uu saxiixay heshiiskaas,taasi waxay ku tusaysaa in ay daciif tahay roolka ay shirka ku leeyihiin ururada bulshadu.Aniguna waxaanba qabaa dadkaani inay yihiin kuwa maanta Soomaaliya samatabixin kara maadaa aan iyagu la oran karin waa xukun doon,markaas ilaa hada ma maqal rool fiican oo ay shirka ku leeyihiin say ku noqotayna ma aqaan kuse deg degi maayo. 

MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda

RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdirisaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

Somalistar:Ma la orankaraa qaabkii lagu soo xulay ururada bulshada ayaan ahayn qaab markii horeba ahaa midaan dheeli tirayn oo ay qabqablayaasha dagaalku soo xusheen cidii ayagu rabeen?

C/risaaq Xaaji: Waa su'aal fiican ,runtii waxbaa ka jira baa la oran karaa nimankan qabqablayaasha ayaa soo xushay baad moodaa dadkan ururada bulshada,qabqablayaashuna waxaad moodaa inay markii horeba soo xusheen dad iyaga udhaganugul oo aan figradooda ka hor imaanayn,waana taas baa la oran karaa mida keentay in kaalintooda shirka ay ururada bulshadu ku leeyihiin ay noqoto mid aad unugul.

Somalistar:Qodobadii shirka qaybtiisa koowaad lagu heshiiyey waxaa ku jiray qodob oranaya in laga dhiso Soomaaliya dawlada federaal ah,hadal hayntaan federaalka intii dagaalada sokeeye ay istaageen meelaha qar aad baa looga hadal hayey.Hadaba maadaama aad tahay siyaasi Soomaaliyeed dadka qaarkiina ay kugu xantaan inaad aad uga soo herjeedo figrada federaalka maxaad ka oran lahayd ?.

C/rsiaaq Xaaji:Arintaan la leeyahay Soomalaya halaga dhigo nidaamka federaalka ah,horta maadaama lasyku raacay anigu hada waxba kama qabo wax dad isku raacay.Laakiin waxaa su'aashu ka imanaysaa,imisa gobol baa horta udiyaara ama doonaya marka horeba. Taasaa horta keeni doonta shido hor leh baan isleeyahay.Nidaamkan ma naqaan hadaanu nahay Soomaali,waxaanu aragnay dawlada nidamkan haysta oo ku horumaray waxaa marka suurowda in dadka Soomalaiyeed ay is leeyihiin anana waan ku dhaqmi karaa. Marka uhoreeya waa inaynu ogaano ummada Soomaalidu waa dad yar dhulkeedu ha weynaado waxaanse aniga qiyaastayda isleeyahay tirada dadka Soomalaiyeed waa inta udhaxaysa shanmilyan ilaa lixmalyan weeye.Marka lixmalyan oo dada wax loo qaybiyo uumi muuqato.Inskasto haatan lagu heshiiyey oo dadku wax kaleba aysan marakan umuuqan,hada hadaad ufiirsato gobolwalba dad hayb leh baa degan.maskaxda haatan jirtana waxaa weeye hadaan anigu ahay qof Soomaali oo ku dhashay gobol kale oo aan rabo inaan dego oo goblkaas kale oon dagayo dadka degan ama sheeganaya xuquuqda ay leeyihiin oo leh siyaaso iyo wax kastaba ah inaan helo,ma helayaa bay kula tahay arintaas hadaad ufiirsato caqliga meesha yaala maanta.Anigu ma qabo gobolkasta qabiil baa isugu haraya arintii qaabiilaysigana waa sii kobcaysaa qofkii Soomaali ah oo gobol kale ka yimaadana wuxuu u'ekaanayaa qof ajnabi ah,waa surowdaa inuu nabadgelyo ku halo ama ganacsi ka samaysto balse wax kaloo xuquuqa oo quman ma yeelan karo baan umalaynayaa.

Ufiirso dalalka federaalka ku dhaqma sida maraykanka oo kale anoo degan gobolka Minnesota ayaan degayaa oo uguurayaa goobol kale sida Ohio oo kale hadaan doonana waan iska soo sharaxyaa,waxay ku xiran tahay sida aan dadka gobolkaas degan aad uqanciso,tusaale kale ufiirso reer Bushka hada talada haya oo hada degan Texas waxay asalkoodii deganyeen gobolka Connecticut haatana waa iyaga gobolkaas ka soo galay.Anaga Soomaalida waxay arintaas keeni kartaa dhibaato tusaale ninka qabqablaha ka ah gobolkaas haday ufuli waydo siyaaso isaga ugaara inuu ku hanjabo hadaan sidaas la ii yeelin waa goosanayaa gobolkaygu iyo wax lamida waxay noqon doontaa qaab haduu rabo uu ku gorgortamo qofkii hadba gobolka markaas haystaa uu ku gorgortamo. Barnaamijkaan waxaa wada dawlado ajnabi ah oo dano gaara ka leh siiba dawlada Itoobiya , waxaan qabaa arintaani waa qoqob lagu samaynayo ummada Soomaaliyeed waana inay ku baraarugaan oo ka fiirsadaan. Waxa kaliya oo lagu xakamayn karaa waa ayadoo dastuurka lagu qoro in nina uusan iskiis ugoosan karin gobol oo shuruuda culculus loo sameeyaa si aan dalka loo kala goyn dawladaha danaha gaarka ah ka lehna aysan dantoodu aysan ugu hirgalin. 

Somalistar: Ugu dambayn maxaad kula dardaarmi lahayd dadka Soomalaiyeed ee ku nool dibada ama gudahaba oo shirka uhanqantaagaya waxa ka soo bixi doona, qaarkoodna aadba moodo inay rajaba ka quusteen in shirarka la qabto aysan wax mira dhala ka soo bixin?. 

C/risaaq Xaaji: Ugu horayn waxaan kula dardaarmayaa dadka qurbaha kunool hadaad qurbaha deganayd mudo ood qaarkiin moodaba inay iyagu dhulkan leeyihiin siday isu siiyeen.Ugu horayn qof kasta oo Soomaali ah qurbaha meelaad ka joogtaba waa inaad dareensanaataa in dhulkaagii hooyo ee Soomaaliya meel dunida kuu badali karta aysan jirin, meel kasta ood dunida ka joogto ogsoonow taas oo ku baraarug.Marka labaad waxaan leeyahay dalka meesha kaliya ee laga badbaadin karo oo wax laga tari karo waa qurbaha waayo dadka qurbuhu dhaqaala ahaan wax waad utari kartaan aqoon ahaana wax baan dalkii utari kartaan waana idinka dadka weliba aan unisbaynayo inaysan markan xukun doon ahayn oo dalka maskax fiyow ku badbaadin kara.Hadaba meeshaad beri ku noqon lahayn oo ubadkaaga dib ugu celin lahayd waa inaad hada wax ka qabataa oo qof waliba dalka uu joogo uu ku dadaalaa siduumadaxda dalkaas uga dhaadhicin lahaa sidii wax loogu qaban kari lahaa Soomaaliya.Waa in wax kasta  ood uqaban karto dalkaagii hooyo uqabato,shirkan waa inaad indhaha ku haysaan oo aad niyada khayr usheegtaan oo wanaag ka rajeysaan in shirkani ka soo baxaan. 

Waa inaad culays ku saartaan dalalaka aad joogtaan in shirkani dawladaha aad la joogtaan inaad dareensiisaan in shirkani najaxo inay dan utahay ummada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka. Dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku noolna waxaan ka rejeynayaa inay iyagu noqdaan ubucda hirgalisa wixii wanaaga ee shirka ka soo baxa ku dirqiya kooxaha inay heshiiyaan oo hubka dhigaan soona celiyaan wanaagii iyo walaalnimadii iyo deris wanaagii dhex ooli jiray dadka Soomaaliyeed meelay joogaanba.

Waraysigan kala xiriir: somalistar1@yahoo.com 

-dhammaad-

.. ELDORET: Taxanaha Wararka  

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH