SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ALWAQAAR


Email: alwaqaar@hotmail.com
Sh. Axmed Cabdi Samad wuxuu ka mid yahay Culimada Soomaaliyeed ee lagu bartay toosinta iyo jihaynta wanaagsan ee ummada Soomaaliyeed markasta u soogudbiyo. Waxaa intaa u dheer inuu ka midyahay Culimada fara ku tiriska ah ee ummadda Soomaaliyeed qalinka kula hadla.


Kala sooca Soomaalida iyo isu soo celinteeda  Q-1aad- Q-2aad

Sh. Axmed C/samad 
alwaqaar@hotmail.com
 

Ummaduhu waxay baadi goobaan waxyaabo dadkooda mideeya ama isu soo dhaweeya oo ay saldhig uga dhigaan wadajirkooda iyo adkaynta xiriirkooda. Dawladaha danaynaya inay wax wada qabsadaan laftoodu kuma kaaftoomaan wax wada qabsi kaliya ee waxay xiriirkooda u raadiyaan falsafad ay ku adkeeyaan oo noqon karta isir, diin, af, dhaqan, midab, deegaan, dano ay wadaagaan, xiriir soo jireen ah, cadaw ay wadaagaan … iwm, ilaa ay arrintu ka gaartay in la isku xigtaysto adaa i gumaysan jiray ama qolo heblaa ina wada gumaysan jirtay!, waxaana la sameeyay ururo caynkaas ku dhisan, sida: Commonwealth-ka Ingiriiska oo ay ku wada jiraan dawladihii uu gumaysan jiray iyo kan kale loo yaqaan Farankafooniyada ee kulmiya Faransiis iyo intuu gumaysan jiray.

Soomaalida waxaa Rabbi ku galladaystay wax kastoo dad mideeya ama isu soo dhaweeya, umana baahna inay baarbaaraan wax isu soo duma, ee kaliya waxay baahi u qabaan inay ka faa’iidaystaan midnimada buuxda ee Alle ku mannaystay, ayna dhidibada u sii aasaan, waxaase muuqata inay Soomaalidu u baahdeen ama cadawgoodu u baahiyay inay helaan waxyaabo kala fogeeya oo is nacsiiya, taasina waxay keentay in la wiiqo walxihii midaynayay, lana unko waxyaabo la isaga horkeeni karo ama lagu kala googoyn karo oo waliba xiiso iyo xamaas badan loo hayo, ayna ku baaqaan, una doodaan dad magacyo waaweyn leh.

Tilmaamaha loo unkay ama loo cuskaday kala sooca:

Waxaa jira tilmaamo badan oo dadkeenu leeyahay oo aan cilmi ahaan iyo caqli ahaan toona loogu kala gayn Karin dad walaalo ah, isla markaana loo cuskaday kala faquuqa bulshadeena, sida: qabiilooyinka laga kala dhashay, midabada dadku kala leeyihiin ama lahjadaha af Soomaaliga ee ay ku kala hadlaan. Waxaa kaloo jira tilmaamo aan sal iyo raad lahayn oo la inoo soo dhoofiyay ama loo unkay in dadkeena lagu kala fogeeyo. Noocay doonaanba ha ahaadeene tilmaamahaas waxaa Soomaalidu ka dhalisay dhawaansho (walaa’) iyo fogaansho (baraa’) aan diinteena sal ku lahayn, kana hor imaanaya danaheena adduun iyo aakhiro, isla markaana u adeegaya danaha cadawgeena. Haddaba waxaynu soo qaadaynaa qaar ka mid ah tilmaamahaas kuwa u muuqaalka dheer, waxaana ka mid ah:

1. Xagga muuqaalka waxaa Soomaali loo qeybshay Jareer iyo Jileec oo xambaarasan yasid, fogayn iyo cuqdad. Tilmaamahaan waa abuur Alle, mana keenayaan in ummadda muslimiinta ah lagu kala sooco, waxaase Soomaali ka dhigatay ama looga dhigay wax lagu kala fogeeyo. Axkaamta diinteena iyo, dhaqankii Rasuulkeena (scw) iyo asxaabtiisa waxaa ku cad in aan mid carbeed wax dheerayn mid cajami ah, mid casina wax dheerayn mid madaw cabsida Alle mooyee. Waxaa la yiri: Abuubakar waa sayidkeenii, wuxuuna xoreeyay sayidkeena (Bilaal).

2. Xagga lahjadahana waxaa la noqday Maay iyo Maxaa tiri. Iyada oo aysan luqadaha iyo lahjaduhu ahayn wax ummadaha lagu kala sooco, haddana faraqa u dhexeeya labadaan kalmadood waa xarafka ( X ) oo aysan Soomaalida qaarkeed ku dhawaaqin oo qur ah. Tan kale ma jiro shacab ama qabiil kulligi hal lahjad ku wada hadla, waxaana tusaale u ah in aysan isku lahjad ahayn labada daamood ee Hargeysa ama G/kacyo ama B/weyne ama Muqdisho, sidoo kale lahjadda Maay-gu isku mid ma ahee waa tobanaan. 

Haddaba in lagu qoro distuur ku sheeg Soomaaliyeed in luqadaha dalku ay yihiin Maay iyo Maxaa tiri ma tusayso wax aan ahayn dad meel walba ka walaaloobay oo loo xoqxoqayo wax lagu kala faquuqo, mana ka jirto dunida dawlad aanu shacabkeedu lahayn luqado ama lahjado badan, dawladna laguma qoro distuurkeeda in afkeedu yahay intaasoo lahjadood ee waa albaab la ina ku furay oo keeni doona in magaalo kasta ama xaafad walba distoorka loogu qoro inay leedahay af u gaar ah.

3. Xagga midabka: Gibil cad iyo (Gibil madaw!). Mar haddii qeyb lagu suntay midab, inta kalena midab ka duwan bay ku suntanaan. Soomaalida gibilka cad ma jiro oday ay ka wada farcameen oo Nabi Nuux ka sokeeya, sidoo kale kuwa gibilka madawna lama hayo aabbe hebel la dhohoo mideeya. Waxaan kaloo sheegnay in aan Cadde wax dheerayn Madoobe, madoobena waa sidoo kale ee waxa qur ah ee lagu kala qiime badan yahay waa cabsida Alle.

4. Xagga deegaanka: Woqooyi iyo Koonfur oo ku dhisan sidii gumaystayaashu u qeybsadeen gabal dalkeenna ka mid ah, illaase waxaa jira S/galbeed, Jibbuuti iyo NFD oo iyana noqon kara dhammaystirka qeybinta deegaan. In dad walaalo ah yeeshaan deegaano kala duwan iskeed ceeb uma aha ee waxa qaldani waa in walaalaha lagu kala geeyo ama lagu dhiso sokeeyenimo iyo shisheeyenimo. 

Qaladkaan waa kan ka yeersiiyay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Soomaalida in wiilka Hargeysa ku dhashay ay Adis ababa uga dhawdahay Muqdisho!. Waxaa ila quman in aynu ku fasirno hadalkaan dhawaanshaha masaafada dhulka, oo dhab ahaan Hargeysa marka fogaanta dhulka la eego Adisababaa uga dhow Muqdisho, isagana waxaa ku quman inuu garto haddii dhawaanshaha dhulka la isku kala xigo inay Adis ababa xagga fogaanta dhulka uga dhawdahay Makka iyo Madiinaba!.

5. Xagga dawladaha ku meelgaarka ah iyo maamulada qeybaha dalka: waxaa caado noqotay markastoo dawlad la soo dhiso in ay dhaliso qeybsan hor leh oo kala geeya dad awal dhalasho ahaan ama siyaasad ahaan isugu duubnaa, kala qeybsankaas oo aan ku ekayn afka ee inta badan isu badala dagaal iyo colaad aan raadkeedu harin xataa haddii ay burburto dawladdii awal darteed la isu dilay. Waxaa intaa dheer tusaale ahaan sida aynaan marna u arag madaxda dawladaha ku meelgaarka ah oo booqanaya Hargeysa halka ay maalin walba ku sii diibaynayaan Adis ababa, mise waxay wada aaminsan yihiin in qolo walba ay Adis ababa uga dhawdahay Soomaalida kale, sidii uu ninkii siyaasiga ahaa ee aan soo sheegayba u yiri ee iyagu way ka af gobaadanayaan?. 

6. Waxaa iyana aad uga qeyb qaata kala fogaanshaha dadkeena maamulada ka jira qaybo ka mid ah dalweynaha Soomaaliyeed, sida kuwa S/land iyo P/land[1] oo isku qabsiga dhulku uu dhexdhigo dadka walaalaha ah colaad iyo kala fogaansho. Ka doodi maayo jiritaanka maamuladaas ee waxaan ka hadlayaa kaalinta ay ku leeyihiin kala fogaynta iyo kala qoqobista bulshada walaalaha ah.

Waxaa wax lala fajaco ah ciidamada faraha badan ee isku horfadhiya deeganada labadaas maamul isku haystaan, iyadoo aysan jirin wax askar ah oo u sii jeeda dhinaca xuduud beenaadka ay labadaas maamul la leeyihiin Xabashida!. Waxaa taa ka yaab badan sida aysan maamuladaasi ugu soo jeedin xoraynta dadkooda Xabashidu haysato oo aynu hubno inay labada maamulba ku jiraan kuwo badan oo dhulkaa la haysto ku dhashay, walina waalidkood iyo walaalohood gacanta Xabashida ku jiraan.

Tan kale ragga isku dilaya xoraynta Sool iyo Sanaag!, oo la ogyahay labada maamul kay ka mid noqdaanba inay kala dhaxayso diin, dhalasho, xididnimo, dal iyo darisnimo waxaa is weydiin leh sababta ay ugu hormari waayeen xoraynta kuwa ay isku jifada yihiin ee Xabashidu gumaysanayso, dadkaas oo aysan jirin wax xiriir ah (oo aan colaad ahayn) oo kala dhexeeya Xabashida?!.

7. Xagga xaqiraadda: Sab iyo Soomaali ama Bilis iyo Boon oo iyadu ah xaqiraad aan tafsiir kale lahayn, isla markaana tilmaamaysa jahli iyo xadgudub ka dheeraad ah in muslimiinta lagu kala sooco waxaan Alle jidayn. Waa kala sooc aan is iri: malaha shaydaanbaa faaliye u waxyooday ama habar waalan baa ku riyootay!

8. Xagga dhalashada: Qabiilooyin, Jilibyo, Jifooyin iwm, oo ka soo bilaabata magac guud, kuna dhammaata bah hebla iyo bah hebla ama hebel iyo hebel, taas oo ninna uusan ka waayayn meel uu dadka ka kala jabiyo. Shucuubta iyo qabiilooyinku waa nicmo Ilaahay ina ku galladaystay, ujeeddada laga leeyahayna ay ahayd in aynu isku aqoonsano, waxaase ayaandarro ah in aynu nicmadii Alle ina siiyay u siticmaalno si xun oo aynu u badalno mushkilad iyo musiibo aan xal lahayn, isla markaana nin kasta oo doona inuu shacabkaan dhibo uu uga soo xaluusho; si uu isugu diro ama sharkuu u wado hiil ugaga helo, ilaa xaalku gaaray in Baadariga gaalaysiinaya ama ciidanka ku soo duulay uu sheegto haybtooda oo ay sidaa ku difaacaan!. 

9. Xagga walaa’ga (xiriirka): Ingiriis iyo Talyaani oo bulshada Soomaaliyeed isku kala xigtaysato, qolo kastana ay is xijiso kuwii deegaankooda gumaysan jiray, Soomaalida kalena ay ka xigsato kuwii la isla gumaysan jiray. Taa waxaa caddaynaya markii rag siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka mid ah ku soo bandhigeen shirkii Kenya Soomaalida loogu qabtay in afka Talyaaniga lagu daro afafka rasmiga ah ee dawladda, markii laga diidayna qaar shirka isaga bexeen. Waxaa kaloo taa sii adkaynaya in aysan Koonfurnimada iyo Woqooyinimadu cuskanayn dhalasho ama xiriir kale oo dadka la is raacshay ay isagaga dhaw yihiin Soomaalida kale oo aan ahayn in ay isku qolo wada gumaysan jirtay.


[1] Waa mid ka mid ah barakada federalka la soo wado, kumana koobnaan doonto halkane Somaali oo dhan ayaa reer reer iyo gobol gobol isu qabsandoonta haddii waddadaas lagu sii socdo.

Sh. Axmed C/samad 
alwaqaar@hotmail.com
 


Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kala sooca Soomaalida iyo isu soo celinteeda   Q-2aad

 Maqaal kale oo xiise leh:   Maxaa la Gudboon Muqaawamada?

Muqdisho Shalay iyo Maanta: Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS