SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ALWAQAAR


Email: alwaqaar@hotmail.com
Sh. Axmed Cabdi Samad wuxuu ka mid yahay Culimada Soomaaliyeed ee lagu bartay toosinta iyo jihaynta wanaagsan ee ummada Soomaaliyeed markasta u soogudbiyo. Waxaa intaa u dheer inuu ka midyahay Culimada fara ku tiriska ah ee ummadda Soomaaliyeed qalinka kula hadla.


Kala sooca Soomaalida iyo isu soo celinteeda  Q-1aad Q-2aad

Sh. Axmed C/samad 
alwaqaar@hotmail.com
 

Qeybtii hore ee qormadaan waxaan kaga soo hadalnay sida quruumuhu ugu dadaalaan wax kastoo shacabkooda u midaynaya iyo sida Soomaalidu iyadoo wax kasta ka midaysan ay u baarbaarayso wax kala geeya. Waxaan kaloo tirinay siyaalo kala duwan oo ay isu kala soocaan, walina waxaa inoo sii socda tilmaamaha ay isku kala soocaan ee aan cilmiga iyo caqliga midna ku dhisnayn.

Laandheere iyo Laangaab oo looga jeedo qabiil tiro badan iyo mid ka tiro yar. Tilmaantaan waxay dhinac ka shabbahdaa kala soocii qabiilooyinka iyo jifooyinka oo markastoo hoos loo dago intii isxigtaba way kala badanayaan ilaa labada isku bahda ah kala wiilal bataan!. Waxay kaloo dhinac ka shabbahdaa is yasiddii (Sab iyo Soomaali) oo ninka L/dheeraha ah waa inuu dulmiyo kan L/gaabka ah, haddana waaba la yara hormariyay oo looma ooyaan iyo others baa soo baxay!. Laandheerenimada iyo Laangaabnimadu waxay ka mid yihiin tilmaamaha dadkeena lagu kala faquuqo, isla markaana dhaliya colaadda iyo is nacaybka; sababtoo ah waxaa la isku noqdaa nin qabweyn iyo nin aan u qabin ama qolo is dheeraynaysa iyo qolo isku dhererinaysa!.

Waxaa xusid mudan dadka isku haysta annagaa idinka badan iyo mayee annagaa idinka sidana in dalkoodu ku dhawyahay inuu mardhow cidla ceersi la’ noqdo, mana haysto wax dega, wax ka shaqaysta iyo cid difaacata. Waxaa kaloo yaab leh sida ummadaha dunida intii isku diin ah ama isku isir ahba isu doonanayso; si ay u midoobaan iyo sida Soomaalidu isu sii kala jajabinayso. Waxaa iyana cajab leh in Shiinaha dhawaan la tiriyay oo ay tirokoobkii ka qeybqaateen 11 milyan oo qof, haddaba waa yaabe tolow kuwa la tirinayay intee ahaayeen?!. Haddii laandheerenimo lagu kala tagayase nimanka 11ka milyan tiriyeen may ku kala tagaan. 

Xagga siyaasadda: ururada S S oo aan uga jeedno kuwii siyaasdeed ee cuskanaa qabiilka oo waliba xambaarsan afkaarta iyo mawaaqifta dawladihii ku lug lahaa aasaaskooda iyo taakulayntooda, haba u horrayso Xabashiduye. Urur kasta oo ka mid ah ururadaan wuxuu ku guulaystey in uu qabiilka uu ku abtirsado gooni uga sooco bulshaweynta Soomaaliyeed, uuna uga dhigo cadaw ay tahay inay iska celiyaan, halka Xabashidana uu uga dhigay sokeeye ka xiga Soomaalida, loona baahan yahay in ay isu kaashadaan la dagaalanka Soomaalida kale. Taas waxay keentay in ay Soomaali matalaan ururo siyaasadeed oo mid walba toos ugu xiran yahay Adis ababa, iyagana aysan ka dhexayn wax xiriir ah oo aysan Xabashidu ogayn. Dhab ahaan ururada noocaan ah waxay farac ka yihiin kala soocii dhalasho iyo kii xiriirada shisheeye, waase nooc ka yara qarsoodi badan.

Xagga diinta: ururo diimeedka AL AL oo awal u kacay faafinta diinta iyo hirgalinta shareecada, oo hadda gaaray heer ay isu soo taagaan hoggaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyaga oo laftoodu xambaarsan afkaarta ururo diimeedkii ay ka kala tirsanaayeen ama ka kala shidaalqaadan jireen iyo, xiriirka siyaasadeed ee ay la yeesheen Ereteria oo ay malaha isu gaysay colaadda Xabashidu iyo Xabashida lafteedii oo markii dambe ay qaarkood isku soo dheceen. 

Ururadan aynu ugu magacdarnay AL AL oo lambar muhiim ah ka noqday siyaasadda Soomaalida waxay awal ka midaysnaayeen halkudhegyada iyo islaamka guud ee ay ku baaqayeen, qudhooduse markii dhabtii loo yimid ayaa bulshadu aragtay inay ku kala duwan yihiin wax aysan fahmayn oo ka dheeraad ah ku dhaqankii shareecada ee ay ku wada baaqayeen. Nin ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee ka qeybgashay isbahaysigii dibuxoraynta ayaa la iiga sheegay inuu yiri: waxaan awal isku qabsan jirnay qabyaalad, xukun iyo xoolo, wadaadaduna waxay nagu soo kordhiyeen mid kaloo aanaan garanayn!, way caddahay inay tahay wax uun kale oo kolley dadka lagu kala soocayo oo ay wadaadadu soo kordhiyeen. 

Gartu Ilaah bay taqaane haddii ururadii S S dadka u qeybsheen qabaa’il, kuna kala xireen Ingiriis, Talyaani, Xabashi, Faransiis iwm, qolyaha AL AL-na kama marna in ay koox walba bulshada qaarkeed si gaar ah isugu xirto, ayna ku sii xirto afkaarta urur diimeedyo ka kala jira Masar, Sucuudi, Soodaan iyo meelo ka sii fog fog, oo ay xubno ka yihiin ama ka shiidaal qaataan, asalkuna wuxuu ahaa inay bulshada ku xiraan Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka (scw) oo qur ah. Waxaa kaloo aan yaraysi lahayn qeybsanka ay keeni karaan dawladaha danaha ka leh Soomaaliya ama qolya kale danohood ka fulinaya oo wadaadadii ku kala xirmeen haba u darnaadeen Xabashida iyo Ereteriya’e.

Tilmaamo is burinaya:

Soomaalidu waxay qaadeen jid walba oo muujinaya inay kala duwan yihiin; si ay qolo kasta u hesho tilmaan u gaar ah oo ay isku garato, isugu ficilooto, qayrkeedna uga soocanto. Si tilmaantaas u hirgasho waxaa loo baahan yahay tilmaan kaloo ku lidi ah oo lala baratamo.

In dadkeenii is kala qeybshey waxaa ka yaab badan sida tilmaamaha la isku qeybshay isu burinayaan oo labadii awal tilmaan isku raacday ay haddana labo qoloo kale ugu kala raacayaan tilmaamo kale. Tusaale ahaan: labo qolo oo koonfur wada degan ayaa midba la hayb yahay qolo woqooyi degan ama midba qolo la tilmaan yahay, sida Sabnimada iyo Soomalinimada. Tusaale kale: si kale marka loo dhigo hal qabiil ayaa isku wata todobo sifo, sida: Raxanweyn waa Bilis, Jileec, reer koonfur, ku hadla lahjada May mayga, Talyaani gumaystay, Gibilmadow ah iyo waliba qabiil gaar ah. Tilmaan kasta waxay kula walaal yihiin ama kula col yihiin qeyb Soomaali ka mid ah, Matalan: reer woqooyiga aan la yasin waxay la wadaagaan Jileec, Gibilmadow iyo Bilis!.

Dhinac kale marka laga eego kan lahjadda Maay-ga ku hadla wuxuu u qabaa inay iska xigaan kuwa lahjadda Maxaa tiri ku hadla oo woqooyi iyo koonfur kala degan. Halka kan Jareer-ka ah ee S/galbeed degan uu Jareer-ka koonfureed kaga kalsoon yahay jileeca dariskiisa ah. 

Si kastaba ha ahaatee kala furfurku intaa ku joogsan maayee haddaan dadka Soomaaliyeed inta ay goori goor tahay joojin dhilitaanka ay isku wadaan waxay gaari doonaan in halka qoys afar qolo kala noqdo, tusaale ahaan: waxaa la wadaa qeybinta ragga iyo dumarka oo qoyska labo jabhadood ka dhigaysa. Waxaa kaloo socda in loo qeybiyo dhallinyaro iyo waayeel oo afar ka dhigaysa. Haddaba eeg sida hal qoys u qeybsamayo:

Dhallinyaro-Waayeel
Rag-Wiil-Oday
Dumar-Gabar-Habar

Waa afar khaanadood oo kala xiran oo aan midi mid u gudbi Karin. Wiilka iyo aabbihi ama gabadha iyo hooyadeed waxaa kala geeyay da’da, odayga iyo xaaskiisa ama wiilka iyo walaashiisna waxaa kala kexeeyay jinsiga (lab/ dhadig), odayga iyo gabadhiisa ama habarta iyo wiilkeeduna waxay ku kala bayreen labo labo sifo (da’da iyo jinsiga)!. Maxay kula tahay haddii ay afartoodu ku kala biiraan afar urur diimeed iyo afar urur siyasadeed?.

Ma la joojin karaa kala sooca, dadkii la kala soocayse ma la isu soo celin karaa?.

Jawaabtu waa HAAH oo la hubo, waxaase ka horraysa in la garto baahida loo qabo, in diyaar loo yahay isu soo celinta iyo in si dhab ah loogu dhaqaaqo, iyadoo loo marayo wadooyin munaasib ah. Dadka Soomaaliyeed (iyagoo ka mid ah bahweynta muslimiinta) waa walaalo isku hal jir ah oo isku naf ah, waxaase is garan waayay unugyadii jirka[1] (khalaayaat), dabadeedna is weeraray. Haddaba si la isugu soo celiyo waxay u baahan tahay in la siiyo dawo la isku barayo unugyada is aqoon waayay; si hadda ka dib jirku si dabiici ah isu la falgalo. Haddaba aynu wax uun ka tilmaano dawooyinkaas?:

in dadka la baro diinta, si dhab ahna loogu tarbiyeeyo gaar aahaan walaalnimada islaamka iyo xuquuqdeeda; maxaa yeelay waa waxa ugu adag ee isu haya dadkeena.

in bulshada lagu wacyigaliyo ahmiyadda walaalnimada diimeed ay adduun iyo aakhiroba u leedahay qofka iyo bulshadaba, iyo dhibaatooyinka kala fogaanshaha ummadda.

in si gaar ah farta loogu fiiqo in dad ina ka dhashay oo dano gaarah leh iyo quwado shisheeye oo ujeeddooyin fogfog leh ku lug leeyihiin xaalka taagan, loona baahan yahay in laga feejignaado.

in deeganada iyo qabaa’ilku yeeshaan dood walaalnimo oo la isaga waraysanayo waxa la kala aaminsan yahay, waxa la kala sheeganayo, siyaabaha loo xallin karo, sida looga hortagi karo waxyaalaha dadka isku dira iyo hababka loogu gudbi karo isku kalsooni, is kaashi, midnimo dhab ah iyo walaalnimo buuxda. Waxaa habboon wada xaajoodkaas in aanu noqon mid wax lagu qaybsanayo ee uu ahaado mid la isku fahmayo, laguna walaaloobayo; maxaa yeelay marka wax la qeybsanayo qolo kasta difaac bay galaysaa!.

inay qaadaan tillaabooyin ay ku xoojinayaan walaalnimadooda, sida kala guursiga oo la kordhiyo oo waliba dadka hoggaanka bulshada ah laga bilaabo, sida siyaasiyiinta, salaadiinta, culimada iyo ganacsatada.

in ay dadku isu socdaan oo qolo walba ay barato deegaanada iyo qabaa’ilka kale, gaar ahaan dadka saamaynta ku leh bulshada, sida: abwaanada, culimada, warfidiyeenka iwm oo yeeli kara inay si quman uga warbixiyaan dalka iyo dadka ay soo arkeen. Waxaa taa la mid ah in ardayda jaamacadaha iyo d/sare yeeshaan xiriir, ayna si koox koox ah isu booqdaan xilliyada fasaxa.

in la xoojiyo danaha isku xira bulshada, sida shirkadaha ganacsi iyo kuwa adeegyada ee dalka ka jira oo qeyb weyn ka qaata isku xirka bulshada.

in hay’adaha dacwada iyo kuwa samafalku ka wada hawlgalaan dalkoo dhan, isla markaana xilliyada masiibooyinka dhacan bulshadu isu gurmato meel ay joogtaba.

in hay’adaha waxbarshada iyo warbaahintu xoogsaaraan juqraafiga Soomaaliweyn, aqoonta beelaha Soomaaliyeed iyo taariikhda Soomaalida.

in laga waramo cadawga diinta iyo ummadda, gaar ahaan quruumaha ay bulshada Soomaaliyeed is qabteen, walina is hayaan.

in suugaanta loo adeegsado isku xirka dadkeena iyo tirtirista cuqdadaha ay kala qabaan.

in Ilaahay laga baryo inuu quluubteena isu soo dumo, dhexdeenana uu hagaajiyo.

[1] Waxaa la ii sheegay in magaalada Nairobi nin ku xanuunsaday oo markii la baaray la ogaaday in unugyadii jirkiisu is garan waayeen oo ay dagaalameen, ka dibna lagu daweeyay in la isbaray unugyadii jirka, sida la isu baro jirka iyo xubinta lagu tallaalayo ee qof kale laga keenay!.

Sh. Axmed C/samad 
alwaqaar@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kala sooca Soomalida iyo isu soo celinteeda. Akhri:  Q-1aad

 Maqaal kale oo xiise leh:   Maxaa la Gudboon Muqaawamada?

Muqdisho Shalay iyo Maanta: Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS