www.Somalitalk.com/beder
BEDER - BOOSAASO

www.somalitalk.com/beder 

Macadka, Beder Institute of Education, waa macad wayn oo ku yaalla Soomaaliya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo. Xarunta macadka ee Boosaaso waxaa ay ku taallaa ka soo horjeedka dhanka bari ee shirkadda war isgaarsiinta ee NETCO. Xarunta macaka ee Gaalkacyo waxaa ay ku taallaa ka soo horjeedka guriga gobolka.


Koorsooyinka macadku bixiyo waxaa ka mid ah:-

 

 Magaca Koorsada

. Computer Software Course

. Advanced Quick Course

. Computer Hardware Course

. Advanced HTML Course

. Advanced Network Course

. Computer Accounting Courses

. Advanced Practice Course

. Languages and Science Courses

Maamulaha Macadka

Said Ismail Hassan (Urur)
Tel. 252 5 82 3232
Tel. 252 5 23 6641
Mobile: 252 5 72 6530
Mobile: 252 5 75 6071
Email: bederall@hotmail.com 
Email: bedergal@hotmailcom 
Bosaso, Galkayo
- Somalia -

Warbixinadii Hore ee Machadka Beder - GUJI HALKAN 

Faahfaahinta Koorsooyinka Machadka Beder 

Computer Software Course (koorsada barashada Softwareka computer-ka) waa koorsada ugu horraysa ee ardaygu qaadan koro ayaa ka kooban ilaa iyo 8 prograam oo waxtar leh, kuwaas oo ah prograammadii ugu danbeeyey ee caalamku soo saaro, waa XP oo loola jeedo 2002 iyo wixii ka danbeeya. Inta ardaygu koorsadan ku jiro waxyaabaha la baro waxaa ka mid ah isticmaalka iyo adeegsiga Internetka. Prograammada lagu bixiyo koorsadan waxaa ka mid ah:- 

1. Microsoft Windows XP. oo ah program kasoo jeeda bahda Operating System-ka, oo loogu tala galay in uu kiciyo computerka, isna fahamsiiyo aaladaha kala duwan ee computerku ku shaqaynayo iyo prograammada computerku isticmaalayo. La'aanta Windowsna waxma kuuma suurta galayaan.

2. Microsoft Explorer version 6. waxaa loogu tala galay adeegsiga Internet-ka & E-mail-ka, waxaa uu sahlaa samaynta E-mail Account laga samaysto pages-ka kala duwan ee Internetka sida www.somalitalk.com IWM. Waxaa uu sahlayaa in ay farriin isu diraan ehelada iyo saaxiibbada kala fog ee doonaya in ay akhbaar degdeg ah kala helaan.. Waxaa kale oo ku lammaansan program loo yaqaan MSN Messenger oo u sahlaya isticmaalayaasha in ay si toos ah u wada sheekaystaan iyaga oo isticmaalaya qoraal keyboardka computerka ah ama wada-hadal toos ah iyada oo la isticmaalayo microphone iyo sameecado.

3. Mavis Beacon for Windows XP. Waxaa uu bartaha u sahlayaa in si sahlan oo aan shaki lahayn aad u garaaci kartid xarfaha keyboard-ka computerkaaga, si aad muddo yar ugu qori kartid akhbaar fara badan.

4. Microsoft Word XP: Waa program loogu tala galay qoridda, qurxinta iyo isku dubaridka qoraallada xaafiisyada, soo saaridda wargaysyada iyo nakhshadaynta documeentiyo kala duwan oo fara badan.

5. Microsoft Excel XP. Prograamkan Excel waxaa uu ku shaqeeyaa kuna fiican yahay qaabka xisaabeedka bankiyada, diiwaan galinta badeecadaha iyo la xisaabtanka macaamiisha, haseyeeshee waxaa jira shaqooyin kale oo uu qabto kuwaas oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

6. Microsoft Access XP. Waa program ku fiican u gudbinta xisaabta ay qabaan macaamiisha shirkadda (invoice) iyo dhisidda database ku salaysan hadba baaxadda ay le'eg tahay baahida shaqo ee shirkad ama shaqsi leeyahay. Waxaa uu akhbaar ka soo akhrisan karaa prograamada kale ee database-ka ah iyo kuwa spreadsheet-ka ah.

7. Microsoft PowerPoint XP. Waxaa uu qayb mihiim ah ka qaataa soo bandhigidda iyo xayeysiinta badeedacadaha iyo alaabooyiinka shirkaddu suuq-gayso. Waxaa kale oo ka qayb qaataa cashar bixinta tababarada loo qabto dad aad u fara badan iyada oo la isticmaalayo slide projector.

8. Microsoft Outlook XP. Waa program ku shaqeeya habka communication-ka waxaa loo adeegsan karaa in farriin internet ah lagu kala helo, waxaana laga samaysan karaa E-mail Account. Waxaa uu aad ugu fiican yahay ilaalinta ballamaha waqtiga ku xadaysan. Waxaa kale uu u sahlaa isticmaalaha jihaynaya qaabka shaqo ee hore loo diyaarshey.

Marka ardaygu uu dhammaysto koorsada software-ka waxaa uu sii wadan karaa barashada qaybaha kale ee computerka. kuwaas oo si buuxda u kaabi doona aqoonta ardayga. Koorsooyinkaas oo mid kasta lagu qaato muddo kooban.

<><><> 

Software Quick Course (koorsada deg-deg ah ee Software-ka). Koorsadan waxaa loogu tala galay dadka doonaya in ay koorsada Software-ka ku qaataan ugu yaraan hal bil, koorsan waxay saamaxaysaa in muddo yar lagu barto prograammada uu ka kooban yahay Software-ka, iyadoo laga soo qaatay inta mihiimka u ah ardayga si uu muddo gaaban awood ugu yeesho maamulidda programmada software-ka ah ee looga baahan yahay xaafiisyada caadiga ah, shirkadaha iyo ha'adaha. Qaadashada koorsadan waxaa ay ku fiican tahay dadka hore u lahaa aqoon tacliimeed oo fiican.

<><><>

Computer Hardware Course (koorsada qalliinka iyo illad bixinta computer-ka). Koorsadan waxaa ay mihiim u tahay qofkasta oo bartay Software-ka, gaar ahaan kuwa sida tooska ah ugu shaqeeya computerada. Barashada koorsadan waxaa ay awood u siinaysaa ardayga in si toos ah u kala barto qaybaha computerka iyo sida ay isula shaqeeyaan. Waxaa kale oo ardaygu baranayaa in uu si sahlan u fahmi karo cilladda iyo meesha uu ka buko computerka jirran ee loo baahan yahay in la dabiibo.

Koorsadan waxyaabaha looga faa'iidaysan doono waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:-

Computer Basic Electronic
Units of Power Supplier
Understanding how computers work
Motherboard and its parts
Processors and PC data cycle
Working Random Access Memory
Display Adapters and Monitors
BIOS system Configuration
Assembling and Dissembling PCs
Maintaining Disks and Storage Media
External PC ports and Printers
Hardware and Software Installation
Definition of what caused computer Viruses 
PC Terminology

<><><>

Advanced HTML course (koorsada nakhshadaynta HTML-ka). Waa barashada nakhsadaynta bogagga Internetka. Waxaa ardaygu awood u yeelanayaa in nakhsadeeyo iskuna dubbarido bog Internet ah haddii uu helo server lagu kaydiyo. Barashada koorsadan waxaa loo adeegsadaa dhowr prograam oo ku kala duwan xagga awoodda iyo waxqabadkaba.

<><><>

Computer Network Course (koorsada iskuxirka iyo wada-shaqaysiinta computera-da). Waxaa lagu bartaa sida xiriir shaqqo looga dhexaysiiyo computero yaalla meelo kala duwan iyo kuwo yaalla hal xafiisba iydoo la adeegsanayo prograamada fundamental-ka u ha networking-ka. Isticmaalka ugu yare e networking waxaa uu suurto galinayaa in hal printer loo isticmaalo dhammaan ama qaar ka mid computerro wada shaqeeya.

<><><>

Computer Accounting Course (koorsada barashada prograammada dhaqaalaha). Waxaa lagu bixiyaa prograammadii ugu danbeeyey ee dhinaca dhaqaalaha. Ardaygu kuma khasbana in uu dhammaysto prograammada ay ka kooban tahay koorsadan, balse waxaa uu hadba qaadan karaa prograamka laga xiiseeyo shirkaddiisa ama ugu isticmaal dhib yar. Prograammada casriga ah ee Accountigu waxaa ay awood u leeyihiin in aad report-ka dhaqaale ee shirkadda ku dirtid email ahaan, adiga oo aan prograam kale ku xawiln. Barashada koorsadan waxaa ay ku fiican tahay dadka hore u soo qaatay manula Acconting-ka iyo computerkaba.

<><><>

Advance Practice Course (koorsada baraaticada computerka). Waxaa qaata aadna uga faa'iidaysta dadka ay waqti fof ugu danbaysay isticmaalka computerka, kuwaas oo doonaya in ay muddo yar ku soo ceshedaan khibraddoodii aqooneed ee la xariirtay computerka. Qaadashada koorsadan kuma xaddidna hal meel oo kali ah ee ardaygu wuxuu awood u leeyahay in uu barto dhammaan koorsooyinka iyo prograammada uu baahida u qabo.

 <><><>

Languages and Scientific Course (koorsada luqadaha iyo sayniska). Koorsadan oo ah koorso aad u mihiim ah waxaa waxaa sidii loogu tala galay u barta kana faa'iidaysta dadka dhallinyada ah oo kali ah. Maadooyinka ka baxa koorsadan waxaa ka mid ah:-

Science
Maths
Arabic
English
Somali
Figuring

 

Warbixinadii Hore ee Machadka Beder - GUJI HALKAN

 SOMALITALK.COM| NOV 17, 2002SOMA

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Said Ahmed Farah (Jajale) Maamulaha Faraca Gaalkacyo ee Macadka

Qaar ka mid ah Macallimiinta Qaybyta Computerka oo shirsan

Burhan Ismail Hassan

Nasteh Omar Ibrahim

Abdi-aziz Ibrahim Said


QAAR KAMIDA ARDAYDA KA QALINJEBIYEY MACHADKA

Ahmed Ali Farah

Awil Issa Jama

Bishar Mussa Dirir

Fa'isa Abdirahman Sharif

Hamdi Hassan Said

Mahad Ahmed Said

Mohamed Yussuf Said

Yussuf Hassan Ahmed

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.