SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BURCAD-BADEED

Dood Cimiyeed kusaabsan Burcad Badeedda oo ka Dhacday Magaalada Bosaaso.

Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Hay’ada Tadamun Social Society (TASS) oo ku Saabsanayd: Burcad badeedda iyo khatarta Soo wajahan, ayna soo jeediyeen Aqoonyahno Somaliyeed ayaa lagu qabtay Boosaso 25-12-2008, waxaana ka soo qaybgalay Musuuliyiin katirsan Wasaarada Kaluumaysiga Puntland, Culumo, Waxgarad, Aqoon yahano, Ururada Bulshada iyo haweenka.

Ujeedada doodaan waxay ahayd in bulshada laga wacyi galiyo khatarta burcadbadeedda, ka digista duulanka calamiga ah ee badaha soomaliya iyo falanqaynta saamaynta burcad badeeda dhinacyada: dhaqaalaha, ganacsiga, deegaanka, bulshada, amniga , siyaasada iyo waxay shareecadu ka qabto falalka burcad badeednimada.

Dood cimiyeedkan ayaa waxaa looga hadlay Mawaadicdan kala ah: Saamaynta burcad badeedda dhanka Amniga iyo Siyaasada Waxaana ka hadlay Gen.Ali Ismacil, Saamaynta burcad badeedda dhanka Deeganka, kaluumaysiga waxaana jeediyay Dr.Ibrahim Guure. saamaynta Buracad badeedda dhaqaalaha iyo ganacsiga uuna soo jeediyay Eng.Yusuf Ali Bihi waxaana ugu danbeentii laga hadlay dhinacyada ay burcad badeedu ka saamaysay bulshda iyo waxay shareecadu ka qabto falalka burcad badeeda waxaana jeediyay Dr.Ahmed Xaji C/raxman.

Aqoonyahanadii iyo wax garadkii ka soo qayb galay ayaa aad u canbaareeyay falalka burcadu ka wado badaha somaliya sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen duulanka Caalamku ku soo qaaday badda somaliya waxayna uga digeen aduunka cawaaqib xumada ka imaan karta duulankaas waxayna kutaliyeen in xalka kaliya ee burcada looga hortiga karo yahay in Somaliya laga caawiyo in ay hesho Dowlad Xoog leh oo hanan karta xuduudaheeda bariga iyo badahaba.

sidoo kale waxay ka sooqayb galayaashu ku baaqeen in ay muhiim tahay in la sameeyo Urur difaaca Khayraadka Badda kana hortaga dhibaha loo gaysanayo badaheena somaliya waxaana u mahad celiyeen Hay’adda Tadamun, kana codsadeen in ay doodahaanoo kale soo qaban qabiso.

Xiliga lagu soo aadiyay doodaan ayaa ah xili mushkilada burcad badeedu noqotay dhibtaatooyinka ugu waa wayn ee kajira aduunka.

Gabagabadii dooda ayaa waxaa ka soo baxay Bayaan ay soo saareen Aqoonyahanadu.

waxuuna ahaa sida tan:

بسم الله الرحمن الرحيم

Bayaan ka soo baxay dood cilmiyeed ku saabsan Burcad badeedda

Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Hay’ada Tadamun Social Society (TASS) kana dhacay Magalada Bosaaso Taariikhdu markay ahayd 25-12-2008 oo ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Kaluumaysiga Puntland, Aqoonyahan, Culumo, Waxgarad, Haween, Ganacsato, Ururada Bulshada.

Waxaana lagu falanqeeyay dhinacyada kala ah: Saamaynta burcad badeedu ku leedahay Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada, Deegaanka, Khayraadka Badda iyo waxay Shareecadu ka qabto falalka burcad badeednimada.

Gabagabadii Dooda Waxaa ka soo baxay Bayaankan:

  1. Waxaan cabaaraynaynaa dhamaan falalka jariifka ay maraakiibta shisheeye ku boobayaan khayraadka badaheena Soomaaliya iyo sunta lagu aasayaba.
     
  2. Waxaan cadaynaynaa in shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaliyeed ayna ogalayn dhac iyo burcad badeednimo, hadaba waxaan eedaynaynaa falalka lagu afduubanayo maraakiibta.
     
  3. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay sugaan Amniga badda xoojiyaana ciidkan ilaalinta xeebaha, dhaqan celina u sameyaan dhalinyarada burcad badeedda.
     
  4. Waxaan ugu baaqaynaa Bulshada in ay maamulka kala shaqayaan xal u helida burcad badeedda iyo sugida amniga.
     
  5. Waxaan cabaaraynaynaa duulaanka lagu soo qaaday badaha soomaliya iyo go’aanka Golaha Amaanku ku ogaaladay arintaas iyo waliba in lagu weerari karo burcad badeedda bariga Somalia.
     
  6. Waxaan u aragnaa in xalka burcad badeedda soomaaliya uu ku jiro dhismaha dowlad xoog leh awoodi karta sugida amniga xuduuddeeda sidaa darteen bulshada caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan dib u soo celinta qarankii soomaliyeed.
     
  7. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladaha Carabta, iyo Ururka IGAD in ay gacan dhab ah ka gaystaan xalinta mushkilada somaliya iyo in la iska kaashado ilaalinta baddaha naga wada dhexeeya.

ILAAH BAA MAHAD LEH

Sawiradii Dooda:







 

Waxaa soo tebiyey:

Abdifitah Mohamed sugulle
Boosaso – Somalia
cabdisugulle@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS