SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 


TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA

Qaybtii 2-aad

 


W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com


 

Sidii aan qaybtii koobaad ee taxanaha Taariikhda War-Isgaarsiinta ku xusay, hab-qoraalku markiisii hore wuxuu ku billowday astaammo iyo masawirro wax lagu kala garto oo qayb ka ah taariikhda war-isgaarsiinta. Haddaba, qaybtan labaad waxaan kusoo qaadanayaa taariikhda farihii ugu horeeyay adduunka ee la qoray, dadkii lahaa, iyo halkii ay ku noolaan jireen.

 

Afku” sidiisaba waa waxa dadku ay uga duwan yihiin xoolaha iyo dugaagga adduunka kula nool, waana qalab aan looga maarmin wada xiriirka Bani-aadamka. Aqoonta qorista afku waxay astaan weyn oo muhiim ah u tahay ilbaxnimada iyo farsamada lagu gaaray fikirka dadka, waana aaladda ugu muhiimsan ee loo adeegsado war-isgaarsiinta dadku u wada baahan yahay. Mid ka mid ah guulihii ugu waa weynaa ee taariikhda dadka lagu hayo waxa weeye curinta iyo horumarinta astaamihii ama calaamadihii afka loo sameeyay oo suurta geliyay in la diiwaangeliyo waayihii iyo sooyaalkii dadku soo maray.

 

Waxaa Ilaahay (S.W.) Suuradda Huud, aayadda 44aad uu innoogu sheegay doonidii Nabi Nuux (C.S.) ee sidday intii nabad gashay oo isugu jirtay dad iyo duunyo, in markii biyihii duufaanku ay yaraadeen, ay sagxadda dhigatay buur magaceeda la yiraahdo Juudi; Buurtaasi waxay ku taallaa degmo hadda Turkiga ka tirsan oo magaceeda la yiraahdo Bohtan.  Wakhtigaasi taariikh ahaan goortuu ahaa lama yaqaanno, hase ahaatee, waxaa la ogyahay in muddo imminka laga joogo toddoba kun oo sannadood, dadkii ugu horreeyay ee cammiraad iyo ilbaxnimo sameeyay in ay deganaayeen koonfurta dalka Ciraaq (Iraq), waa dhulka ka bilowda magaalada Baqdaad (Baghdad) halka ay imminka tahay ilaa halka Khaliijka ee webiyadu ku af go’aan. Ilbaxnimadaas waxaa ugu weyn nidaamka qoraalka oo markii ugu horeysay Bani-aadamku adeegsaday.

 

Fartii Kiyuunifoom-ta - (Cuneiform Script)

 

Fartii ugu horeysay adduunka waxay ahayd far ay samaysteen dad lagu magacaabi jiray Sumeeriyiin (Sumerians) oo muddo imminka toddoba kun oo sannadood laga joogo ku noolaan jiray dalka maanta loo yaqaan Ciraaq (Iraq) dhinaciisa koonfureed, agagaarka labada webi ee Tigris iyo Yufratis (Tigris and Euphrates). Labadaas webi waxa af Carabiga lagu yiraahdaa Dijla iyo Furaad, waa dhulka hadda ay ku fadhiyaan qaybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Haddaba, dadkaas magacooda la oran jiray Sumeeriyiin waxay halkaas ka samaysteen ilbaxnimo heerkeedu aad u sareeyo.

 

 

Farta ay samaysteen waxa lagu magacaabi jiray Kiyuunifoom (Cuneiform), oo micnaheedu yahay “far bishileed” (wedge-shaped), af carabigana waxaa lagu yiraahdaa “Kitaabah al-Mismaari”. Fartaasi waxay isugu jirtaa xarxarriiq iyo sawirro waxaana markii dambe qaatay dad Sumeeriyiintii aad uga dambeeyay oo isla dalka Ciraaq deganaa oo loo yiqiin Baabiliyiin (Babylonia). Dadka sooyaalka u kuurgalay waxay sheegaan in boqorradii loo aqoon jiray Faraaciintii Masar (Pharaohs) markii ay fartoodii sameysanayeen in ay wax ka soo qaateen fartii Kiyuunifoom-ta (Cuneiform) oo ay lahaayeen dadkii Sumeeriyiinta ee ku noolaa agagaarka labada webi ee Tigris iyo Yufratis (Mesopotamia).

 

Magaca “Mesopotamia” waa erey asalkiisu kasoo jeedo afka Greek-ga oo micnihiisu yahay “Dhulka u dhexeeya labada webi ee Dijla iyo Furaad, waa dhulka hadda ay ku fadhiyaan qaybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya; dhulkaasina wuxuu ahaa halkii ugu horreysay ee aqoon iyo ilbaxnimo loo aayo adduunka u horseeday. Magaca dalka Ciraaq (Iraq) waxaa la sheegaa in uu kasoo jeedo magaalo qadiimi ah oo magaceeda la oran jiray Uruk oo mar xarun u ahaan jirtay dadkii Sumeeriyiinta. Uruk waxay ahayd magaalada ay taariikhdu sheegto in uu kasoo haajiray Nabi Ibraahim (C.S.) markii uu u ambabbaxay dhulkii laysku oran jiray Shaam (Suuriya, Lubnaan, Jordan, iyo Falastiin).

 

Akhrinta iyo qorista fartii Kiyuunifoomtu aad bay u adkayd, waxayna ka koobnayd ilaa 550 calaamadood (characters). Qofka baranaya fartaasi waxay ku qaadan jirtay dhowr sannadood si uu uga lib keeno xirfadda qoris-akhriska ee fartii Kiyuunifoom-ta. Si kastaba ha ahaatee, fartii Kiyuunifoomta waxaa dhowr kun oo sannadood si aad ah looga adeegsanayey guud ahaan Bariga Dhexe, waxaana lagu qori jiray agab ka samaysan dhoobo la qallajiyay kadibna la dubay. Waxaa imminka la helay tirooyin aad u fara badan oo ah agabkaas oo ay ku qoran yihiin dhaxalkii ay adduunka uga tageen Sumeeriyiintu. Fartii ay ikhtiraaceen qoladaasi waxay dadka u sahashay in ay ku urursadaan taariikh badan oo iska lumi lahayd haddii aysan jiri lahayn hab lagu diiwaangeliyo waayaha iyo sooyaalka dadka ee jiilba jiil kale usii gudbiyo. Haddaan si kooban u sheego, qoraalkan aad imminka akhrisanayso waxaa weeye mirihii ka dhashay fikirkii Sumeeriyiinta oo la sii horumariyay.

 

Fartii Hayrugaliif ee Faraaciintii Masar - (Hieroglyph Script)

 

Marka hore, inta aanan ka hadal fartii Hayrugaliif, waxaan si korkaxaadis ah u dul marayaa sooyaalkii boqorradii Faraaciintii Masar. Faraaciintu waxay ahaayeen dadyow taariikhda adduunka ka galay baal dahab ah, waxayna ka mid yihiin dadka ugu taariikhda dheer ummadaha dunida. Faraaciintu waxay ahaayeen dowlad ay xukunkeeda isu beddeleen 178 boqor, waxayna dalka Masar (Egypt) xukumayeen muddo dhan Laba Kun Toddoba Boqol Lixdan iyo Toddoba (2767) sannadood. Muddadaasi waa inta u dhaxaysa 3100 (C.H.) ilaa 333 (C.H.) Waxyaabaha ugu cajiibka badan ee ay ka tageen Faraaciintii Masar waxaa ka mid ah Ahraamta faraha badan (Pyramids) oo ay dalka Masar ka dhiseen. Culimada haatan ku nool adduunka ee ku xeel dheer dhismaha iyo cabbiraadda waxay la yaabban yihiin sida ay Faraaciintii Masar u dhiseen ahraamta weli taagan ee la yaabka leh, iyo aqoontii ay u adeegsadeen.

 

 
  Fartii Hayrugaliif ee Faraaciintii Masar

Haddaba, fartii ay isticmaali jireen Faraaciintii Masar waxa magaceeda loo yaqaan “Hieroglyph”. Magaca Hieroglyph wuxuu kasoo jeedaa afka Greek-ga,  micnihiisuna waa calaamado barakaysan (sacred signs); fartaasi waxay ahayd hab-qoraaleed la adeegsanayo sawirro iyo xarxarriiqmo u taagan micno laysla garanayo oo lagu wada xiriiro.

 

Faraaciintu waxay wax ku qori jireen agabyo kala duwan. Waxa aan imminka u naqaan xaashi ama warqad lama aqoon xilligaas, hase yeeshee waxay dadku adeegsan jireen qalab kale oo wax lagu xardho, lagu qoro, lagu xoqo, ama lagu buufiyo (inscription). Qalabyadaas wax lagu qori jiray waxa ka mid ah qardaasyo laga samayn jiray geedka af Ingiriisiga lagu yiraahdo Papyrus-ka, af Carabigana loogu yaqaanno Bardi1, lafaha iyo saanta (hargaha) xoolaha, dhagaxa, dhoobada, qalinka, birta, dahabka, iwm. Qoraalka lagu qoro mid ka mid ah qalabyadaas aan soo sheegay ma fara badnaan jirin sababtuna waxay ahayd qalabka oo aan lahayn meel wax badan la deeqsiin karo.

 

Tusaale fiican oo loo soo qaadan karo habkii qalabkaas wax loogu qori jiray ama looga akhrisan jiray waxaa noqon kara: (1) beesada oo iminka isticmaalkeedii laga ilbaxay, (2) shilimaadka sunuudda ah ee maanta dunida laga adeegsado, (3) qoraallada ku xardhan dhismaha taallooyinka lagu muuneeyo wax dhacay oo taariikh leh ama qof weyn oo reebay wax waxtar leh oo aan la illaabi karin. Mid kasta oo ka mid ah tusaalooyinka aan soo qaatayna waxa lagu qoro, sida aan ognahay, ma aha wax sahal lagu tirtiri karo; waxaana la mid ah agabyadii hore ee dadku u adeegsan jireen qorista iyo akhriska, ka hor inta aan la baran adeegsiga xaashiyaha ama warqadaha.

 

Mid ka mid ah agabyadaas lagu kaydiyay taariikhdii Faraaciintii Masar waxaa ka mid ah faallo dheer oo ku saabsan socdaalkii dheeraa ee ay boqoraddii Hatshepsut u dirtay dalkii Punt (waa qayb ka mid ah dhulka haatan loo yaqaan Soomaaliya - inta u dhaxaysa xeebaha waqooyi-bari ee badda cas iyo kuwa koonfur-bari ee Badweynta Indiya), laguna qiyaaso in uu ahaa sannadihii 1490 ilaa 1468 (C.H.). Socdaalkaas taariikhdiisa si tifaftiran baa loogu masawiray derbiga xujuub-taallada (mortuary temple)  ee magaciisa la yiraahdo Deir al-Bahari ee ilaa iyo hadda ka dhisan dalka Masar.

 

 

Masawirradaasi waxay muujinayaan noloshii tiillay waagaas dalkii Punt, waxaana ka mid ah masawirkii boqorkii iyo boqoraddii dalkaasi u talin jiray berigii socdaalkaasi tegay dalkooda. Masawirrada lagu xardhay derbiga Deir al-Bahari waxaa kale oo ka muuqda badeecadihii la yaabka lahaa ee reer Punt ee ay badmaaxyadii reer Masar ka soo buuxsadeen maraakiibtoodii. Haddaba, in aan maanta wax ka ogaanno waayihii nololeed ee faraaciintii dalka Masar iyo dalalkii ay xiriirka ganacsi la lahaan jireen waxaa noo suurta geliyay aqoontii iyo ilbaxnimadii ay ugu muhiimsanayd fartii ay u sameeyeen in lagu diiwaangeliyo sooyaalkii taxanaha ahaa ee boqortooyadii Faraaciintii Masar.

 

Tixraac:

-         Ancient records of Egypt, J. H. Breasted, Chicago, 1906, vol. 2.

-        Dalkii Udgoonaa “The land of Spices”, Axmed Cartan Xaange, Muqdishu, 1984.

-         Origins of the Alphabet, Joseph Naveh, Jerusalem, 1975.

-        Soomaaliya, Cultural Department, Ministry of Education, Mogadishu, August 1967, pp. 62-63.

-        Writing The Story of Alphabet and Scripts, Georges Jean, New York, 1992.

 

 

______________________

 

1 Haddii uu jiro erey af Soomaali ah oo la micne ah Papyrus ama Bardi, waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.

 

F.G. Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.

 

AKHRI QAYBTA 3aad...

 

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, On. Canada
abdulfatah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 24, 2004

QAYBTA 1aad QAYBTA 3aad   

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD