SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 


TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA

Qaybtii 3-aad

 


W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com


 

Sidii aan ku xusay qaybtii koobaad & labaad ee taxanaha Taariikhda War-Isgaarsiinta, hab-qoraalku markiisii hore wuxuu ku billowday astaammo iyo sawirro wax lagu kala garto oo qayb ka ah taariikhda war-isgaarsiinta. Haddaba, qaybtan saddexaad, sidii tii ka horreysayba, waxaan kusoo qaadanayaa qaar kale oo ka mid ah farihii ugu horeeyay adduunka ee la qoray. Faraha loo jideeyay afafka lagu hadlo waxay ka mid yihiin aaladihii ugu horreeyay ee war-isgaarsiinta.

Alifba’dii reer Fayniqiyah (Phoenician Alphabet) waxaa kasoo askumay saddex qaybood oo hab-qoraal ah, waxayna kala yihiin:

  1. Aramean:

Waxaana la hayb ah:

  • -         Hebrew (Farta Cibraaniyiinta)

  • -         Arabic (Farta Carabiga)

  • -         Aramenian (Farta Aramiiniyiinta)

  1. Saboean:

Waxaana la hayb ah:

  • -         India (Farta Hindiya)

  • -         Chinese (Farta Jayniiska)

  • -         Japanese (Farta Jabaaniiska)

  • -         Korean (Farta Kuuriyaanka)

  1. Hellenic:

Waxaana la hayb ah:

  • -         Greek ((Farta Giriigga)

  • -         Latin (Farta Laatiinka)

  • -         Cyrillic (Farta Sirilik-ga)

  • -         Coptic (Farta Qibdiyiinta)

Haddaba, maadaama ay aad u badan yihiin farihii laga soo dhiraandhiriyay Alifba’dii reer Fayniqiyah, waxaan si kooban wax uga sheegayaa qaar ka mid ah farahaas kala duwan, aniga oo u kala hormarinaya sidii ay wakhti ahaan u kala horreeyeen:

Farta Shiinaha (Chinese Script)

 

Sida ay sheegeyso sheeko qaddiimi ah oo ka hadlaysa billowgii qoraalka farta Shiinaha, saddex boqor ayaa ka dambeeyay curashada hab-qoraalka ee dadka Shiinaha, siiba boqorkii la oran jiray Huang Che oo isagu noolaa qarnigii 26aad Nabi Ciise Hortii (C.H.). Boqorkaasi, sida la sheegay, wuxuu lahaa hibo (gift) uu ku ikhtiraacay habka wax qorista iyo akhrinta kadib markii uu darsay walxaha dabeecadda gaar ahaan shimbiraha iyo raadadka (footprints) xoolaha.

 

Farta shiinuhu aad bay u fac weyn tahay waana far cajiib ah oo wax la mid ah aysan jirin (unique script). Fartaasi waxaa la curiyay qiyaas ahaan sannadkii 2000 (C.H.), waxaana la habeeyay qiyaas ahaan sannadkii 1500 (C.H.).

Qoraallada ugu da’da weyn ee ku qoran farta Shiinaha waxaa ka mid ah weero murtiyeed ay ku shaqlan yihiin hadallo xikmadaysan oo aad u fac weyn oo ku xardhan Qolofta Diinka (ama dahaarka qubada), iyo lafaha xayawaanka. Waxaa xusid mudan in farta Shiinaha aan wax sidaas ah laga beddelin qaabkii ay ku billaabatay ilaa iyo maanta.

 

Farta Cibraaniyiinta (Hebrew Script)

 

Qabiilladii ka farcamay wiilashii 12-ka ahaa ee Nabi Yacquub (C.S.) waxaa laysku yiraahdaa reer Israa’iil (Israel) oo Yahuuddu (Judah) ku jirto.

 

Judah” wuxuu ahaa mid ka mid ah wiilashii Nabi Yacquub (C.S.), halka magaca “Israel uu u taagan yahay dhammaan wiilashii Nabi Yacquub (C.S.). Haddaba, reer Israa’iil waxay ahaan jireen dad reer guuraa ah, oo aan ku nagaan dhul gaar ahaaneed. Waxay miraafi jireen dhulal kala duwan oo ay ka mid yihiin Suuriya, Falastiin, Kancaan, Masar, Lubnaan iyo Kuweyd. Waxaa hoy u ahaan jiray aqallada guur-guura ee loo yaqaan teendhooyinka, waxayna dhaqan jireen xoolo nool oo ay ugu muhiimsan yihiin riyaha, idaha, iyo lo’da. Sidoo kale, waxay gaadiid ahaan u adeegsan jireen xoolo nool oo kala ah: dibida, dameeraha, iyo geela.

 

Reer Israa’iil waxay markii hore qaateen fartii ay curiyeen reer Faynaqiyah (Phoenician) waxayna adeegsanayeen qarnigii 12aad ilaa horraantii qarnigii 10aad (C.H.), kadibna waxay bilaabeen in ay samaystaan hab-qoraaleed iyaga u gaar ah oo magaciisa la yiraahdo Cibraani (Hebrew Script).


Qoraalkan waxaa la qoray 135 (A.D.), waxaana laga helay Waadi Murabbacaat oo u dhaw halka loo yaqaan "Dead Sea".

Xirfadda qorista iyo akhrinta farta Cibraaniga ee ay samaysteen reer Israa’iil aad bay u korortay laga bilaabo qarnigii 8aad (C.H.), iyadoo ay xilligaas adeegsanayeen guud ahaan qabiilladii reer Israa’iil. Farta Cibraanigu waxay door weyn ka qaadatay isu gudbinta mahadhooyinkii reer Israa’iil, sidoo kale, fartaasi waxay dabooshay kaalintii war-isgaarsiinta oo ahayd baahi weyn oo ay qabaan bulsho kasta oo reer guuraa ah.

 

Farta Araamiya (Aramaic Script)

 

Araamiiniyiintu (Aramaean) waxay ku noolaan jireen dhulkii Aram-Nahrayn oo micnaheedu yahay “dhul taag ah oo ay maraan laba webi”, dhulkaasina qayb ahaan waxaa hadda ku fadhiya dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Haddaba, Araamiiniyiintu waxay markii hore qaateen fartii ay curiyeen reer Faynaqiyah (Phoenician) waxayna adeegsanayeen qarniyadii 11aad iyo 10aad (C.H.), kadibna waxay bilaabeen in ay samaystaan hab-qoraaleed iyo luqad iyaga u gaar ah oo la yiraahdo Araamiya (Aramaic Script) bartamihii qarnigii 8aad (C.H.). 

 

Luqaddii iyo fartii Araamiya waxay noqotay Far rasmi ah oo ay ku wada xiriiraan ummadihii kala duwanaa ee ku hoos noolaa boqortooyadii Ashwariyiinta (Assyrian). Muddo kadibna, fartaasi waxay noqotay far muhiim ah oo loo adeegsado xagga dibloomaasiyadda iyo ganacsiyada caalamiga ah. Waxaana arrintaas loo cuskadaa warqad qardaas ah (papyrus) oo laga diray dalka Falastiin (Palestine) qiyaas ahaan taariikhdu markii ay ahayd 600 (C.H.) oo laga helay magaalada Saqarah ee dalka Masar (Egypt). 

 

Qoraallo kale oo iyaguna ku qoran fartii Araamiiniyiinta ayaa sidoo kale laga helay Waqooyiga dhulkii Carbeed, Falastiin, Suuriya, Turki (Anatolia), Mesopotamia, Iran (Persia), Afqaanistaan, iyo Baakistaan. Ummado fara badan baana fartii Araamiiniyiinta ka dhigtay luqaddoodii labaad. Haddaba, fartii Araamiiniyiintu waxay kaaliin aad u weyn ka qaadatay war-isgaarsiintii dadku u baahi qabay.

 

Farta Giriigga (Greek Script)

 


Diiwaan lagu qoray farta giriigga oo lagu kaydiyay dukumiinti muhiim ah, 46 (A.D.)

Taariikhdu markii ay ahayd laba kun oo sannadood (C.H.) ummadihii Miinawiyiinta (Minoans) iyo Massiiniyiinta (Mycenaean) ee ku noolaa dalkii Giriigga ayaa waxay gaareen ilbaxnimo heerkeedu aad u sarreeyo, waxayna soo saareen dhigaal isugu jira sawirro iyo xarxariiq (Greek Script), iyagoo adeegsanaya alifba’ ka kooban 24 xaraf. Dhigaalkaas qaybtiisa xarxariiqeed-ka ah (linear) ayaa maanta wax laga ogyahay. Sidoo kale, qolyahaasi waxay aad u hormariyeen shaqalka oo lafdhabar u noqday dib-u-habaynta farihii horay loo ikhtiraacay. Farta Giriiggu, sidii farihii ka horeeyayba, waxay kaalin mug leh ka qaadatay habka qoraalka layskula xiriiro, gudbinta fikirka aqooneed, iyo war-isagaarsiinta dadku u baahan yahay. 

 

Farta Laatiinka (Latin Script)

 

Farta caanka ah ee Laatiin-ka waxaa asalkeedii hore laga soo dhiraandhiriyay fartii qadiimka ahayd ee Giriigga. Xilligii boqortooyadii Roman-ka, alifba’da Laatiinku waxay ka koobnayd 23 xaraf, laakiin maanta waxay ka kooban tahay 26 xaraf.  Farta Laatiinka waxaa lagu qoray afafka reer Yurub intooda badan, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadatay taariikhda ilbaxnimada, farsamada aqooneed, iyo war-isgaarsiinta reer Yurub.  Waxaa xusid mudan in afafka ilbaxnimada iyo sancada casriga ah u horseeday ummadaha ku hadla, sida af Ingiriisiga (English) iyo afka Faransiiska (French) ay dhibaato ka jirto dhinaca hikaadda afafkooda, taasina waxay ku salaysan tahay lahjadihii (dialects) kala duwanaa ee ay lahaan jireen dadkii ku hadli jiray afafkaas.

 

Farta Cyrillic-ga (Cyrillic Script)

 

Farta Cyrillic-ga waxaa, sida farta Laatiinka, asalkeedii hore laga soo dhiraandhiriyay fartii qadiimka ahayd ee Giriigga, waxaana maanta laga adeegsadaa dalalka haatan kala googo’ay ee laysku oran jiray Midowgii Soofiyeet (U.S.S.R.), Bulgaria, iyo Yugoslavia. Dadyowga iyo dalalka isticmaala farta Cyrillic-ga ee dalka Raashiya (Russia) ka mid yahay, sancada iyo war-isgaarsiinta tayada leh ee ay ku tallaabsadeen waxaa gundhig u ahaa curinta iyo adeegsiga fartii ay jidaysteen oo iyada la’aanteed aysan gaareen war-isgaarsiinta casriga ah ee dayaxgacmeedku suurta geliyay.

 

Faraha Sans  iyo Carabi (Sans and Arabic Script)

 

Waxaa jira dhowr farood oo iyaguna aad u da’ weyn, waxaana ka mid ah farta loo yaqaanno Sans Script oo micnaheedu yahay “Fartii Hufnayd”. Fartaasi waxay kasoo baxday dalka India muddo imminka qiyaas ahaan laga joogo saddex kun oo sannadood, waxaana markii dambe ka farcamay afaf badan oo lagaga hadlo dalka India, iyo afafka lagaga hadlo dalal ay ka mid yihiin Nepal iyo Serilanka.

 

Af Carabigu (Arabic) wuxuu kasoo jeedaa af ay ku hadli jireen dad magacooda la oran jiray Nabatiiniyan (Nabataeans), oo noolaa muddo imminka qiyaas ahaan laga joogo dhowr kun oo sannadood; waxayna ku noolaan jireen deegaanno ay ka mid yihiin Suuriya (Syria), Jordan, guud ahaan dhulkii Carbeed (Bilaadul Carab), iyo inta u dhaxaysa Webiga Furaad ilaa Badda Cas.

 

Ahmiyadda ugu weyn ee afka Carabigu leeyahay waxaa weeye in Qur’aanka oo ah warkii ugu muhiimsanaa ee Ilaahey (S.W.) usoo diray dadka uu ku soo degay af-Carabi. Sidoo kale cibaadada Ilaahay (S.W.) ee salaaddu ugu horeyso iyo guud ahaan shareecada Islaamka waxaa gundhig u ah af-Carabiga.


Cilmi Saynis ku qoran af-Carabi

Dhinaca aqoonta Sayniska, laga billaabo bartamihii qarnigii 8aad ilaa dhammaadkii qarnigii 11aad af-Carabigu muhiimad gaar ah ayuu lahaa maaddaama dadyowgii adeegsanayey farta Carabiga ay ku hormareen cilmiga sayniska iyagoo daah-furay aqoon ay ka mid yihiin: Cilmiga Kimistariga (al-kemia = chemistry); Cilmiga Xisaabta ee Aljebra (al-jabr = Algebra), iyo kuwo kale. Aqoontaas waxaa xilligaas bidhaansaday dadyowgii ku noolaa qaaradda Yurub; dad badan oo cilmi doon ahaa ayaa u hayaamay xaruntii aqoonta cilmiga Sayniska oo markaas ahayd Baqdaad, Ciraaq.

 


XUQUUQDA QORAALKA

Inkastoo aan si dhab ah loo aqoonin goortii la jideeyay alifba’da Carabiga, haddana taariikhyahannadu waxay sheegaan in af-Carabiga qoristiisa la billaabay muddo imminka laga joogo 2000 ilaa 2500 oo sannadood. Alifba’da Carabiguna waxay ka kooban tahay 28 xaraf; qoristiisuna waxay ka bilaabataa dhinaca midig iyadoo loo qorayo dhinaca bidix.

 

…La soco qaybta 4-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA, Alle idankiis.

 

…Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.

 

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, On. Canada
abdulfatah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 24, 2004
Sawirada: Google | Yahoo

QAYBTA 2aad QAYBTA 4aad   

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD