SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 


TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA

Qaybtii 4-aad

 


W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com


Qaybihii hore ee taxanaha taariikhda war-isgaarsiinta waxaan uga hadlay mid kamid ah qalabka war-isgaarsiinta oo ah farta iyo dhigaalkeeda iyo heerarkii ay soo martay. Qaybtan afaraad waxaan kusoo qaadanayaa qalab kale oo iyaguna laf-dhabar u ah war-isgaarsiinta; waxayna kala yihiin khadda, qalinka, qardaasta, haragga qoraalka, iyo warqadda. Mid kasta oo ka mid ah qalabkaas kaalin mug leh ayuu kaga jiraa taariikhda war-isgaarsiinta; waxayna kamid yihiin qalabka dadku ku diiwaangeliyo fikirka iyo dareenka qof ahaaneed. In wax laga ogaado waayaha iyo taariikhda dadka waxaa  suurta geliyay aaladaha kala duwan ee war-isgaarsiinta.

KHADDA

Khaddu waa shay kamid ah walxaha daruuriga ah ee aan looga maarmin qoraalka war-isgaarsiinta, waxbarashada, iyo guud ahaan diiwaangelinta cilmiga iyo waaya-aragnimada dadka.

Waxaa la aamminsan yahay in khadihii la adeegsan jiray waayadii hore laga samayn jiray walxo laysku riiqay oo isugu jira “curiyaha kaarboon-ka” oo ah curiye dhuxul ka kooban iyo xabagta geedaha oo biyo lagu qasay. Khadda laga sameeyay walxahaas waxaa af-Ingiriisiga lagu yiraahdaa “India inks”. Curinta walaxda loo yaqaan khadda (ink) waxay bar-bar socotay hindisaha iyo adeegsiga qalinka iyo warqadda. Faylasuuf Shiinees ah oo magaciisa lagu sheegay Tien-Lcheu ayaa markii ugu horreysay curiyay walaxda loo yaqaan khadda ee wax lagu qoro qiyaas ahaan muddo ku beegan 2697 (C.H.). Isku-jirka walxaha uu ka sameeyay khaddii uu curiyay waxay kala yihiin danbas (soot) lagu dheehay maaddo jilicsan (gelatin) oo laga shiilay hollobta hargaha xoolaha; isku darkaas wuxuu ku carfiyay miski si dadku aysan u dhibsan marka ay wax ku qorayaan.  Sidoo kale, waxaa la sheegaa in ay jireen ummado kale oo iyaguna horumariyay khadda iyagoo isticmaalaya xabagta dhirta, siiba geedka gowlallada, iyo miraha loo yaqaan beeri (berries), iyo walxo kale.

QALINKA

Qalinku wuxuu kamid yahay aaladaha aan looga maarmin war-isgaarsiinta, wuxuuna u kala baxaa noocyo kala duwan oo adeegsigooduna ay kala fudud yihiin. Haddaba inta aan la baran qalimaanta casriga ah ee aan maanta isticmaalno, dadku waxay adeegsan jireen qalimaan kale oo xilligoodii aad loo jeclaa. Qalimaantaas la adeegsan jiray waxaa kamid ah:

Qalinka Baalshimbireedka: qalabka qoraalka ee baal-shimbireedka (quill pen) oo isagu ahaa aalad wax lagu qoro kan ugu tayada fiican muddo ka badan kun sannadood, ayaa waxaa la bartay taariikhdu markii ay ahayd 700 A.D. Baalasha wax lagu qoro waxaa laga soo goyn jiray shimbiro nool oo ay kamid yihiin guuska (goose), shimbir-badeedda (swan), tukaha (crow), gallayrka (eagle), guumeyska (owl), dafada (hawk), iyo turkiga (turkey).  Baalashaas marka shimbiraha laga soo gooyo afka hore ayaa mindi looga qorayaa iyadoo loo yeelayo caarad fiiqan oo khadda la darsado si wax loogu qoro.

Qalinka Khadda lagu shubo: ummadihii Roomaaniyiinta ayaa la sheegaa in ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee sameeya aalad loo isticmaalo sida qalinka khadda lagu shubo (fountain pen). Aaladdaasi waxay ka sameeyeen jirridda geedka af-Ingiriisiga lagu yiraahdo “bamboo”. Geedkaas jirriddiisu dhexda ayay ka furan tahay waxaana laga buuxiyaa khad iyadoo loo yeelayo caarad dhuuban oo wax looga qoro. Qalinka khadda lagu shubo waxaa aad u horumariyay nin Maraykan ah oo magaciisa la yiraahdo Lewis Waterman taariikhdu markii ay ahayd 1884-kii. Ninkaasi wuxuu sameeyay qalin farsamo ahaan is haysta oo leh dhuun yar oo khaddu ugu kaydsan tahay (reservoir). Qalinkaas la casriyeeyay waxaa loogu magac daray habkii la adeegsanayey jirridda geedka bamboo-ga (fountain pen). Ilaa sannadkii 1920-kii, qalinkaasi wuxuu ahaa aaladda ugu muhiimsan ee galbeedka dunida laga adeegsado.

QALABKII QORAALKA EE KA HORREEYAY WARQADDA

Ka hor inta aan la baran xaashida wax lagu qoro ee aan maanta naqaan (paper), dadku waxay isticmaali jireen agabyo kale oo kala duwan – sida dhoobo la qallajiyay, dhirta, dhagxaanta, biraha, macdanta, iwm. Agabyadaas kala duwan waxaa ugu caansan qardaasta laga samayn jiray geedka “papyrus-ka”. Sida laysku raacsan yahay ereyga af-Ingiriisiga ah ee “paper” oo la micne ah xaashi ama warqad waxaa laga soo dhiraan-dhiriyey ereyga qaddiimiga ah ee “papyrus”. 

Papyrus waa magaca geed laga samayn jiray qardaasta wax lagu qoro. Geedkaasi wuxuu ka baxaa hareeraha Webiga Niil ee dalka Masar (Egypt). Geedkaas inta lasoo gooyo oo diirka kore laga fiiqo, kadibna la jarjaro ayaa fal-falliq laysu dul saaraa, iyadoo lakab-lakab (layers) ay u kala sarreeyaan. Kaddib waxaa laga samaynayaa qardaas siman oo wax lagu qoran karo. Ma jirin wax isbeddel weyn ah oo lagu soo kordhiyay qardaastii ay reer Masar ikhtiraaceen muddo 3,000 oo sannadood ah.

Qardaastaasi waxaa markii dambe beddelay harag si gaar ah loo habeeyay oo ka samaysan saanta xoolaha, siiba neylaha, weylaha, iyo waxaraha. Haragga xoolahaas inta laga nadiifiyo dhogorta (hairs) iyo hollobta ku dhegan (scraping) baa la magdeen jiray (tanning). Adeegsiga hargaha wax lagu qoro waxaa afka Ingiriisiga lagu yiraahdaa “Parchment” iyo “Vellum”. Magaca “Parchment” wuxuu kasoo jeedaa magaalo qaddiimi ah oo magaceeda la yiraahdo “Pergamum” oo ka tirsanayd dalkii Giriigga. Magaaladaas waxaa lagu farsamayn jiray hargo tayo fiican oo sida xaashida wax loogu qoro. Samaynta hargaha qoraalka waxay billaabatay qiyaas ahaan taariikhdu markii ay ahayd 200 (C.H.). Waxaa xusid mudan in hargaha noocaas ah iyo agabyada kale ee jurmiga leh weli mar-mar loo isticmaalo qorista dukumiintiyo sharafeed (honorary documents) iyo abaalmarin-mudnaaneed (award) la siinayo dad si gaar ah loogu maamuusayo wax qabad qiimo badan oo ay dadkooda kusoo kordhiyeen ama horumar ay ku tallaabsadeen. 

HINDISAHA WARQADDA

Warqaddu waa aalad ka mid ah qalabka war-isgaarsiinta. Sida lagu sheegay kutubta sooyaalka qaddiimiga ah, xaashida ama warqadda waxaa ikhtiraacay nin Shiinees ah oo magaciisa la oran jiray Ts’ai Lun oo ka tirsanaan jiray boqortooyadii Ho Ti. Ninkaasi oo ahaa nin dhufaanan (eunuch) wuxuu ka shaqaynayey maxkamad magaceeda la oran jiray Han ee ka jirtay dhanka bari ee dhulkii Shiinaha. Walxaha uu ka sameeyay xaashidii ugu horreysay waxaa loo malaynayaa in ay yihiin qolfaha jirridda geedaha siiba geedka af-ingiriisiga lagu yiraahdo “mulberry”. Muddo qiyaas ahaan gaaraysa ilaa shan boqol oo sannaddood xirfadda samaynta warqadaha waxay u gaar ahayd dadkii Shiinaha; xirfaddaasi waxay markii dambe u gudubtay dalka Japan taariikhdu markii ay ahayd 610 (A.D.); bartamaha Aasiyana waxay soo gaartay taariikhdu markii ay ahayd 750 (A.D.). Markii ugu horreysay ee xaashida ama warqad lagu arkay dhulkii Masaarida waxay ahayd sannadkii 800 (A.D.), Reer Masar-na waxay billaabeen in ay warqadaha samaystaan taariikhdu markii ay ahayd 900 (A.D.). 

FARSAMADA WARQADO SAMAYNTA EE YURUB IYO MARAYKANKA

Dhinaca qaaradda Yurub, warshaddii ugu horreysay ee warqadaha lagu sameeyo waxaa laga aasaasay dalka Spain qiyaas ahaan taariikhdu markii ay ahayd 1150 (A.D.), wixii markaas ka dambeeyay sancada samaynta warqadaha waxay ku fidday dalalka reer Yurub intooda badan. Dalka Ingiriiska (England) ayaa markii ugu horreysay laga hirgeliyay warshad warqadaha lagu sameeyo taariikhdu markii ay ahayd 1495 (A.D.). Warshad taas la mid ahna waxaa laga sameeyay dalka Maraykanka taariikhdu markii ay ahayd 1690 (A.D.). Waxaa xusid mudan in warshadahaasi ay dhammaantood ahaayeen  kuwo gacan-ku-kaalmays ah oo aan u horumarsanayn sida kuwa maanta la adeegsado. 

Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, On. Canada
abdulfatah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004
Sawirada: Google | Yahoo

QAYBTA 3aad QAYBTA 5aad   

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD