SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 


TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA

Qaybtii 5-aad

 


W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com


NIDAAMKA DHANBAAL-DIRISTA 

Ka hor intii aan si dhab ah loo baran hay’adaha casriga ah ee loo yaqaan boostada oo iyagu u xilsaaran dalwinta, qaybinta, iyo mas’uuliyadda warqadaha iyo dhanbaallada la isu diro, inta ay ka gaarayaan dadkii loo diray, waxay dadku adeegsan jireen dhanbaal-qaadayaal lugeeya, iyo kuwo fardo ama buquul (mules) ku jooga oo dhanbaallada dadka u kala qaada. 

Farsamada ku wada xiriiridda wararka qoran ee la isu diro waxay mar walba hareer socotay hindisaha farta iyo qoraalka, balse horumarinta farsamadaasi goor dambe ayay timid, ummado kala duwan baana ka qayb qaatay. 

Dadkii ugu horreeyay ee jideeyay adeegga dhanbaal-dirista waxay ahaayeen Faraaciintii reer Masar. Waxay adeegsan jireen dad ammarada iyo qaraarrada ay soo saaraan boqorradii faraaciintii Masar u kala qaada dhammaan dhulkii ay xukumayeen boqorradii Faraaciintu. Habkaasi wuxuu ahaa nidaam dowli ah kii ugu horreeyey oo wararka dowladda shacabka loogu baahiyo (2400 BC). Nidaamkaasi waxaa markii dambe horumariyay boqortooyadii Ashwariyiinta (Assyria) ee ka jirtay dhulka haatan loo yaqaan Ciraaq.  

Dhinaca dalkii Giriigga waxaa la wariyey sheeko cajiib ah oo ku saabsan farriin-qaade u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray orod 26 mayl uu kusoo jaray isaga oo farriin deg-deg ah sida. Taariikhdu markii ay ahayd 490 C.H. ayaa nin Giriig ah oo magaciisa la yiraahdo Phidippides, oo ahaa farriin-qaade (herald) u adeega boqortooyadii Giriigga, farriin uu kala soo orday goob uu dagaal ku dhex marayey boqortooyadii Iran (Persia) iyo boqortooyadii Giriigga, si uu shaaca uga qaado guushii ay ka gaareen Giriiggu dagaalkii Marathon (Battle of Marathon); ninkaasi wuxuu orod kusoo maray inta u dhaxaysa goobtii Marathon ee dagaalku ka dhacay ilaa magaaladii qaddiimiga ahayd ee Athen; waa masaafo dhan 42 km (26 mayl). Farriin-qaadahaasi wuu geeriyooday kadib markii uu warkii soo gaarsiiyay dadkii joogay magaaladii Athen. Wuxuu u dhintay dhaawac kasoo gaaray orodkaas uu ku xiiqmay. 

Haddaba, nidaamka dhanbaal-dirista waxaa sii horumariyay boqortooyadii Qin ee ka jirtay dhulkii Shiinaha (221 B.C. – 207 B.C.). Waxaa sidoo kale sii habeeyay boqorkii Roomaaniyiinta ee la oran jiray  Augustus Caesar (62 BC – AD 14). Boqorkii Roomaaniyiintu wuxuu jideeyey hab dhanbaallada la isugu diro oo loo bixiyay cursus publicus, waxaana dhanbaallada qaadi jiray rag orodkoodu aad u dheereeyo iyo kuwo fardo aad u xawaara dheer ku jooga. Habkani waxaa la sheegay in masaafo gaareysa 170 mayl uu farriimo ku geeyay muddo 24 saacadood gudahood ah. 

Hab kale oo isaguna u shaqeeya sida nidaamka boostada oo aad u muhiimsanaa ayaa waxaa jideeyey dowladdii Islaamka ee Umayawiinta, gaar ahaan xilligii uu madaxda u ahaa Amiir Mucaawiyah. Adeeg hufan oo dhanbaallada dadka u kala dalwiya ayaa la dejiyay waxaana loo bixiyay (Beriid). 

HABKII WAR-ISGAARSIINTA EE KA HORREEYAY ADEEGSIGA KORONTADA 

Ka hor intii aan la baran adeegsiga qalabka korontada ku shaqeeya ee wararka la isugu tebiyo, dadku qarniyo badan ayay warar isgaarsiinayeen iyagoo isticmaalaya habab kala duwan oo lagaga maarmay in warka afka ama gacanta lagu qaado. Hababkaas kala duwan ee ay dadku adeegsanayeen waxaa kamid ah:  

Dab-Seenyaalayn (Fire Signal): qiyaas ahaan taariikhdu markii ay ahayd 650-kii C.H. boqorradii Baabiliyiinta (Babylonian kings) ayaa jidadkii ugu muhiimsanaa dhulkii Ciraaq waxay ka sameeyeen saldhigyo ay fadhiyaan hawl-wadeenno wararka isugu gudbiya habka dab-seenyaalaynta. Waxay dhiseen minnaarado iftiinka dabka la isaga baaqo oo wararka la isugu gudbiyo. Sidaasna waxaa looga maarmay farriin-qaadayaal lugeeya. 

Qiiq seenyaalayn (Smoke Signal): qiiq seenyaalayntu waa bidhaan-arag kamid ah hababkii ugu horreeyey ee dadku ay isugu baaqi jireen iyaga oo kala jooga goobo kala durugsan; waxaana warka lagu kala qaadan jirey qiiq labada dhinacba u muuqda. Inta dab la beleliyo oo xagga sare busto ama wax la mid ah lagaga daboolo ayaa kolka la isu baaqayo mar kaliya muddo yar daboolka laga qaadayaa, si qiiqa  dabku uu cirka ugu shareermo. Baaq horay loo qorsheeyey oo labada dhinacba ay isla garanayaan, oo badanaa isugu jira qaabka uu qiiqu u baxayo, dhererka, iyo amminta u dhaxaysa laba qiiq oo isku xiga, ayaa laga daalacanayaa goob aad uga durugsan halka qiiqa laga sii deynayo iyadoo qaabkaas warar kala duwan la isugu gudbinayo. Habkan waxaa aad loo adeegsan jiray xilliyada dagaalka lagu jiro, iyadoo farriimo meleteri la isugu tebinayo, waxaana aad u adeegsan jiray ummado ay kamid yihiin Shiinaha iyo dadyowgii ugu horreeyay ee soo degay Waqooyiga Ameerika (North America).
 
Qalabka Durbaanka (Tom-tom): durbaanku wuxuu isugu jiraa noocyo kala duwan, waana qalab ka samaysan agab xoldan (hollow material) oo hal af ama labada afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani uu ku rogan yahay. Sacabbada ama laba ulood ayaa lagu garaacaa si uu u sameeyo dhawaaq dheer oo meel fog laga maqli karo. Dhex-roorkiisu (diameter) wuxuu u dhexeeyaa 8 ilaa 20 inji. Durbaanku wuxuu kamid ahaa aaladihii ugu horreeyey ee war-isgaarsiinta. Ummado kala duwan oo ku kala nool daafaha dunida ayaana adeegsan jiray. Marka si deg-deg ah loogu baahdo koox dad ah oo isku xaafad ku nool, waxaa loo garaaci jiray durbaanka maadaama aan xilligaas la aqoon aaladaha kala duwan ee maanta dunida laga adeegsado. Qarniyo badan kadib, qalabka durbaanku wuxuu kamid noqday qalabka cayaaraha, ilaa iyo maantana qalabka cayaaraha ayaa lagu tiriyaa. Dhinaca Soomaalida aad baa looga yaqaan durbaanka; siiba haweenka soomaaliyeed aad bay durbaanka u isticmaali jireen waxaana jirtay hees-dhaqameed dumarka u gaar ah oo magaceeda la yiraahdo HAAN iyo kuwo kale, sida BURAANBUR, oo aan qalabka durbaanka looga maarmin. 

Adeegsiga Qoolleeyda: shimbiraha loo yaqaan qoolleeyda soo guryo noqota (homing pigeons) ayaa laga adeegsan jiray magaalada Baqdaad horraantii sannadkii 1150-kii. Shimbirahaasi oo ahaa kuwo loo carbiyay in ay farriimaha qoraalka ah ay dadka u kala qaadaan, dibna ay ugu soo noqdaan guryaha ay ku noolyihiin. Dhanbaallada qoran ayaa qoolleeyda lugaha lagaga xiri jirey iyagoo u kala qaadaya masaafooyin aad u kala fog oo loo tababaray.  Sideedaba qoolleeydu waa shinbiro cajiib ah oo ilaa iyo maanta culimada saynisku ay darsayaan unugyada jirkooda iyo guud ahaan qaabka ay u noolyihiin oo ay dadka ula shaqeeyaan.  

Adeegsiga qoolleeyda waxaa aad ugu bogay hogaamiyihii meleteri ee Shiinaha, Genghis Khan. Hogaamiyahaasi waxaa loo aqoonsan yahay in uu ahaa ninkii aasaasay ciidamadii Mongooliyiintii Shiinaha (Mongolia), wuxuuna markii dambe dhaqan geliyay adeegsiga qoolleeyda farriimaha dadka u kala qaadda. 

Taariikhdu markii ay ahayd 776 C.H. dadkii Giriigga ee ku noolaa magaalada Athen waxay qoolleeyda u adeegsan jireen in ay dadka u kala gudbiso xilliyada la qabanayo cayaaraha isboortiga. 

Waxaa xusid mudan in markii taariikhdu ay ahayd 1850-kii, nin magaciisa la oran jirey Paul Reuter oo ahaa ninkii markii dambe aasaasay Wakaaladda Wararka ee Reuters (Reuter Press Agency), uu adeegsaday koox qoolleey ah oo tiradoodu kor u dhaafayso 45 qoolleey si ay warar kala duwan ugu qaadaan, iyagoo isaga kala gooshaya magaalada caasimadda u ah dalka Belgium ee Brussels iyo magaalada Aachen oo ku taalla dalka Germany. 

Qoolleeyda dhanbaallada qaadda waxaa aad loo adeegsaday xilligii uu socday dagaalkii 1d ee adduunka (World War I). Ciidamadii Cirka ee Ingiriisku waxay isticmaaleen tiro qoolleey ah oo kor u dhaafaysa  20,000 muddadii uu socday dagaalkii 1d ee adduunka. 

Waxaa waliba dhacday xilligii dagaalkii 1d ee adduunka shimbir qoolleey ah oo loogu magac daray Cher Ami (Saaxiibta Qaaliga ah), oo la shaqayneysey ciidamo gaar ah oo Maraykanka u qaabilsanaa seenyaale-bixinta (signaling) lagu abaal-mariyey billad sharaf meleteri oo lagu bixiyo geesinnimo dheeraad ah. Billaddaas waxaa magaceeda la yiraahdaa French Croix de Guerre, waxaana la guddoonsiiyay kadib markii ay qaadday farriimo meleteri oo ka kooban 12 warqadood. Cher Ami waxay ahayd qoolleey caan ah waxaana lahaa ciidamo Maraykan ah oo xilligii dagaalkii 1d ee adduunka ka dagaallamayey dalka France. Qoolleeydaasi waxay gacan ka geysatay sidii loo badbaadin lahaa qaar ka mid ah urur ciidan oo kamid ahaa qaybta 77d ee Maraykanku lahaa. Ururkaas oo loo yaqaan Lost Battalion waxaa go’doomiyey ciidankii Germany iyagoo ka dagaallamaya kaymaha Argonne taariikhdu markii ay ahayd bishii October 1918-kii. Shimbirtaas billadda lagu abaalmariyay waxaa markii dambe xabadka ka toogtay ciidankii Germany iyadoo dhanbaallo meleteri wadda. 

Billadda magaceeda la yiraahdo French Croix de Guerre (eeg sawirka bidix) ee lagu abaal mariyay qoolleyda, Cher Ami, waxaa markii ugu horreysay la sameeyay taariikhdu markii ay ahayd 1915 waxaana bixiya dalka France. 

Adeegsiga Fardaha: dalka Maraykanka dhanbaalka deg-degga ah ee faraska lagu qaado (pony express) wuxuu ahaa habka ugu dheereeya ee dadka dhanbaallada loogu kala qaado.  

Muddo ka yar 10 maalmood ayaa warqado ay sidaan dhanbaal-wadayaal fardaha deg-degga ah dul saaran oo jawi kasta ku shaqeeya ay ku gaarayeen masaafo dhan 3,200km. Adeegga fardaha dheereeya ee warqadaha lagu qaado wuxuu joogsaday bishii October sannadkii 1861-kii, kadib markii la helay farsamada telagaraafka (telegraph). 

Akhri qaybta 6-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA...

 

Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.

 

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, On. Canada
abdulfatah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2005
Sawirada: Google | Yahoo

QAYBTA 4aad QAYBTA 6aad   

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD