SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DR. IBRAHIM

 Suaal & Jawaab

> Sanboorka
> Cudurka Kawasaki
> Xawada Ragga
> Kabuubyada Lugaha ah
> Caadada Cudur La'aanata
> Dhiig Karka
> CellPhoneka & Cancerka
> Maxaa keena dhabar xanuunka?
> Baabasiirka


Sanboorka

S: Dr.Ibrahim, marka hore Ramadaan wanaagsan marka labaad waxaan doonayaa inaan wax ka ogaado cudurka Somalida u taqaan Sanboorka calaamadihiisa iyo sida lagu daaweyn karo. Mahadsanid.

J: Sanboorka calaamadihiisa waxaa ka mid ah

  1. diif badan oo aan caadi aheen
  2. Indhaha oo ku cuncuna
  3. cabur fara badan.
Waxaan oo dhan inta badan waxay yimaadaan xiliyo gaar ah ama haddii qofku uu la kulmo waxa uu jirkiisa diidayo. Sanboorku caafimaad ahaan macnihiisa waxaa weeye jirkaaga ayaa la kulmay wax uusan dooneen. Maadaama inta badan sanka laga neefsado, jirka waxuu kala kulmaa waxyaabo badan oo uusan jirka dooneen sanka. marka diifka iyo waxyaabaha la midka ah waxaa keenaya jirka oo la dagaala maya waxii uusan jirka rabin.

Sidee lagu daaweeyaa? inta badan sadex nooc bay daawo ka imaan kartaa.

  1. Adiga oo ka taga meeshii uu jirka waxa uusan rabin laga heliyey
  2. adoo jirka u sheega in uusan si halis ah u dagaalamin
  3. adiga oo jirka taba bara oo u diga in uu imaan doono wax jirka uusan jecleen.

Maxaan ula jeedaa arrimahan?

  1. haddii aadan sanboor lahaan jirin oo aad magaalo cusub u guurtid oo aad isku aragtid sanboor badan, macnaheedu waxaa laga yaabaa in ay tahay wax ka baxa magaaladaan ayaa jirkaagu jecleesan. haddii aad ka guurtid magaaladaas waxaa laga yaabaa in sanboorkaagu isga tago.
  2. Daawada dadka badankood ay qaataan waxa ay u suuro gelinaysaa jirka in uusan si halis ah ula dagaalamin waxa uusan jecleen sida busta oo kale. marka daawooyinka aad aragtay ee farmishiyaha laga soo iibsado sidaan bay u shaqeeyaan
  3. dadka qaar baa cirbado lagu duraa oo ah cirdabo u suura galinayo jirka in jirka la taba baro oo loo sheego in haddii ay la kulmaan waxa jirka uusan jecleen sida busta, in uusan la dagaalamin.

Waxaan kugula talin lahaa haddii aad sanboor xun qabtid in aad araktid dhakhtar si ay ugu horeen u ogaadaan in waxa uu sanboor yahay, waxa keenay iyo sida ugu fiican ee loo daaween karo. mahadsanid.

S: Dr.Ibraahim waan fahmey waxyaalihii aad iiga soo sheegtey cudurka Sanboorka, waxaan markale rabaa inaan ogaado in isla cudurkan uu keeno cuduro kale hadii uu tusaale ahaan ku hayo muddo badan. Waxaan maqley in uu keeno cudurada sida neefta oo kale iwm. Mahadsanid

J: Sanboorka ma keeno neef ama cudur kale. inta badan wax uu u dhimayo jirka ma jirto. dhibaatadiisu waxa ay tahay oo kali ah in uu qofkaa aad u dhibaateeyo. Sida aad sheegtay waa run in sanboorka iyo cuduro kale ay mar mar isla socdaan. sida neefta oo kale. Laakiin taas macnaheedu ma aha in sanboorku keenay neefta. waxaa jirta in dadka neefta qaba intooda badan ay qabaan sanboor. sababta oo ah in waxa keena neefta iyo waxa keena sanboorka qaarkii (ma aha kuligee) way xiriiraan.

Mida kale qofka qaba neefta haddii ay la kulmaan wax ay sanboor ka qaadaan, waxay dhibaateynaysaa neeftoodii. Laakiin ma aha in sanboorku keenay neefta. Mida kale, sidii aan horey kuugu sheegay, sanboorku kuligii isku nooc ma ahaa, qaar waxaa jira la socda cuduro kale. Midka dadka badankood qaabaan oo ah diifka badan iyo cuncunka badan ee indhaha, inta badan wax saas ah uma geysto caafimaadka intiisa kale. mahad sanid


Cudurka Kawasaki

Q: The reason for my message is simply to ask you about the kwazaki disease related to heart ailments if you know anything about it or simply could translate into Somali. By the way thank you for starting useful and wonderful service for your fellow countrymen and women.

J: Waa sida aad ku sheegtay cudurka la yiraahdo kawasaki waxuu keena wadno xanuun. Cudurkan sida aad ka dareemeyso magaciisa waxaa markii ugu horeysa arkay nin Japanese ah sanadka markii uu ahaa 1967. markii hore waxaa loo maleen jiray in uu yahay cudur iska sahlan. laakiin gadaal baa laga ogaaday in uu halis yahay. Cudurkan ilaa iyo hadda si rasmi ah looma yaqaan waxa keena. laakiin waxa uu ku dhacaa caruurta da'deedu ka yar tahay 5 sano (inta badan). wax yaabaha lagu garto waxaa ka mid ah:

  1. qando
  2. busbus (Rash)
  3. Indho caseen (Conjuctivitis)
  4. Qanjir barar (cervical lymphadenitis)
  5. Barar faruuraha ah iyo cirridka afka iyo gacmaha iyo lugaha.

Dhibaata ugu weyn ee uu keeno cudurkaan waa wadno xanuun. Waxuu ka mid yahay cudurada ugu muhiimsan ee caruurta ee keena wadno xanuunka. Inta badan caruurta u dhimata cudurkaan waxaa dila wadnaha oo istaaga. Cudurkaan waa laga helaa wadamada horay u maray iyo kuwa soo koraayaba. Waxaa muuhiim ah in si dheg dheg ah uu qofku u arko dhakhtar haddii cudurkaan lagu maleenayo, sababta oo ah in inta badan si loo joogiyo wax yaabaha uu u keenayo wadnaha waa in la daaweeyaa. haddii aad su'aal intaa ka badan haysid ama aad jeclaan laheed in aad su'aalo gaar ah weydiisid, waxaan kugula talin lahaa in aad fiirisid boga www.Newwellness.org oo aad si toos ah dhakhaatirta ku taqasustay caruurta aad su'aal u weydiin kartid. mahadsanid.

Xawada

S: Waxaa dhib igu ah soo bixitaanka shahwada oo markasta ma soo wada baxdo oo way igu ceshoontaa oo xogaa yar ayaa iga soo baxo inta kale ma soo baxdo oo markaa waxaan dareema xanuun aad u balaaran, waxaan rabaa inaan kula socodsiiyo sidii uu xanuun iigu bilaabmy waxay ahay 1992 anigoo safar oo gaari dusha ka saaran soomaaliya ayaa waxaan na soo weeraray koox tuugo markaas ayaan gaarigii dushiisa ka booday waxaana ku dhexdhacay geed waxaana dhacday in qori ka mid ah geed uu iga galay dabada ama saxarada halka ay ka timaado waxaana iska soo saaray isagoo dhiig leh oo xanuun ba'an ayaa i qabatay.

Waxaana imid Nairobi waxaan dhaqaale xumo awgiis ima suurto gelin inaan dhaqtar fiican helo, waxaan imid (waddan Yurub ah) oo haba yaratee way ii diideen in baaritaan sax igu sameeyaan waxayna dhaqtar uu iibaray sidataan waxuu dabada iga geliyey fartiisa isagoo dhahayo waxaan eegayaa protaste ka dib waxuu yiri waad caafimaad qabtaa ma la iidirin wax baarid, sidakale wax dhibaato ah ma qabo xagga u tegitaan xaaskeeyga balse dhibaatada waxaa weeye marka ugu danbeeyso biyaha iga imaanayaan waxaa iga soo baxayo xoogaa yar inta kale way igu ceshoobayaam oo maalmo ka maalin ka daba waxaa ka dareemayaa wax dheecaan oo urayo oo aan tuhmayo iney yihiin biyhii oo ka weecday jidkii Alle oo ka soo baxeen meesha laga saxaroodo.

J: Biyaha raga waxaa sameya xaniinyaha. Waxaa lagu keydiyaa xaniinyaha. ka dib marka aad xaaskaaga ku tegtid ayaa jirku waxuu u sheegayaa xaniinyaha in ay soo daayaan biyaha. Biyaha waxaa soo qaada laba xidid (mid midig iyo mid bidix) kuwaas oo keena ibta hortiisa. Laakiin inta aysan biyahu soo gaarin ibta, waxaa kaloo biyo badan oo ah nafaqo ku biiriya waxa la riyaahdo Prostateka. Dad waa jiraan qaba dhibaato la yiraahdo "retrograte ejaculation" oo macnaheedu yahay in biyaha meeshii xididku u soo qaadi lahaa ibta, ayey dib ugu noqon xaniinyaha. Oo wax yar baa soo gaaraya ibta.

Haddii aadan ii sheegin arrintii shilka aheed iyo in wax biyo la moodo ay ka imaanayaan halka saxarada ka imaato, waxaan dhihi lahaa waxa ku haaya waa "retrograte ejaculation" oo aan kor kuugu soo sharxay. Laakiin markii aan ka fakaro arrinta kale ee la xiriirta shilka ee aad ii sheegtay, waxaa dhici karta in aad dhaawacday xididka ka soo qaada xaniinyahay biyaha. Kaas oo laga yaabo in uu dib ugu laabtay dhinaca dabada. Maadaama ay labo xidid soo qaadaan biyaha, waa suuro gal in mid fiican yahay oo ah kan kuu keenaya ibta inta yar ee biyaha ah ee aad isku aragto. Laakiin waxaa suuro gal ah in midka kale uu dhaawac may oo uu biyaha u qaado dhinaca dabada. Inta badan haddii dhawac yimaado gudaha ah, waa suuro kal in jirku si aan caadi aheed u daawoobo. waxaan tusaale kaaga soo dhigayaa dadka qaba shuban caloolaadka qaarkii. haddii ay qabaan cudur dabada wax yeeleeya, mar marka qaarkood waxaan ku aragnaa in saxaro ka imaado ibta (xubinta taranka ragga). waxaan arrintaa ula jeedaa in dabada iyo meesha kaadida ama biyaha isku wada dhowyihiin oo ay xiriiraan.

Hadaba waxaan kugula talin lahaa in aad dhakhtarka ku noqotid oo aad u sheegtid sida aad iigu sheegtay. waxay sameen karaan raajato gaar ah oo u suurta galinaysa in ay arkaan sida xididka biya qaada uu u shaqeenayo. haddii ay kuu suuroobayso, warso in ay kuu diraan nooca dhakhaatiirta loo yaqaan Urologist. kuwaas oo ah kuwa ku taqasusay arrimaha raga. aad baad ugu mahadsan tahay su'aashaan wanaagsan.


Kabuubyada Lugaha ah

S: kabuubyo lugaha ah ayaa igu soo kordheysa, sonkor baan ka shakiyeyna, waxaa la igu sheegey inaanan qabin, maxaad igula talin laheyd, aad baadna u mahadsan tahay

J: Sida aad u sheegtay cudurrada keeni kara kabuubyada lugaha waxaa ka mid ah kaadi sokorowga. Waad nasiib fiican tahay haddii aanan cudurkaa lagugu sheegin. Waa cudur aad u dhibaato badan. Laakiin dhibaatooyin kale oo la xiriira caafimaadka ayaa iyaguna sidoo kale keeni kara kabuubyada lugaha. Waxaa ka mid ah Vitamin (fitimiin ) yari, kaar ahaan nooca loo yaqaan B-vitamins. ha noqoto b12 ama b6.

Waxaa kaloo ka mid ah daawooyinka qaarkood (iima aadan sheegin in daawo aad qaadato). Mida kale kabuubyadu isla mid ma aha, nooca kabuubyada waxay ku xiran tahay waxa keena kabuubyada. haddii aad ula jeedo kabuubyo in aadan si fiican wax uga dareemeen lugaha, taasi waa nooc. Haddii aad ula jeedo in luguhu ku xanuunayaan, taasina waa mid kale. Haddii aad ula jeedo in ay luguha ad mootid in muruq kalay, taasina waa nooc kale.

sababta aan u kala saarayo nooc yadaan waxaa weeye in wax ka qabashadoodu ku xiran tahay nooca kabuubyada iyo waxa keenay. Inkastoo aanan soomaalida si fiican iskula faham saneen kabuubyo, inta badan waxaan ula jeednaa dareenka oo hoos u dhacay. Sida adiga oo ku jiifsaday gacantaada mudo dheer oo ka dib dhaqaajin waayey waxna ka dareemi waayey. Inta badan arrimahaas waxaa keena waxa aanu dhahno dareenwade (nerves). Qaar kalena waxay la xiriiraan xididada dhiiga qaada (Blood vessels).

Sida kali ah oo lagu ogaan karo waxa kuu keenaya kabuubyada waxaa weeye in lagu baaro. Waxaan ku talin lahaa haddii ey kuu suuro galeyso in aad ku noqotid dhakhtarkii kaa baaray sokorowga, u sheeg in wali kabuubyada ku hayso. si uu dhakhtarka u fiiriyo wax yaabaha kale ee keeni kara kabuubyada. Aad iyo aad baad ugu mahadsantahay su'aasha fiican.


Caadada Cudur La'aanata iyo pinpales

Jawaab: Daawada caadada cudur la'aanta ah ee joogtada ah waxay ku xiran tahay waxa keena. marka aad tiri caada cudur la'aan ah, waxaan filayaa in aad uga jeedo caado aan dhibaato kale la socon, sida xanuun, ilmo la'aan, miisaan dhac. Sida runtii ah, waa yartahay caado joogta ah oo aan dhibaato ka dembeen. Inta badan su'aashu waa maxaa keenay in caadadu joogto noqoto (joogto oo aan ula jeedo mid aanan istaakeen). haddii arrintaan ay ku hayso, waxaad u baahan tahay in dhakhtar aad aragtid.

Su'aal: Arrinta labaad ee ah "pinpales" oo aan maleenayo in aad ula jeedo nabarada ka soo baxa wajiga. Inta badan waa sahal in la daaweeyo. lakiin daawada inta badan wax tarta waxay u baahan tahay in uu dhakhtar kuu qoro. Inta badan, dadka cudurkaan qabo la siiyaa daawo la yiraahdo Ret.A (cream). Taa haddii ay shaqeyn waydo waxaa lagu daaya Antibiotics. mar marka qaarkood waxaa lagu daraa steriod creams. laakiin, sida aad u kala dooranayso iyo in ay kuu haboontahay waxay u baahan tahay in dhakhtar ku argo. Mahadsanid.

Dhiig Karka

Su'aal: Dear Dr. Ibrahim, waxaa maalin dhaweed lagu sheegay dhiig kar hooyaday oo jirta 55 sano. Anigu waxaan ahay nin jira 30 sano. Caafimaadkayguna waa fiican yahay. Ma u baahanahay inaan dhakhtar arko?

Jawaab: Dhiig karku waa halis. waxaa halis saa'id ah ka dhigaya in qofku uusan sida badan laheen xanuun u digaya in caafimaadka uusan fiicneen. Dhiig karka si sahal ah ayaa loo controlikaraa. Waxuu qofku u baahan yahay in uu qaato daawo joogta ah. Dhiig karka qaarkiis waa la iska dhaxlaa. Haddii hooyadaa lagu sheegay, adigana halis baad u tahay. Waxaad u baahan tahay haddii aad dhakhtar leedahay in aad u sheegtid arrintaan si laguu baaro. Mahadsanid. 

Cell-Phone-ka malaga qaadaa Cancer

Su'aal: Marka hore Dr. Ibrahim waxaan ku leeyah ramadan wanaagsan.  Dr. Ibrahim su'aashaydu waxa waaye cell phone-ka waxaa dad badan ka maqlay  in ay leeyihiin "waxaa laga qaada cudurka layiraahdo CANCER", marka waxaan  rabay inaa ii faahfaahisid sida cancer-ka looga qaado? markale, ramadan wanaagsan.  Columbus, OH.

Jawaab: cell phoneka waxaa uu la mid yahay wax yaabo badan oo la isticmaalo sida "remote" controlka baabuurta iyo waxii la mid ah. Waa runta in dood badan ay wali ka socoto aduunka oo ku saabsan in cell-phoneka uu keeno cancer. Laakiin ilaa iyo hadda wax rasmi ah oo arrintaan rumaynaya ma jiraan.

Haddii aan u soo noqdo su'aashaadii aheed sidee buu cancer u keena, waxaa horey loo ogaa in haddii aad "radio waves" aad ku shidid jirka qaarkiis (experimental animals) in jirku kukulaanayo. Kulaykaas oo keeni kara in isbadal ku dhaco jirka (the tissue/cells). Laakiin taasi waa haddii la isticmaalo "radio wave" fara badan. Laakiin, radio waveka ka baxaya cell-phoneka ma badna, wax huba in uu dhibaato keeni karana ma jiraan. 

Mida kale, dawladaha sida Canada iyo USA way fiiriyaan inta "radio wave" ee sheeyaasha cusub sida cell-phoneka ee isticmaalaan. Haddii ay arkaan in radio wave fara badan ka baxayo oo halis keeni kara, looma ogolaado in la iibiyo. Marka si kooban, ilaa iyo hadda ma jiraan wax aqoon rasmi ah oo orranaysa cell-phoneka cancer buu keenayaa. Dad badan way aamin sanyihiin arrintaa, laakiin lama hubo. Waa suurogal in mustaqbalka arrintaan la ogaan doono. haddii aad leedahay baabuur u baahan in aad remote control ku furtid, waxaa ka soo baxaya radio wave aad uga badan kan ka soo baxaya cell-phoneka. mahadsanid. 

Dhabar Xanuunka

Su'aal: Maxaa keena dhabar xanuunka? (da'da 27)

Jawaab: arrimo badan oo caafimaad ayaa keeni kara dabar xanuun. Inta badan, dadka da'da yar sidaada oo kale oo caafimaadkoodu fiican yahay laakiin leh dabar xanuun waxaa inta badan u sabab ah muruq/laf xanuun (musculoskeletal pain). Taasoo ah in muruq uu dhibaato dareemayo. 

Sida badan dabarxanuunka noocaas ah waxaa daaween kara: 1) nasasho (rest) 2) ciyaaro (exercises) 3. Iyo daawo sida tylenolka ama motrin ah. Intaa haddii aysan wax ku hagaagin waa in aad dhakhtarka tagtaa oo la hubiyaa in wax ween aysan jirin. Qofku haddii uu jiro da' weeyn xaalku waa nooc kale. Inta badan waxaa laga yaabaa in ay jirto waxa somaalida u taaqaan Rumatiisimo (arthritis) iyo wax yaabo kale oo la xiriira cancer iyo wax la mid ah. Waxaa had iyo jeer haboon in haddii nasasho iyo exercise iyo wax yar oo daawo ah dhabarka ku hagaagi waayo, waxaa ha boon in dhakhtarka loo tago. mahadsanid. 

Baabasiir-ka

Su'aal: dear Dh.Ibrahim waxaa jeclahay in ku waydiiyo waxa aan leeyahay  bahasha loo yaqaano baabasiirta taasoo aan mudo leeyahay, Markaa waxa aan  jeclahay in aad warbixin iga siiso sida ay ruuxa u saameyso iyo sida loo  dawaynkarayo iyo in aad ii sheegto waxyaabaha caawinayaa in lagaga bogsado. Waad Mahadsantahay.  Rabadaan wanaagsan. 

Jawaab: Haddii aanan fahmin su'aashaada iga raali noqo. Waxaan u arkaa in aad i weydiinayso waxa somalida u taqaan Baabasiir... oo aan aamin sanahay in loo yaqaan Hemorrhoids. Haddii su'aashaadu aysan aheen tan, waxaan kaa codsanayaa in aad su'aasha igu soo celiso adaga oo ii sharxaya dhibaatada ku haysa.

Hemorrhoids oo aan aamin sanayahy somalida in ay u taqaan Baabasiir, waa cudur xanuun keena laakiin aanan inta badan qofka si halis ah wax ugu dhimin. Boqolkiiba 50 (50%) dadka ka weyn 60 sano waa qabaan cudurkaan. Inta badan uu ku yar yahay dhalinyarada. Cudurku waxuu leeyahay laba nooc oo kala ah 1) mid gudaha ah (internal Hemorrhoids) iyo 2) mid dibatada ah (external hemorrhoids). Kan dibada ah inta badan qofka ayaa taaban kara ama arki kara. Kan gudaha ma sahlana in qofku arko. Inta badan waxaa cudurku yahay xididada dhiiga qaada ee ku yaal dabada oo barara. Baabasiirka ka gudaha ku yaal inta badan ma xanuun badna, sababta oo ah xididada xanuunka qaada way ku yaryihiin dabada gudaheeda. Laakiin baabasiirka dibada ah (external) marka uu bararsan yahay aad buu u xanuun badan yahay, sabata oo ah xididada xanuunka qaada oo aad ugu badan dabada afkeeda.

Maxaa laga qaban karaa? waxay ku xirantahay nooca iyo sida ay dhibaatada kuu hayso. haddii aad xanuun badan leedahay, waxaad marka hore sameem kartaa in aad calooshaada jilcisid. Waxaad taa ku sameen gartaa adiga oo qaata daawo caloosha jilcisa, ama cuna raashinka caloosha jilciya sida tufaaxa, khudaarta, iwm. Haddii xanuun badan jiro waxaad iibsan gartaa daawo loogu tala galay xanuunka noocaas ah oo farmashiyayaasha lagu gado. Haddii ay jirto dhiig, waxaad u baahan tahay in dhakhtar ku arko. 

Marka, sida ugu haboon ee aad wax uga qaban karto arrintaan waaa adiga oo tusa dhakhtar si uu u arko nooca baabasiirka iyo in aysan jirin arrimo caafimaad oo ka halis ah baabasiirka oo mar mar loo maleeyo baabasiir. mahadsanid.

Daawada Baabasiirka

Su'aal: Fadlan waxaa doonayaa in aad ii sheegtid dawada bawasiirta oo aan aheen qalin

Jawaab: waxay ku xiran tahay sida dhibaatada kuu hayso iyo nooca baabasiirka (hemorroids). haddii eesan jirin dhiig bax dhakhtarkuna horey kuu arkay oo uu xaqiijiyey in aad qabto baabasiir caadi ah, waxaad isticmaali kartaa marka hore kuwaan: Sitz Bath; Anusol cream; hydrocortisone cream with analgesic, iwm. Kuli waxaa laga helaa farmashiyaha. haddii kuwaan ay wax ku tari waayaan, waxaad weydiin kartaa dhakhtarka in uu kuu qoro "analgesic cream" ka xoogbadan kuwa farmashiyaha yaal. Mahadsanid


Q: Dear Dr. Ibrahim: waxaan ahay nin 45 sano jira oo dagan dalka England. Waxaan dhawaan la igu sheegay kaadi sokorow (diabetes). Haatan meelna ma la'i oo xanuun ima haayo. Ma u baahanahay in aan daawo qaato?

A. Aad iyo aad ayaad ugu baahan tahay in aad dhaawo qaadatid haddii uu dhakhtarkaaga ku taliyey. Haddii aadan daawada si joogta at u qaadan waxaad halis u tahay cudurada soo socda: 1) wadno xanuun (heart disease); 2) Qalal (stroke); 3)Cudur kalyeed (Kidney disease); 4) Indha beel (blindness) 5) Xubno go (loss of limbs).


Q: Dear Dr. Ibrahim: waxaan ahay gabar jirta 26 sano. Waxaan ku noolahay xamar. dad fara badan oo ka mid ah reerkeyga ayaa lagu sheegay kaadi sokorow (diabetes). ma la iska qaadaa cudurkaan?

A: Kaadi sokorowka la iskama qaado laakiin waa la iska dhaxli karaa.Taasoo ah haddii waaridkaa ama walaalahaa lagu sheeko cudurkan, adikana halis baat u tahay.Haddii ay kuu sooroobayso in aad dhakhtar aragtid, waxaa haboon in lagu baaro. Haddii aadan hada qabin cudurka, wali halis baat u tahay markii uu cimrigaaga saa'ido (50-60 sano).

Qore: Dr. Ibraahim

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD