cagaarshow
S: marka hore Dr Ibrahim waad salaamantahay. suaasheydu waa maxaa
keena cududrkan cagaarshowga maxeyse yihiin qaarka ay dhakhaatiirtu
yiraahaan uma baahnid daweys mana qaadsiineysid cidkale.
J: Sida aad la socoto somalida sabata ay magacaan cagaarshow u
biixiyeen waxaa weeye in qofku indhihiisa ay midabka ka duwan kan caadiga ah
eey yeeshaan. Waxaa arrintaa af ingriiska lagu yiraahdaa Jaudice.
macnaheeduna waxaa weeye wax inta badan jirka ka baxa oo beerku sifeeyo ayaa
jirka ku bata haddii beerka uusan sidii loo baahnaa u shaqeenin. Laakiin
sababaha keena in beerku uu shaqadiisa gabo aad iyo aad bay u fara badan
yihiin oo waxay iskugu jiraan infection ama sun daawo ama dhibaatooyin kale
oo la xiriira sida dhiija u shaqeeyo.
hadaba inta badan cagaarshowkii aan naqiinay ee somalia waxaa keeni jiray
waxa la yiraahdo Viral Hepatitis. kaasoo noocyo badan leh. Inkasto hadda
daawooyin soo bax baxayaan lagu daaweeyo noocyo ka mid ah viral hepatitis,
inta badan daawo ma leh. dadka badankiis way iska raystaan oo jirka ayaa
difaaca. Madaama hadda ay jiraan daawoyin dadaka qaarkood wax tara, haddii
aad qabto cagaarshow la xiriira nooca hepatitiska ah oo la yiraahdo
Hepatitis B ama Hepatitis C, waxaa haboon in aad la dhashato dhakhtar si loo
fiiriyo in aad daawo u baahan tahay iyo in kale.
Arrinta iska qaadista, waa run in la iska qaado cagaarshowga qaarkiis,
laakiin waxay ku xiran tahay waxa keena iyo sida loo gudbiyo. Mida kale iska
qaadintu waxay ku xiran tahay reerka cagaarshowga uu marayo, haduu cusb
yahay ama haddii uu yahay wax hore u jiray, iwm. mahadsanid.
Baabasiir iyo shahwo habeenaad
S: asalaamu claykum, dhibta ugu weyn ee i haysa waa basha layidhaa
babaasiirta mudo toban sano ahayaan qabaa waxaan leeyehey ta hore iyo ta
gudahaba markaa waxaan qabaa dhibaato badan waxaan tagay yemen oo la igu
qalay 4-12-2000 taa oo aan la i siin wax dawo ilaa 30 xaboo ambasaliin
kaabsolah mooye waxaan ku noqday dhakhtarkii i qalay wuu diiday in uu i eego
markale hada waxaa igu sii kordhay dhiigbadan iyo garaac iyo iyo bararba
waxaan dareemaa qaliinkii la igu sameeyeyin hilbo soo laalaadaan marka aan
galo suuliga oon taabanayo hilbo dhaadheer iyo qaarkale oo buurbuuran waxaan
dareemaa oo kale jiir ama casiraad badantaasi waa sidaa mida labaad waxaa
weeyi waxaa iga tegay hamadii ama galmadii oo habeenkii waxaan isku arkaa
marka aan seexo iyada oo iga daadanaysa markaa ma isku xidhan yihiin
labadoodu mise waxaan u jeedaa babaasiirta iyo tan mise waa kala labo cudur
hadii aan ka dawoobo babaasiirta iyadna may raaci mise waa xanuun kale
daawadiisu waa maxay dhibaatadaa ayaa i haysata eemaxaa daawo ah een qaataa
waa babaasiirta iyo tan kale sidaa iyo nabadeey
J: labada arrimood ay aad sheegtay iilama muuqato in ay isku xiran
yihiin. Waxay kala yihiin labo xubnood oo aan isku xirneen. Taasi waa haddii
uusan qalitaankii wax keenin. lakiin haddii qalitaankii uu wax keenay,
dhibaatada la xiriirta shahwada ma sugteen habeenkii oo kali ah, oo waxay
dhici la heed adiga oo suuqa maraya ama qado cunaya.
Dhinaca baabasiirka, waxay ila tahay in dhibatadaadu ay u baahan tahay
dhakhtar fiican oo ah kuwa qalitaanka. ma aha in aad u baahan tahay in dib
laguu qalo, ee waxaan ka wadaa in la fiiriyo sida ay wax u dhaceen markii
hore ee lagu qalay.mida kale daawada laku siin waxay ku xiran tahay sida ay
wax u jiraan. Arrinta ah shahwada, waxay iila egtahay in aad riyoonayso
habeenkii. Taasina ay caadi tahay haddii shahwa aad isku aragto. Annigu uma
argo tan dhibaato. Mahadsanid.
Menstrual irregularities
Q: I have a problem with my 'mens' sometime it is too heavy and
sometimes I get nothing at all. My doctor suggested that I should go on the
pill! but since I am not sexually active I thought there must be some other
way. Please help me!!
A: Most menstrual irregularities are caused by imbalances between
two hormones known as progesterone and estrogen. As recommended by your
doctor, the easiest way to address such imbalances is to take the pill. As
you may know, the pill contains variations of doses of estrogen and
progesterone combination. By taking the pill, the body's hormone status is
overridden by the dosing provided in the pill. So, most of the time, it
works. Unless you have risk factors for endometrial cancer or clotting, or
for other contra-indications to the pill, you probably should consider a
trial of the pill. The pill is commonly used by doctors for purposes other
than contraception. This is one such example. However, if you decide to take
the pill, you should let your doctor know. Thanks for the good question.
Aaryo
S: Asalamu Caleykum Dr Ibrahim. Illaahey hakaa abaalmariyo sida
aad dadka wexey ka tabanayaan uga jawaabeyso. Walaal su'aasheydu wexey tahay
waxaa iga timaada aaryo kasoo bexeysa xubinteyda taranka laakiin aan ureyn
sida dhuusada. Waani intii aan hooyada noqday kadib. Hadaba mexey tahay
aaryadaasi maxaana u sabab ah.
Mahadsanid
J: haddii aad ka wado aaryo in wax dabeel ah ay ka soo baxayso
xubinta taranka, taasi waa kheera caadi oo dhibaato ayaa jirta. haddii aad
ka wado ur aan aheen mid la mid ah dhuusada, taa waa wax kale. Hadaba haddii
aan ka soo qaado in aad aaryo ka wadid dabeel aad dareemayso oo mar mar
xumburyo soo saarayo, taa macnaheedu waxaa weeye in ay jirto isku furnaan
qeybta taranka iyo tan saxarada. Waa dhici gartaa in aysan u urun sida
dhuusada ayada oo ka imaanaysa dhinaca saxarada hoos ahaan. Qeybta taranka
inta badan ma soo dayso aaryo nooc ay ahaataba. waxaan ku talin lahaa in aad
u tagto dhakhtarka caadiga ah si laguu fiiriyo.mahadsanid.
jilib xanuun
S: waxaan aad uga liitaa lawga midigta ah uguyaraan 4 sano marr
walba oo aan yara han taaturooda waa igusoo kacaa markii ug horeysey waxaa
nabarku igu soogaarey banooni dhawr jeer raajo la iga saaray waxd dhib ah la
iima sheegin waxaan ku noolahy yurub maxaa talo ah.
J: Waxay iila egtahay in aad wax yeeshay jilibka. haddii waxa lagu
saaray eey tahay raagatadii caadiga aheed, waxaa suuro kal ah in ayan
dhakhaatiirtu arag dhibaatada gaartay jilibka. Raagatada caadika ah waxay na
tustaa oo kali ah lafaha. Inta badan dhaawaca gaara jilbaha ee la xiriira
sportska waxuu u badan yahay mi wax gaarsiiya waxyaaba isku haaya lafaha.
marka haddii raagato caadi ah lagu saaro, ma arki kareesid xubnaha aan
aheen lafaha. Inta badan si aan u fiirino jilibka markii aanu ognahay in laf
eesan jabneen waxaa dadka la saaraa wax la yiraahdo MRI. Waa suuro gal in
waxa aad oranayso raajito in aad ka wado MRI. Laakiin haddii aysan sidaa
aheen, waxaad u baahan tahay MRI. Waxaa kale oo dhici karta in ay ku hayso
wax la yiraado Osteoarthritis oo ah nooc ka mid ah waxa soomaalidu u
yaqaanaan rumatismo. Osteoarthritis qaar ka mid ah waxaa ay ka imaan gartaa
dhaawac gaaray jilibka.
Laakiin haddii waxa ku haaaya ay tahay osteoarthritis, waxaa lagu arki
lahaa raagatada caadiga ah. haddii aad arki garto dhakhaatiirta loo yaqaan
Orthopeditics (oo ah kuwa ku taqasusay lafaha), fiiri. mahadsanid.
Jir cun cun
S: Asalaamu calykum?, Waxaan mar marka qaarkood xogaa, ama cun cun
igu sameeya jirkayga waxaan umaleeyay in aan wax ku ahay Elarjik oo siiba
marka aan dhidid iga yimaado ayaan is ku arkaa inkastoo meesha aan joogo
uusan dhididku si sahlan ku imaan oo waa in aad cayaartaa banooni ama gym,
marka ma sidaan u fahmay baa mise waxbaa ka duwan? mahadsanid
J: Sida aad u sharaxday, waxay u badan tahay in jirkaagu qalayl
badan yahay. Gaar ahaan haddii aadan cun cunka badankiis isku arag xiliyada
summerka oo kale ah marka ay hawadu roontahay. Qeeri caadi ma aha in haddii
maqaarkaagu aad qalayl u noqdo in marka ugu horeysa dhidhid kaa soo baxayo
in xoogaa cun cun ah isku aragto. Laakiin inta badan markii aad sii socoto,
cun cunka wuu tagaa. haddii ay kuu suuroobayso, isku day in aad maalintii
laba jeer korka oo dhan marisid lotion (cream jirka).
haddii taasi wax ka qaban waydu cun cunka jirka, waxaad u baahan tahay in
dhiij lagaa qaado oo la baaro wa yaabo kale oo la xiriira kalyahay ama
beerka oo haddii ay wax u dhiman yihiin laga yaabo in ay keenaan cun cun
kuud. Laakiin sida aan ka dareemay su'ashaada, waxay ila tahay cun cunka ku
haya in uu la xiriiro dry skin (maqaar qalalan). Haddii cun cunka uusan
joosan markii aad si joogta ah u isticmaashid lotionka jirka, la tasho
dhakhtar si laguu fiiriyo. Mahadsanid.
Indho dhaciif
S: ASALAMU ALAIKUM. Dr waad mahadsantahay. waxaan dreemaa indhaha
oo idaciifa markii aan sameeyo galmasho is daba joog ah oo sadex asbuuc ah
waxana dhacda habeenkii inaan dareemo daciifkaa indhaha hadii anjoojiyona
indhahii caadi kusoo noqonayaan
J: waad ku mahadsantahay sharaxa. Waxay iila egtahay in aad tahay
nin yar oo aanan gaarin 40 sano. haddii taasi ay dhabta tahay oo aad mida
kale tahay nin caafimaad qaba, ma arko sida ay indhahaagu u dhaciifi karaan
habeen dhax oowgeed. Haddii dhaciif aad ula jeedo in arragtida ay wax u
dhimnayso, taas macnaheedu waxaa weeye in ay jiraan dhibaato la xiriirta
indhaha oo aanan shaqo ku laheen habeen dhax. Habeen dhaxu waxba uma dhimo
indhaha.
Waa suuro gal in aadan hurdo kugu filan aadan helin taasoo oo keeni karta
in aadan si fiican u soo jeedeen markii aad u baahan tahay in aad soo jeedo.
haddii hurdadu aad kuugu yaraato way suuroobi kartaa in aad isku aragto waxa
la yiraahdo "dizziness". oo ah wareer. lakiin wax gaar ah oo hurdo la'aani
ay indhaha wax u dhimeesayo ma maqal wali. haddii aad fasax qaadato oo aad
si joogta ah oo caadi ah u seexato oo markaa aad insku aragto in indhahaadu
waxba qabin, taa macnaheedu waxaa weeye in indhahaadu aysa dhibaato qabin.
mahadsanid.
Isku kaadin habeenkii
S: asalaama calaykum waraxmatulaah walaal ilaahay hakaa abal
mariyo jawaabahaaga walaal waxaan ahay hooyo afar ciyaala leh oo 27,jir ah
walaal waxaan qabaa mudo ah ilaa 6,sano ah walaal inaan habeenkii markaan
seexdo aan isku kaadho sida ciyaalka khaasatan markaan daalanahay had&goorna
maahan laakiin bishii labo ama sadexjeer anoo markaan isku kaadshayo u
haysta ama ku riyoonaya inaan musqusha aan joogo walaal iisoo sheeg
daawadiisa ama waxa keena dhakhtarna uma tagin oo waan ka xishoodaa walaal
iisoo jawaab wasalaama calaykum waraxmatulaah J: Sida aad la socoto
iskukaadinta habeenkii waa wax inta badan lagu arko caruurta. Inkasto eey
dhici karto caruurta qaarkood aysan si sahlan uka korin arrintaan. Markii
arrintaan ay caruurta ku dhacdo oo ay ka kori waayaan, ma aha inta badan in
taasi macnaheedu yahay caafimaadka jirka oo dhibaateesan. Inta badan
macnaheedu waxuu yahay in dhibaato kale oo maskaxeed ay jirto. Waxaa inta
badan caruurta noocaas ah si fiican u caawima in ay arkaan dhakhaatiirta ku
taqasustay cudurada maskaxda sida psychiatry ama psychologists.
Arrintaa inskukaadinta ah way ku yartahay dadka waaween. Laakiin markii
dadku aad u weynaadaan oo ay la kulmaan cuduro badan sida wadna xunnunka
qaarkiis ama wax yabo raga u gaarka ah oo la xirira prostateka, way dhici
kartaa in ay isku arkaan isku gaadin inta badan. haddii dhibaatada ku haysa
ay tahay mid dhacda habeenkii oo kali ah oo aanan dhici maalintii,
caafimaadkaaguna uusan wax kale qabin, waxaa haboon in aad arrintaan u
sheegtid dhakhtarkaaga haddii ay kuu suurobayso. sababta aan u leeyahay
sidan waxaa weeye in sida lagu daaweeen karo ay ku xiran tahay waxa keena
dhibaatada. Sida kali ah ee lagu ogaan karo waa adika oo lagu baaro.
Arrintaan ma aha mid xishood leh. Waa wax iska caadi ah oo dhakhtarkaagu
uusan u arkeen in ay xishood leedahay. marka waxaan kugula talin lahaa in
aadan xishoonin ee aad dhakhtar aragtid. mahadsanid.
ilko dhiig
S: Asalamu caleykum? salan ka dib. waxaa igu dhacay cudur
layirahdo ilko dhiig macnaha ilkaha oo iska kaydhigaya badanaa. tusale ahaan
aroortii markaan so toso waxaan arkaa ilkahayga oo dhiig ah, waa had iyo jer.
dhibaatadan waxay i haystaa mudo 6 bilod ah. Wabillaahi tofiq.
J: waxay u badan tahay in aad qabto waxa la yiraahdo Gingivitis oo
ah nooc ka mid ah cudurada ku dhaca ciridka. Waana suuro kal in ay jirto
waxyaabo la xiriira nafaqo sida Vitamin C oo arrintaan sii xumeen kara. Sida
kali ah ee aad ku ogaanayso waxa keena dhibaatadaada waa adiga oo arka
dhakhaatiirta ku taqasustay ilkaha (Dentist). marka waxaan kukula talin
lahaa in haddii ay kuu suuroobayso in aad aragtid Dentist. Haddii aad ku
nooshahay wadamada sida Canada ama America ama Westka oo dhan, oo aadan
laheen insurance ku suuro galinaya in aad aragto Dentist, iskuulaadka lagu
taba baro Dentists ayaa lacag macno aan laheen ku arga dadka u baahan ilko
daaween. Marka arrintaa fiiri haddii aadan lacag aad ku aragto Dentist
haysan. Mahadsanid.
Cuncun
S: waxaa igu dhacay cuncun ah jirka oo dhan 1994 anigoo jooga
maraykan waxaan la kulmay dhaqaatiir farabadan oo kal duwan waxay ii qoreen
daawoouin faraban oo ah kiniino , kareemooyin hase haate waxba imay tarin .jirku
wuxuu i cuncunaa xili walba qabaw iyo kulayl waxaan isku dayey inaan bedelo
hawada, dharka, cuntada hase ahaatee ma shaqayn, waxaa la baay
dhiigayga,waxaa wax laga soo jaray beerkayga hase ahaatee ma shaqayn waxaan
la kulmay dhaqaatiir ku taqasuusta elerjiga, iskiinka, iyobeerka waxba kama
aysan helin jawaabtii ugu danbaysay waxay noqotay waxba ka garan mayno
waxaana la ii qoray daawo ay dhahayn waxay kaa caawinaysaa cuncunka oo la
yiraahdo doxpean daawadaasi waxy leedahay gaajo farabadan iyo hurdo fara
badan marbaab habeenwalba qqdan jirey ilaa 100gr laakiin hada waxaan
qaadataa wiigii 25gr marmarbuu aad uyaraadaa cuncunku laakiin magarto waxa
yareeyey marmarna wuu bataa isna ma garto wax badiyey,waxaal talo uga
baahanahy
1.cuncunkaa maxaa keeni kara maadama aan intaas oo baaritaan maray
2.daawadan maxaa bedeli kara iydoo ay horay iigu shaqayn waayeen kuwa badan
3. maxay dhib ah oo leedahay daawadan
J: Cuncunka waxaa keeni kara waxyaabo fara badan oo kala gadisan.
Inta badan waxay u badan yihiin wax la xiriira maqaarka (skin conditions).
Waxaase mar mar suuro gal ah in beerka ama kalyaha wax la xiriira ay keenaa
cuncun. Taasi waa sababta keentay in ay beerkaaga fiiriyaan iyo dhiigaaga.
Sida kaliya ah ee lagu ogaan karo waxa keenay cuncunka waa adiga oo lagu
baaro. Sidii aad sheegtay waxay u egtahay in dhakhaatiirtaadu si fiican kuu
baareen oo ay waayeen wax halis ah oo keeni kara cuncunkaaga. Daawada aad
xustay Doxepin Hydrochloride waxaa mar mar loo isticmaalaa dadka qaba waxa
la yiraahdo Eczematous dernmatitis... oo ah cudur aan tageen oo maqaarka ah.
Waa dhab in cudurkaan mar xumaado marna fiicnaado, waxayna ku xiran tahay
hawada iyo wax yaabo la mid ah.
Doxepin waa daawo horey loogu isticmaali jiray dhinaca waxa la yiraahdo
depression iyo xitaa anxiety. Waxay wax ka badashaa sida maskaxda meelo ka
mid ah ay u shaqeeyaan. Waa sabataa tan keenaysa hurdada fara badan ay aad
sheegtay iyo wax la mid ah. Waxaa kaloo dhawaan la ogaaday in cun cunka
qaarkii laga xukumo maskaxda meelo ka mid ah. Waa arrintaa tan keentay in
dad cuncun qaba lagu dayo daawadaan. markii la arkay in ay anfacday dadka
qaarkii, ayaa la isticmaalay. Sida aad sheegtay daawo kasta waxay leedahay
wax la yiraahdo side effects. Oo ah dhibaato ay keenayso daawada oo aan
aheen faa'iidada loo isticmaalayo. Waxay iila egtahay in dhakhaatiirtaadii
ay arkeen in aadan u dulqaadan karin dosekii badnaa oo markaa ay hoos u
dhigeen doseka. Arrinmaha la xiriira in aad heli karto daawo kale oo aan
aheen Doxipen oo cuncunka kaa anfaci karta, waxaan kugula talin lahaa in aad
arrintaa kala tashato dhakhtarkaaga. sababta oo ah iyaga ayaa yaqaan cudur
ku haaya. haddii ay ku dhibeyso kaniinika doxipen, u sheeg dhakhtarkaagu in
uu kugu dayo Doxepin Cream. Mahadsanid.
calool xanuun
S: s/calaykum dr ibraahim waxaa laygahaya caloosh dhinaca bidix
feeraha hoostooda calooshana aad bay iisocotaa saxaro iyo hawaba ayadoo aad
moodo inay booskeedi kasoo kacayso intaa waxaa isii dheer madax xanuun iyo
indhahoo xidigo kayaacaan. mahadsanid dr
J:Calool xanuunka aad sheegtay waxay u badan tahay in ay la
xiriirto qeybta caloosha oo loo yaqaanb colon. gaar ahaan left colon
(sigmoid colon). taasoo ah mesha xaarka (saxarada) lagu keediyo. Laakiin
arrimaha ah shubanka, iyo dhuusada iyo xanuunka isla socda iyo madax
wareerka markii la isku wada daro waxaad moodaa in ay dhibaato u baahan in
la fiiriyo jirto. haddii aad dhawaan somalia ka timid, gaar ahaan waa muhiim
in dhakhtar ku arko. haddii calaamadaha aad ii sheegtay ay yihiin wax mar
kali ah oo socda hal asbuuc oo iska taga, waa qeer. laakiin haddii ay yihiin
wax soo noqnoqda ama wax aad moodo in aysan baaba'een waxaad u baahan tahay
haddii ay kuu suurobeyso in aad dhakhtar uu ku arko si loo baaro xaarkaaga
iyo colonka. Arrinta la xiriirta xidigaha indhaha, waa in aad si deg deg ah
ugu sheegtaa dhakhtarkaaga si loo fiiriyo indhahaaga. mahadsanid.
dhuun xanuun
S: waxaan ahay nin dagan mareykanka mudo sanad iyo dheer ayaan
dareemaa jir xanuun madaxoo i yara xanuuna waxan leeyahay candhuuf xaako oo
badan markii aan dhowr wiig joogo waxaa iyara xanuuna cunaha sidii meel
nabar ku yaalo markaas ayaana ugu daran jir xanuunkayga waxaa ka dib aan soo
tufaa qurubyo yaryar oo cad oo u eg (mashruumka)oo la eg xabad digir ah
aadna u qadhmuun markii aan ursado markii aan ilaa shan jeer tufo maalinta
ka dib jir xanuunkii wuu i dhaafaa ilaa aan hadana dhowr wiig sidaas oo kale
noqdo markii aan cabitaan cabayo waxaan uriyaa suur qadhmuun oon ku qiyaaso
dhinaca cunaha sii dhaafsantahay --
wax dawo ah maqaadan tb ayaan iska daweeyay mudo sadax sano ka hor ah
markii aan takhtarkii i daweeyay ku laabtay wuxuu igu yiri maadaama aad si
fiican u qaadatey dawadii waxba ma qabtid ee iska tag isagoon i baarin oo
wuxuu igula taliyey inaan takhtar caadi u tago kiina wuxuu ii diray takhtar
wadnaha ah kadib markii uu i baaray waxbo waa uu iga waayay runt! ii
qurubyadaa ma tu sinin waayo ma ayan badnayn shakhsiyan waxaan is dhahaa
hadii aad antibiyotic isticmaali lahayd waa aad fiicnaan lahayd waxaanan u
dirsadey africa benecilin lakiin hadana waan ka cabsadey oo waxaan iri dawa
aan laguu qorin ha cunin waayo waxaan ogahayn in ay ii keeni karto dhibaato
tan ka badan xitaa mar kaloon ku noqday takhtarkaygii tb da waxay igu tiri
fadlan kuma baari karo mar kale cudurkii horana kaa dhamaa anigana waxaan
cudurkaa ahayn ma daweeyo markaa bal ila soo tali alla ha ku ciseeyee
J: Marka hore aan ku hor maro arrinta dhuun xanuunka ah. Waxaa
inta badan loo yaqaan dhuun xanuunka Sore Throat. Taas waxaa keena waxyaabo
fara badan oo iskugu jira infection iyo allergiesba. Inta badan infectionku
waxuu noqon karaa ama virus sida harkabka oo kale oo iska yimaada hadana
iska taka. Waxay kale oo ay noqon kartaa bacterial infection sida waxa loo
yaqaan strept throat. inta badan infection haddii ay tahay dhakhtarkaagu
markiiba wuu garan lahaa. inta badana waxaa si sahlan u daaweeya
antibioticska. haddii aad qabto waxa la yiraahdo allergic rhinitis sida
sanboorka oo mar mar keena sinusitis taasoo ay la socoto mar mar sore throat
ama dhuun xanuun. waxay u badan tahay in haddii waxa ku haaya ay tahay wax
si fudhudh u soo noqnoqanayo in ay la xiriiraan sinusitis with post-nasal
drip.
Sida kaliya ah ee lagu hubsan karo waa adiga oo dhakhtarkii ku noqda.
Waxaan ku talin lahaa in aadan adikaga is daaween, sababta oo ah haddii aad
penicillin isticmaashid si uusan dhakhtar kuugu qorin, waxay u badan tahay
in aad halis u noqoto in aad dhuuntaada ku beerto bacteria aanan hadow dib
loo daaween karin (resistant organism).
Arrinta labaad ee ah waxa aad moodo mushroom ee uraya, taasi waa
raashinkii aad cuntay oo qaarkiis ku hareen carabka halkiisa dembe oo dhib
kuugu soo noqonaya markii aad aad u xaaqoodo. Arrintaan iyo tan kale hore
shaqo iskuma laha. Xalka arrintaan dembe waa adika oo si fiican u cadayda
ama carabka cadaya markii aad wax cunto. Mahadsanid.
dhabar xanuun
S: Dr ibraahim waxaa aad ii xanuuna dhabarka iyo (dabadhilifta)
waxaanan u maleynayaa in ay iyagu ugu wacan yihiin, dhabar xanuunka hada ka
hor waan u sheegay dhaqtarkayga wuxuuna ii diray raajo jawaabteedana waxuu
igu yiri waa ok: markaa magaranayo waxa iigu wacan in ay i xanuunto laftaas
u dhaxeysa labada badhyood MAHADSANID (da'ada: 22)
J: Dabar xanuun dad badan ayuu qabtaa. Hase ahaatee kan ku haayo
waxaad moodaa in uu yahay mid ka duwan kan dadka badankiis qabta. Waa sidii
aad sheegtoo, waxaa jirta laf ku taal dabarka halkiisa ugu hoose oo wax yar
ka sareeysa dabada. Mar marka qarkiis haddii ay laftaasi wax gaarto waxaad
isku arki dhabar haxuun inta badan ah markii aad fadhiisato oo aad miisaan
saarto halka lafta ku aadan tahay. Mar mar waxaa dadka xanuunta haddii xaar
weyn uu ka soo baxayo. Sababta oo ah laftaas ayaa u dhaw meesha xaarku ka
soo baxo. Laftaasi haddii ay jabto inta badan waa lagu arkaa raajadada.
Laakiin inta badan dhakhaatiirta haddii aysan si fiican u fiirin waxay u
badan tahay in ay gafaan oo aysan arag jabka. Laakiin, waxay balo ka dhacday
xitaa haddii la arko, inta badan mid wax laga qaban karo ma aha. marka waxan
kukula talin lahaa haddii xanuunka kugu badan yahay in aad ku noqoto
dhakhtarkii oo aad u sheegto sida aad iigu sheegtay oo kale. Mahadsanid.