tallaal iyo kelli tabruc ah
S: Asalaamu calaikum wa raxmatulaahi.
Lix sano ka hor waxaa lay geliyay Keli tabarucah, laba sano ka horna waxaa
aa qaaday diig macaan,oo waxaan qaataa insullin.Hadaba suaashu waxa weeye,
waxaan doonayaa inaan dalkii tago,waayo iminka waxaan ku noolahay
europe,markaa waxaan maqlay talaalada qaarkood maqaadan karo dhinaca Kelida.
Arintaa maxaad igu dhaantaa. sidaa iyo mahadnaq wanaagsan Abdisalam [47
Sano]
J: dadka qaba kalida tabaruca waxay u baahan yihiin daawooyin loogu tala
galay in ay hoos u dhigaan difaaca jirka si jirku uusan kalida tabaruca ah u
diidin. Dadka noocaas ah tallaalada nooc ka mid ah (live-attenuated
vaccines) waa laga ilaaliyaa. Haddaba, arrintaadu waxay ku haboon tahay in
aadan hilmaanin inta aadan qaadan talaalo ama aadan aadin somaliya in aad la
tashato dhakhtarkaaga ku taqasusay kalida tabaruca ah. mahadsanid.
sanka oo dhiif laheen
S: Marka hore waa mahadsan tihiin. Waxaa jirta dhibaato i heysato
oo ah dhanka sanka. Mar walbo waxaan dib u celinaayaa wax diif ahayn oo aan
iga imaneynin sida qof samboor hayo. fiif ayaan ku jiraa maantoo dhan. Marka
Dr maxaa talo ah.. [Age: 25]
J: Waxaa laga yaabaa in aad leedahay nooc ka mid ah wax la yiraahdo
(allergic rhinitis)... ama nooc ka mid ah waxa soomaalidu dhihi jirtay
Samboor. Waxaa si rasmi ah wax uga qaban kara arrintaada daawooyin
dhakhtarku qoro oo sanka lagu buufiyo. Waa in aad dhakhtarkaaga u tagtaa oo
aad u sheegtaa arrintan si ay kuugu qoraan daawadaas (steroid nasal sprays).
Mahadsanid.
Cayil iska yaraynta
S: waxaan rabaa inaan iska rido cayilka mana ii suurto galayso
inaan exercise sameeyo meeshaan kunoolahay darteed dhib buuna igu hayaa
cayilkayga ma qaadankaraa tabletska cayilka lagu rido mise dhib baa iiga
imanaya? [Age: 26]
J: Cayilka faraha badan dhibaato ayuu caafimaadka u keenaa. Inkasto taa
la isku raacsan yahay, wali la iskuma raacsana sida wax looga qaban karo.
Waa dhab in laba walaxood ay qasab tahay in ay dhacto si cayilku ku yaraado
1) exercise 2) low calorie (raashin yar).
Haddii aad exercise badan sameeyso, cayilku waa dhici. Taa haddii aysan
suuroobeen, waa adiga oo yareeya raashinka aad cunayso, gaar ahaan kan ku
badan sokorta iyo waxa la mid ah. Inkastoo tani cadahay, waxaa la hubaa dad
badan in ay u suuro galin in ay cayilka iska ridaan. Taa ayaa waxay keentay
in hadda waxyaabaha uku faraha badan ee daraasaadka lagu sameeyo ay ka mid
tahay sidii xal ka duwan labadaa aan kor ku soo xusay loo helo. Taa waxay
keentay in marba ay soo baxaan kaniiniyo la oranayo cayilka ayeey ridaan.
Ilaa iyo hadda lama haayo mid rasmi ah oo aan dhibaato aanan keeneen, si
fiicana u shaqeenaya. haddii taasi jiri laheed, waxaad tegi kari laheen
dhakhtarkaaga oo kuu qori lahaa.
Waa dhab in ay jiraan kaniiniyo wali loo qaato cayilka, laakiin kaligood
ma shaqeeyaan, oo waxaa la socda arrimihii aan horey kuugu soo xusay
(exercise and low calorie diet program).
Hadaba, waxaan kugula talin lahaa haddii cayilka uu ku dhibayo in aad la
tashato dhakhtarkaaga si loo fiiriyo program laga yaabo in uu ku jiro
kaniini qaadasho oo aan naftaada halis kalineen. Mahadsanid.
luga xanuun
S: Dr. Ibraahim, Salaan kadib, su'aasheeyda waxey ku saabsantahay
Hooyadey oo 55 ah waxey ka cabaneysaa xanuun lugaha ah, gaar ahaan cagaha,
waxeyna ku shaqeeysaa taagni, taasoo aan filayo iney sababto, waxey
kuleedahay xanfaf ama kuleeyl baan ka dareemaa, habeenkii markeey shaqada ka
timaado. Taa iyada oo jirtay ayaa hadana mar mar dareentaa luga oo soo
kaduudanayo oo eey af labadiisa qaylisaa xanuun darteed kadibna iska
bogsootaa, laakin taasi ama kaduudashadaasi waxeey dhacdaa bey tiri mar mar
dhif ah. Hadaba noo sheeg xanuunkan noocan ah iyo sida looga hortagi karo.
Mahadsanid [Age: 35]
Inta badan luga xanunnka dadka waaween waxaa keena saddex walaxood mid:
1) Nerve problem- taas oo ah in ay jirto wax dhibaya xididada dareenka
qaada. dadka qaba mudo dheer cudurka la yiraahdo Diabetes inta badan waxaa
ku dhaca lugu xanuun, waxayna la xiriirtaa wax yeelada uu cudurkaani u
geesto xididada dareenka ee lugaha. Waxaa kale ee xanuunkaan noocaan kowaad
ku dhacaa dadka ay ku yar tahay nafaqada la yiraahdo Vitamin B, gar ahaan
B12 ama B6.
2) Wax la xiriira Xididida dhiiga qaada- kuwaani inta badan waxay
xanuunka keenaan marka qofku uu soco. markuu istaago qofka xanuunka wuu ka
yaraan.
3) Muscle cramps- tan oo la xiriirta qofka oo murqaha lugaha xanuunayaan.
dadaka qaata daawooyinka lagu daaweeyo dhiig karka ayaa mar mar isku arka
arrintaa. Hadaba nooca ay tahay tan haysata hooyadaa waxaa lagu ogaan karaa
iyada oo la baaro oo uu arko dhakhtar. Waxaa kale oo jira ncudur aad iyo aad
u yar oo la xiriira dhiiga qofka nooc ka mid ah. cudurkaani waxuu keenaa
lugo xanuun qofka ay dhibeyso xitaa in maro gacaha laga saaro. Waxuu qofka
dhareemaya in dab gaca ka imaanayaa. Cudurkani isguna waxuu u baahan yahay
baaris. Qofka waa i laga qaadaa dhiig. mahadsanid.
xanuun ku saabsan caadada
S: asalaamu calay kum dr ibraahim. waxaa ku xanuun sadaa caadada
dhiiga ee bal war iga sii [Age: 24]
J: Dumar badan ayaa kula qaba arrintaa. Laakiin taa macnaheedu ma aha in
aad u dulqaadato xanuunka. Waxaa jira daawooyin fara badan oo kaa caawini
kara arrintaan. Waxaa ka mid ah daawada loo yaqaan Motrin. Laakiin inta
aadan is daaween waxaan ku talin laha in aad u tagto dhakhtargaaga oo u
sheegto in caadada ku xanuujiso. Waxaa muhiim ah in la hubsado in wax kale
eesan jirin. mahadsanid.
dhidid badan
S: waxaan rabaa dr.inaad ii sheegto wax looga hor tago dhididka
waayoo waxaan ahay nin ka dhidida gacmaha iyo lugaha hadana ku nool dhul
qabow ah, caafimaadkayguna waa wanaagsan yahay. waad mahadsan tahay .[Age:
30]
J: Ma jirto wax gaar ah (daawo) loogu tala galay in ay joogiso dhididka.
Waxa aad u baahan tahay waa baaris ku saabsan caafimaadkaaga guud ahaan.
haddii caafimaadkagu fiican yahay, daawo dhidid uma baahnid. Waxaan kugula
talin lahaa in aad aragto dhakhtar si caafimaadkaaga guud ahaan loo baaro oo
loo hubsado in dhididka badan aysan ugu wacneen dhibaato wax laga qaban karo.
mahadsanid.
soo daawin badan idili maayaan?
S: Salaan DOC, Salaan kadib doc waxaan qaataa dawooyin oo kale ah
1,dhiikar
2, dibereshen
3,begteeriya
So doc waaxaan jeclaan lahaa hadaad isheegikarto in aay dawooyinkaan waxa
iyeelidoonaan aqirka. runtii sidhab ahna uma qaadto sababtoo ah runtii waan
nebcay dawooyinkaa koodhan and doc waxay oran waa inaad qadataa runti waa
ogahay in ay idaa ween balse waxaan qadan karin inteebaan qadandoona what if
all my life i have to take isn't that gonana idilimayso? dawooyinkaan badan?
Doc thank y for u'y time [Age: 24]
J: waxay ilaa egtahay in aad qaadato daawooyin muhiim ah. saddaxda cudur
oo aad xustay (inkastoo kan saddexaad aanan si fiican u fahmin), gaar ahaan
Depression iyo dhiig karka (hypertension) aad iyo aad bay muhiim u tahay in
aad daawooyinkooda qaadatid.
ma hubo in aad u baahan doonto daawada depressionka had iyo jeer. Laakiin
daawada dhiig kar had iyo jeer waat u baahan tahay. Waana muhiim in aadan
gafin. Dhiig karka haddii aadan daawadiisa qaadan waxaad halis u tahay
stroke; wadna xanuun (heart disease) iyo wax la mid ah.
haddii aan u soo noqdo su'aashaadii aheed, miyeesan i dileen? marka hore
waa sidii aad sheegtay oo daawooyinka badan kood wa sun oo kale. Mar marna
way keenaan dhibaatoyin ka badan tan looku tala kalay in ay daaweeyaan.
Sidaa ee tahay dadka badan kood way qaataan daawooyinka. sababtuna waxay
tahay laba mid:
1) haddii aadan dawooyinka qaadan, waxaa hubaal ah in dhibaato imaanayso.
Marka waa in aad fiirisaa mitee roon; dhibaato caafimaad oo ay keentay
daawada; misa dhibaato caafimaad oo ay keentay cudurka aadan daaween. haddii
aad sidaa u fiiriso; waxaa kuu cadaanaysa in daawada la qaato; sababta oo ah
marka aanu darseeno in daawooyinka ku haboon yihiin in dadka la siiyo; waa
su'aaashaan tan la is weydiiyo oo researchka lagu sameeyo.
2) Tan labaad, daawooyin inta badan dhibaato ma keenaan. Waa jiraan dad
nasiib daro ku dhacto oo dhibaato daawada u keento. marka haddii ay aad u
yar tahay dhibaatada ka imaan karta daawada, waxay qofka u suuro kalinaysaa
in uu isku dayo daawada. mahadsanid.
Calaamadaaha qulubka [symptoms of depression ]
S: Asalamu Caleykum.
Dhakhtar Ibrahim anigoo tixraacaya su'aashii horay laguu weydiiyay oo ku
saabsaneyd Depression, waxaa run ah in Somalidu eysan cudurka loo yaqaan
Depression aqoon. Qaar badana ey yiraahdaan waa cuqdad qofku iska qaaday ee
arin jirta ma aha. Hadaba ma inoo faahfaahin kartaa waxa cudurkaasi yahay,
waxa sababa iyo calaamadaha lagu garto. Mahadsanid [Age: 31]
J: cudurka depressionka la yiraahdo aad buu u fara badan yahay. Waa cudur
maskaxeed oo la mid ah cudurada kala maskaxda sida Schizophrenia ama
Psychosis oo somaalida u taqaan "waali". Laakiin waxa cuduradaan uga kadisa
yahay si sahal ah ayaa loo daaween karaa. sababta cudurkaan keentay wali si
fiican looma fahamsana. Laakin waxay la xiriirtaa dhaxal iyo arrimo kale oo
la xiriira maskaxda sida ay u shaqeyso. maxaa lagu karta:
1) qofka oo had iyo jeer murugeysan
2) hurdo xumi
3) cuno xumi- ama ha ahaato raashinka oo si qeyra cadi ah loo cuno ama qofka
oo aan waxba cunayn.
4) hawada dumarka/raga oo qofka ku yaraanaysa
5) qofka oo had iyo jeer ku fakaraya in uu isdilo
6) oohin aanan la karanayn meesha ay ka imaanayso
7) qofka oo aanan jeclaaneen in uu dadka la kulmo/ ka goosto saaxiibyada iyo
qaraabada, iwm. Mahadsanid.
Qoraaladii hore ka eega Depressionka.
hepetitis B ama C
S: su aashaydu waxay tahay ma jirtaa daawo kaa saarta hepetitis B
ama C waa mar markaad VIRUS ka aad xambaarsantahay maxaase lagu waaninayaa
qofkii xambaarsan hepetitis B ama C waxaan jecelahay inaad ii sheegto daawo
hadii ay jirto weligey imuu ridin hepetitis B laakiin mar uun baa li yidhi
waad siddaa [Age: 27]
J: Arrinta ku saabsan hepatitis B iyo C daawooyinkooda ma aha mid si
sahal ah loo fasiri garo. Waa run in labaduba ay hadda leeyihiin daawoyin
wax ka qaban kara haddii shuruudo fara badan qofka waafaqsan yahay. ma jirto
daawo aad farmashiya ka iibsan karto oo cuduradaan wax ka qaban karta. marka,
waxaan kukula talin lahaa, haddii aad hepatitis B ama C qabto ama xambaarsan
tahay, in aad u tagtid dhakhtar si loo fiiriyo meesha wax marayaan; nooca
cudurka; in aad ku haboon tahay daawooyinka wax ka qaban kara cuduradaan;
iyo in lagu siin karo daawooyinkaas. mahadsanid.
Menopause
S: Waan ku salaamay Ma ii sheegi kartaa calaamadaha MENAPOUSE? iyo
sidii aan uga hortagi lahaa. waxaan ula jeedaa, I'm too young to have
Menapouse at the age of 45.I don't drink that much milk,may jiraan cuntooyin
kale oo ii bedeli kara caanaha! salaamu calaykum [ Age: 45]
J: Su'aashaan horey ayaan uga jawaabay. laakiin haddii aan kuu soo
gaabiyo, waa suro gal in qofku gaaro menopause iyada oo 45 sano jir ah.
Dumar badan ayaa arrintaan hela iyaga oo ka yar 45. inta badan waxay ku
xirantahay dhaxalka. Maxaa lagu gartaa? waxay ku xiran tahay qofka. waxaa ka
mid ah "Hot Flashes"; qofka oo noqda "irritable", iyo wax yaabo kale oo la
xiriira dhumarka cawradooda. Waa sahal in la hubsado in aad gashay menopause
iyo in gale. waxay u baahan tahay oo kali ah dhiig adiga oo lagaa qaato oo
la fiiriyo waxa la yiraahdo FSH (oo ah dheecaan dhakhaatiirta u sheega
meesha wax marayaan).
Maxaad ka qaban karta? Caano cabis wali ma maqal wax ay ka qaban karto
menopause calaamaadaheeda. Waa suuro gal in ay caano wax qaban karaan,
laakiin mid dhakhaatiirtu u sheegto dhumarka ma aha. Mid la yaqaana ma aha.
haddii aad ula jeedu in caanuhu wax tarayaan dhica waxa la yiraahdo calcium
(ama arrimo la xiriira lafaha) waa run. marka qofka dumarka ah ah gasho
Menopause, waxaa hoos u dhaca waxa la yiraahdo Estrogen. Estrogenka wax
yaabaha uu jirka u qabto waxaa ka mid ah in uu lafaha u roon yahay. waxay
kaloo u roontahay wadnaya iyo qeybo kale oo jirka ah. Waa sababtaa tan
dhumarka gaaray menopause loogu taliyo in ay qaataan Estrogen.
marka haddii ay su'aashaata la xiriirto arrimaha estrogenka la xirrira
sida caanaha iyo calcium, haddii aadan caano cabin waxaad yeeli kartaa in
aad qaadato Calcium Supplements iyo vitamin la yiraahdo Vitamin D. laakiin,
waxaan ku talin lahaa in aad arrimahaan oo dhan kala tashato dhakhtarkaaga.
mahadsanid.
ILKO DHIIG
S: Dr.Ibrahim waa salaamantahay(A.A.W.W) Maxaa keena dhiigga ka
yimaada cirridka? Age: 30
J: Haddii aad fiiriso su'aalihii aan horey uka jawaabay, waxaa arki
doontaa in su'aashaan ay ka mid aheed kuwa horey looga jawaabay. Fiiri tan
dhahaysa
ILKO DHIIG. Haddii jawaabtaas ku anfici weyso, dib ii soo weydii
su'aasha. Mahadsanid.
Ilmo dilmay
S: Dr, Please marka ay ilmuhu kaa dilmaan ilaa intee in la'eg bay
caadadu kaa maqnaan kartaa amaba ay tahay in aad ku hesho.. walaashaa oo
Faa'iido doon ah Nabaday [Age: 31]
J: Qofka markii ay ilmaha ku dilmaan, inta badan caadadu waxay ku soo
noqotaa in u dhaxeesa hal bil. Dumarka qaarkiis waxaa laga yaabaa in ay 6-8
week qaadato. mar mar waxay ku xirantahay inta qofku uu uurka waday. waxaa
kale oo muhiim ah in haddii aad doonayso in aad uur cusub yeelato, inta
badan waxaa dumarka loo sheegaa in ay sugaan inta caadadu caadigeedii ku
noqonayso. Oo ah labo caado oo isku xigta. Taas waxay fududeenaysaa in qofku
ogaado marka uu uurka cusub bilaabmay si waqtiga dhalmada loo qiyaaso.
Laakiin, haddii qof uu heli garo Ultrasound in laga qaado, waqtiga dhalmada
waa la sheegi karaa.
Waxaan qiyaasayaa in ilmuhu kaa dhintay adiga oo ku jira sadexdii bilood
ee ugu horeysay. Taa waxaan ula jeedaa in ilmo dhimashada ay caadatan u
badan tahay mudadaas. waxaa lagu qiyaasaa in 40% ilmaha uurka ku dhinta ay
dhintaan sadaxda bilood ee ugu horeysa.
Haddii ilmahu dhintaan waxii ka denbeeya sadax billod uur ah, ama aad
isku aragto mid ka badan hal mar ilmo uur ku dhimasho, waxaa haboon in aad
la tashato dhakhaatiirta loo yaqaan OB/GYN oo ah kuwa ku taqasusay dumarka
iyo uurka. Mahadsanid.
Wadnaha barbarka midig
S:waxaan dhalay gabadh yar oo kowiyo toban jir ah,markay laba sano
jirtay ayaa raajo laabta laga saaray lagu ogaaday inay wadnaha uu barbarka
midigta kaga jiro,caloosha iyo beerkuna uu bidixda yahay,anigoon werwer ka
qabin xaaladeeda saxada oo dhakhtarku igu yidhi waa wax normal ah in dadka
qaar wadnaha ku leeyahiin xaga midigta ,ayey in mudo ah bilowday inay ka
cabato xanuun si dhakhso ah ujiidhaya oo laabta geesta midigta ka qabanaya ,markii
dhakhtarka tusnay waxa saaray sawirka ultrasoundka iyo sawiro kale waxaana
la yidhi waxba ma qabto ee muruqyada wadnaha ayaa la arkaa inay yara keenan
swift-painka ,markaas maxaad igula talin lahayd ma inaan sidaa ku daayo mise
dhakhtaro kale ayaan ugeeyaa. ayadoon kuugu darayo inay caafimaadkeed guud
iska wacanyahay.su'aal kale na dadka conditionkeeda oo kale ahi intay tiro-
leegyahiin adiguse dad somaliyeed oo sidaas oo kale ah ma aragtay ama
maqashay,runtii aniga hooyadeed ah ayaaba ka werweray case-keeda.
waad-mahadsantahay [ Age: 35]
J: Dad somali ah oo sidaa oo kale ah ma arag. Laakiin somalia dhakhtar
kuma ahaan jirin. Waa run sida ay kuu sheegeen dhakhaatiirta in dadka
qaarkiis sidaa ku dhashaan, laakiin ma badna. Haddii dhibaato arrintaan la
xiriirta ay jiri laheed, ma asyan sugi laheen inta ay toban iyo kow
jirsanayso. mar hore ayaa la arki lahaa. Waa dhici karta in dhibaatooyinka
wadnaha qaarkood ay dib u soo baxaan, laakiin sida aan ka dhareensatay
su'aashaada , gabadhu caafimaadkeeda kale ma xuma. xanuunka laabta ah waa
wax ay keeni karaan wax yaabo fara badan ooo uu wadnaha ka mid yahay. Haddii
xanuunku joogsan waayo, waxaan kukula talin lahaa in aad gabadha u geesid
Pediatric Cardiologist- oo ah kuwa ku taqasusay caruunta wadnahooda.
mahadsanid.