SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Xaflad Ballaaran oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis

"300 Arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Edison High School" Maxamuud Yuusuf, madaxweynaha gudiga ardayda Edison

WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota, USA

March 5, 2003

edison Bididx: Cusmaan Cali, Abshir Ciise, Maxamed Maxamuud
Sawirkan waa saddex kamid ah macallimiina wax kadhiga Edison High School, Minneapols (Sawir: SOMALITALK.COM)

Xaflad aad u heer sareysa oo ay isku soo dubarideen ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta dugsiga sare ee Edison High School ayaa galabta lagu qabtay isla dugsiga Edison. Xafladaas waxa ay ardayda Soomaaliyeed ugu talagaleen mid dabaaldeg u ah Ciidii xajka ee lasoo dhaafay.

Waxay xafladaas ardaydu ku casumeen macalimiinta iyo shaqaalaha Iskuulka Edison, waalidiinta ardayda Soomaaliyeed ee dugsigaas dhigta iyo ardayda Iskuulka.

Waxa ay ardaydu marti sharaftii ku sooreen cunto Soomaali aad u heer sareysey. Taas oo dadkii halkaas isugu yimid ee camiray qolka aadka u baaxada weyn ee xaflada lagu qabaney ay muujiyeen sida ay u jeclaysteen cunta Soomaaliga. Mid kamid ah marti sharafta oo aan su'aal kaweydiiyey cunta-Soomaaliga sida uu arko, waxa uu ii shegay in uu aad u jeclaystay cuntada ay ardayda Soomaaliyeed goobta keeneen.

Mar aan la kulmay guddoomiyaha guddiga ardayda dugsiga Edison, Maxamuud Yuusuf, waxa uu ii sheegay in xafladan maanta ay qabteen ay tahay tii saddexaad oo ay soo qaban qaabiyaan, labadii sano ee tan ka horeysayna ay soo bandhigeen xaflado caynkan oo kale ah. Maxamuud Yuusuf oo xusayey qaab dhismeedka gudiga ardayda dugsiga sare ee Edison waxa uu yiri sannadkiiba hal mar ayaa la doortaa gudiga ururka, waxaa la doortaa madaxweynaha, kuxigeenkiisa, xoghayaha dhaqaalaha iyo xoghayn.

Xafladdan qabashadeeda waxaa gacan weyn ka qaatay macallimiinta Soomaaliyeed ee dugsigaas wax ka dhiga kuwaas oo kala ah: Cusmaan Cali, Abshir Ciise, Maxamed Maxamuud iyo Xassan. Maamulka sare ee iskuulka waxa ay ardayda u fududeeyeen sidii ay xafladaasi u qabsoomi lahayd ayadoo weliba ardaydii maanta xaflada qaban qaabineysey lasiiyey fasax maanta ah si ay hawsha isugu soo dubaridaan, maamulka iskuulka ee ay ardaydu ammaan ballaaran usoo jeediyeen waxaa ugu horeeya diritoorka dugsiga oo lagu magcaabo Lawrence Lucio, iyo kuxigeenadiisa oo kala ah Mark, Donna, Michele, iyo Terry iyo dhammaan shaqaalaha dugsiga.

Picture 015.jpg (60835 bytes) Maxamuud Yuusuf,Madaxweynaah Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Edison [Edison Somali Students Association], waxaana lagala xiriiri karaa Email: yusuf0107@yahoo.com

Marka aad la sheekaysid ardayda dugsiga sare ee Edison waxaad ka dareemeysaa sida ay diyaarka ugu yihiin in ay waxbartaan, tacliin toodana heer sare uga gaaraan. Waxaa iigu xiisa badnaa markii aan wiil dad'iidu aysan ka weyney 16-jir aan weydiiyey waxa uu rabo in uu noqdo marka uu dhameysto dugsiga sare [insha Allah], waxa uu yiri "waxaan rabaa in aan noqdo Injineer", waxaadna wiilkaas yar ka dareemeysaa sida uu ugu dhiiran yahay in uu noqdo Injineer. Yididiilo weyn ayey taasi ku gelineysaa in mustaqbalka ubadkeena qurbaha uu caymo leeyahay.

Dugsiga sare ee Edison waxa uu ardayda Soomaaliyeed (iyo muslimiinta kale) ee dugsigaas dhigta u fududeeyaa sidii ay salaada u tukan lahaayeen xilliga ay iskuulka joogaan, taas oo loo qoondeeyey meel ay ku tukan karaan maalin kasta, maalinta Jimcadana waxaa ardayda loo ogol yahay in ay aadaan goob ay jamaaco ku tukadaan oo iskuulka u dhow waxaana fasalada saacadaas salaada Jimcada ardayda tukanaya laga siiyaa fasax si ay usoo tukadaan oo fasaladooda ugu soo laabtaan marka ay tukadaan. Ardayda Soomaaliyeed waxa ay ii sheegeen in ay abaal aad u weyn arintaas ugu hayaan maamulka sare ee dusiga Edison.

Dugsiga sare ee Edison High School waxaa la asaasay sannadkii 1922kii, waxaana hadda dhigta 300 arday Soomaaliyeed ah, tiradaas waxaa ii sheegay madaxweynaha ururka ardayda ee dugsiga sare ee Edison. Tiraas kordheysa ee ardayda Soomaaliyeed waxa ay kor u qaadi doontaa tirada ardayda ee gelaya jaamacadaha, taas oo hadda Jaamacadda Minnesota ay dhigtaan 150 Soomaali ah.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay ardayda Edison dugsiga kusoo bandhigeen barnaamij dhaqameed ku saabsanaa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Barnaamijkaas oo ay ardaydu ku fureen heesii waagii beri-samaadkii ay Soomaaliya nabada ahayd la qaadi jirey ee hal ku dhegeedu ahaa "Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsada'ee", waxa kale oo ay soo bandhigeen dharkii hidaha iyo dhaqanka ay Soomaalidu u lahaan jireen ilaa boqolkii sano ee lasoo dhaafay.

Picture 013.jpg (61882 bytes)Haddaan usoo laabano xafladii galabtay ee ardayda dugsiga Edison waxay ahayd mid ku dayasho u noqondoonta ardayda kale ee Soomaaliyeed ee dugsiyada kale ee magaalada Minneapolis maadaama ay ahayd mid ardaydu ku muujinayeen cunta-dhaqameeda Soomaaliya, iyo sida ay Soomaalidu u sooraan martidooda.

Soomaali aad u badan ayaa xafladii galabta kasoo qayb gashay, dadkii indhahaygu qabteena waxaa ka mid ahaa Maxamuud Wardheere oo ah xubin firfircoon oo kamida jaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota oo lagu tilmaamo jaalida ugu ballaaran Soomaalida ku nool Maraykanka.

Wq. Maxamed Cali
SomaliTalk.com Ediror-in-cheif
webmaster@somalitalk.com ama somalitalk@hotmail.com

March 5, 2003

<><><>LINKS<><><>

Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math

Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm 

Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/ 


I  I  D  H  E  H

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
BOGGA VIRUS-KA 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS 
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere  GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD