SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



WAA-WAREEY. WAA-WAREEY. WAA-WAREEY. 

Qaylo dhaan ayaan sidaa. Yaase iga maqlaya? Khatar baan ka digayaa. Yaase igu waafaqsan ineyba khatarta tahay? Waa-wareey. Waa-wareey. Waa-wareey.

Maxaan u iri sidaas?

:::C/RAXMAN XARIIRI:::
Jawaab: "Khudbadii Madaxweynaha": Khudbadaadii mala awaalka ahayd waa la xafidayaa ilaa laga helayo cidii... Guji...
:::DUULIYE: XAAJI DHAGAX:::
Dhambaal ku socda C/Risaaq Xaaji Xuseen oo uu qoray Duuliye Sare Xaaji Dhagax ayaa ku bilowday sidan: Bal Garwaaqso, Warankaad Gantiyo Gadaha Aad Joogto.. ka Akhri halkan... Guji...
:::ASAD CADDAANI:::
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka C/laahi oo wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Bush Ku Soo Dhaweeyey Garoonka Muqdisho.. Caddaani
:::ABSHIR BACADLE:::
Muxuu Abwaan Abshir Bacadle ka yiri Maqaalkii "Khudbaddii Madaxweynaha" Soomaaliya ka akhri halkan... Guji...
::JAWAAB KU:  C/RISAQ XAAJI::
Jawaab Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji
dadbadani waxay ka rajaynayeen inuu dhex dhexaad ka...
Guji...
Mudane Isxaaq  eeg cidda aad ka daba hadleyso | M. C/llaahi
»Abdirisaaq Haji Husein Geesi ku Mintiday wadaniyad | Diiriye

Ma’aqaano meel aan ka bilaabo marka uu nasiib-kaygu noqday in xiligan aan noqdo qoraa isku daya inuu faaloo-yin darteed qalin iyo warqad u qaato.

Ma siyaasad ayaan wax ka qornaa, oo ah mid ay hor boodayaan koox aan istaahilin iney Soomaali hogaamiyaan?

Ma cadowga dalkeenna ku soo socda ayaan ka digaa, si’ay jiilasha danbe u bad-baadaan?

Ma diintii Islaamka ee aan si wacan u dhaqan-galin baan dadweynaha u tilmaama?

Ma 15. Sano oo aanan lahilin Dowlad caga-dhigata baan sheegaa sababta keenta iyo cidda ka danbeysay?

Ma dowrkii Culimada Soomaaliyeed oo maqan baan boorka ka soo jafaa?

Runtii dhibaatooyin ay dhici karto iney intaas qayb ka tahay ayaan lakulmaa markaan damco in aan wax ka qoro xaalka dalka Soomaaliya.

Qiyaamadu iney soo dhawdahay tilmaamihii uu Nabi Maxamed S.C.W. u sheegay waxaa kamid ahaa in ruuxu uu qof dilo, isagoon aqoon sababtii uu u dilay. Xadiiskaas adoo arkaya, hadana xusuusta xaaladda Soomaaliya imisa qiso ayaad ogtahay oo ay laba qof ama laba beelood isu laayeen, ayagoon aqoon sababtii ay isu baaba’sheen.

Waxaan gaarnay in aan u ekaanno qoladii ilaahay Suurayada Maryam ku sheegay Aayadda 81( Waxay yeesheen ilaahay sokodiis ilaahyo kale, si’ay sharaf ugu raadiyaan) kuwan hubka waaweyn sita, miyaynan qabaa’ilku daba fariisan si’ay sharaf ugu soo ceshadaan? Miyeysan moodayn inay iyaga dartood ku heleyaan maamuska ay beeshoodu istaahisho?

Gaddoon-ka umadaha waxaa lagu gartaa, intooda wax garanaysa ayaa li’ata, kadibna xilmakase-yaal ayaa isu soo hara, kolkaasay tirtirmaan intii soo hartay. C/Qaadir Yaxye wuxuu yiri: Xamar waxa ka jira waa nolol duur-joog oo kale, waxaa lagu leeyahay hebel hebel baa dilay, misana waaba iska caadi, oo sidii dhurwaayadii ayaa la’iskula daganyahan. Hadalkaas intuusan dhiman ayuu yiri Yaxye. Laakiin dhurwaagii isaga ayuuba cunay.

Isla-maalin-taasna waxaa la dilay Sheekh kamid ahaa Culimaddii Maxkadamaha Islaamiga ahaa, oo hadana si sahal looga gudbay.

Sh. Maxamed Muumin isna habeenkii Sabtida ayuu dhurwaagii cunay, labadii wadaad ee la socotayna hilbahoodii ayuu goos-goostay, oo waaba dhaawac ilaa iyo hadda.

Maxamed Muumin iyo C/Qaadir Yaxye waxay indho u kala’ahayeen laba qaybood oo bulshada Soomaalida kamid ah. Qaybta Culimada Diinta ayuu Maxamed Muumin muuqaal wanagsan u ahaa. C/Qaadir Yaxyena qaybta Aqoon-yahanka ayuu muuqaal wanaagsan u ahaa. Labadoodiiba dunida waa ka maqan-yihiin maanta.

Qiimaha nolosha hadduu lumo, maxaa soo haraya oo aan ilaashannaa? Xamaray sidee laguu xaal-mariyaa ayaa hadda ka hor la’is weydiiyey, oo Fanaan Soomaaliyeed ayaaba tiriyey tixo macnahaas leh, waxaase muuqata oo saxna ah in xamar laga rabo iney dadka Soomaaliyeed ay iyadu xaalmariso, oo Xamar intaan oo danbi ah ayaa loo haystaa.

1.  Toban kamid ah Culimaddii Soomaalida dhig-goodii oo xaq-darro ah iyadaa lagu daadiyey.

2.  Dowladdii Soomaaliyeed iyadaa lagu dumiyey. Ilaa iyo hadana iyadaa hor-taagan in dowlad loo dhanyahay lahelo.

3.  Boqol-soon Allaha u naxariistee iyaduu ku duugan-yahay, Shariif C/Nuur isagoo da’ ah ayaa xabad lagu dhuftay, taasoo xanuun aan ilaa hadda ka harin ku reebtay.

4.  Prefes Abyan iyadaa lagu dilay. Qoraagii Ibraahim khooli iyadaa lagu dilay. Dhakhtarkii ay Shaati-guduud walaalaha ahaayeen sidoo kale.

Marabo inaan wada tiriyo, waayo waa cashar dheer oo aan la soo koobi karin, mise xanuun badan.

Culimadda Soomaaliyeed gaar-ahaan kuwooda xamar ku sugan, maalmahan-danbe lama fahmi karo sababta ay la’aamusan-yihiin. C/Qaadi Yaxye iyo Wadaadkii Maxkadama ayaa 24.saacadood gudahood la dilay, ilaa iyo hadda warkooda lama hayo. Sh. Maxmed Muumin ayaa la dilay maxay ka qabteen ilaa iyo hadda? Aaway ilaalintii dhiigga muslimka? Aaway dowrkii hanuunti ee ay Culimadu lahaayeen? Mi xisaabaad Siyaasadeed ayaa jira oo u diiday iney sheegaan hadalka eebe ee qeexaya siday xaaraan u tahay daadinta dhigga qof muslim ah.

Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo...

Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July 11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa Halkan... Guji... [PDF-- waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat Reader" si aad qoraalkaas u daalacatid]

Suuradda Al-Nisaa’ Aayadeeda 93.aad wuxuu ku sheegay Ilaahay ruxii qof Mu’min ah si kas ah u dila shanta  ciqaabood ee uu mudanayo.

 1. Abaalkiisu oo ah Jahannamo . 2. Inuu ku waarayo Jahannamo. 3. Inuu Ilaahay u caroonayo. 4. Inay lacnaddii Ilaahay ku dhacayso. 5. Inuu u diyaarinayo cadaab weyn.

Intaas oo ciqaab ah majirto cid kale oo uu Quraanku u sheegay iney ku mutaysanayaan danbi ay faleen dartiis.

War kuwii dilay C/Qaadir Yaxye oo Salaadii Cishaha tukaday, oo Salaadii Subaxna sugayey, oo Xajkii dhawaana Bayt-ka ilaahay ku soo gutay.  Iyo Sh. Maxamed Muumin oo ahaa nin 24.Saac ku hawlanaa faafinta Islaamka, oo marka la dili-doonana Salaaddii Makhrib soo tukaday. Cishihiina usoo laaban rabay.  Maxay naga mudan-yihiin? Miyeynan hal mudaa-haraadna u samayn karin?

Allow u wada naxariiso. Janadaadana geey. Xamarna xaqa usoo celi. Xalaalay-siga dhiigga Muslim-kana ka qabo kuwooda sidaas caadaystay.

Qofkii wax garda xamar waa lagu dilaa, hadaad rabto inaad noolaato, misena aad rabto inaad Muqdisho ku nagaado, waxaan kugula talinayaa, hanoqonin qof bulshada dhexdeeda macna ka dhexleh, haddii kale sababihii geeridaada adiga ayaa keensaday.

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD