SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



"Aniga ayaa ka soo saaray website-ka SomaliTalk  Warqadii uu C/llaahi Yuusuf uu u diray Fahad Yaasiin, warqadaas  baana xildhibaanadii qaar  ka ilmeysiisay" JINNI BOQOR

Muqdisho: Nov 19, 2005: Waxaa maanta kulan isugu yimid hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisho xubnaha labada gole dowladda federaalka ee ku sugan Muqdisho, waxaana kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xirnaa markii uu soo geba-geboobay saxaafadda la hadlay wasiiru-dowlaha xafiiska ra’isul wasaaraha C/qaadir Xaaji Max’uud (Dhaqane) oo sheegay in tallooyin guud & is-wareysi kadib in laga dooday qodobo muhiim ah, kadibna guddi loo saaray, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in guddigaasi oo ay ka mid yihiin Xildhibaanada kala ah Shariif Saalax, Avv. Xasan Dhimbil, Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) & C/fataax rashiid.


C/qaadir Dhaqane

“Waxaa xusid mudan in ciidamada Itoobiya ay ku soo xad-gudbeen gobolka Hiiraan, tuulada la yiraa Bacaad oo 15 KM u jirta, kadibna ay 4 Soomaali ah ka taxaabeen halkaas, arrintaa goluhu wuu cambaareynaa, wuxuuna ka digayaa faragelinta qaawan ee ay mar walba Itoobiyaanku ku hayaan dhulka Soomaalida, waana runtii arrin aan u sheegeyno beesha caalamka in Itoobiyaanku ay mar walba gudaha dalka inta soo galaan ciddey doonaan ka kaxeystaan, meeshey doonaana la aadaan” ayuu yiri C/qaadir Dhaqane.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) oo ka mid ahaa guddiga  5 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray in ay ka soo talo-bixiyaan qodobadii maanta laga dooday, kuna soo celiyaan xubnaha labada gole maalinta Talaadada ah ayaa sheegay in isagu uu geeyey baarlamaanka ajendihii ugu muhiimsanaa ee laga dooday maanta.

“Waxaa baarlamaanku uu aad uga hadlay maanta warkii bishaan 14-keedii ra’isul wasaaruhu BBC-da (British Broadcasting Corporation) ka sheegay ee  ahaa  Somaliland haddii la ictiraafo waan ogolnahay, dhulal-ka Soomaalida ah  ee dalalka deriska ahi ay haystaana dalalka ay ka mid yihiin bey ka sii mid ahaanayaan, wuxuu ra’isul wasaaruhu  xaqiray dhulkii Soomaalida wuuna diiday, meel kasta waxaa ku qoran midnimada Soomaaliya waa muqadas, carruurtana sidaa ba la baray, Somaliland ictiraaf raadsada haddii la idin ictiraafana waan idin ictiraafeynaa, hadalkaasi ma aheyn hadal ay mas’uuliyadi ku dheehan tahay,  Itoobiyana dhaqdhaaq bey ka wadaa gudaha Soomaaliya waxaas buu baarlamaanku aad uga hadlay” ayuu yiri Xildhibaan Jinni-boqor oo intaasi sii raaciyey.

“Aniga ayaa ka soo saaray website-ka SomaliTalk  Warqadii uu C/llaahi Yuusuf uu u diray Fahad, warqadaas  baa xildhibaanadii qaar  ka ilmeysiisay”


Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid “ Jinni Boqor”

“Haddii qolada Jowhar ay codsadaan in Jowhar la isugu tago  waanu tageynaa, waxeyna Jowhar noqoneysaa sida magaaladii  (Saigon-Vietnam) (Gobolkii Mareykanku qabsay ee uu Vietnam kula dagaalamayey ee markii dambena Marakeynka lagaga adkaaday), waayo haddii magaalo yar la isugu geeyo hubka yaala & kuwo ay la tegayaan xubnaha Muqdisho waxey magaaladu hasinka u noqoneysaa in ay qaraxdo” ayuu yiri Jinni-boqor, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in labada garab ee dowladda federaalka ee ku kala sugan Muqdisho & Jowhar ay abuuraan jawi.

C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho.
Cabdishakuur48@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Nov 19, 2005


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji


GABAY KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)



Maxaa Akhristayasha la gudboon:::

Taladaada u gudbi Baarlamaanka Soomaaliya wixii ay ka yeeli lahaayeen Hadalka Geeddi ee ahaa in aan Dal iyo Dhul Soomaaliyeed ku hoos jirin Gumeysi. Fadlan qoraal kaaga nuqul ka mid ah koobi u dir Cali Maxamed Geedi, emailkiisu waa: premiersom@wananchi.com


JAWAABAHA LAGA BIXIYEY HADALKII GEEDI
Maqaallo Cusub maanta.... ka akhri halkan


Waraysigii Radio Xorriyo: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD