SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi....

iyo Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo Sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi  ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto dalka....

War-bixinnadii: Amiin Yuusuf | Xamar, Soomaaliya

Nov 19, 2005

abdullahi YusufMadaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu ka dalbaday Maamul Gobaleedka Puntland in aysan kalsoonida kala laaban Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu dhawaan Ra’isul Wasaaruhu ku dhawaaqay  in uu aqoonsanayo maamulka la magacbaxay Soomaaliland haddii uu aqoonsi ka helo caalamka, wuxuuna C/llaahi Yuusuf u sheegay mas’uuliyiinta maamul Gobaleedka Puntland in ay sugaan inta uu dib ugu soo laabanayo dalka gudihiisa.

Sidoo kale maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii dhex maray maamul Gobaleedka Puntland iyo Ra’isul Wasaare Geedi ee  ahaa habka loo qodayo shidaalka ku jira deegaanada maamul Gobaleedkaasi.

Hadalka ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi waxaa si aad ah uga xumaaday inta badan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in mas’uul jagadaasi haya uu Soomaaliya u horseedo kala go’ iyo kala qayb qaybin ay tahay mid si aad ah looga xumaado.

Madaxweyne ku xigeenka maamul Gobaleedka Puntland Xasan Daahir Af-Gurac ayaa waxa uu ka codsaday Ra’isul Wasaaraha in uu raagelin ka bixiyo hadalkii ahaa in uu aqoonsanayo maamulka Soomaaliland,  wuxuuna sheegay in haddii taa yeeli waayo uu xumaan doono xiriirka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geedi.

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo Sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi  ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto dalka

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa Nov 19, 2005 si weyn uga dooday dhowr qodob oo la xiriira xaalada dalka, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo uu ku taageerayay goosashada maamulka la magacbaxay Soomaaliland, waxaa kaloo ka mid ah qodobada ay ka doodeen faragelinta ay dowladda Itoobiya ku hayso gudaha Soomaaliya iyo maamul u sameynta gobalka Banaadir.

Xubnaha labada Gole waxa ay cabaareeyeen xadgudubka joogta ah oo ay ciimada Itoobiya ku hayaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna si gaar ah u cambeereeyeen falkii ciidamada Itoobiya ay ku kaxeysteen shan qof oo deganaa Tuulada Bacaad ee ka tiran Gobalka Hiiraan, waxayna codsadeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Odoyashaasi.

            Mar ay ka hadlayeen arrimaha maamul u sameynta Gobalka Banaadir waxa uu Goluhu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlihii maamulo u sameynta Gobalka Banaadir.

            Mar ay soo hadal qaadeen hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi waxa ay sheegeen in ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto Ra’isul Wasaaruhu dalka, waxay kaloo sheegeen in ay diyaar u yihiin in khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, si dowladdu ay ugu suurtagasho wax ka qabashada dhibaatada ka taagan dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2005

Cali Maxamed Geedi uu kusii jeeda Adis Ababa, Booqashadiisa Talyaaniga kaddib::

Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo booqday dalka Belgium, Kaddibna gaarey dalka Talyaaniga Jimcadii (Nov 18), ayaa dhowaan dib ugu laabanaya dalka Soomaaliya, magaalada jawhar. Waxaana warku intaas ku daray inta uusan tegin Jawhar in uu kusii hakan doono magaalada Caasimada u ah dalka Itoobiya ee ah dalka gumeysta dal iyo dad Soomaaliyeed - inkasta oo Geedi sheegay in aysan jirin dal iyo dad Soomaaliyeed oo Gumeysi ku hoos jira.
[
Dhegeyso waraysiga: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre ]

LABADA WARQADOOD EE ISKA HOR IMANAYA EE GEEDI KA QORAY SHIIDAALKA PUNTLAND

EEG WARQADII DIIDMADA


EEG WARQADII OGOLAANSHADA


Cali Maxamed Geeddi oo Maamulka Puntland Uga Baxay ballan Qarsoodi ahayd oo Qoraal ah - Kaddib markii maaamulka Puntland Ka Hor Yimid Hadal uu Dhowaan Sii daayey Geedi....

Nov18, 2005

Ra'iisul wasaraha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya loogu soo dhisay dalka Kenya oo habeenimadii Xalay (oo Jimce soo gelayey Nov 18) shir magaalada Brussels ee dalka Belgium kula yeeshay xubno kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Qurbaha ayaa sheegay in aan maamul goboleedyadu wax shaqo ah ku lahayn shiidaalka.

Cali Maxamed Geeddi oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Waan baahanahay baqtiga looma cuno, waan baahanahay kaalaya socon mayso. Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe. Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan, kumana xadgudbi karaan intaan noolnahay". Akhri warkan oo dhamaystiran... Guji...

Maamul Gobaleedka Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi

Nov 16, 2005

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi oo ahaa in haddii la aqoonsado maamulka la magac baxay Soomaaliland ay Dowladdu aqoonsan doonto, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku hadalkaasi ku tilaamamay mid xadgudub ku ah sharciga iyo dastuurka Dowladda Federaalka.

“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.

Waxaa maalmahan dhaliil xoogani soo gaarsay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu sheegay in haddii la aqoonsado maamulka Somalilnad uu isna dhiniciisa uu aqoonsanayo taasoo shacabka Soomaaliyeed ku noqotay layaab iyo amakaag. [Eeg halkan]

JAWAABAHA LAGA BIXIYEY HADALKII GEEDI
Maqaallo Cusub maanta.... ka akhri halkan


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD