SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ximan & Xeeb:- Maxay soo kordhin doonaan.?!!


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.

http://www.somalitalk.com/gentleman/

Asalaamu Calaykum.



--Luuq Luuq maroow laasim laamiguu iman---

Hordhac..


1991 waa markii Dowladdii Dhaxe ee Somaliweyn ka talin jirtay ay bur-burtay wixii ka danbeeyayne Dowlado aysan dadku aqbalin iyo shirar aan dhamaan ayay siyaasaddii Somalia ka dhamaan waysay. Sidoo kalle intaas waxaa dheer Dagaalo aan dhamaad laheyn oo marba shaati cusub iyo ujeedgaara looga danleeyay. Intaan oo arrimood waxaa bar-bar socday in Kooxdii isbartaqaanaba (QABIIL) ay sameestaan Maamul ama Dowlad Gobaleed. Waqooyiga waxa ay la baxeen Somaliland waxayna sheegtaan Dowlad inkastoo lagu badbaaday fakir fiican oo Xilligas loo baahnaana oo ahaa balse Caalamka waxa ma uusan aqoonsan.?, waxaa ku soo xigtay Dowlad Gobaleedka Puntland oo iyadana ah Maamul Beeleed la mid ah kuwa dalka ka jira. Balse siddii dowlad oo kalle u shaqeeye. Yaan ka taginee Maamulka Galmudug oo xurkufi ay maalmahan kalla dhaxeeyso Puntlland wuu jiraa iyo maamulo kalle oo dalka meelo badan oo ka mid ah ka jira.

Maamuladan inta badan ay sameestaan dadka isku deeganka ah (Isku Beel) ayaadba moodaa in ay tahay Rajo wanaagasan meeshii Maamul uu ka jiro ayay Nolali ka jirtaa. Qur'aanka waxa uu Qabiilka ku Tilmaamayaa in uu yahay oo kaliya in la isku aqoonsado (Al-tacaaruf), balse haddii aanu Somali nahay waxaan in la isku garto Qabiilka aan u badalnay Qablaayad Qurun ah iyo waliba dagaal aan ujeed aan laheyn. Faa'iidooyinka Qabiilka waxaa ka mid ah in ay dadka intii isku famil ahba ay is taageeraan wanaaga. Balse taasi way nagu yartahay.

Iyaddoo ay dalka ka jiraan Ismaamul Gobaleedyo iyo kuwo dowlado sheegtaba ayay wali Faanoole fari ka qodneen oo waxaa dhawaan soo ifbaxay Ismaamul Beeleed la magacbaxay Ximan iyo Xeeb. Balse Ximan iyo Xeeb waa Maamul sidea ah yayse maamuli doonaan.? Ma Somali mise Qabiil sheekan hoose bal illa fiiri.

Maamulka Ximan & Xeeb.?



Bishii March 22 ee Sannadkan 2008 ayay aheyd markii ay kulan ku yeesheyn Imaaradda Sharjah(Shaariqa) Qurbajoogta, Waxgaradka, Culumaa'udiin-ka, Aqoonyahanadda, Haweyn-ka iyo Dhalinyaradda Beesha reer Xaaji Saleebaan. Ujeedka Kullankaas ayaa ahaa sidii loo sameyn lahaa Maamul ay yeeshaan dadka ku abtirsadda Beesha Reer Xaaji Saleebaan iyo waliba in la helo nabad iyo daris wanaag dhax mara beesha iyo Qabiiladda kalle ee ay wada dagaan Gobalka Dhaxe ee dalka oo inta bada ay ku nool yihin Reer Xaaji Saleebaan. Sidoo kalle Nidaamka Maamulbeleedkan waxa uu noqon doonaa mid waafaqsan Diinta Islaam-ka.

Bishii May 4 ee isla sanadkan 2008, Deekaanka Cadaado lagu ansixiyay Maamulkan loogu magac dharay Ximan & Xeeb. Iyadoo Xarunta Maamulkana laga dhigay isla Magaaladan Cadaado oo lagu ansixiyay. Iyadoo maamulkan oo madax ka yahay Mohamed Abdulaahi Adan (Tiiceey) oo ah dhalinyaradda Qurbahaka timid.

Bishii June 12 ee isla sanadkan 2008, waxaa suuragal noqotay in Xafladdii ugu horeeyay ee Maamul Beeleedkan Ximan & Xeeb ayaa ka dhacday Deegaanka Cadaado. Xafladdan waxa ay aheyd mid dad badan ay ka soo qeeb galeeyn iyadoo Xafladan sidoo kalle lagu Martiqaaday Madax kalla duwan gaar ahaan Hogaamiye Beeleedyadda ay wada dagaan Beeshan Reer Xaaji Saleebaan.


Mohamed (Tiiceey) Gudoomiyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Sidda lagu sheegayba Xafladii ugu horeeysay ee Maamulkan Ximan & Xeeb, Maamul Beeleedkan waxa uu ku dhisanyahay Daris Wanaag iyo Xaq Dhoowr balse sidoo kalle waxa uu ka madaxbanaanyahay dhamaan Khilaafyadda Siyaasadaha ee dalka ka taagan iyadoo kooxaha Siyaasadeed ee dalka ka jira aysan wax xiriir ah aysan la laheyn.!!

Shirkii Jaraa'id Maamulka Ximan & Xeeb ee magaaladda Nairobi.!


Hotelka Barakaat ee Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ku yaal ayay waxa ay shir'jaraaid ugu qabteen wariyaasha Gudaha iyo Dibadda Maamulka Sare ee Ismaamul beeleedka Ximan iyo Xeeb.


Mohamed Tiiceey iyo saaxiibadiis o Warbaahinta kulla hadlaya Magaalada Nairobi.

Shirkaasi Jaraa'id ayay wariyaasha ugu sharxeen waxa uu maamulkanyahay iyo cidda uu maamuli doono intaba.? Ismaamul Beeleedkan waxa ay sheegeen in uusan wax xiriir ah la laheyn khilaafyadda siyaasadda ee dalka ka jira.



Madaxda Maamulka Ximan & Xeeb. Hotel Barakaat.

"intii aan joognay Magaalatan Nairobi waxaanu la kulanay Heyaddaha caalamiga ah anoo u sharaxnay Maamulkan Ximan & Xeeb, sidoo kalle waxaan Heyadda Caalamiga ah iyo Kuwa Gargaarkaba u sheegnay in ay ka hool gali karaan karaan Degmooyinka uu maamulka hoos yimaado" sidaa waxaa yiri Ticeey oo ah Gudoomiyaha Maamulkan. Waxayna arrintaas ku dareen in ay dhamaan isbaarooyinki ka jiray inta badan Gobaladda dhaxe la qaaday amaanka uu hadda yahay mid la isku haleen karo waloow mararka qaar ay dagaalo ka dhacaan Degmadda Cadaado ee xarunta u ah Maamulka Ximan & Xeeb.



Maamulkan oo aysan ka muuqdaan dad badan oo Beeshan Magac ku leh.?

Sidda caadiga ah Maamul walba oo Somalia ka jira waxa uu xukumaa cid gaara (Qabiil gaar ah) waa marka runta laga hadlo waxaana Madax ka noqdaa aalaaba dadka ugu magaca dheer Beeshaas. Balse sidda muuqata Maamulkan waxaa madax ka ah Dhalinyaro ka timid Qurbaha oo garwaaqsaday in ay leeyihiin dad iyo dal intaba go'aana ku gaaray in ay dadkooda u soo bandhigaan wixii ay ku soo barteen Qurba joognimadda.

Maamulkan Ximan & Xeeb kama Muuqdaan dad badan oo Siyaasiyiin ama Gacansato ah oo Beeshan ka dhalatay, balse hoosha sida ay ku socota waxaad moodaa in ay tahay sida in lagu wada qanacsanyahay oo kalle, mise dhaliilaha waxa ay soo bixi doonaan marka hoosha maamulka ay isku duba dhacaan. Mise iman doontaa looma dhama oo Jufo gaar ah ayaa Maamulkan hoosheeda gacanta ku heeysa.? Wixii ka soo baxaba waan la arki doonaa Hadduu Alle idmo.

Ugu danbeeyntii dadka Somalidda ah meel walba oo ay joogaan waa dad walaalo ah, sidoo kalle waa dad is dhaldhalay oo aan kalla maarmin meelkasta oo aan aduunka ka joogno. Dhanka kalle waxaa soo ifbaxday in aysan jirin Qabiil Qabiil ka adag ama Qabiil Qabiil ka mansab dheer. Maamul Beeleedyadan waxaad moodaa in ay tahay meesha kaliya oo ay ku badbadeen dad badan oo Somali ah. Dabcana waa arrin aan qarsooneen. Markii Koonfurta ay dagaaladda ku fara bateen dad badan oo Somali ah ayaa u qaxay Somaliland iyo Puntland-ba sabatuna waxa ay aheyd in ay ka jirto nabad iyo kall danbeen ilaa xad ah.

Maamul Beeleedyaddan dalka ku soo badanaya ma waxa ay badi doonaan dowladnimadoo dalka mar haddii la diidayo Madaxwayne kasta oo Somalia yiraahda anigaa madax ka ah dalka.? Xalku muxuu yahay.? Su'aalahaas iyo kuwo kallo badan ayaa maskaxda dad badan ka guuxaya balse jawabta waa nin walba iyo Caqlikiisa.

Salaamaat.

Wabilaahi Towfiiq.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya

Anniga iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.!.. AKhri..

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS