SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barack Obama Xilligan ma u baahanyahay Taageeradda Famil-ka Clinton.?

Bill Clinton:- Siyaasadda arrimaha dibadda iyo Dhaqaalaha ayuu si wanaagsan u garanayaa.


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.

http://www.somalitalk.com/gentleman/

Hoggaanka sare ee Xisibga dimuqraadiga "Democratic Part" dalka Maraykanka, ayaa waxay bilaabeen Dadaal cusub oo loogu suxul duubanayo dib u midaynta cododka taageerayaasha xisbigaasi ka dib markii uu loolan kulul dhex maray senator Barack Obama iyo senator Hilery Clinton kana wada tirsan Xisbigan Dimoqraadiga kaas oo ugu danbayntii uu si dirqi ah ugu soo baxay Brack Obama oo haatan u taagan Musharaxnimadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Dimoqraadiga kadib markii uu helay codadkii loo baahnaa.

Barack Obama iyo Hillary Clinton ayaa markii ugu horeeysay waxa ay si wadajir ah ay hadal ugu jeediyeen kumaan taagerayaasha Xisbiga Demoqraadiga ah ee isugu soo baxay Gobalka New Hampshire, arrintan ayaa timid kadib markii ay Hillary Clinton ay sheegtay in ay xubin fir-fircoon ka tahay sidii uu Barack Obama ugu guuleysan lahaa doorashadda guud ee dalka Mareekanka ka dhici doonta dhamaadka sanadkan oo ay Obama iyo Mcain ku loolami doonan. sidoo kale waxaa taageero mida Hillary Clinton la mid ah ay afgiisa ka soo baxday Saygeeda Clinton oo sheegay in uu taageerayo sidii uu Barack Obama oo Madow ah u noqon lahaa Madaxwaynaha Dalka Mareekanka ee soo socda. Arrintan ayay dad badan oo siyaasadda Falanqeeya ay ku sheegeen in ay wax badan oo is badal ah ku keeni karto loolanka loogu jiro Madaxtinimadda dalka Mareekanka.

Arrinta sideey ooga hadleen Warbaahinta Dalka Mareekan-ka.?

Thalia Assuras oo ah haween ka sheeqeeysa TV-ga CBS ayaa qoraal ay qortay ku tilmaamtay Hillary Clinton in ay tahay furaha guusha Barack Obama, Hillary Clinton ayaa labo tobaad ka hor sheegtay in ay taageeri doonto Barack Obama sidii uu u noqon lahaa Madaxwaynaha soo socda ee dalka Mareekanka. Haweeneydan ka shaqeeysa TV-ga CBS ayaa dhinaca kalle tilmaam ka bixisay in Hillary Clinton ay taageero badan ku leedahay Shacbiga dalka Mareekanka gaar ahaan Dumarka. Taageeraddan baaxadda leh oo ay Hillary shacabka Mareekanka ku dhaxleedahay haddii ay u soo weeciso in ay u codeeyaan Barack Obama ayaa keeni karta in uu guul waaweyn helo Barack Obama doorashooyinka guud ee dalka ka dhici doona dhamaadka sanadan 2008.

Thalia Assuras sida ay qoraalkeeda ku tilmaamtayba taageeradda Hillary Clinton ee Barack Obama maahan oo kaliya in ay taageero hadal ah un aysan u fidin doonin balse ay macquultahay in ay lacag gaareeysa $70 million ku taageero olalaha doorashooyinka inta ay socdaan, furaha guusha dhabta ah ee doorashooyinka dhabta ah ee dalka Mareekanka ayaa ah lacag sida ay qoraalkeeda ku sheegtay wariye Thalia Assuras. Barack Obama waxa u suura gashay in uu lacag gaareeysa $23 million bishii May ee aanu soo dhaafnay taasi oo ay macnaheedu tahay in uu wax badan ka hooseeyo ninka ay madaxtinimadda ku tartami doonaan Johan Mcain inta lacag ee uu ugu tala galay olalaha doorashada Madaxtinimadda.

Hillary Clinton madaxwayne ku xigeen ma u noqon doontaa Obama.?

Richard Simon ayaa wargeeska Los Angeles times qoraal uu ku soo qoray todabaadkan waxa uu Hillary Clinton ku tilmamay In ay wali tahay qof miisan culus ku dhax leh xisbiga Dimoqraadiga, dhan kalle ra'yi aruurin uu sameeyay wargeeska Los Angeles Times oo gaashanaya shabakadda Bloomberg ayaa tilmaamaysa in 36-42% taageerayaasha Xisbiga Dimoqraadiga ee ra'yi aruurintan ka qeeb qaatay aysan soo dhaweenaynin in ay Hillary Clinton ay Madaxwayne ku xigeen u noqoto Barack Obama. Sidoo kalle inta badan dadkii ka qeeb qaatan doorashooyinka ay ku tartamayeen Obama iyo Clinton in aysan soo dhawaynin ku dhawaad 30-42% in Hillary ay noqoto Madaxwayne ku xigeen.

Haddaba haddii ay arrintu sedan tahay Mustaqbalka Siyaasadda ee Hillary Clinton waxa uu ku xiranyahay dhoor arrimood oo ay ka mid tahay in ay taageero fiican u muujiso Barack Obama, dhan kalle haddii ay muujiso hoolkarnimo wanaagsan inta ay Golaha Sanate-ka Mareekanka ay ku jirto waxa ay tani keeni kartaa in ay mar kalle isku soo sharaxdo madaxtimidda dalka Mareekanka.

1980 ayay dhacday arrintan oo kalle kadib markii ay loolan adag wada galeen Edward M. Kenedy iyo madaxwaynihii hore ee dalka Mareekanka Jimmy Carter markaas oo uu Jimmy Carter ku guuleestay Musharxnimadda Xisbiga Dimoqraadiga balse Edward Kenedy wax taageero ah uma uusan soo baddhigin Jimmy Carter taasi oo keentay in doorashooyingii guud ay Xisbiga Dimoqraadiga seegaan. Si arrintaas dhacday 28 sano ka hor looga gashaanto ayay bilaabeen hogaanka sare ee xisbiga in ay mideeyaan codadkooda ku kala baahsan guud ahaan dalka Mareekanka iyadoo doonaya in dib ugu soo laabtay white House-ka.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa sideedii sanno ee ugu danbeeyay aysan u suura galin in ay dalka Mareekanka madaxtinimadiisa gaareen, iyadoo Bill Clinton uu ahaa Madaxwayinihii ugu danbeeyay ee Xisbiga Dimoqraadiga sadihii sagaashamaadkii. Balse xilligan ayay ka faa'iideesanayaan in ay helaan codadka dalka Mareekanka si ay dalkaasi xukunkiisa ula wareegaan iyagoo horay ugu guuleestay aqlabiyadda golaha Odayaasha dalka Mareekanka.

Barack Obama ma u baahanyahay taageeradda Familka reer Clinton.?

Ed Schultz waa mid ka mid ah dadka loogu jecelyahay Barnaamij soo saarayaasha Idaacadaha Dalka Mareekanka mar uu ka qeeb galay todobaadkan Barnaamijka Larry king live ee ka baxa TV-ga CNN-ka waxa uu Barack Obama ku tilamaamy in uu yahay nin aad u caqli badan garanaya sida looga faa'iideesto fursadahan oo kalle, isagoo ulla jeedda taageeradda ay muujinayaan reer Clinton. Balse wuxuu meesha ka saaray in aysan wax macquul ah aheen in qaar ka tirsan Hogaanka sare ee Xisbiga Dimoqraadiga ay ku tilmaamaan taageeradda reer Clinton in ay tahay mid aan xilligan loo baaheen amaba aan saxba aheen.


Obama iyo Clinton oo taageerayaashooda tusiyay sida ay u midoobeen
sawirka/Reuters.

Reed Dickens oo ka mid ah dadka aadka u taageersan John Mcian ayaa sheegay in Bill Clinton uu hadalkiisa ka saameen badanyahay Xaaskiisa Hillary isagoo Clinton ku tilmaamay in uu si wanaagsan u yaqaan meelaha ay guuldaroonyinka ka soo waajihi karto Barack Obama. Clinton ayuu ku tilmaamay in uu hadalkiisa wax badan ka badali karo doorashiinka guud ee dalka Mareekanka ka dhici doono dhamaadkan sanadkan balse ma uusan tilmaamin ciddda ku guuleeysan karta madaxtinimadda dalka Mareekanka.

Hilary Rosen oo ah Tifaftiraha dhanka siyaasadda ee wargeeska The Huffington kana mid ah taageerayaasha Barack Obama ayaa hadalka Clinton ku tilmaamtay in uu macno weyn ugu fadhiyo Xisbiga Dimoqraadiga sida ay ugu guuleeysan lahaayeen doorashinkga guud, waxayna tilmaamtay in labado arrimood ay muhiim u tahay Barack Obama in uu kala talin doono taas oo ah Siyaasadda Arrimaha Dibada iyo Dhaqaalaha.
 


Obama iyo Madaxwaynihi hore ee dalka Mareekanka Bill Clinton.

Isku soo wada duub, haddii Xisbiga Dimoqraadiga ay ogaadeen in ay in badan oo ka mid ah shacabka Mareekanka ay doonayaan isbadal siyaasadeed isla markaan Barack Obama ay codkooda siyeen dabcan wax badan oo talo iyo taageero ah intaba wuu u baahanyahay Barack Obama si uu ugu guuleesto doorashiinka guud.

Siyaasadda arrimaha dibada iyo dhaqaalaha ayaa ah labado arrimood oo muhiimah, siyaasadda arrimaha dibadda waxa ay doonayaan Xisbiga Dimoqraadiga in ay soo celiyaan sharafta dalka Mareekanka ee ku luntay dagaalka ay wadamo badan ku qaadeen Madaxwayne Bush iyo saaxiibadiis taasi oo natiijadda ka dhalatay ay tahay in dhaqaalihii dalka Mareekanka uu hoos u dhac weyn ku yimaado sanadihii la dhaafay.

Ugu danbeentii Barack Obama oo haatan ay dad badan aaminsanyihiin in uu yahay nin da'yar haddana aqoon wanaagsan haddii uu ka faa'iideesto hadalka Taageeradda ah ee ka soo yeeray Clinton uu guul ka keeni karo doorashiiinta dalka Mareekanka. La arki doonee wixii ka soo baxo doorashooyinka dalka Mareekanka.
Wabilaahi Towfiiq.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"

ibraahim@journalist.com

Naiarobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS