SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Madaxweynahii hore ee dalka Zambia oo booqasho ku yimid Somaliland.


Aadan y. Qodax    

FAALLADII: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

May 20, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


 Mid ka mid ah madaxweynayaashii ugu mudada dheeraa qaarada africa oo ah madaxweynahii Zambia Keneth kaunda ayaa shalay galab soo gaadhay caasimada somaliland ee hargeisa.

Dr. kaunda waxaa uu booqashadiisa ku tilmaamay mid xaqiiqo raadis ah taas oo uu ku ogaanayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta somaliland. inkasta oo aanay ahayn markii u horeysay ee uu hargeisa yimado waxaa uu hore u yimid 1968 waqtigaas oo ahaa madaxweynaha Zambia waxaa uu la socday madaxweynahii dalkii la isku oranjiray somaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke.

waxaa uu madaxweynaha Zambia ka ahaa inka badan 30 sano waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta rug cadaaga ah ee qaarada africa. Dr. keneth kaunda waxaa uu sheegay in uu la kulmidoono madaxweyne riyale dabadeedna uu samaysandoono barnaamuj u gaar ah.

waxaa xalay casho sharaf u sameeyey madaxweyne ku xigeenka somaliland waxaana la filayaa in uu somaliland 3-4 cisho isagoo marka uu noqdona la sheegay in uu warbixin uga gudbindoono somaliland madaxda africa . booqashadan madaxweynahii hore ee Zambia ayaa waxay ka mid tahay dhaqdhaqaaqa diblomasiyadeed ee ay wado xukumada somaliland kuna doonayso aqoonsi .

iyadoo markii u horeysay aqonsiga somaliland la dhexdhiga ururka A.U da taas oo la sheegay in ay wadaan wadamada ugu awooda weyn qaarada africa. iyo kuwo reer galbeed ah sida dowlada ingriiska iskasta oo aan la magacaabin hadana la sheegay in dowlada ingriisku wado sidii aqoonsiga somaliland uga soo dhexbilahaa ururka midnimada africa (A.U).

Si kastaba ha ahaatee booqashada madaxweynahii hore ee Zambia waxaay ay noqonaysaa mid ku dhiiri galisa madaxda africa ama kuwii ka talinjiray sida Dr. kaunda in ay ku dhiiradaan in yimaadaan somaliland taas oo dardar galinkarta aqoonsiga somaliland doonayso.

Alla mahadleh

W/Q: - Aadan Yuusf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com 

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005


"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon". faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD