SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

XUKUMADA RIYAALE DAACAD MA KA TAHAY IN LA QABTO DOORASHADA BAARLAMAANKA


Aadan y. qodax    

Mohamed H. kahie

Qormadii: Aadan yousuf qodax  [Email: qodax28@hotmail.com] iyo Mohamed  Hassan kahie [Email: mhkaah@hotmail.com] oo jooga Hargeisa Somaliland.

Janaayo 18, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


Shaki kuma jiro in dadwaynaha Somaliland iyo xisbiyada siyaasadaba gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ay diyaar u yihiin in ay Somaliland doorasho ka dhacdo oo mar uu laga baxo xildhibaanada lagu soo xulay hab beeleedka, hadaba su'asha jawaabta u baahantahay in xukumada madaxweyne riyaale ay daacad ka tahay in doorasho baarlamaan dhacdo 29 march 2005 ? jawaabta su aashani waa mid madmadow ku jiro waayo waxaa la yaableh sababta sadex sano xeerka doorashadu u horyaalo golaha wakiilada oo u badan xisbiga UDUB waxaase xusud mudan in uu madaxweyne riyaale si aad ah u muujistay in ay isaga ka go antahay in doorashada waqtigeedii dhacdo.

Waxaase dadku isweydiinayaan xagga ay salaadu ka xirmilaadahay? waxaanu shaki ku jirin in hadii doorashadu dhacdo ay aqlabiyada yeelanayaan mucaaradku golaha wakiiladuna u badanayaan xisbiyada mucaaradka ah taas oo ay xukumadu shaki ka qabto waayo baarlamaanku waa halka laga hago ama waa isteeriyanka xukuumada ,hadaba ayadoo ay jirto in xidhiidh wanaagsani aanu kadhaxayn xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada oo xataa Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID ku hanjabay in haddii doorasho laqabanwaayo uu xukunka katuurayo madaxwayne rayaale, xataa hadii buu yidhi ay noqonayso in dib laagunoqdo dagaalsokeeye, taas oo muujinaysa sida imika gudoomiyaha UCID ucadaystay mucaaradnimo dhaba oo uu kabaxay wixii ay kuxamanayyen taagarayaashiisu.
 

XISBIGA UDUB

XISBIGA KULMIYE

XISBIGA UCID

Haddaba iswaydiintu waxay tahay hadii doorashadda laqabto, golaha wakiiladuna ubataan mucaarid, sideebuu noqonayaa xaalka madaxtooyadu oo hadda wixii uu madaxwaynuhu doono ay ufuliyaan golaha hadda jira ayagoo aan eegayn waxani dan ma'utahay ummadda mise uma aha, taas oo muujinaysa sida golaha hadda jiraa ugu badanyahay mixaafid? jawaabtu waa un baarlamaanka ladoortaa yeeli doono waxaa ummadani udooratay oo ah in aydiidaan wixii dalka iyo dadka aan dan u ahayn yeelaana ama ansixiyaan wixii dan u ah ummadda iyo dalka . Waxaa macruufa in ay garanwaayeen golaha hada jiraa wixiigarteen golaha baarlamaanka imbagaati oo ah in ay diidaan 50ka wasiir oo uu rayale magacaabay oo aan lagaranayn waxay u qabanayaan dalka oo aan dhaqaale ahaan qaadi Karin, taas oo ka mid ah sababaha dadweynaha somaliland u doonayan In la doorto baarlamaan dalka wax uqabta.

Caqabada labaad ee laga yaabo in doorashadu qabsoonto xiligeeda waa in golaha imika jira oo soo jiray ilaa 1993-2005 aanay doonaynin shaqooyinkooda waayo xisbiyadu waxay wataan xildhibaano cusub waana sababta ay u ragaadinayaan in ay isdhaafiyaan xeerka doorashada oo in badan horyaalay golaha wakiilada waxaana taas ka marqaatikacaya gudoomiye ku xigeenka golaha oo sheegay in aanu golahu diyaar u ahayn in ay doorasho dhacdo.

Su' aasha kale ee taala waxay tahay xisbiyada mucaaradka ah ma ka go antahay in doorasho la qabto ?Jawaabtu waxay tahay haa waxaana u daliila hadalada labada gudoomiye ee KULMIYE Axmed Maxamuud Maxamed SIILANYO iyo Faysal Cali Waraabe UCID. Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka kulmiye oo ka hadlayey shir kulmiye soo qabanqaabiyey oo lagu qabtay Hutelka ming sing Hargeisa 15 jen. ayaa sheegay in xisbigoodu diyaar u yahay in ay doorashad la qabto hadii dhiciweydana dalka iyo dadkuba waxay istaagayaan mowqif adag waxii ka yimaadana waxaa ka masuul ah cida xilka haysa. sidoo kale gudoomiyaha ucid ayaa marar badan ugu baaqay xukumada in doorashada la qabto waqtigeeda .
 

Dahir Rayale (UDUB)

A. Siilanyo (KULMIYE)

Faysal Cali (UCID)

Guntii iyo gababa gabadii maqaalkaygan , bal aynu is waydiino doorasho maka dhicidoontaa gobolka sool ? oo ah ta'imika ay mashruuca kadhigteen golaha wakiiladu? su'aashaas waxay tahay gudoomiyaha wakiilada ahna nin kasoojeeda gobolka sool , waxaase ay tahay in la iswaydiiyo horta yaa maamula gobalka sool gaar ahaan xarunta laascaanood ?

Jawaabtu waa in maammulka deegaaankaas maamusho ay gacanta ku hayso maamulka Puntland taas oo ay tahay in la darso lagana baarandago sidii deegaankaas loogu hirgalinlahaa maamulka Somaliland. yaase ka hirgalin kara ?

Daacadse ma ka tahay Qeybe gudoomiyaha wakiilada Somalilandnimadu? jawaabtu waa maya isagaana taas marqaati ka ah oo u cadeeyay mar uu uwaramaayay TVga hargaysa habeen uu warmaayay mr. Qaybe wuxuu yidhi: (waxaan anigu aamin sanahay midnimada somali wayn) mana jirto cid dawlada ah oo arinkaa Qaybe kahadlay ama kajawaabay arinka Qaybe. Waxaan kusoo koobayaa maqaalkan halaqabto doorashada baarlamaanka ,dadkuna ha u codeeyaan cida katalinaysa masiirkooda iyo danta dadwaynaha soomaliland.

Alla mahad leh

Qorayaasha:
Aadan yousuf qodax 
Hargeisa Somaliland
Email: qodax28@hotmail.com  
Mohamed  Hassan kahie
Hargeisa Somaliland
mhkaah@hotmail.com

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: Somalitalk.com | Jan 18, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan


... Soomaalaay Hargeysa Sadex Bilood Hala-Siiyo | Asad

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD