SOMALITALK.COM Xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOOYADA
Daabaco Boggan | Print

 
nelson
Nelson Mandela


(Nutfah) Sura 23:13 alaqa (Calaqah) Sura 23:14 mudgha (Mudghah) Sura 23:14 Embryo1 Sura 23:14 Embryo2 Sura 23:14 Embryo3 Sura 32:9 | Sura 22:5 | Sura 22:5
Aayaadaha kore waxay tilmaamayaan Heererka Ilmuhu maro marka uu uurka kujiro.
 
(Nutfah) Sura 23:13
(Calaqah) Sura 23:14
(Mudghah) Sura 23:14
Sura 23:14
Sura 23:14
Sura 32:9
Sura 22:5
Sura 22:5

Aayaadaha kore waxay tilmaamayaan Heererka Ilmuhu maro marka uu uurka kujiro. [Eeg sawirada Qaybta sare]

video: mircle of man's c

Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa Laga Dhaxlaa?

Zahra Abdi Hersi.
Holand
umubakar@hotmail.com

Hooyo waa insaan cajiib badan,waa qof nagu reebta raad aan tirmayn,waa qof nolosheenii hore ku xirnayd markii aanu yarayn,waa qof awood u yeelatay in ay naga dhigto qof fiican, waxyaalahaas oo dhan waa wax Ilaahay Subxaanahu watacalaa ka dambeeya in ay hooyadu awooddda sidaas u faraha badan ku yeelato jiritaankeena.

Mas’uulkaas uu hooyada saaray Eebbe ma ahan mid sahlan,waxaana hooyada qasab ku ah in ay ka soo baxdo xilkaa adag oo Allah saaray ileen bulshadii adduunka oo dhan ayaa loo dhiibaye,haddii ay ka soo bixi waysana waxay noqotay mid qasaartay carruurtii ay dhashayna qasaarisay,laakiin waxaa ah mid la xuso sidee ayay hooyadu u gudan kartaa xilkeeda haddii aysan garab ka helin ninkeeda ama carruurta aabbahood,dadka ku dul wareegsan ee ehelka ah iyo dhammaanba bulshada oo dhan? Dadka waxay jecel yihiin in ay wax kasta ogaadaan oo ay ka sal gaaraan,khubaro ku xeel dheer arrimaha nafsadda iyo midda bulshada ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxay inoo soo gudbinayaan waxyaalo cusub oo aan hore loo ogayn,muddo hadeer laga joogo ilaa dhawr iyo toban sano ayaa waxaa soo shaac baxday in hooyada inta ay quruxdeedu la’egtahay uu ilmahdeedu caqligiisu la’egyahay,yacni haddii ay hooydu qurux badan tahay waxa ay dhalaysaa ilmo maskax badan,hayeeshee dad badan ayaa taasi ka soo horbaxay,waxayna sheegeen in aysan isku xirnayn caqliga ilmaha iyo quruxda hooyada ee ay arrintu tahay in labada waalidba laga dhaxlo caliga,hadba sida ay hooyadu u korsato ilmaheeda uu caqligii uu ku dhashay sii kordhaya,waxayna aad isugu raaceen xeeldheerayaashu in gacanta hooyada uu ku jiro caqliga iyo horumarinta ilmaheeda.

Dhaxalka qaarkiis  hooyada keliya ayaa laga dhaxlaa!

Maahmaah Soomaali ah ayaa sheegaysa:Geed Walba Dheecaankiisa ayuu Dhalaa” taas o ay ula jeedaan qof kasta sida uu yahay ayay ilmahiisu noqdaan,marka waxaan filayaa in aysan ahayn wax cusub in dadka kala dhaxlaan waxyaalaha qaarkiisa,haseyeeshee waxaa soo ifbaxday in dhaxalka qaarkiisa hooyada uun laga dhaxlo sida:Naxariista,Akhlaaqda,Dabeecad wanaagga, iyo hab wanaagga dadka loola dhaqmo,waxaase taas ka sii daran in hooyadu xiliyo kooban uu sameeyo korkeeda ama jirkeedu waxyaalahaas aan hor ku soo sheegnay,sida marka hooyadu foolanayso iyo marka hooyadu siinayso ilmaheeda naaska,waa arrin mucjiso ula muuqatay aqoonyahaniinta iyo annagaba.

Hooyada ayay yiraahdeen culumadaas marka ay foolanayso ayaa korkeeda sameeyaa hormoono ama maadooyin ka samaysan naxariis,jacayl,dabeecad wanaag iyo dhammaan waxyaalaha wanaagga ah ee dadka qiimo u yeela,ka dib marka uu dhasho ilmahu ayay hooyadu  haddana marlabaad samaysaa maadooyinkaas oo kale,waana marka ay ilmaheeda siinayso naaska,hasayeeshee waxay kaloo inoo xaqiijiyeen khubaradu in hooyooyinka qaarkiis uu ku badan yahay maadooyinkaas wanaagsan,qaarne uu ku yar yahay,laakiin ayay inoo raaciyeen in haddii hooyo kasta ay u dheerayso siinta naaska ilmaheeda uu xiriirkoodu noqonayo mid caafimaad qaba oo aad u fiican,gaar ahaan ayay yiraahdeen hooyada ayaa hantinaysa ilmahaas yacni aad ayuu ugu kaalmaynaya ilaa inta ay nooshahay,inkastoo faa’iidada uu ku qabo ilmuhu nuujinta naaska aysan yarayn,haddane kan hooyadaa ka sii faa’iido badan.

Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa markii uu ku yiri hooyooyinka aayad quraan ah siiya carruurtiina labo sano naaska wuu ogyahay sababta uu sidaas u yiri,nasiib xumo ayay yiraahdeen khubaradu maadooyinka ka samaysan murugta,shakiga tan yaraanta ama u jilicsanaanta dhibaatada iyo qaar ka mid ah cudurrada ayaa hooyadu samaysa xilliga ay uurka leedahay,haddii marka ay hooyadu uurka leedahay weyso xanaano jirka iyo ruuxiga ama la kulanto dhibaato ay qaadi weyso ayay sii gudbisaa ilmahii yaraa ee ay caloosha ku siday,ilmahaas yar oo boqolkiiba boqol ay noloshiisu ku xiran tahay hooyadiisa malaha difaac uu iskaga difaaco hormoonadaas ama maadooyinkaas ka samaysan waxa xun ee hooydiisu ku sii daynayso.



002.233
YUSUFALI: The mothers shall give such to their offspring for two whole years, if the father desires to complete the term. But he shall bear the cost of their food and clothing on equitable terms. No soul shall have a burden laid on it greater than it can bear. No mother shall be Treated unfairly on account of her child. Nor father on account of his child, an heir shall be chargeable in the same way. If they both decide on weaning, by mutual consent, and after due consultation, there is no blame on them. If ye decide on a foster-mother for your offspring, there is no blame on you, provided ye pay (the mother) what ye offered, on equitable terms. But fear Allah and know that Allah sees well what ye do.
PICKTHAL: Mothers shall suckle their children for two whole years; (that is) for those who wish to complete the suckling. The duty of feeding and clothing nursing mothers in a seemly manner is upon the father of the child. No-one should be charged beyond his capacity. A mother should not be made to suffer because of her child, nor should he to whom the child is born (be made to suffer) because of his child. And on the (father's) heir is incumbent the like of that (which was incumbent on the father). If they desire to wean the child by mutual consent and (after) consultation, it is no sin for them; and if ye wish to give your children out to nurse, it is no sin for you, provide that ye pay what is due from you in kindness. Observe your duty to Allah, and know that Allah is Seer of what ye do.
SHAKIR: And the mothers should suckle their children for two whole years for him who desires to make complete the time of suckling; and their maintenance and their clothing must be-- borne by the father according to usage; no soul shall have imposed upon it a duty but to the extent of its capacity; neither shall a mother be made to suffer harm on account of her child, nor a father on account of his child, and a similar duty (devolves) on the (father's) heir, but if both desire weaning by mutual consent and counsel, there is no blame on them, and if you wish to engage a wet-nurse for your children, there is no blame on you so long as you pay what you promised for according to usage; and be careful of (your duty to) Allah and know that Allah sees what you do

Zahra Abdi Hersi.
Holland
umubakar@hotmail.com

 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2005


Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji... May 20

HAFZA oo ku adkaysaneysa Heshiiskii Xaafuun iyo DGPL & DFKM oo aan war cad kasoo saarin
Ciise Maxamuud Dholowaa oo ay SomaliTalk waraysi la yeelatay ayaa waxa uu DGPL ugu baaqay in ay war cad ka soo saaraan arinta shirkada Xafza maadaama shirkadaasi ku adkaysaneyso heshiiskaas Guji.. May 20

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe

KITAAB-KA QUR'AAN-KA IYO GUANTANAMO BAY!|Abdulahi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SomaliTalk kala soo xiriir Halkan... Guji..  |  SEARCH

 



HTML CD