SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - NORWAY

SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub...

 

Shirweynihii islaamiga ahaa ee bishan diseembar 24-26-keedii ka dhacay magaallada Oslo, xarunta dalka Norwey ayaa si weyn soomaalida Norwey uga faa’iidaysteen intuu socday, waxayna culumadii ka soo qaybgalay shirkan islaamiga ku soo bandhigeen duruuso aad u qiimo badan, kana hadlayay casharo si weyn u taabanayay nolol-maalmeedka jaaliyadda soomaaliyeed ee ku firirsan dalalka Galbeedka.

Shirkan oo ay soo qabanbaabiyay Ururka iskaashiga Soomaalida Norwey ayaa muxaadaradii ugu horeysay ee uu jeediyay Sh. Cusmaan Usuuli ayuu si waafi ah uga hadlay mowduuc la xiriiray Alle ka cabsiga, isagoo xusayna qaybaha iyo calaamadaha ay ka kooban tahay taqwada.

 

Wuxuu Sh. Usuuli ku lafaguray muxaadaradiisa ahmiyadda taqwada ay  guud ahaan muslimiinta u leedahay, isagoo dhinaca kalena xusay in taqwada ama in Allaah (sw) si dhab looga cabsado ay tahay wixii horey loo faray anbiyadii ka horeeyay Nebigeenna Muxammad (scw). Sidaas darteedna ay taqwadu tahay sacaadada iyo liibaanta dadka muslimiinta.

 

Sidaas si la mid ah, waxaa goobtii shirweynaha muxaadaro ama darasad caqabaadka iyo mashaakilaadka haysta qoysaska soomaaliyeed ee ku dhaqan galbeedka soo jeedisay Drs Maryam Qaasim ooiyadu degganayd sannado badan Yurub, isla markaasna takhasus iyo baaritaanno ku samaysay qaar ka mid ah dhibaatooyinka keena burburka qoysaska.

 

2-da sheekh kala ah Sh. Cabdirashiid M. Adam oo ah imaamka magaallada Goteborg ee dalka Sweden iyo Sh. Cabdiraxmaan Saleban Bashir ayaa iyaguna muxaadaraad qiimo badan ku soo bandhigay hoolkii muxaadarada, iyadoo ka soo qaybgalayaashii shirkana ay si weyn ula dhaceen.

 

Nadwo iyo dood-cilmiyeedyo dadweynihii saameeyay ayaa maalintii ugu danbeysay ku xigay, iyadoo mashaayikhda shirka ka soo qaybgalay mid mid loo weydiinayay su’aalihii ka yimid dadweynihii ka soo qaybgalay shirka oo ka koobnaa rag iyo dumar-ba.

 

 



 


 

Caruur soomaaliyeed oo si weyn loo tababaray ayaa goobtii shirka ku soo bandhigayay anaashiidyo diineed oo soo jiitay dadweynaha, iyagoo ereyadii ay qaadayeen ay ku ammaanayeen islaamka iyo Allaah iyo kor noqoshada diinta islaamka iyo guud ahaan muslimiintaba.

 

Ugu danbeyntii shirweynahan oo ahaa kii labaad, ayna dadweyne kor u dhaafay kun qof ay ka soo qaybgaleen ayaa waxyaabihii lagu soo gabagabeeyay ka mid ah abwaanka soomaaliyeed ee da’da yar, laguna magacaabo Cali Mataan Xasan Barre oo deggan Oslo ayaa wuxuu goobtii madasha shirka ku soo bandhigay gabayo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa gabaygaan oo dadweynihii si weyn u saameeyay lana magac baxay Rabbiyoow Na Raacsii, waxaana uu ku billaabanayay sidatan:-

 

rabbi iyo rasuulkii

ninkii diinta raacaa 

raadkii asxaabtiyo

risaalada rumeeyaa

raalinimada eebbiyo

raaxada firdowsaa

raasamaal unoqotee

 

rugta raaxa iyo janna

rabiyow nagaarsii

saruulkiyo rafiiqii

rabiyow naraacsii

raranka iyo naarta

rabiyow inaga kori

 

waa ragaad aduunyee

waarafaadka noloshee

waa geedi raranoo

rarka meel kufuriyee

ruuxna kuma nagaadoo

kuma raagi karayee

 

rucle iyo rafaadba

reeraha ku dhacaye

ibliisbaa riyiyo been

nagu raadcinaayee

rabiyow inaga rujji

kuu rujucnay adigee

 

rugta raaxa iyo janna

rabiyow nagaarsii

rasuulkiyo rafiiqii

rabiyow naraacsii

raranka iyo naarta

rabiyow inaga kori

 

risqigii aduunkee

rabigeen inoo qoray

kuraadiya xalaashoo

iska riixa xaaraam

riba iyo dulsaarada

waanalaga reebee

 

rugta raaxa iyo janna

rabiyow nagaarsii

rasuulkiyo rafiiqii

rabiyow naraacii

raranka iyo naarta

rabiyow inaga kori

 

Waxaa sidoo kale ku xigay gabaygaan oo uu abwaanku ugu dardaarmayay soomaalida inay si wacan u qabsadaan diintooda, waxana gabaygii oo cinwaankiisu ahaa Diintaada Xooji ku billowday sidatan:-

 

    xukumkiyo shareecada

    waa xeer ilaahoo

    waa xujooyin adagoo

    xikmad eebe weeyee

    waa xalkii islaamkiyo

    xayndaabki diintee

 

    ku xajiya gowsaha

    diintiina xoojiya

    xad iyo xuduudba

    ku xaliya dantiinoo

    xushmo iyo xaqdhoowriyo

    ku xiriisha riximkee

    kuxisaabtan waligaa

 

   markay xiisa joogtaa

   yay xamaasa ku latagin

   xikmadaha adeegsoo

   xigsa xarafka diinoo

    kuxisaabtan waligaa

 

   haddaad xoog isbidiyoo

   oo aad xaraga kibir

   aad laxuruflayni

   ilaahay xadgudubyada

   wuu kaaxarimayee

   hadduu mowtka xaadira

    towba kaa xanibanee

    hadaad xoollo leedahay

    oo aad xanaaniyo

    xaalad sare ku nooshahay

    inuu xaaluf eber jiro

    xaqiiqsoo ogsoonoow

    ku xisaabtan waligaa

 

   xukumkiyo shareecada

   waa xeer ilaahoo

   waa xujooyin adagoo

   xikmad eebe weeyee

   waa xalkii islaamkiyo

   xayndaabkii diintee

 

   dumarow xijaabkiyo

   xirta wada jalaabiib

   jidhka waa ka xaaraam

   nimaan xariga diin iyo

   aan xalaasha kugu qabin

   maxram kuu xigaaliyo

   xilahaada oo qudhaa

   diinta kuu xadeysee

   ku xisaabtan waligaa

   xukumkiyo shareecada

   waa xeer ilaahoo

   waa xujooyin adagoo

   xikmad eebe weeyee

   waa xalkii islaamkiyo

   xayndaabkii diintee

 

   Iyo ugu danbeyntii, wuxuu soo xiray abwaanka gabaygaan oo dadweynihii hal mar baraarugoodii soo jeediyay, wuxuuna ugu magac daray DHAFAKAAR, wuxuuna kju billaabay sidatan:-

 

 

   Dhaliilaha colaaddee

   Dhulkeygii kadhacaybaa

   Dibadaha inoo dhigay

   Waxaan dhaxal uqaadanay

   Dhuunkaal khadhaadh iyo

   Dhaxantiyo qaboobaha

   Dhaqan xumida taallee

 

   Dhafakaar inay noqon

   Eynaan la ladhaygagin

   Dhaawaca iyo dhibaatada

   Runtii waan dhadhaminee

   Dhabtaan manta haynaa

 

 

  Dhalaankaan jeclaynee

  Dharabteeni yaalee

  Dhuuqay caana hooyee

  Dhibkuu waalid soo maray

  Aan dhuganin waliyee

  Caasinimo ku dhiiraday

 

  Dhafakaar inay noqon

  Aynaan ladhaygagin

  Dhaawaca iyo dhibaatada

  Runtii waan dhadhaminee

  Dhabntaa  manta haynaa     

 

  Waxa aan ladhuubtee

  Dharbaanada  ibadayee

  Dhafoorkaygi dooriyey

  Dhalaankeeni dheehmee

  Dhumay ee ladhalan rogay

 

  Dhafakaar inay noqon

  Aynan ladhaygagin

  Dhaawaca iyo dhiibaatada

  Runtii waan dhadhaminee

  Dhabtaan manta haynaa

 

 

 inta nolosha dhaaftee

 ee dhuuni raacdee

 xayaatada kadhacayee

 Dhagaha iyo dhuuntii

 Silis dheer kalulayee

 Ladhantahay xaraga been

 

 Dhafakaar inay noqon

 Aynaan ladhaygagin

 Dhaawaca iyo dhibaatada

 Runtii waan dhadhaminee

 Dhabtaan manta haaynaa

 

 Dhiigga waa midkeenii

 Dheegga waa mid naga duwan

 Inuu Norshka dhalad yahay

 Dhimirkiis  kabuuxdee

 Adna dhaqan kaleentaad

 Dhaxal hore uleedahay

 

 

 Dhafakaar iney noqon

Aynan ladhaygagin

Dhaawaca iyo dhibaatada

Runtii waan dhadhaminee

Dhabtaan manta haynaa

 

 

Dhisma tiirar wayn iyo

Dhidibooyin adag iyo 

Dhaqan celis ma aan lihin

Dhawaq kaa aqbali maa

Dhangad laguma jiidoo

Quraan looma dhigi kara

 

Dhafakaar iney noqon

Aynaan ladhaygagin

Dhaawaca  iyo dhibaatada

Runtii wan dhadhaminee

Dhabtaan manta haynaa

 

 

Hablaheenii dhowrnaa

Dhaqankiyo wanaaggii

Dhinac uga baydhee

Dhaxda iyo calooshii

Dhumucday baneysteen

 

Dhafakaar inay noqon

Aynaan la dhaygagin

Dhaawaca iyo dhibaatada

Runtii waan dhadhaminnee

Dhabtaan manta haynaa 

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...

GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 

DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD