SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY

xanaanada Mellemvang ee lagu kufsaday wiilka soomaaliyeed

Xannaanada

Soomaalida Holbæk oo kasoo horjeedka xarunta degmada ku muddaaharaadaya.

Amakaag iyo naxdin aan la tilmaami karin ayay ku noqotay qof kastoo soomaaliyeed oo maqlay wiilkii soomaaliyeed ee lagu kufsaday xanaanadii uu dhiganayay, degmada Holbæk ee koonfurta Jasiiradda Sjælland ee dalka Denmark.

"Wiilkaygii ayay kufsadeen isagoo jooga xanaanada" ayaa iyadoo far weyn ku qoran ku qornaa bogga hore ee Wargayska caanka ah Ekstra Bladet ee ka soo baxa Denmark, waxaana si naxdin weyni ku jirto u oranayay ereyadaas aabihii dhalay wiilkaas shan jirka ah.

Waxay ahayd maalinimadii arbacada la soo dhaafay, markii ay hooyada wiilkaas dhashay ku aragtay nigiskii hoose ee uu cunugu qabay oo leh dhiig, dabadeedna waxay durabadiiba iyadoo naxsan oo amakaagsan taleefan kula xiriirtay ninkeedii, una sheegtay waxa ay aragtay iyo inay rumeysan tahay inay jiraan tilmaamo caddeynaya in wiilka la faraxumeeyay, sidiina ayuu aabihii si degdeg ah u aaday gurigiisii looga soo sheegay warkan naxdinta badan.

"waxaa maalinimadii arbacada ila soo xiriirtay xaaskayga, waxaa xaaskayga caado u ahayd markuu wiilka ka yimaado xanaannada, inay ka dhaqdo gacmaha, una qubeyso, waxay ii sheegtay markii uu wiilkii yimid guriga inay dhiig ku aragtay nigiskii uu qabay, durbadiiba waxaan ula cararnay dhakhtarka, kadibna wuxuu dhakhtarkii inoo gudbiyay booliiska" ayuu yiri aabaha dhalay wiilka 5 jirka ah, mar aan kula xiriiray taleefanka, waxaana ka dareemayay intaan la hadlayay inuu aad u shoogsanaa, wuxuuna isagoo hadalkii sii wata yiri markale..


Duqa magaallada Holbæk, Jørn Sørensen oo ka hadlayey qofka loo malaynayo in uu geystey falkan foosha xun wuxuu yiri "wuxuu ahaa nin weyn oo sida nin booliis oo kale ah.."

"booliiska magaallada Holbæk waxay noo kaxeeyeen xarunta weyn ee cusbitaalka Copenhagen ee xarunta Denmark, dabadeedna saacado kadib baaritaankii wiilka, waxay khubaradii dhakhaatiirta noo sheegeen inay jiraan calaamado caddaynaya in wiilka la faraxumeeyay" ayuu igu yiri aabahaas soomaaliyeed ee la soo gudboonaatay nasiib darradaan foosha xun. "waxaan baryayaa Allaah Subxaanahuu Watacaalaa, isagaa i caawin doona" ayuu aabaha ku yiri wargayska Ekstra Bladet, kadib markii uu wacad ku maray inuu uga aargoyn doono ninkii dhibaatadaas u gaystay wiilkiisa. "Cid na taqaana ayaanan jirin, haddaan garto qofkii faraxumeeyay, markaas waxaan ku qasbannahay inaan aargoosanno si aan sharafteenna u soo ceshanno" ayuu ku yiri wargayska Ekstra Bladet, isagoo markale raaciyayna "hase ahaatee waa hubaal ah inaan ku tixgelinayo sharciga ka jira dalka Denmark”.

Inkastoo ay jiraan baaritaanadaas ay sameeyeen dhaqaatiirtaas, haddana wuxuu aabaha oo iga codsaday inaanan magaciisa shabakadda SomaliTalk.com ku baahinin ayaa ii sheegay, in gadaal danbe looga soo gudbin doono warbixinnada iyo baaritaannada ugu danbeysa ee la xiriirta faraxumeynta wiilka.

Maalintii ugu horeysay ee ay booliiska waraysteen wiilka, wuxuu sheegay magaca hore ee ninkii faraxumeeyay, wuxuuna ku yiri duqa magaallada Holbæk, Jørn Sørensen isagoo tilmaamaya siduu u ekaa ninka wuxuu yiri "wuxuu ahaa nin weyn oo sida nin booliis oo kale ah..".

Duqa magaallada Holbæk ayaa usbuucii dhowaa durbadiiba saxaafadda u sheegay wararka ku saabsan faraxumeynta wiilkan soomaaliyeed, iyadoo taasina ay sababtay cabbasho iyo dhaliillo ay u soo jeediyeen 2 Proffesoro oo maaddada sharciga ka dhiga Jaamacadda Copenhagen. Aqoonyahannadan ayaa tilmaamay inuu duqa magaallada jebiyay xeerka qodobkiisu yahay 27 ee dhigaya inay arrimahan oo kale ay qarsoodi ahaadaan, maadaama uu mas’uulna yahay ay habboonayd inuu sugo intay dacwada ka dhamaanayso. Hay’ado u dooda xuquuqda caruurta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holbæk ayaa booliiska u gudbiyay dacwada ay ku soo oogeen duqa magaallada Jørn Sørensen


Musqushii lagu faraxumeeyey wiilak Soomaaliyeed

Booliska oo baraya dhiigii laga helay Musqusha

Sida ay qoreen wargaysyo badan waxay tilmaamayaan in falkan faraxumeynta loo gaystay wiilka soomaaliyeed uu ka danbeeyay mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xanaannada, waxaana loo badinayaa inuu faraxumeynta wiilka ka dhacay musqusha ay isticmaalaan  dadka waaweyn ee ka shaqeeya xanaannada Annekset. Booliiska ayaa baaritaanno kala duwan ka sameeyay dhammaan goobihii ay ku tuhmayeen in wiilka lagu faraxumeeyay, waxayna ku arkeen dhiig musqushii loo badinayay in wiilka lagu faraxumeeyay.

Shaqaalaha iyo maamulka Xanaannada ayaa caruurta dhigata xanaannada iyo waalidiintoodaba ku wargeliyay in tuugo ay u soo dhaceen xanaannada, sidaas darteedna ay u yimaadeen booliiska. Hase ahaatee, sida uu wargayska Ekstra Bladet daabacay gabar yar oo afar sanno jirtay ayaa kashiftay waxa ay qarinayaan maamulka xanaannada, waxayna ku tiri aabaheed oo ag taagan " waa halkaan meesha wiilka lagu fara xumeeyay”.

Dhammaan qoysaska soomaaliyeed ayaa arrintaan caro weyn ka muujiyay, waxayna caruurtooda ka reebeen maalinimada jumcada la soo dhaafay xanaanooyinkii ay aadi jireen, iyagoo sidoo kalena dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan falkaan foosha xun  ka hor sameeyay xarunta maamulka degmada Holbæk.

Waxaa la ogsoon yahay inay falalkan oo kale ay aalaaba ka dhacaan xanaanooyinka ku yaala Denmark, hase ahaatee caruurta soomaaliyeed ee la soo gudboonaatay falalka faraxumeynta ay kor u dhaafayaan dhowr iyo toban, iyagoo intooda badanna aynan u soo shaac bixin dhacdadaan ugu danbeysay oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay jiraan wararka sheegaya faraxumeynta wiilka, haddana waxaa hubaal ah inaynan soo dhamaystirmin baaritaannada ay wadaan booliiska, sidoo kalena aanan loo haynin caddeymo 100 % tilmaamaya in wiilka la kufsaday, waxaana maalintii shaleey ahayd ay booliiska waraysteen markii labaad wiilkii soomaaliyeed, iyadoo ayna u badan tahay inay baaritaannadooda qaadan karto muddo dheer.

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD