SOMALITALK.COM dalsan
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA - CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News | IRAN.irna 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News | Albawaba | 
KUNA | IRAQ/QUESTIONS  
VIDEO: AP.TV | ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | video | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV  | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA  

WARARKA CIRAAQ: APRIL 10, 2003

MAANTA IYO BAQDAAD

Wararka ka imanaya Baqdaad ayaa sheegaya in Ciidamada Maraykanka tacshiirad lala soo beegsaday taas oo ka imanayesey dayaalahanada Ciraaq ee ku sugan woqoojiya webiga Tigris ee Magaalada Baqdaad, waxanaa halkaas Ciidanka Maraykanka kaga dhintay hal askari waxaana ka dhaawacmay 13 askari [warar kale ayaa sheegay in 20 askari ay Maraykanka ka dhaawacmeen], sidaas waxaa weriyey IOL.

Waxaa warku intaas ku daray in tacshiiradaasi ay bilaabatay 2:00am waqtiga baqdaad maanta oo Khamiis ah, rasaastaas oo ka soo dheceysey saqafka guryaha korkooda, buundooyinka hoostooda iyo gawaari, sida laga soo xigtey hay'adda wararka ee faransiiska ee loo yaqaan Agence France- Presse (AFP).

Warar kale ayaa sheegay in dagaalka ugu daran uu maant ka dhacay agagaarka masjidka Imam al-Adham oo ku yaal woqoojiga bartamaha Baqdaad. Warar ayaa tibaaxay in halkaas loo malaynayeyin uu ka socdey shir ay ku leeyihiin saraakiil sare oo Ciraaq ka tirsan.

Warar kale ayaa sheegay in qarax weyn laga maqlayey duleedka magaalada saakay 7:30 am.

Sida ay werisey IOL Ciidanka Maraykanku waxay Khaliijka u sii wadaan bobmada loo yaqaan MOAB oo ah tan ugu weyn bombooyinka caadiga ah ee dagaalka taas oo miisaankeedu yahay 21,000-pound. Waxaana warku ku daray in aan la aqoon waxa bombasaas lagu samayn doono.

Kirkuk: Wararka ka imanaya magaalada kutaal woqooyiga ciraaq ee Kirkuk ayaa sheegaya in maant halkaas ay galeen ciidamada Kurdish-ka oo Maraykanku taageerayo, sidaas waxaa weriyey ABC Australia

Dadka Maraykanka ah oo aan iibsanayn waxyaabaha laga keeno Faransiiska:

Sida uu sheegay TV-ga Fox, waxaa shacabka Maraykanka ay bilaabeen in aysan iibsan waxyaabaha laga keeno dalka Faransiiska. Waa cunaqabatayn ganacsi oo shacabka ka imaneysta taas oo dhan ka ah waxyaabaha uu sameeyo faransiisku. Dalka Faransiisku wuxuu ka mid yahay dalalka aan ka qayb qaadan dagaalka Ciraaq.

 WARARKA CIRAAQ: APRIL 9, 2003

  • Maanta iyo Baqdaad
  • Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday Duqayntii Shalay
  • Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
  • Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka abuuray caro
  • 12jir waayey eheladiisii iyo gacmihiisii
  • Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
  • Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida Ciraaq
  • MAXAA SOO KORDHAY MAANTA... GUJI.. IOL

Ra'iisul wasaaraha Canada oo Ka Hadlay Arimaha Ciraaq

VIDEO: Warkaan ka Daawo Halkan

jc Jean Chrétien

Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, ayaa ku adkaystay go'aankiisii ahaa in uusan ciidamada Canada u dirin dalka Ciraaq, waxana uu sheegay in Canada ay ka qayb qaadankarto dib u dhiska Ciraaq. Ra'iisul wasaaraha oo saxaafada la hadlayey galabnimadii Arbacada asagoo jooga caasimada Canada ee Ottawa waxa uu yiri Canadianku waxay awoodaan in ay taageeraan Ciraaqiyiinta si ay u dhistaan dawladooda iyo hadii ay taageero u baahdaan in laga taakuleeyo dhisida nidaam-sharci ah. "habka dib u dhiska loo qaabilayaa waa in uu ahaadaa in la dejiyo yool macquul ah" ayuu yiri Jean Chrétien, waxana uu ku daray "dawlad ku meel gaar ah waa wanaag haddii aysan halkaas joogeyn jiilal ayadoo aan doorasho la qaban"

Xiriirka Canada iyo Maraykanka waxa uu Jean Chrétien ka yiri khadka wad xiriirku waa iska cadyahay, wuxuuna si buuxda uga filayaa Madaxweynaha Maraykanku George Bush in uu Canada soo booqdo bisha May.

Arinta hubka halmar wax burburya ee ciraaq asagoo ka hadlaayana waxa uu sheegay in ay weli tahay waqti hore oo aan wax laga sheegikarin arintaas waxan auu yiri "ma ogi waxa xaqiiqada dhabta ah tahay, waxaan aogaan doonaa bilaha soo socda". Sida uu weriyey CBCTV.

VIDEO: Warkaan ka Daawo Halkan

Baqdaad IYO APRIL 9

iraq Eeg Sawirka oo weyn
Baqdaad: taaladii saddam oo lasoo ridey: Sawirka CBC

Wararka maanta ka imanaya caasimada dalka Ciraaq ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanku ay maanta galeen qayb kamid ah magaalada, inkasta oo meelo magaalada ah ay ka imayeen iska caabin. Waxaa warku sheegay in maanta la burburiyey mid kamid ah taalooyinka laga sameeyey sawirka Saddam. Wararku waxa ay ku dareen in sawirka Saddam madixiisa uu askari Maraykan ah  ku xiray calanka Maraykankan laakiin markiiba laga furay markii ay dadwene arintaas caro ka muujiyeen ayagoo dhehaya taasi waa tusaale hor dhac u ah qabsi la qabsado Ciraaq, sidaas ayaa markiiba Maraykanku calankii halkaas uga fureen. [Sawirka oo calanka wajiga loogu xiray eeg halkan]. Markii taaladaas sawirka ah lasoo ridey oo dadkii agtubnaa ay farxad ka muujiyeen soo ridias ayaa wadada lagu jiidey madaxii sanamka.

Waxaa wararku sheegeen in Ciraaqiyiintu insku dayeen in ay soo ridaan talada sawirka sadaam, laakiin markiiba ciidamada Maraykanka ayaa gacan siiyey si loo soo rido.

Meesha uu Saddam ku dambeeyey ayaan ilaa hadda si sugan loo ogeyn, waxaana wararka qaarkood tibaaxeen in laga yaabo in uu ku jiro safaarada Ruushku ku leeyahay Baqdaad, laakiin taas Ruushku waa beeniyey. Warar kale oo xoog badan ayaa sheegaya in laga yaabo in uu dhawr maalmood ka hor u baxay magaalada dhanka woqooyi kutaal ee Tikrit.

Warar ay faafisay ABC Australia ayaa sheegay in Maraykanku uu sheeganayo in uu qabsaday Baqdaad inkasta oo dagaalku weli socdo, waa sida warku u dhigaye. Waxaase walaac weyn wararka Australia ka muujiyeen bililiqada ka dilaacday Ciraaq [Daawo halkan].

Donald Rumsfeld, xoghayaha difaaca Maraykanka, ayaa maanta sheegay in dagaalkii uusan dhammaan.

VIDEO: Donald Rumsfeld iyo Gen. Richard Myers oo ka hadlaya arimaah Ciraaq

Biliqiqada Magaalada Basra: Sawirka the Times

Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq

BASRA: Magaalada Basra ayaa waxaa ka dilaacay bililiqo aan loo aabayeelayn waxkasta oo ay dadku gacanta la helaan, waa boob iyo dhac loo geysanayo dhismayasha dawlada, meelaha ganacsiga iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo goobaha hay'adaha caalamiga ah iwm. Waa arin lagu tilmaamay nidaam darro soo fool saartay Ciraaq. 

Qof dumar ah oo gurigeedu kuyaal meel 50 mitir (yars) ujirta halka ay xarunta ciidan ka samaysteen Ingiriisku ayaa ku qaylisay "Britishku waxay yiraahdeen waxaan u nimid in aan idin xorayno, laakiin hadda si nabad ah uma seexankaro sariirtayda waayo kuwaan bililiqa doonka ah waxay yiraahdeen waan idin dileynaa waxaana qaadanaynaa dhammaan waxa guriga idiin yaal" Waxayna farta ku fiiqday guri kuyaal wadada dhinaceeda kale oo ay fiiqanayaan bililiqa-doonku waxayna tiri "Xukunkii Saddaam si nabad ah ayaan sariirtayda ugu seexan jirey, laakiin hadda taasi waa dhamaatay" sidaas waxaa qoray wargeyska The Times waxaana warkaas soo xigtey IOL

Mulkiilaha Sheraton Hotel ee Basra ayaa asaguna aad ugu carooday Ingiriiska magaaladaas jooga maadaama ay waxba ka qabanwaayeen in ganacsigiisii la baabi'yo.

Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in Ingiriisku ay Basra u magcaabeen Shiikh aan la magcaabin in uu magaalada xakumo. eeg. IOL.

BAQDAAD: Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in maanta ay Baqdaad ka bilaabatay bililiqo ay dadku fiiqanayaan wixii gacantoodu haleesho.

Dhibaatadii soo gaartey Cali Ismaaciil Cabbaas

CIRAAQ: Waxaa wiilkaan oo 12jir oo magaciisa layiraahdo Cali Ismaaciil Cabbaas ah dagaalka kasoo gaarey dhibaato aad u daran taas oo uu ku waayey badanaa qoyskiisii asagana ay kaga go'een labadiisii gacmood daawo qisadan naxdinta leh [ITV]
Burburkii goobtii la duqeeyey ee Baqdaad: Daawo Halkan [ITV]
 Duqayntii Baqdaad: Daawo Halkan [CBCTV]

Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday Duqayntii Shalay

Sida ay werisey warbaahinta Australia oo soo xiganeysey wargeysyo kasoo baxa dalka Ingiriiska, waxaa laga yaabaa in Saddaam xuseen uu ka badbaadey isku daygii ay Maraykanku shalay isku dayeen in ay ku dilaan duqaynta. Waxaa warku intaas ku daray in lagayaabo in Saddaam uu dhismahaas ka baxay intii aan la duqayn.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegay in ay u malaynayaan in Saddaam uu duqayntaas ka badbaadey.

"waxaan u malayneynaa in uu (Saddaam) dhismahaas uga baxay sidii uu ku yimid, oo noqonkarta dhulka hoostiisa wadooyinka mara ama gaari, ma hubno" sidaas waxaa qoray The Times oo kasoo baxa London, UK oo soo xiganey sirdoonka Ingiriiska. 

"Waxaa laga yaabaa in uusan (Sadaam) kujirin dhismaha markii la duqeeyey" Sidaas waxaa qoray  The Guardian oo kasoo baxa Ingiriiska oo soo xiganeysey ilo.

TV-ga ABC ee Maraykanku waxa uu sheegay in sirdoonka Maraykanku rumaysan yihiin in Saddam ku dhintay duqayntaas.

Shalay ayey ahayd markii dhisme kuyaall Baqdaad oo loo malaynayey in uu Saddam kujiro lala beegsaday bomb nooceedu yahay B-1. Waxaa warku sheegay in dhismahaas lagu tuuray afar bomb oo culayskoodu midkiiba yahay  2,000-rodol.

CIRAAQ: Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka abuuray caro

Daawo halkan...ENGLISH.. | Daawo halkan --- ARABIC 

Sida ay werisey IOL , dilkii saddexda weriye ee shalay ay magaalada Baqdaad duqaynta ciidamada Maraykanku ku dileen ayaa dunida dacaladeeda ka dhalisay caro. Waxaa ugu horayntii warqad Cabasho ah diray guddiga saxaafadda ee loo yaqaan CPJ [Committee to Protect Journalists] oo ay u direen xoghaya difaaca Maraykanka Rumsfeld, warqadaas oo ay ku muujinaya walaaca ay ka qabaan weerarka Maraykanka ee ku aadanaa weriyayaasha. Dhanka kale waxaa caro aad u weyn muujiyey warbaahinta dalalka Carabta taas oo ay ku tilmaameen weerarka weriyayaasha in lagu qarinayo runta, waxaana carabta inbadan ka caraysiiyey weerarkii loo geystey xafiiska Aljazeera ee baqdaad kaas oo lagu diley weriyihii halkaas uga soo waramayey Aljazeera iyo go'ddomintii la sheegay in loo geystey xarunta ay ku taal halka uu wararka ka soo tebiyo Abudhabi TV, waa sida tvgaasi sheegayey. Waxaana arintaas qoraal dheer ka qoray IOL.

Sidoo kale, jariidada Times ee kasoo baxda UK ayaa cadadkeedii maanta qortay warbixin dheer oo ku saabsan carada ay dhalisay dilkii weriyihii Tariq Ayoub

Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka

Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-15E [oo loo yaqaan Strike Eagle] ay shalay ku dhacday Ciraaq taas oo labadii duuliye e saaraa la la'yahay. Tani waa diyaaradii labaad oo shalay ku dhacday Ciraaq taas oo ay ka horeysey diyaardaii nooceedu ahaa A-10 Warthog.

Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida Ciraaq

Sida ay werisey ABC Australia khubarada saliida ceysriin iyo gaaska ayaa noqondoona kuwa ugu horeeya ee ka faa'ida  xagga ganacsida dagaalka Ciraaq kaddib. Waxaa warku intaas ku daray in ilaa hadda 90 shirkadood oo Australia ah ay isu diiwaan gelineyeen in ay xiisaynayaan Ciraaq.

....WARKII SHALAY.... KA AKHRI HALKAN

..... WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

 Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,

»»VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD