SomaliTalk.com
Tell Your Friends
.

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
IS XISAABI
INTA AAN LAGU XISAABIN

  • Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?
  • Ma soontaa bisha barakaysanee ramadaan?
  • Ma la baxdaa sadaqo, sekadase ma bixisaa?
  • Ma xajiday haddaad xoolo leedahay?
  • Farriinta Alle ma akhrisatay - Al Quraan?
    • Mase fahamtay faham saxiixa?
  • Ma raacday rasuulkeenii calayhi salaam?
  • Bidcada ma iska ilaalisaa maalin kasta?
  • Alle xagiisa dadka ma ugu yeertaa?
  • Ma ku dadaashaa saburtaana kheyrka?
  • Ma ka saburtaa carartaana sharka?
  • Ma fartaa dadka samaynta waxyaabaha san?
  • Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?
  • Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?
  • Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?
  • Ma damcaysaa janatu Alfirdawsa al'aclaa?
  • Ma ka baqaysaa gelista naarta jaxiima?
  • Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska Alle?
  • Ma ku salidaa nebiga calayhi salaam?
  • Quudkaaga xaaraanta maka ilaalisaa?
  • Hugaagu dhar islaam ma yahay?
  • Deriskaaga xuquuqdooda ma ilaalisaa?
  • Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?
  • Ma ka fekertaa nolosha ehel & ubadba?
  • Ma ka mid tahay xisbiga Alle?
  • Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?
  • Ma ka war haysaa Muslimiinta xaalkooda?
  • Ma u ducaysaa walaalahaaga kaa maqan?
  • Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwada?
  • Ma ka toobad keentaa dunuubtaada?
  • Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?
  • Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal mayahay?
  • Aduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?
  • Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada?

Qore: Miskiin, Alle u baahan
Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn Janada Alle.


www.somalitalk.com

Copyright © 2000 somalitalk.com

Allah Is Great
.
.