SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho

Q.3aad

Waxaa soo baxayay Warshado yar yar kadib markii dalka ay ka baxday  xukuumaddii kalaigii taliye  Siyaad, kuwaasoo ah kuwa ay leeyihiin dad gaar ah oo madax banaan.  

Warshadahaasi ayaa sida muuqata waxaa ay ku dhaqaaqeen howlo lagu faani karo, kuwaasoo daboolay baahidii kala duwaneyd ee Shacabka u heysay meel marinta nolol maalmeedkooda. 

Kawaanka qaliinka xoolaha oo ah warshad kala saarta Maqaarka iyo Hilibka xoolaha ee Mubaarak oo hoos taga warshadda Someat, kana furan magaalada Muqdisho xaafada gubta ayaa waxaa inoo suurta galay inaan wax ka ogaano howlaha kala duwan ee ay heyso si aan bulsho weynta soomaliyeed ugu soo bandhigno waxqadka iyo guusha lagu faani karo oo ay gaareen taasoo ah mid kudayasho mudan.

waxaanan la kulanay maamulka kawaankaasi C/Saciid Sheekh Cali Cibaar, waxaana aan wax ka weydiinay bal inuu inoo sharaxo goortii la aasaasay kawaankan casriga ah waxaana uu sheegay in la aasaasay sanadkii 1997dii iyadoo uu si rasmi ahna u howl bilaabay sanadkii 1999kii.  

Mar uu ka hadlayay tirada Shaqalaha ka howlgasha ayuu sheegay inay gaarayaan illaa 250 ruux oo uu ku sheegay inay joogto yihiin, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay inay jiraan Shaqaale aan joogto aheyn oo gaaraya 180 ruux. iyadoo ay dheer tahay ilaa iyo 70 isugu jira maamulka iyo ku xigoonadooda. 

Waxaa kale oo uu sheegay inay halkii saac oo qura qallaan xoolo gaaraya 250 neef, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xoolaha xilligan ay qalaan ay u badan yihiin Ariga, oo uu sheegay in xiligan ay u hayaan Dalab. "Xoolaha aan qalno dhamaantood waa orgi, riyo ma qalno waxaana naga koontaroola dhakhaatiir ka socoto wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, inkasta oo aanan shaqayn hadane wixii sharci ah wey nagu qabsan karaan waana la tixgeliyaa shirkad ahaan." 

Wadamada loo iib geeyo ayuu ku sheegay Dalalka UAE iyo Cumaan, waxaana uu intaa raaciyay inay dowladda Sucuudigana uu wada hadal u dhaxeeyo haatanba soconaya.  

C/saciid sheekh cali cibaar maamulaha Someat ayaa sheegay inay si gaara u hubiyaan caafimaadka xoolaha ay qalayaan welibana ay dhoofinayaan, waxaana uu tilmaamay inay jiraan Dhakhaatiir aqoon durugsan leh arimaha caafimaadka xoolaha.  

Si kastaba ha ahaatee waxaa Kawaankan casriga ah ku baxday adduun lacageed oo aad u farabadan waxaana saami wadaag ku ah illaa 10 Shirkadood oo kala duwan, kuwaasoo sida cad kaalin muuqata ka ciyaaraya dhaqaalaha maanta.

Dugsiyadii Waxbarasha ee Muqdisho... Guji...

JiisowMuuse Maxamud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006

XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....