somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 Waxaa heystaa labaatan iyo afar saac (24) maalintii, laakiin ma aqaan waxaa ku sameeyo
wq. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 11, 2003

Asalamu aleykum dhamaan walaalaha muslimaadkaa,

Fadlan waraaqdaan print-gareyso si aadan u hilmaamin oo aad mar walba uga fiirsatid waxa lagaa rabo, ama aad rabtid inaa sameysid. Waa tanaa iyadoo bilaabatey:

I’VE 24 HOURS A DAY, HOWEVER, I DON’T KNOW WHAT TO DO  
{Waxaa heystaa labaatan iyo afar saac (24) maalintii, laakiin ma aqaan waxaa ku sameeyo}

Walaalkey & walaashey muslimka ahow! Waxaa matashaa qofkaas saas dhahaaya inaa tahay, nafsadaada ku sifee arintaas iney adiga ku haysato xataa haddeyna ku haysan arintaas. 24 saac qof walba wuu haystaa, laakiin dadka waxey ku kharash-gareeyaan 24 saac wey ku kala duwan yihiin, waxaa ka mid ah: Qof 24 saac ku bixiya [kharash-gareeya] wax nafsadiisa dan u ah Adduun iyo Aakhiro, iyo qof 24 saac ku ku dhameeya wax aan u wanaagsaneyn Adduun iyo Aakhiro.

Sidaa darteed, waxaa halkaan kuugu soo gudbinayaa hadduu Ilaahey idmo 24ta saac oo aad heysatid maalintii inaa wax ka mid ah ku bixisid (ama u qorsheysid] wax Adduun iyo Aakhiro ku anfacaaya.

Walaalkey & walaashey muslimka ahow! Maalintii waxaa isku daydaa inaa sameysid arimahaan soo socda, nafsadaadana kula xisaabtantid had iyo jeer arimaan, haddaa mid ka mid ahna aad ka tagtid aad ka walwashid oo aad ka qiirootid:

  1. In aad maalintii isku taxaluujisid shanta waqti in aad misaajidka jameecada muslimiinta kula tukatid, waa haddii uu misaajidku ku yaalo meeshaa dagantahay. Haddii aad shaqeysid ama aad mashquul tahay waxaa isku deydaa inaa wax ka mid ah shantaa waqti aad misaajidka kula tukatid jameecada muslimiinta. Sidaa awgeed ayaa Rasuulka SCW yiri: “Haddii ninku uu isa soo daahiriyo dabadeedna uu masjidka yimaado isagoo ka taxadaraya oo sugaya salaadda, waxay labadiisa malagi (ama malaggiisu) u dhigayaan tillaabo kasta oo uu masjidka u soo qaadayba toban xasano (ajar), midka fadhiya oo salaadda sugayana wuxuu la mid yahay qof salaad u tukanaya oo kale, waxaana loo qorayaa inuu dadka salaadda ku jira ka mid ahaa laga soo billaabo markii uu gurigiisa ka soo baxay ilaa iyo marka uu u noqdo.” [Cibaadada salaadda]  

  2. In aad Salaatu-duxaa tukatid (waa salaadda barqada). Salaaddani waa salaadda kuwa had iyo jeer Alle u soo noqda, waa salaad fadligeeda axaadiis badani ku soo aroortay, waxaana ka mid ah xadiis sheegaya in: “Maalin kasta sadaqo laga rabo kala goysyada qofka (waa xubnaha oo ka kooban 360) mid kasta oo ka mid ah, ayna salaaddani kaga filan tahay oo ay ka gudayso sadaqadaas bixinteeda.” Rakcooyinkeedana waxaa ugu yar labo rakco, waxaana ugu badan 12 rakco, qofkii laba rakco tukada lagu qori mayo liiska dadka xusitaanka Alle hilmaansan, qofkii 12 rakco tukadana Ilaaheey ayaa Jannada uga dhisa guri. Waqtigeeduna waa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo kululaato, ilaa iyo inta salaadda Duhur waqtigeeda laga gaarayo.

  3. In aad usbuuc walba ka soontid maalinta Isniinta ah iyo maalinta Khamiista ah. Rasuulkuna SCW labadaa maalmood wuu soomi jiray, wuxuuna yiri: “Waxaa maalinta Isniinta iyo Khamiista la soo bandhigaa camallada (wax kasta oo ay dadku sameeyaan) sidaa awgeed waxaan jeclahay in camalkayga la soo bandhigo anigoo sooman.

  4. In aad maalin kasta qayb quraanka ka mid ah akjrisid, bal inaa kitaabka quraanka ah kala furtid maalin walba, oo aad wax uun ka aqrisid si uu Ilaahey kaaga raali noqdo, uuna qalbigaada u nuuriyo. Rasuulkana SCW wuxuu yiri: “Darsa quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaame. Sidoo kale wuxuu yiri SCW: “Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar.

  5. In aad saacad kasta Ilaahey xusto, meel walba oo aad joogto, mar walba jiif, istaag, socod, iwm. Sidaa daraateed waxaa lama huraan ah inaa barato adkaaraha la aqriyo waqtiyadaas si aad Ilaahey u xusto waqtigaas xaadirka ah. Sidaa la wada soconaba ama aan maqalno badanaa waxaa ku soo arooray fadli aad iyo aad u weyn xusida Alle had iyo jeer, waxaana ka mid ah:
    • Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Mawaysan aheyn inaan idiin sheego camal aad fashaan kan Alle agti ugu khayr badan oo ugu hufan oo derejooyinka u sarreeya aad ku gaari kartaan, oo idiinka khayr badan dahab iyo lacag aad bixisaan iyo cadowgiinna oo aad la jihaadaan oo aad weecda iska dhigtaan. Asxaabtii waxey yiraahdeen: “Rasuul Allow! Fadlan, noo sheeg!” Wuxuu SCW yiri: “Waa xusidda Alle.
    • Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri: “Mufaridiintii baa dadkii kale ka hor maray.” Waxay asxaabtii Nebigu SCW yiraahdeen: Waa kuwee mufaridiintu Nebi Allow SCW? Wuxuu yiri: “Waa kuwa in badan xusa Alle oo rag iyo haweenba leh.”
    • Cabdullaahi bin Busur A.K.R. wuxuu yiri: Nin baa mar ku yiri Rasuulkii Alle SCW: Nebi Allow! Waxaa igu adkaatay qaybidda waajibaadka diiniga ah ee dusheyda ah. Fadlan, igu hanuuni wax aan qabsado. Wuxuu SCW yiri: “Mar waliba wardiga Alle afka ku hay.
    • Waxaa la soo weriyey in Rasuulkii Alle SCW yiri: “Qofka wardiya iyo qofka aan wardiyin waxay la kala mid yihiin qof nool iyo qof dhintay.
    • Waxaa la soo weriyey in Rasuulkii Alle SCW yiri: “Qofkii meel uu joogoba aan ku xusin Alle kor ahaaye, isaga baa ka mas’uul ah gabood falkiisa. Qof meel jiifsadana oo aan ku xusin Alle, kor ahaaye, isaguna wuxuu ka ahaan doonaa mas’uul oo waa loo qabsan doonaa Alle horti gabood falkaa.” Yacni Aakhirka, qofkaa oo kale waa ka shallaayi doonaa gabood falkiisa.

  6. Habeenkii inta aadan seexan in aad tukato Salaada Witirka (waa salaada cishaha ka dib). Witirka waa salaad isdheer ah, waa salaad sunno ah oo qiimi wayn leh, Nabiguna SCW uu dadka aad ugu boorriyey inay la yimaadaan, salaaddan iyo labada rakco oo Subaxa ka horraysaba Rasuulku SCW kama uusan tagi jirin, sababtoo ah labada rakco oo Subuxu waa billawga qofka muslimka ah salaaddiisa uu maalintii tukanaayo, witirkuna waa dhamaadkeedii, waxay mutaysteen inaan laga tagin, waxaana la tukanayaa witirka inta u dhexaysa salaadda Cishaha iyo dhalashada salaadda Subax.

    XUSUUS: Haddaad tukaneysid Salaatul-leyl habeen barkii, markaa waxaa wanaagsan in Salaada Witirka loogu daba mariyo. Rakcooyinka Witirkuna waa uun tiro kisi ah (tiri isdheer), waxaana ugu badan 3 rakco, hadduu rabana wuxuu qofku ku gaabsan karaa hal rakco. Rasuulka SCW isagoo Witirka dadka ku boorrinaya ayuu wuxuu yiri: “Ahlu Quraankoow witirka la imaada oo tukada, Ilaaheeyna waa witir (waa mid kaligiis ah, kisi ah) wuxuuna jecel yahay witirka.”

  7. Tukashada habeenkii gaar ahaan markuu qofku cabaar seexday aadbuu qur’aanka ugu dhiira galiyey mu’miniinta, Rasuulkana waajib ayaa looga dhigay. Alle wuxuu yiri isagoo ka waramaaya abaalka weyn iyo soo dhaweynta uu u diyaariyey addoomadiisa habeenkii Salaatul-leylka u kaca, wuxuu yiri hufnaaye: “dhinacyadoodu jiifka waa ka dheeraadaan iyagoo rabigood baqdin iyo rajaba, wixii aan ku irzaaqnayna wax ka bixinaya. Ma oga (kuwaa) waxa ayaga loo qariyey oo indha qabowsi ah, waa abaalkii wixii ay fali jireen.” Alle aad buu ugu dhow yahay addoomahiisa niska dambe ee habeenka, ducaduna u dhow in waqtigaa la aqbalo. Tiro go’an ma leh Salaatu-leylka, ha yeeshee Rasuulku wuxuu tukan jirey 11 ama 13 rakcadood. Witirka waa la gelin karaa tahajudka. Macnaha waa inuu qofka tukan karo 8 rakcadood oo salaatul-leyl ah iyo 3 rakcadood oo witir ah, ama toban rakcadood oo Salaatul-leyl ah iyo 3 rakcadood oo witir ah. Sidaa buuna Rasuulka SCW yeeli jiray inuu tukado 11 rakcadood (oo 8 Salaatul-leyl tahay, 3na witir).

  8. Walaal tuko labada rakcadood oo salaada fajar ka hor latukado. Labadaa racko waa labo rakco oo fadligoodu wayn yahay, Rasuulka SCW kama uusan tagi jirin xataa marka uu safarka ku jiro, isagoo ka hadlayana wuxuu yiri: “Labada rakco ee Subaxu waxay ka kheyr badan yihiin adduunyada iyo waxyaabaha ku dhex sugan.

AAN SOO KOOBNO INTA AAN KOR KU XUSNAY

  1. In aad ku tukatid shanta waqti masaajidka, haddaa awoodid. (ragga).
  2. In aad Salaatud-duxaa tukatid. Waa salaada barqada.
  3. In aad usbuuc walba ka soontid maalinta Isniinta ah iyo maalinta Khamiista ah.
  4. In aad maalin kasta Juz ama wax quraanka ka mid ah aqrisid.
  5. In aad had iyo jeer Ilaahey xusto, oo aad adkaaraha aqirsato.
  6. Habeenkii inta aadan seexan in aad tukato salaada Witir, laakiin haddaa niyeysatey inaa habeen barkii salaatu-leyl u soo kaceysid, markaa waxaa haboon inaa dib u dhigatid, si aad salaatul-leyl kabacdii aad u tukatid salaada witirka
  7. In aad Salaatu-leyl habeenkii tukatid, xataa labo rakco allaha ka dhigee.
  8. In aad tukatid labada rakcadood oo ka horeeya salaada subax.

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Xaqiiqdii haddaa maalintii intaa iyo in ka badan sameysid oo aad nafsadaada kula xisaabtantid, oo markey wax kamida ay kaa tagaan aad nafsadaada canaanatid, runtii waxaa laguu rajeynayaa kheyr aad iyo aad u fara badan Alle agtiisa, ee ka faa’ideyso fursadaan dahabka ah.

Ugu danbeytiina walaalkiin aad ku walaalowdeen “Islaamka” ee idiin soo gudbiyey nasteexadaan wuxuu Ilaahey ka baryayaa inuu idin ku anfaco wixii aad ka aqirsateen waraaqdaan. Wabilaahi towfiiq wasalaamu aleykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"

O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
osmanbilad@hotmail.com 

Jan 11, 2003
FAAFIN: SOMALITALK.COM

Is-Xisaabi inta aan lagu xisabin....GUJI.

Su'aalo Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz

Macluumaad la xiriira 206-da lafood ee bini aadamka, soo booqo:

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD