somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 Sheekadii kiishka

Qaybtii 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad

Ku Xiriirsan Qaybtii 2aad

Odaygii markaasuu ogaadey wax xeelada oo dambe inaysan u harin waxaa go’ay xarigii ugu dambeeyey oo rajadiisa uu kiishkaa ka qabo wuxuu sawirtey xaalada qalafsan ee ay gabdhihiisu ku jiraan iyo walaalihiis iyo kunkunkii dahabka ahaa inay gacantiisa ku jiraan iyo ninkan khuraasaaniga ah oo hal dinaar oo ay ku noolaadaan ama nafta go’aysa ku ceshadaan uga diidey markaasaa naftiisu ugu sheekeysay iskula hadashay inuu iska haysto ama siiyo ayadoo hal diinaar dhiman, laakiinse wuxuu xasuustey allah iyo xisaabta qiyaamada markaasuu yiri acuudu billaah, aragtidaa xun allaan ka magan galey, mase ku badalan kartaa shaqi nimo daaim ah xoogaa raaxo ah oo dhamaanaysa, isagoo garanaya raaxada aduunyadoo dhan inaysan u dhigmin kuna hilmaansiin Karin hal kurbo ah oo kuwo aakharo ah tankale halmaroo jannada lagu dhadhansiiyo ama idgoonkeeda kaliyihi inay ka fiican yihiin dhibka aduunkoo dhan kuligiis.

Wuxuu kaloo xasuustey in nabigu yiri qofkii shay allah dartii uga taga allaa wax ka khayr badan ugu badala markaasuu yiri maya wallaahay inaanan kahaysanayn oo wuxuu ku yiri ninkii khuraasaaniga ahaa soo bax soo qaado kiishkaagii markaasuu yiri haye ina horgal ina mari.

Ardeygii wuxuu yiri markaasaan daba galey ilaa ay gurigii gaareen markaasuu yiri igusug halkan oo guriga galay waxyar kadibna waa soo baxay oo ninkii ku yiri soo gal markaasuu khuraasaanigii galay aniguna waan soo galay

Odaygii markaasuu qoday xatabad hoosteed oo soo saarey kiish madow oo xarig adag ku xiran oo yiri kiishkaagii waakan ninkii khuraasaanigu waa eegay oo yiri alleelahay waa kiishkaygii markaasuu xarigii ku xirnaa furay oo lacagtii dhabtiisa ku qubay oo tiriyey oo gadgadiyey oo yiri alleelahay waa lacagtaydii oo aan garanayo.

Lubaabo iyo gabdhuhu waxay kasoo fiirinayaan albaabka daldaloolkiisa oo fiirinayaan dahabka midabkiisa oo ay iloobeen oo moodeen arlada korkeedaba inuu ka dhamaadey sida uu miskiinka gaajeysani u dhawro u fiiriyo digsiyada makhaayadaha isagoo isleh allow yaa kaasiiya hal rudmo ah oo aad nafta ku ceshato ama dhabarka ku toosisato.

Ninkii dahabkii wuxuu ku celiyey kiishkiisii si xoog ahna afka uga xirey oo dhabarka u ritey oo go’ uu sitey dusha kaga dalaalimeeyey kaga dadey oo istaagey oo dhaqaaqay mana uusan fiirin odayga wajigiisa xattaa eray shugri ah dhagtiisa ma maqashiin waana iska tagey.

Lubaabo ayaan fiiriyey mise waxaa moodaa inuu ninku dafey wiilkeedii kaligii lagu arkey ama uu fuqsaday gabal wadneheeda kamida wayna taagnaayeen ayagoo qofkasta afka kala hayo isagoo aan is ogayn yaab iyo istacajab dartii markii ninkii biligtiisii qarsoomey oo fogaadey oo ay ka quusteen qofkastaba wajiwaji ayuu u dilaamey u dhacay gaajo, tabar li’aan iyo quus darteed.

Wax yar kadib waxaa la maqley shanqaryar iyo gargaraac waa la fiiriyey mise waa ninkii khuraasaaniga ahaa, odagii madaxuu kor u qaadey oo isyiri fiiri muxuu doonayaa balaqabuhu waxaana ku haboonayd inuusan fiirin ninka u diidey hal diinaar kun isagoo haysta oo nafahaan baxaya lagu badbaadiyo deekhsinimaduse waa u dhalashoo allaa bixiya hasayeeshee odaygu wuxuu ahaa nin saamaxaad badan qalbigiisu uusan nacayb qaadi Karin waa istaagey oo yiri walaal maxaa kusoo celiyey?

Ninkii khuraasaaniga ahaa wuxuu yiri ninyohow odaga ahi aabahay ayaa dhintey wuxuuna ka tagey hanti dhan sadex kun oo diinaar wuxuuna ii dardaarmey kun kamida inaan sadaqeeyo oo uqaybiyo dadka kuwa aan u arko inay yihiin kuwa ugu xaqleh sadaqada uguna mudan wuxuuna iyiri gurigeyga gad oo kadhigo safar xajka ah waxaad ku mari lahayd sidaasaanna dardaarankii u fuliyey waxaana soo qaadey kunkan diinaar waa lacagtii aabahay sadexmeelood meesheed kiishkan ayaana ku soo ridey hadaba laga soo bilaabo markaan kasoo baxay khuraasaan ilaa hada ma aanan arag nin lacagtaas adiga kaaga xaqleh ama kaaga mudan hadaba qabso kiishkan qaado ilaahay hakuu barakeeyee waana dhigay kiishkii waana iska tagey waa dhaqaaqey nabadeey.

Walaal hadaba allah qofkii ka baqa wuxuu ka irsaaqaa meel uusan kafilayn.

Ardeygii wuxuu yiri markaasaan iska tagey anoo yaaban waxaan maqley odaygii oo iga daba qaylinaya ii yeeraya waan soo laabtey markaasuu igu yiri ninyohow waan kula socday ilaa maalintii ugu horeysey waana ogahay inaad arrintaan lasocoto markaasuu xadiith nabiga soo daliishaday in nabigu yiri markii allah maal idiin keeno idinkoo aan su’aal ku helin una hanqaltaagin waa hadiyed ee aqbala hana diidina oo markaa hadiyadii allah aad diidaan hadaba maalkani waa hadiyey hadiyada intii goobta joogtaa leh ee ina soo celi.

Markaasuu iyiri ninyohow waxaad tahay nin barakeysan maalkan oo kalana waligey maanan arag mana hunguriyeyn khamiiskan aan xirnahay habaynkii ayaan ku tukadaa salaatu layl markaasaan subaxa ku tukadaa markaasaa haweeenayda iyo hooyadeed iyo gabdhaha iyo walaalahay kuligood midba mar ku tukataa wax maro ah oo kalena nagama dhacaan markii waagu baryo ayaan anigu xirtaa oo meelahaa soo warwareegaa xabado timira iyo kackac jajaba iyo waxaasaan soo ururiyaa markaasaan nolol ka dhiganaa.

Gurigii markaan nimid ayuu yiri lubaabooy soo bax gabdhihiina midmid ugu yeerey kuligood waa lasoo fariistey kiishkii ayuu furay oo yiri qofwalboow dhabtaada fidso markaasaa la fidsaday markaasuu lacagtii ku tiriyey ilaa shilinkii ugu dambeeyey uu dhameeyey sisiman qofwalba kuligayo xataa isaga uu helay boqol diinaar kiishkiina dhamaadey.

Markaasuu yiri lubaabooy kawaran ilaahay ma dayaco ajarka dadka sabarka badan ilaahay isagaa ugu naxariis badan fiiri diinaar xaaraan ah ayaan diidney markaasaa allah kun diinaar oo xalaal ah noo keeney qofkii xalaasha cunana waa sidaas markaasuu istaagey oo baxay

Haweeneydii lubaabo ayaa tiri xagee aaday qayaath markaasuu yiri masjidkaan baarbaarayaa waa intaasoo uu fadhiyaa miskiin sooman oo gaajaysan dadka dhexdiisa wax uu ku afura aan haysan.

Hadaba walaal ardeyga sheekadan la socday waa ninka imaamka wayn noqday ee loo yaqaan abuu jacfar max’d ibnu jariiru Addabari oo leh tafsiirka caanka ah jaamicul bayaanka

Wuxuuna yiri diinaaradaas wallee allah waa igu anfacay muda ayaan quutey oo cilmi badan ayaan ku qorey sanado badan waxaan mako ku soo laabtey markaas lix iyo labaatan sano kadib markaasaan waxaan arkey gabdhihii oo aad moodo inay yihiin boqorado boqoro qabaan waxaan kaloo ogaadey in odaygii isla waagiiba dhintey waxaan kusoo dagi jirey markaan mako imaado gabdhahaas iyo nimankooda iyo caruurtoodii markaasaan sheekadii uga sheekayn jirey wayna iqadarin jireen heerka qadarin ugu sareeya mudadan dambe afartan sano kadib ayaan hadana mako imid markaasaan dadka waydiiyey markaasaa la iisheegay inay wada dhinteen kuligood allah ha u wada naxariisto.

Walaal sheekadan waxaan hadaba ka qaadanaynaa faaiidooyin dhowr ah

In aan ogaano duruufta ay ku jiraan in badan oo masaakiin ah, sida ay u adag tahay lana rabo inaan nolosheena barbar dhigno, isla markaana aan ogaano inaga iyo dadkaasi ilaahay inaan u simanahay , lagana yaabo inay ayagu aad ugu xiran yihiin in inaga badan, Inaan ogaano dad inaga inala mida aynu isku jir nahay sida ay xaaraanta iyo hunguriga shubhada ku jira isaga ilaaliyeen isla markaana aan ogaano cadaabka ay sidaa uga cabsadeen isku si inuu inoo wada gubi karo inoona xanuujin karo, Inaan ogaano sida allah qofkii ku kalsoon xadkiisana dhowra uu u taakulaynayo una irsaaqayo, Inaan ogaano in qofkii shilin gacantiisa ku jiro uu yahay wax lagu fiiriyo sida uu u ogyahay xuquuqda alla ku leeyahay oo masaakiinta loo qoray qofkaan xaqaas gudana imtixaankaas uu ku dhacay, Inaynu barano oo u dhawaano quluubta dadka dhiban sida ay u fakarayso marka laga yaabo adigoo hanti badan agtaada taallo oo doonaya nicmadaas inaad kororsato xoolo badan aad macaashto inuu isagu doonayo wax yar oo uu dhabarkiisa ku toosiyo ama nafta ku ceshado. In aan aragno sida dad sidaas u dhibaateysan ay allah u caabudayaan halka in badan oo dad ah oo rabi aad ugu nicmeeyey ayku caasiyaan marwalba Waxaan allah ka baryayaa inuu nagu anfoco.

Waxaan kasoo guuriyey qoraalka faddiilata ashaykh caliyi addanddaawi oo kasoo qorey dawaawiinta imaamu dabari raximahumullahu.


Waxaa diyaariyey :C/risaaq Abshir
 
  wixii faahfiina kala xiriir email : somalistar1@yahoo.com 

-dhammaad-

SHEEKADA KIISHKA: Qaybtii 1aad | Qaybta 2aad

2003-1-15
FAAFIN: SOMALITALK.COM

Su'aalo Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD