SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Daahir Dailaaf
daahirdailaf_3@hotmail.com
 
STOCKHOLM , Sweden



Daahir Dailaaf

 Deeqa

Maansadaan la magac baxday Deeqa waxaa curiyay Abwaan Daahir Cabdulle Deeylaaf oo ku nool magaalada Stockholm ee  waddanka Sweden. Waa maansadii 31aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxaynaha taxanaha maansooyinka ku soo biirtay 06-02-2005-ta.

 

Xalay gelin-danbeedkii
Xilli eey daruuruhu
Xiddigaha ku daahneeyn
Anna aan isduuboo
Derinteeyda aalloo
U diyaara jiifoo
Duc dheh aan isleeyahay
Mar aan eegay dayaxii
Soow mid dahab la moodoo
Ishu aanay deeyneeyn
Dubkeeduna xariir yahay
Oo xiddigga dirirkiyo
Sicihii la derisoo
Daafaha aduunyada
Dadku uu ku daawado
Daymadii ma ii qaban.

Dabeecaddu sideey tahay
Ama danaha qaarkood
Ragga dumar wax loo saar!

Anna damacii waallaa
Intaan hoos u daadegey
Deelleeyda maansada
U daryaanshey heesoo
Yare aan duur xulay
Ku salaamey Deeqaay

Wacaleeyka dabadeed
Waxeey tiri waxdoonoow
Doodwanaag ayaan ahay
Waa leeyga dabadhacay
Cid i doonta mooyee
Cid i diidda maan arag
Balse hadda maxaa daran ?
Dardargeli su' aalaha

Waxaan iri nin dooboo
Hadda doobbo goostoo
Dooqii nasiibkiis
Deydeyaaya baan ahay
Ee doonta taadaa
Anna aan ku diirsado
Adna kula dekeeyoo
Damaashaad ciyaarnee
Armaad daaha iga rogi?

Haku daalin beey tiri !
Maxaa diidayaan iri?

Waxeey tiri waxdoonoow
Adinkaan daraaddiin
U doolaalay meel dheer
Adiguna digdigashiyo
Dibno aan dabooleeyn
Afkaadoo duleelaad
Igu daahineeysaa
Dardargeli su´aalaha

Waxaan iri nin dooloo
Xilligii dagaalkee
Soomaali kala durug
Dal shisheeye aadkii
Dalanbaabi dhoofkii
Iska dabawareeggii
Kaligiis dabeeyshtoo
Dulugleeya meelbaas
Duur cidlaa wareegiyo
Dibad joog ayaan ahay

Degmo leeyga garanoo
Layga diirnaxaayoo
Aan daash ku leeyahay 

Dunidaanba kuma ogi
Qaboow baa i diirtoo
Qorrax weeysku diinnaa
Jirku weey dikaamoo
Wadnuhu weey digleeyahay
Danteeydaa i dabartoo
Damiin baan u baahnahay
Ee doonta  taadaa
Anna aan ku diirsado
Adna kula dekeeyoo
Damaashaad ciyaarnee
Armaad daaha iga rogi?

Haku daalin beey tiri !
Maxaa diidayaan iri ?

Waxeey tiri dorraad baan
Soomaalida duqii dhalay
Daaraha firdoowsaad
Dabaquu  ku noolaa
Taleefoonno ugu diray!

Waxaan iri durduro badan
Adigaa dawaafoo
Dabeeylaha la duuloo
Meel  kastaba ka degan  kara
Xataa duulka aakhiro
Lafahooda duugga ah
Isku dira inaad tahay
Marna aad wax daaweeyn
Daliisheeda weey garan
Balse hadalka soo daa
Kii dareen leh iga daa
Intii kheeyr leh igu daa.

Waxeey tiri duqeennii
Wuu idinka deeyriyey
Adigiyo da´daadiyo
Inta debedda joogtaa
Waa doowdarruu yiri
Wuxuu yiri damiir male
Waa kuwo dufooboo
Naga doorshey dhaqankii

Gaaleey dawarsadaanoo
Dabadhilifyo baas iyo 

Waa diradiraaloo
Badi wax isma doorshaan.

Waxaan iri i deeqsii
Wax miyuu kusii daray
Dalkeennii muxuu yiri ?

Waxeey tiri duqii hadal
Wuxuu yiri dalkeennii
Middii uu Dajaal qabay
Qaabiil dumaalee
Dulul uu ka xadi jirey
Markeey diiqanneeyeen
Dacarteey ku reebtaa
Daratiyo qabiil iyo
Duufaan colaadeed
Dukun daakun uga dhigay
Wax dagiigan mooyee
Wax dibaaxiyaba male!

Waxa kaluu duqii yiri
Ama dersi ku sheegaba
Ha la kala danbeeyiyo
Wixii dihan dhaqaalee
Kala baroo bar sii daa
Iyo saadanbaa daran
Ayaa idin dacweeysoo
Xayawaanka doorbiday

Wuxuu yiri dugaaggaba
Midka ugu dalqada weeyn
Hadduu baahi daran qabo
Ee duunyo uu helo
Ma uu silac darreeyoo
Maatada ma diirtee
Daf intuu yiraahdoo
Weerar digada uga dhigo
Yuu mid buuran oo dagan
Degdeg micida geliyaa
Kolkeey gaajo deeysoo
Dibbiroo istaagana
Inta kale ma doontoo
Iskama uu diddidiyee
Daaquu u daayaa
Weer daaluflaa iyo
Dawac ka qashqashaaduu
Dusha sare ka eegaa
Waa doollarkiisii
Dantiisuu ku eegtaa
Halmar kama damsiiyee
Wuu kala danbeeysiin
Balse toban ummulo-doox
Iyo kuweey ku duulaan
Alla-doori weeyoo
Maba diirnaxaayaan.
 
Waxa kaluu duqii yiri
Dadkeeygii badnaan jirey
Isku diin ahaan jirey
Dir kaliya ahaan jirey
Ulyo diir ahaan jirey
Dhulka gees ka degi jirey
U horreeyey dunidee
Uunka ugu da´weeynaa
Demdaguugan waxa dhigay
Damiin aan wax garan oo
kudar iyo ka gooyduba
Derbi ugala culustahay
Jaahilbaa u doodoo
Shiikhii dabbaal yiri
Wax u diricsan mooryaan
Kii xishooda waa doqon
Aqoonyahan danbiyo badan
Oo weey daldalayaan !

Waxaan iri i dadabtaye
Dibir igu ogaataye
Boogtii i damaqdaye
Waxaan guuldarriyo ciil
Ama aan darxumo qabay
Daandaansigaagii
Miyuu iiga sii daray ?

Waxeey tiri waxdoonoow
Wallaahaanan kugu digan
Ee dardaarankii baan
Daraf kaaga taabtaye
Dabayaaqadiisiyo
Duxdii hadalku waa weli
Dar- Ilaaheey ku degoo
Iga duub cajaladaha.

Wuxuu yiri duqeennii
Anoo Deeqa-Luuliyo
Adoo Daahirkeeyga ah
Oon daacad isu nahay
Kana durugno beentiyo
Wixii lagu dulloobayo

Helna dowlad qaranoon
Dabadhilif aheeynoo
U daneeyn gumeeystoo
Ku dhaqmeeysa diintoo
Daadihin xaqiiyoo
Dariiq toosan heeysoo
Eex loogu doowgelin
Dadkeeduna u sinanyahay
Ducafada daryeeshoo
Dockayeerka daan jebin
Idinkugu duceeyee
Daainkeeygu ha aqbalo.

-------------------------------

    Aamiin

Daahir Dailaaf
daahirdailaf_3@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 28,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD