SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Axmed Cabdi Geelle
Nairobi, Kinya
axmedlibaax@hotmail.com



Axmed Cabdi Geelle

 DARWIISH

 Maansadaan la magacbaxday Darwiish waxaa curiyay abwaan Axmed Cabdi Geelle oo ku nool magaalada Nayroobi  ee waddanka Kinya. Maansadu waa tii 32aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxayna taxanaha  maansooyinka ka mid noqotay 10-02-2005-ta.  

  • Inkastuu dirkii hore

  • Maansada darkeedii

  • Wadaan dacalla weyniyo

  • Doobiga u qaadeen

  • Dambarkii ka laasteen

  • Mid aan daba go'aynoo

  • Durduraaya weeyoo

  • Dahab lagu masaaloo

  • Doqon aanay weli garan.

  •  

  • Bal aan hoos u daadego

  • Dawlisyada is daba dhigo

  • Soo daro xareed wacan

  • Duunyada sugaysiyo

  • Dadka aan haraad tiro

  • Doonyasto dabadeed.

  •  

  • Intay Debec galoof tahay

  • Duleed reer ku xidhan tahay

  • Daaqana ka dheer tahay

  • Daruurtuna ka gudhan tahay

  • Wax daweynayoo raba

  • Wax daryeelayaa jirin

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray

  •  

  •  

  • Afartaasi deelley

  • In dirkeenni hore uu

  • Maanso daadahayn jiray

  • U daliila weeyaan

  • Ku daray ee dacwadi waa

  •  

  • Dalku intuu sidaa yahay

  • Dadkeennuna cadilan yahay

  • Dawladi ka maqan tahay

  • Loo diiday nabadoo

  • Loo dooray xume iyo

  • Dulli inay ku joogaan

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray

  •  

  • Dawlado shisheeyoo

  • Dunjigaa inaga neceb

  • Sun dilaaya oo ba'an

  • Dadku uu ku dabar go'o

  • Intay soo daldalayaan

  • Dalkeenana ku shubayaan

  • Qof ka daaya odhan kara

  • Amaseba dacweyn kara

  • Dadka uu ka madhan yahay

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray.

  •  

  • Afartaasi deelleey

  • In dirkeenni  hore uu

  • Maanso daadahayn jiray

  • U daliila weeyaan

  • Bal aan hoos u daadego

  • Doojiyo wadaamaha

  • Ku daray ee dacwadi waa

  •  

  • Booraan dalooshoo

  • Dusha sare ku dadanoo

  • Xadhko dabinno lagu xidhay

  • Inoo dhigay nin diir cadi

  • Sida duunyadoo kale

  • Ama deero iyo cawl

  • Hadii aan ku dalaq nidhi

  • Aakhiro la deris nahay

  • Dunidana ka maqan nahay

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray

  •  

  • Hadii la is dagaaloo

  • Rag safayn u diriroo

  • Cudur aan dawo lahayn

  • Qabiil la isu dabar jaro

  • Diktoor iyo wadaad iyo

  • Dumar iyo caruur iyo

  • Danbi nimaan lahayn iyo

  • Dalka kuwa anfici kara

  • Subax qudha la wada dilo

  • Nacas sida wax loo dago

  • Loo dumiyo daaraha

  • Dugsiyo uga soo baxay

  • Dalka uu isugu hadho

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray.

  •  

  • Afartaasi deelleey

  • In dirkeennii hore uu

  • Maanso daadahayn jiray

  • U daliila weeyaan

  • Bal aan hoos u daadego

  • Doojiyo wadaamaha

  • ku daray ee dacwadi waa

  •  

  • Duqay aan kacayn iyo

  • Dumarka iyo caruuraha

  • Qaxootigan dalluumaye

  • Xeryaha deyrka loo dhigay

  • Duumadu ku laysaye

  • Darxumaysan weligood

  • Intay derejadaa abid

  • Ay ku sii danbeeyaan

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray.

  •  

  • Diinta iyo quraankii 

  • Dastuurkii ilaah dhigay

  • U soo saaray dunidaan

  • Dadku inay dhamaantood

  • Ku daydaan Rasuulkoo

  • Dariiqiisa raacaan

  • Mar hadii la diidoo

  • Laga duday shareecada

  • Dadkana qaar yidhaahdeen

  • Sheeko duuga weeyoo

  • Casri baa ka daba yimi

  • Dimuqraaddi baa jira

  • Dumarka iyo raggeennuna

  • Derejo waa ka siman yahay

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray.

  •  

  • Afartaasi deelleey

  • In dirkeennii hore uu

  • maanso daadahayn jiray

  • U daliila weeyaan

  • Bal aan hoos u daadego

  • Doojiyo wadaamaha

  • Ku daray ee dacwadi waa

  •  

  • Diin iyo af iyo midab

  • Dadkan aan ku kala tegin

  • Misna dacarta isu qaba

  • Isu dudaya weligood

  • Haddana daaqa xoolaha

  • Aan ku kala didaynee

  • Isu dumaya baadida

  • Hablaha Deeqa iyo Luul

  • Isu geliya dabab wacan

  • Dumarkuna arooskii

  • Ku daraan mashxaradoo

  • Xeedhyaha diyaafadan

  • Yarad dabada laga wado

  • Salaan diirran oo xidid

  • Duqaydiyo barbaartuba

  • Ku dabbaaldegaayaan

  • Dadku intuu sidaa yahay

  • Doodwanaag silsilad aan

  • Soo daba go'ayn baa

  • Dadku iigu sheegeen

  • Anna sida darwiishkii

  • Anoo duubcadkii xidhan

  • Daabadda u soo koray 

  •  

  • Afartaasi deelleey

  • In dirkeenni hore uu

  • Maanso daadahayn jiray

  • U daliila weeyaan

  • Bal aan hoos u daadego

  • Doojiyo wadaamaha

  • Ku daraye dacwadi waa

  •  

  • Duni waxay la yaabtoo

  • Gaalo nagu dagaaleen

  • Dadkani waa ul iyo diir

  • Daayim bay rumeeyeen

  • Diintoodu waa keli

  • Dabna ruux ma caabudo

  • Duq kaliyaana wada dhalay

  • Markaasaa dab iyo dhagax

  • Lagu daaray baasiin

  • Qaar dusha inooga eg

  • Dulli laba wajiiloo

  • U daneeya  nacabkaa

  • Isku diray dadkeenii

  • Reer Yurub dariiqay

  • Inala doonayeen buu

  • Ugu sii durbaan tumay

  • Dabadeed la daadduun

  • Debedaha la wada aad

  • Da'yartii kaniisado

  • Lagu daray diyaar u ah

  • Waalidkii ka doodee

  • Diidmo laga dareemana

  • Looga dig ciqaab daran

  • Iyo xabsiyo loo diro!

  •  

  • Bal Denmark-i soo eeg 

  • Hooyada la duudsiyey

  • Laga dafay caruurtii

  • Ugu deeqay Eebbee

  • Diirkeeda laga jaray

  • Ilamadu dililiq leedahay!

  •  

  • Dimoqraaddiyow hoog

  • Daacadi ma saasaa

  • Distoorkaagu dhigayaa?!

  • Kuwa dahabka moodee

  • Weli daba ordaayow

  • Danbarkaad ka maashaan

  • Deeq ha iga siinnina !

  •  

  •  

  •  

  • Afartaasi deelleey

  • In dirkeennii hore uu

  • Maanso daadahay jiray

  • U daliila weeyaan

  • Bal aan hoos u daadego

  • Doojiyo wadaamaha

  • Ku daraye dacwadi waa

  •  

  • Kuwa weli damiirkii

  • Uu ku sii danbeeyoow

  • Dawaar way buktaayoo

  • Diif baa ku taalloo

  • Daranyey qabtaayoo

  • Ilaa toban diraacood

  • Iyo sanado lagu daray

  • Roob wacani uma di'in

  • Maqashay la daaqdaa

  • Dabar bay la booddaa

  • Degellada qaniinka leh

  • Darxumada waxaa baday

  • Doqomadii lahaa baa

  • Berigey daweysnayd

  • Caanaheedii isku dilay

  • Doobigiina kala jaray

  • Dabbaalow ha noolaan

  • Ama dawyo kala garo

  • Midka lagu dawoobiyo

  • Midka dabinku kuu yaal

  • Ee dugaaggu kugu cuni

  •  

  • Afartaasi deelleey

  • In dirkeennii hore uu

  • Maanso daadahayn jiray

  • U daliila weeyaan

  • Waxba yaanan daaline

  • Dabayaaqo weeyee

  • Ku daraye dacwadi waa

  •  

  • Hadda iyo dan weeyee

  • Aan kula dardaarmee

  • Dadkaygow ma diidnaa

  • Dawgii Ibliiskiyo

  • Dabinkuu dhigaayee

  • Darkii horeba lagu rogey

  • Xaqa markay ka doodeen

  • Baadilkana difaaceen

  • Kulligood la dabarjaray

  • Dabayl baa badh lagu diray

  • Dukumdaakum laga yeel

  • Badhna daad soconayaa

  • Maansheeyey dunidoo

  • Daafaha arlada maray

  • Ilaah Daayim weeyoo

  • Dadku waa u siman yahay

  • Waxaa loogu daw galay

  • Dulmigey sameeyeen

  • Ha ku dayan dadkaygow

  • Danbi dhaaf degdega iyo

  • Toobad keen ma dalabnaa ?

  •  

  • Afartaasi deeleey

  • In dirkeennii hore uu

  • Maanso daadahayn jirey

  • U daliila weeyaan

  • Waxba yaanan daaline

  • Dabayaaqo weeyee

  • Ku daraye dacwadi waa

  •  

  • Hadda iyo dan weeyee

  • Aan kula dardaarmee

  • Dadkaygow ma raacnaa

  • Dawgii Rasuulkee

  • Durdurrada Fardowsiyo

  • Daaraheeda lagu dego

  • Hablo dahab la moodoo

  • Dayaxaa ka nuur badan

  • Deebaaj xariiriyo

  • Webiyaal durdurayaa

  • Rabbi noo diyaarshee

  • Dalaq aan niraahnee

  • Khayrka ma u dadaalnaa?

  • Xummaan ma iska diidnaa?

---------------------------------

 Axmed Cabdi Geelle
Nairobi, Kinya
axmedlibaax@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 28,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD