SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com



Maxamed Dhagaafe Cilmi

 Diiwaan: Maansadii 40aad ee DoodWanaag

Maansada Diiwaan Waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ku nool magaalada Mbale ee waddanka Uganda. Maansadu waa tii 40aad ee silsilladda Doodwanaag waxayna taxanaha ku soo biirtay 10-07-2005ta. 

Diiwaan, waxay ka warramaysaa waxyeellooyinka soo gaaray dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqday kooxaha loo aanaynayo xadgudubyadaas. Maansadu waxa kale oo ay ku dheeraatay kooxo xilkood-gabeyaal ah, kuwaas oo ahaa  kuwii laga filayay in loo baxsado marka xillayada dhibaato  ay ummadda la soo dersaan nasiibdarrase  noqday  kuwo lagu hungoobay xilalalkii loo soo barbaariyay. 

Maansada Diiwaan, Waxay xusuusinaysaa dadka Soomaaliyeed inuu imaan doono waqti xisaabtan oo qofwalba lagu qiimayn doono xummaan iyo samaan wixii uu gaysatay, waxayna dadka ku waaninaysaa in ay ka shaqeeyaan wanaagga, kuna dadaalaan sidii ay ummaddooda uga samatabixin lahaayeen marxaladda ay maanta ku sugantahay.

Doodwanaag ha tarantoo
Sida geel dar loo dhigay
Dadku ha u darduurtee
Maantana an daahfuro
Maansadeyda Diiwaan.

Waa dardaaran odaynimo
Waa doonis nabadeed
Waa ka diira wixi dhacay
Waa u dooda qarannimo
Waa daryeela maatada
Waa diida kali-talis
Dhagihii dalooliyo
Ruuxii damqanayana
Waa hadal u daawaa.

Intaas dooyadii hore
Iyo daahfurkii dhaha
Sii daaddag oo soco
Diiwaanka soo qabo
Meeqaa dacwado gali
Oo dhacdooyin laga dayi
Ay durriyaddeenniyo
Dadku berri ka daalacan?

Kolkii aan dareenkeey
Dib u eegay xaajada
Sow inaan doc uga baxo
Dadkoo idil dhamaantood
Damiirkeeygu ima siin
Sow duurka uma kicin
Sow haadka duuliyo
Gorgor daris lamaan noqon!

Sow inaan dirsado oo
Dalkii qeeylo gee dhaho
Dalab uguma taginoo
Dacwad sow umaan qorin.

Waxaan iri maddaallow
Marka hore maduushaa?
Daafaha aduunyada
Hadba meesha daaq roon
Ma u soo dalxiistaa?
Dadka ma is afgarataan?
Howlse ma u diyaar tahay?

Degdegtiba jawaabtii
Dabcan haah ayuu yiri
Anaa kuu diyaaroo
Dacwaddaada qaadine
Maxaad ii diraysaa?

Waxaan iri madaalow
Nin degaan kaleetiyo
Dal shisheeye joogoo
Daltabyooday baan ee
Farriimahan is daba yaal
Degdeg iiga qaadoo
Kolley daahi maayoo
Haddii Daa’in uu dhaho
Dib anaa imaannine
Dalkeeygii bal gaarsii.

Wuxu yiri ducaysane
Anigaba duruuftaa
Halkan igu dabraysoo
Dooxooyinkii iyo
Damashii harka lahayd
Illaa dayrtii waagii
Dagalladii holcaayeen
Waan ka soo dagaagoo
Dani waxay i leedahay
Hadba meel u duuloo
Ku noolow darxumadaan
Durdurradii dhulkaygii
Aan dawaafi jiray baan
Wax ii doorsha waayoo
Degdeg inaan u laabtaan
U diyaar ahaayoo
Aan maro daruurtoo
Waan sii dardaarmaye
Waxaad hayso daa!

Waxan iri maddaalow
Dadku shacabka weeyee
Hal u dana dareensii
Dalkii quruxda weynaa
Darisnimo xaqdhowrkii
Dadkii kala danbeyn jiray
Iskuulladi la dumiyiyo
Darxumadii la soo maray
Kuwii shalay na kala dilay
Dam ka siiyay qarankii
Dugsi inaan ka dhigannoo
Wali dabarucleeynaa
Doqonniimo weeyee
Hadalkooda dalabta leh
Diidnay inneey yiraahdaan
Dagganaan u fahan sii.

Kuwa huriya dirirtoo
Dadka kala dullaalloo
Qofkii dabamar keenoo
Taladooda diidana
Ha la dilo yiraahdoo
Dabargooyey shacabkana
Ayagana dareensii
Dib inloo xisaabtami
Diiwaanna furanyahay.

Sunta qoloda duugtoo
Haamaha daboolka leh
Ku dahaara daxashoo
Xeebtii dacalka dheereyd
Dockastaba ka galiyoo
Daacuun calooliyo
Kansar nabar dillaacshiyo
Cudurrada dilaagaa
Dadkii eey ka qaadeen
Ummaddiina dabargoyn
Ayagana dareensii
Dib inloo xisaab tami
Diiwaanna furanyahay.

Daawooyin dhacayoo
Laga keenay dibaddoo
Dawladaha gaaladu
Qashimada ku daadshaan
Kuwa soo daldalayoo
Ku dirqinaya shacabkoon
Bukaannada u diirnixin
Ayagana dareen sii
Dib in loo xisaab tami
Diiwaanna furanyahay.

Kuwa duurka ololshoo
Degaanka iyo geedihi
Dhirtii dabar jaraayoo
Dhuxul doonitaankeed
Dogobta iyo quracdii
Wada diirtay oo gubay
Duunyadiina qixiyoo
Dalal aanay garayn
Baday duul shisheeye ah
Ayagana dareensii
Dib in loo xisaab tami
Diiwaanna furanyahay.

Kuwa dhaqanki doorshoo
Dumarkiyo raggaba loo
Ku ciyaaray diintoo
Dacal maray islaamkoo
Dulli goobihiisiyo
Daaraha fisqiga iyo
Diskooteeg dhex joogoo
Daldalaaya khamrigoo
Doofaarka cunayoo
Ka arraday damiirkiyo
Ragga qaadka daaqiyo
Dumarkaan diyaanada
Dubkii ay ka qaaddee
Duluqleeya meel baas
Ayagana dareensii
Dib inloo xisaabtami
Diiwaanna furanyahay.

Dagaalladi sokeeyaha
Markii la isku daaddumay
Dadkii kala hayaameen
Kuwo gaajo dilatiyo
Ku dagaagay oo dhumay
Kuwo daaqay cawskoo
Dureemada ku noolaa
Ku dabeeyshu qaaddoo
Dawladaha dariskaa
Ka dalbaday qaxootoo
Daalaadhaclayntii
U hayaamay dibadduhu
Dagalkay lahaayeen
Daar aad u dheer iyo
Daash mid ay ahaataba
Kuwa iska dagaayoon
Jir damqada lahaynoo
Dalkii bililiqaystoo
Dariiqyada jaraayoo
Bacda kugu dilaayiyo
Shuftidaa dillaacdoo
Xoolihii dadweynaha
Dam ka siiyay kaligood
Ninkastaba wuxuu diro
Amuu dago amuu dilo
Amuu maal dadoow cuno
ayagana dareensii
Dib in loo xisaab tami
Diiwaanna furanyahay.

Doonyo kuwa samaystee
Dadka sii daldalayoo
Markeey doollarkoodiyo
Dirhamkooda qaataan
Ku dhexdaadsha badahoo
Cidla uga dareeroo
Daf yaxaas yiraahdana
Ayagana dareensii
Dib in loo xisaab tami
Diiwaanna furanyahay.

Kuwa beenta daabaca
Daadihiya waxan jirin
Dubka suxufi u egoo
Dooddii iblayska leh
Afku daablayaashaas
Dareenkii waddanigiyo
Laga qadiyay damaqii
Waa dulmi ku naaxyee
Ayagana dareensii
Dib in loo xisaabtami
Diiwaanna furanyahay.

Dable iyo sargaal iyo
Milatari dagaaliyo
Daraawiish amniga suga
Dalku wuxuu lahaa cudud
Daafacaadda qarankiyo
Loo dooray nabad sugid
Wixii tababar loo diray
Daraasaad la siin jiray
Duco loo akhriyi jiray
Dabrid loo sameyn jiray
Marka eey dinaahyiyo
Damaashaadka dhigayaan
Cadawgeennu didi jiray
Sida awrki Diihaal
Diraacdii markeey tahay
Haamaha garbaha dila
Karbaashkii daboolkiyo
Daafacaadda noqon jiray
Duuduub u liqayoo
Damaciisu uu yiri
Asagaaba ugu daran
Inta lagu dulsaaroo
Waa culeys ku dilayee
Dibba yaan mar loo arag!

Maahmaahda doorkaa
Waxaan uga dan leeyahay
Cidna kama daboolnee
Dib kuwaas u laabtoo
Dadkii daafacaaddiyo
Dugsiga uga baahnaa
Daandaanshay oo gubay
Ayagana dareensii
Dib in loo xisaabtami
Diiwaanna furanyahay.

Duul aan wax heyn iyo
Danyartiyo agoomaha
Xaqii laga daldalay iyo
Dugsi tabarrucaad iyo
Lagu taagay dayn qaran
Ardaydii duruustiyo
Digriiyada ka qaatoo
Dib ineey hantaan iyo
Dalka loo carbiyi jiray
Dirirtii sokeeyiyo
Dagaalkii markuu dhacay
Dayaceen xilkiiyoo
Way gabeen dadaalkee
Kuwo dibadda aadoo
Danahooda raacdoo
Dibba aan u noqon iyo
Kuwo daallin tuugiyo
Qabqabliyo dagaal huris
Dabadhilif turjuma iyo
U ah diradiraalaba
Yaan nabsi diloonnine
Ayagana dareensii
Dib in loo xisaabtami
Diiwaanna furanyahay.

Isimada la doortoo
Dadka iney hoggaanshaan
Isku duubni qaran iyo
Dariiq wacan horseedaan
Loo duubay samahoo
Daacad iney ahaadaan
Dadku wada sugaayeen
Haddeey nabadda daadihin
Dulmilowga naga qaban
Danyartana ay garabgalin
Oo ay kali danaysiyo
Laaluush ka doortaan
Sharaftoodii dilantaye
Ayagana dareensii
Dib in loo xisaabtamin
Diiwaanna furanyahay.

Culumaa’ udiinkii
Duruustiyo quraankiyo
Digrigii Ilaaheey
Dadka ineey baraanoo
Dadaal badan sameeyaan
Daraasaadna bixiyaan
Laga wada dayaayoo
Ayagii dab holacliyo
Dirir eey dhextaalloo
U dagaaley koox koox!
Is dur iyo is diiddiid
Dawadeenna ma ahee
Bal u kala dab qaadoo
Daganaan wax ugu sheeg
Daliilkii quraankiyo
Sunnahaa na deeqoo
Dastuurkeen mid weeyee
Ku dheh samir dugaashada
La ammaan dulqaadkee
Ninkii kaa war diidoo
Dalabkaaga tuurana
Madaalloow dareensii
Dib inloo xisaabtami
Diiwaanna furanyahay.

Hal abuurka dooddiyo
Abwaannada dalkii jira
Ayagana doc ula kulan
Danta shacabka kala hadal
Intey wada dayaan nabad
Waa dacar qabiil kuye
Magaciis ha daayeen
Laaska daawadaayoo
Doodwanaag lamagac baxay
Inteey dowlis dheer iyo
U daraan wadaamaha
Dadka ha isku duubbeen
Danta ha u iftiinsheen
Ninkii dabamar keenoo
Qolo qolo u dood iyo
Dire dire bilaabana
Madaalow dareensii
Dib in loo xisaab tamin
Diiwaanna furanyahay.

Waxba yaanan dooddiyo
Ku dheeraan dacwadahee
An dardaarankeygiyo
Danta soo aruurshee
Madaalow madaahow
Madulloobihiiyow
Adaa duula samadee
Boowe ii dadaal oo
Dulmi kuuma dirayee
Waxaan ahay nin daacadda
Midnimada dalkiisiyo
Doonahaya samahee
Fariimahan isdaba yaal
Degdeg iiga qaadoo
Madaallow dalkii gee
Diiwaanna iga idil
Doodwanaagna noo furan.

Dhamaad

------------------------------- 

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 22,2005

::GABAYADA MAANTA:::
38aad: Miyaydaan ka diirayn?
39aad:
Da’ yar (Cali-Khayr)

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD