SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


W.T: Cumar Cabdi Bile
abwaancumar@hotmail.com

Bosaaso, Soomaaliya



Cumar Cabdi Bile

Damal: Maansadii 45aad ee Doodwanaag

Maansadan la magac baxday Damal oo ah maansadii 45aad ee Doodwanaag waxaa Curiyay Cumar Cabdi Bile oo deggan magaalada Boosaaso ee waddanka Soomaaliya, waxayna silsiladda ku soo biirtay 15kii Maarso 2006. 

Maansadu waxay si guud u dulmaraysaa oo ay ka walwalsantahay dhibaatada ku habsatay Qaranka Soomaaliyeed dhankastoo laga eegaba, waxayna waano guud faraysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyadoo ku boorrinaysa inay raacaan dariiqa saxa ah oo ay ku dhegaan, si loo bedbaado aakhiro iyo adduunba.

  1. Dibnahayga aan furo
  2. Deelayda maansada
  3. Da’yar samaha garatiyo
  4. Doodwanaag la kaashado.
  5.  
  6. Aan hoos u daadago
  7. Aboor baa ku baxa damal
  8. Kumanyaal dugsanayaan
  9. Aakhirkiisa doc u rida
  10. Innagaa la darajo ah
  11. Shalaan duminnay Qarankii
  12. Dab ku kicinnay ciiddii
  13. Kala didinnay shacabkii
  14. Dawgeennu waa maxay?
  15. Ma damiirki baa dhumay?
  16. Ma dadkaa la iibsaday?
  17. Ma dalkaanan loo dhalan ?
  18. Ma duunyaan la simannahay ?
  19. Inaan  kala danbayniyo  
  20. Maxaa diiday Qarannimo ?
  21.  
  22. Soomaaliyeey daya!!
  23. Kharykaa halkuu degay
  24. Dowladaha horay u maray
  25. Miyaaynaan ku dayaneyn?
  26.  
  27. Waxa taas ka sii daran
  28. Dillaal iyo mallaal iyo
  29. Afmiishaar dirkiisiyo
  30. Dawlada shisheeyoo
  31. Aan diirnaxayn baa
  32. La inoogu dawgalay.
  33.  
  34. Soomaaliyeey diid
  35. Toban wada dillaalla ah
  36. Doollar loo hawada mara
  37. Oo wada danayste ah
  38. Sokeeyaha u daranoo
  39. Shisheeyaha u diran weli
  40. Dabna yaysan kugu shidan.
  41.  
  42. Soomaaliyeey diid
  43. Kuwii shalay denbiga dhigay
  44. Soomaali kala dilay
  45. Kala soocay diirkii
  46. Dadkoodiina gawracay
  47. Raggii diiday samihii
  48. Xumaatada ka doorbiday
  49. Kuwii dumiyay Qarankii
  50. Kaa duubay Calankii
  51. Kuu kaday dayaca jira.
  52.  
  53. Waxa taa kasii daran
  54. Dulmigiyo dhibaatada
  55. Adaa lagugu diimaa
  56. Badda dalaggii laga xaaq
  57. Jiriif baa u dabar tiray
  58. Doqon aan wax garan iyo
  59. Dullaallaa ku kala kacay
  60. Duurjoogti Cawshiyo
  61. Ugaartii la dabargoo
  62. Deegaannada shisheeyiyo
  63. Dibadaha bar baa tegay
  64. Kaymihii dab baa galay
  65. Duudihii dednaan jiray
  66. Dooggiyo harkii ma leh
  67. Dabaylaa kasoo kacay
  68. Duunyadii barbaa dugay
  69.  
  70. Midkaloo ka sii daran
  71. Diirka aan ka qaadee
  72. Dadkiisiyo dalkiisaba
  73. Ninkii diida oo naca
  74. Dayac buu ku sugan yahay
  75. Dugaaggaa ka hela jeex
  76. Taa waxaa daliil u ah
  77. Daaha kaaga rogi kara
  78. Dadkuna wada ogsoon yahay
  79. Kuman doonyo lagu raray
  80. Badda lagu kor daadshoo
  81. Mawjaduhu darbeeyeen
  82. Xayawaanku dalamsaday
  83. Kuman doonayaa jira
  84. Oo maantadan diyaar u ah.
  85.  
  86.  
  87. Wali miyaad dareenteen
  88. Dannigiina galiseen
  89. Damiirkiinu uu qiray
  90. Dalka aad u socotaane
  91. Doonta aad u koraysaan
  92. Waa dad adiga kula siman
  93. Damiir iyo is maqal loo
  94. Dadaal muujay waa hore
  95. Dalkoodii hagaagsaday
  96. Dadow maad is garataan
  97. Dareenkiinna kicisaan
  98. Ciiddeennan dahabka ah
  99. Daacad ugu shaqaysaan
  100. Qumanaha daryeeshaan
  101. Qaloocana ka daysaan
  102. Qorigana u diidaan
  103. Qalinkana u doortaan
  104. Ubadkeenan dalan ba’ay
  105. Muu damiirku dhiidhiyo
  106. Jiirku muu dubaaxiyo
  107. Dulmi laguma waaree
  108. Nabsi muu dab soo shido
  109. Rabbi daacad soo diro
  110. Kuwa samaha diidanna
  111. Daruuraha hogleeliyo
  112. Daadku muu la kala tago
  113.  
  114. Si aynaan u dabar go’in
  115. Naarta daa’im ugu noqon
  116. Intaan dunidda joognana
  117. Ducufnimo ku noolaan
  118. Da’yar iyo cirroolaba
  119. Soomaali dunjigeed
  120. Waxa aan u dirayaa
  121. Degdeg aan u farayaa
  122. Dariiqii Rasuulkiyo
  123. Inay Diinta raacaan
  124. Xumaanta iska daayaan
  125. Daacadnimana raadshaan
  126. Qarannimana doonaan
  127. Darbi dheer u fuulaan
  128. Dayac ugu adkaystaan
  129. Damiirkooda kiciyaan
  130. Aan darajo gaarnoo
  131. Khayrkeen ku dayanee.

W.T: Cumar Cabdi Bile
abwaancumar@hotmail.com

Bosaaso, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com |  Mar 22, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD