Lasoco isbuuc kasta
suugaan taxanaha oo aan kasooweriyey alaha u xariistee
abwaankii
waynaa mujaahid Ismaaciil Mire Cilmi:
C/risaaq A.CAli Kaneec
silsilada gabayada
ismaaciil mire
Maanta waxaan xusaynaa
gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo
ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay,
siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey
gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay
deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani
ayaa xustay gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan
gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta
sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka
tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka mid
ah.
Hadaba inkastoo aynaan
taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin
misana misena waxaynu dad waynaha ugu talagalnay in aanu
xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow
aan soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen
suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu
ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser ka tirsan
jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka
aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi
kuturju mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid
ismaaciil mire,hadaba yaanana idinku dheereene maanta
ayenu qaadano labadana gabay ee ugu horeeya isbuucaan
waxay noqon doonaan labadan gabay ee hoos kuxusan
waxayna kala yihiin
1-Gabay:Dani igama
hayso
2-Gabay:Ciil kaama baxo
Gabay:Dani igama hayso
Dagaalkii aduunkee labaad,1945- markii dhacay buu ka
hadlayaa iyo dhi btii soo gadhey dad iyo duunyaba.
"Dani igama hayso" Ismaciil Mire waxuu yidhi:-
Digta dhici dayuuradaha
lali diifaddiyo qiiqa
Dildillaanka dalambabigiyo dunida ciiraysa
Dukaamada af xiran uumiyaha kala dabayl raacay
Minaawaarradu wada degiyo meyka dibadeystey
Isku duulka duunyada la
dhacay dala'a meeraaya
Dani igama heysoo oo Darwiish daacadaan ahaye
Cuquubooyin baa dirirayee la isma daareene
Waatii qaraamiga derderan dumarki raaceene
Waatii gabdhihii door
ahaa dabo ormeeyeene
Waatii la daradooriyee damacba beelene
Waatay Baashiikii danqaday diiqa geliyeene
Bashku waxuu dalleysanayee daanka dhiganaayey
Dembaa uga siyaadiyo
inay derejo waayaane
Dulligiyo laaluush cunkii dabajin weyn reebye
Dab hadduu ku soo karay wixii laysku dawdabaye
Qaxwihii la ii diirin jirey daayey hadalkiise
Caanaha daruur baan
intaan dhamo dawoobaaye
Mana doono soor kale haddaan doobi xaabsado e
Daayimow adaan kuu xamdiyey way dan qumisaaye
Gabay:Ciil kaama
baxo
Gabaygan Darwiish Ismaaciil mire u tirshay wiil
wiilashiisa ka mid ahaa oo meeshii laga rabay xaga
reerka ka soo bixi wayey markuu guursaday,reerkii iyo
xoolahii dayacay isagoo markaa ka hadlaya nolosha miyiga
iyo waxyaalo badan oo kale waxuu yidhi
Barbaar waxaad ahaataba
mar baad beyddan kulantaane
Dhashu waa bishaare haddaad eebbahey barido
Oo uu boqolle wiil kuu dhashood beerka kaga rayso
Waxaad biilka siisaba hadduu turuqyo buuraaado
Bogga laga wereenyow hadduu bili haween yeesho
Hadduu baaqdo goortii uu kaco boohin kugu reebye
Buuryaqabka inaad dayrisaad kaga boqsootaye
Baddu hadday ayaan kaa liqdana kaama ba'o ciilku
Gabar bilicle oo baaxad
weyn beri haddaad maagto
Billad iyo xariir iyo haddii boqor kaa laadlaado
Bidhaankaaga oo idil haddaad biicsasho u dhiibto
Aqal buur go'eed le'ef hadday beejimo u raacdo
Oo buuni kuu meheriyood barato xaalkeeda
Bawdad I ka haaddadu hadday baal kaa noqoto
Aad waliba baanbaaniso oo biidna garan weydo
Inaad naago kale baabsataad kaga bogsootaaye
Budda nadday gasho oy urtana kaama ba'o ciilku
Baramboori qaalina
haddii baarqab lagu qooqsho
Markey buun baxday goojisaa waana loo bogiye
Saddex iyo haddii toban bilood gaajo lagu raaco
Biyaha guga hadday awr dhashoo biligluhuu goyso
Oo gabankii kugu soo baxsado waa bukaan sida e
Barooddada inaad raratid baad kaga bogsootaye
Haddaad buulka xaaska u dhigtana kaama ba'o ciil
Haddii aad bariidlow
wan weyn neef ka barisiiso
Boorka iyo siigada haddaad burush ku duugduugto
Oo uu barwaaqada cunoo baaxo nadalkiisa
Bawhaarka magaaleed golaha badiba loo joogo
Hadduu bederka kugu gaabiyoo kugu baryuureedo
Inaad boqonta dhiidhiibisaad kaga bogsootaaye
Haddaad bahalka geed ugu xidhiaan kama ba'o ciilku