SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com


Maxaa Qoraaga Qaaradda Afrika La Gudboon?

Faalo:- Qoraagu waa qofka sheekooyinka, gabayada iyo wixi lamid ah curiya ama qora ee hindisa, afkeenna hodanka ah, Soomaaliga, waxaa lagu dhihi karaa: qoraa, hindisaa, sheekeeye, buuni ama qalin-maal, hal'abuur IWM. Afafka qalaad, Ingiriiska, Carabiga iyo Sawaaxiliga, waxaa lagu kala dhahaa: "Writer/author - Ingiriiska. Kaatib - Carabiga. Mwandishi - Sawaaxiliga; waxaase ku noqosha mudan "Hal'abuur/curiye - allifaa, wuxuu ku sidkan yahay "Abwaan" - "Poet" - Inglish. "Shaacir" - Carabi. "Mshairi" Kiswahili. Erayadan waxaa loo adeegsadaa suugaanta.

Qoraa kasta oo wax qora naftiisa uma qora, wuxuu u qoraa akhristayaasha u ooman farshaxankiisa.

Sheekeeyaha ku xeelkadheer curinta iyo caadsaarka sheekooyinka been-runeedda ah ee afka Ingiriiska lagu yiraahda "Fiction ama novel" kan Carabigana lagu yiraahda "Riwaaya" wuxuu doonayaa inuu bulshada u soo bandhiga goldaloolo ama khaladaad u muuqda oo u baahan in la saxa.

Waxaa la bah ah gabayaaga oo afka Ingiriiska lagu yiraahda "Poet" kan Carabigana lagu yiraahda "Shaacir" sidaan sare ku xusnay; waxaa sidoo kale ay fikir-wadaag yihiin curiyaha riwaayadaha oo afka Carabiga lagu yiraahda "Kaatib masrixi" kan Ingiriiskana lagu yiraahda "Playwright".

Tusaale ahaan, haddaad si dhab ah u dhugatid ood u dhuuxdid masrixadaha uu qora waxna ka jila riwaayad-qoraha reer Masar, Caaddil Iimaam, ama aad u kuurgasha gabayaagii weynaa ee Ingiriiska, William Shakespeare, ama aad si cilmiyeysan u dhuuxda duxda iyo dulucda gabayada ama suugaanta hindisaaga weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Warsame, Hadraawi, ama aad si dagan u akhrisa buugaagta uu qoray qalin-ruugga xigmaawiga ah ee reer Kenya, prof: Ngugi Wa Thiongo, oo buugaag raxan ah qoray - novels,

Waxaad ka durduuran kartaa sida ay dhammaantood u doonayeen iney dawo ugu helaan boogaha bulshada ee u bidhaamayey, balse ay bulshada soli weyday seynsaabka so' iyo saanba ay muujiyeen.

Dawladda iyo Dubaaqa Garaad-maalka

Hindisaa kasta oo ku dhiirada inuu muujiya dareenkiisa dhabta ah, waxaa jilba-xidha oo jalfiya xukuumadda ama taliska markaa dalka majaraha u haya.

Dhibaatooyinkani waxey si xaddhaaf ah u soo wajahaan qoraayaasha Afrika, waayoo, waxaa Afrika aad ugu badan madaxweyneyaal maan-gaab ah oo doonaya iney bulshada u afduubnaata.

Eeg tusaaslooyinka hoos ku xardhan: Dawladda Kenya waxey xabsiga u taxaabtay qoraa sare prof: Ngugi Wa Thiongo, kaddib markuu qoray riwaayadda la yiraahda: Waxaan guursan goortaan doona".

Taliskii uu Jaalle Siyaad hormuudka ka ahaa wuxuu qaaddacay oo waliba dil ku xukumay qalin-maalka caanka ah ee Soomaaliyeed, Nuuruddiin Faarax,kaddib markuu qoray buuggiisa caanka ah, Caanihii macaanaa ee suusacay (Sweet and Sour Milk) dhacdadan oo qoraaga ka dhigtay qurbajoog aan wali dalkiisa kudhax-kifaaxin. Halka gabayaaga waddaniga ah, Hadraawi, uu dhawr sannadood taliskii ina Siyaad ku caddibay tuulada Qansaxdheere kaddib markey isku dhaceen taliska.

Qoraayaal badan oo Nobel Prize qaadan lahaa, ayaa waxaa dhagta-dhiigga u daray kaligiitaliyihii dalka Nigeria ku amartaagleyn jiray, Sani Abacha.

Dalal badan oo bariga iyo bartamaha Afrika ku yaalla ayaa sidoo hali lagu dilay eray-ku-diraryo caan ah bulshaduna ay aad ugu baahneyd.

Waxaa tan ku lammaan Muslimiinta mayalka adag oo ayagana billaabay iney beegsadaan qoraa kastoo ay dhanka diinta ku dhalliilaan/diidaan.

Waxaan soo qaadan karnaa qoraagii sheekeeyaha ahaa ee reerMasar, Najiib Maxfuud, Naguib Mahfouz, oo ahaa ninka kaliya ee Carabta kagaguuleystay Nobel Prize. Sidaan ognahayna waxey wadaadadu waa kuwa mayalka adage, in badan isku dayeen iney Maxfuud dhagta dhiigga u daran balse uma suuroobin walow ay dhaaweceen.

Waxaa sidoo kale dhibbanayaal dulman noqday suxufiyiinta Afrika ka howlgala oo sami iyo sarad-wadaag la ah sheeko-qorayaasha, waxeyn dhacdooyinka ugu foosha-xun ka dhacaan dalalka ay dagaalada aafeeyeen ee sharci iyo kala-dambeyn lagu diiman sida Soomaaliya -" Ninba taagtii ha tallaabsada".

Waxaan qabaa qaaradda Afrika iney wali fahmin qiimaha qoraaga qaxarka ka taagan awgii. Suaashu waxey tahay Maxaa qoraaga qaaradda Afrika la gudboon.

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza).
Ayaandhalad5@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 19, 2008

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD