MAHURAAN: WAA BUUG DHOWAAN SOO BAXAY

www.Somalitalk.com/mahuraan
MAHURAAN 
(INEVITABLE)

Qore: Cabdulqadir Faarax Bootaan
Afna50@hotmail.com

Tel.+1-416-2351661 Canada

Maarso, 2003, waxaa soo baxay buugga la magac-baxay MAHURAAN. Marka dhinac walba laga eego, wuxuu buuggu ku saabsan yahay Oollimaadka Soomaalida (Somali Heritage).

- Afka (The Language) oo si dhilan, naxwe ahaan, loogu tusaale bixinayo.

- Suugaanta (The Literature) oo qyabeheeda iyo xeerarkeeda lugu kala dhigdhigayo, hannaankay u kala dhisan tahayna la qeexayo.

- Murtida ( The Wisdom) oo suugaanta ka dhambalan, asii dhinacya badan laga soo qaadayo.

- Sheekooyinka Dhaqanka (The Cultural Stories) oo hab-nololeedka Soomaalida iyo hiddeeheeda sooyaal leh, oo qaab akhris, daalacasho, iyo waxbarasho u darban.

DANTA

Ujeeddada ugu weyn iyo dulucda buuggaan loo qoray marka la soo koobo waa:

  • 1. In aqoonsiga qofka Soomaaliga ah la bedbaadsho, oo afkiisa ah.
  • 2. In afka, suugaanta, sheekooyinka, iyo dhaqanka la caynsho, la daraaseeyo, qoraal iyo kaydna la gesho; isla markaasna waji aqooneed iyo mid waxbarashaba loo faa'iideysto.
  • 3. In la abuuro dugsiyo Af-soomaaliga lugu barto oo ay duddooyinka (Jaalliyadada) Soomaaliyeed ee dibeddu yeeshaan, ciddii kaloo danaynaysaana ay wax ka barato.
  • 4. Iyadoo burburka Soomaaliya ku dhacay uu ugu culus yahay kan dhinaca aqoonta iyo dhaqanku in dadka loo qoro kutub cilmiyeysan oo Af- soomaaliga ku degsan.
  • 5. Bulshooyinka waddammada dibedaha oy Soomaalidu kala degtey badidood oo dhaqamma-badan ah, qolo kastana oollimaadkeeda tixgelin la siiyo oo iyana keeda u darbisa mid u qalma waxbarshada waddankaas in laga qaybgeliyo, ayna tahay markaas kaalinta ay Soomaalidu kaga aaddan tahay inay ka qaadato.

QODOBBADA DARAASAADKA LA RAACSHEY:

  • 1. Barbaarinta aqoonta uu qofku afka iyo suugaanta u leeyahay, iyo tarminta baaxadda erayad uu ku hali karo ama yaqaan.
  • 2. Fasiraadda erayada garashadoodu qofka ku adkaan karto ama ku cusub.
  • 3. Layaliyo dhug u yeelashada meeriska iyo barashada afka qofka luugu carbinayo.
  • 4. Daraasaad qofka ku baraarujinaya anshaxa iyo asluubta dhaqanka Soomaalida.
  • 5. Tilmaamo hab-dhaqanka iyo oollimaadka bulshada Soomaalida laga daawan karo.
  • 6. Murti halxiraale iyo xigmad sidda oo qofka suugaantiisa, dhinac ay tahayba, lugu kobcinayo.
  • 7. Qiyaas-kabixin ama tusaalayn hufnaanta dhaqanka Soomaalida, iyo tixgelinta adag oo uu bulshada ku leeyahay.
  • 8. Masawirro sheeka walba waxay ku saabsan thay soo bandhigaya.

XIGASHO

MAHURAAN wuxuu tixraac u ahaan karaa dadka qoridda Af-soomaaliga (buug iyo jaraa'idba) ku hawlan, shisheeye iyo sokeeyaba, marka ciddii ku xeeldheer laga reebo.

Qore: Abdulqadir Farah Botan

Afna50@hotmail.com Tel.+1-416-2351661 Canada

<><><> 

Xaggee ka helysaa buuggan la magac baxay "Mahuraan"?

-Waxaad ka heli kartaa meelkasta oo duddooyinka soomaalida iyo rugahooda ganacsigu ku sugan yihiin, gaar ahaan goobaha sharikadaha Xawaaldaha iyo xarumaha jaaliyadaha Bulshada Soomaaliyeed. Insha Allaah dhaqso ayaannuu u gaarsiin doonnaa goobahaas aannu kor ku soo xusnay.

Qiimaha buuggu waa: USD20 ama CAD25 SEK200

Wixii macluumaad dheeri ah kala xiriir:

Abdulqadir Farah Botan: 
Toronto Canada +1.416.2351661
mailadress:afna50@hotmail.com

Abdinur Aden Farah 
(Borås, Sweden) Tel.+46.33.411904 
Mailadress:abdinoor63@yahoo.se

C/laahi Cali-xush "Sandheere
(Gothenburg, Sweden) Tel:+46.739697290
Mailadress:sanka66@hotmail.com

Said Abdi Botan 
(London, UK) Tel.+447946252624 
Mailadress:beergeel@hotmail.com

 
IIDHEH: SomaliTalk.com | May 18, 2003

HAMOOGAAN BUUGGA MAHURAAN

MAHURAAN: WAA BUUG CUSUB OO DHOWAAN SOO BAXAY
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MAHURAAN

AMAL EXPRESS

Lacagta Express-ka ah: Amal Express Ent waxay kuu ballan qadaysaa in aad lacagtada ku hesho in kusiman san iyo toban (15) Daqiiqo Gudahood GUJI.
 
 

Copyright © somalitalk.com. Xuquuqda Boggaan waa xafidantahay.