SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL/RA'YI

Socodkii Silloonaa London ee Dagaal-ooge Yusuf

Abdulkadir Mohamed
abaadir0@gmail.com

Maalmo la soo dhaafay ayaa waxaa bogogga internet-ka ee taageersan dawlada fadhiidka ah ee meel-ku-gaarka Soomaaliya waxeey soo daabaceen sawiro iyo cajalad video ( photos iyo video) ah oo muujinaya socod tamashleeyn ah oo uu sameeynaayo madaxweynaha dawlada ku meel gaarka ah Cabdullahi Yusuf ku sameeyay barxada cagaaran oo ku taal bartamaha London ee cariga England. Waxaa madaxweynaha hareer socday xaaskiisa , marwada koowaad. Waxaa kaloo hareehaha ka joogay rag dhowr ah oo koleeytaba ah qaadunka iyo ilaaliyaasha madaxweynaha. Sawir ka mid ah sawirada ayaa waxaa ka muuqda Yusuf oo dukaan dhar ka iibsanaya. Waxeey website-yada u tifooseeya dawlada meel-ku-gaarka eey kaloo soo dhajiyeen wareeysi cajalad muuqaal ah oo eey qaadeeyn UniversalTV ama Soomaalinews oo ka mid ah warbaahinta cusub ee Soomaaliyeed.

Video waxaa ka muuqda Yusuf oo fadhi xun, jirkiisa oo wada gariiraya, gacmaha iyo lugaha oo uu wada ruxmaya si aan joogsi laheeyn. Yusuf ka sakoow ka hadalka arimaha ku-keel-gaarka waxuu sheegay inuu caafimaadkiisu soo wanaagsanaaday, kuna noqon doono Baydhabo si buu yiri howsha culus ee lagu amaanay u qabtaan mudada yare e ka hartay waqtigii ku meel gaarka. Waxuu ka shalaayay sadaxdii la soo dhaafay sideesan wax u qaban. Waxuuna taas ku eedeeyay Cali Maxamed Geedi.

Socodkaan tamashalaha ah waxuu ahaa mid laga soo shaqeeyay oo danta laga lahaa eey aheeyd in shacabka la tuso inuusan Yuusuf sakaraad sariir ku aruuray oowsan aheeyn.
Bogagga Internetka ee ku kacsan siyaasadda dawlada uu hogaamiyo Yusuf ayaa waxeey sheegeen inuu Yusuf sidii Sharonkii Israa'iil uu ku jiro dansanaan iyo miirdoorsan.

Socdkan tamasle ee Yuusuf waxaa loola jeeday in lagu soo bandhigo inuu madaxweynaha uusan ka bixin masraxa siyaasadda iyo in looga hortago mooshano la sheegay in la damacsan yahay in Yuusuf xilka looga xayuubiyo. Yusuf ayaa u soo galay halgan 30 sano siduu mar ku noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

1990 ayaa Yusuf beerka laga badalay oo mid kala lagu talaalay. Isla isbitaalkii sameeyay bedalaadan ayaa ah midka hada uu bukaan socodka ku yahay Yusuf oo lagu daweeyo.

In ku dhow 30 maalmood ayaa Yusuf laba jeer la soo kadiyay oo loo qaaday marna Nairobi, marna Adis Ababa ka dibna looga sii qaaday London. Af hayeenadiisa jiradda Yusuf ku tilmaamay hargab dadkuna buunbuuninayaan.

Madaxweeynaha ayaa la rumeeysan yahay inuu da ahaan jiro 80 iyo ka kor balse sida rasmiga waxaa la sheegaa inuu jiro 73 sano.

Socodkan dhoolatuska ayaanan laga gaarin qasadkii laga lahaa balse muujiyay tabardarida heeysata Dagaal ooge Yusuf. Waxaan shaki ku jirin in hada iyo waxii ka danbeeya inuusan Yusuf siduu dawlada ku-meel-gaarka ah uga amartaagleeyn jiray uusan kari doonin. Tanina waxaa laga yaabaa ineey jid cusub u furto dawladda Nuur Cadde waa hadii eey muujiso ka madax banaani iyo geesinimo ah ineey xor u yihiin howsha dawlada.

Kaafka iyo kal dheerida socodka siyaasadda maleegsanaa ee London lagu soo bandhigay iyo internetyada ayaa waxuu ku soo beegmay xili magaaladda Xamar lagu gumaaday ilaa iyo laba darsin oo maato soomaaliyeed oon wax galabsan, lagu dhaawacay in ka badan 150 qofood abuurayna qax hor leh oo ka dhigay magaaldii caasimadda aheeyd meel aan laguma hoydaan ah.

Nin saaxiibkeey ah oo riwaayadan foolxumada leh ka hadlay ayaa yiri "waxaasaa madax weyna ah! Isna wuu tamashleeyn, dadkiisiina waa kaas oo la tooganayo:

Abdulkadir Mohamed
abaadir0@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2008


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxana hab fikikii qoraaga soo qoray.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com