SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.

Warar Kooban oo ku saabsan Mudaharadyada looga soo hor jeedo Sawir Gacmeedyadii Aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH ee uu daabacay wargeys ka soo baxa dalka Denmark.

18 Feb 2006: Waxaa is casiley wasiir talyanai ah oo ah kii hore u sheegay in uu ku lebisan doono funaanad ay ku sawiran yihiin sawir-gacmeedyada aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH. Dhanka dalka Liibiyana waxaa jagadii laga fariisiyey wasiirkii ammaanka ee dalkaas. Dhanka Nigeria waxaa mudaharad ka dhacay ku dhintay ilaa 16 qof.

17 Feb 2006: 10 qof ayaa ku dhintay magaalada Benghazi ee dalka Liibiya kaddib markii dad mudaharaadayey ay ciidamada ammaanku rasaas ku fureen, dadkaas mudaharaadayey waxa ay gubeen qunsulaydii Talyaaniga ee magaalada benghazi.

17 Feb 2006: Wadaad reer Pakistan ah iyo dadkii uu salaada Jimcada khudbada u akhrinayey ayaa sheegay in hal-malyuun oo doolar la siinayo qofkii soo dila ninkii daabacay sawiradii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH.

15 Feb 2006: Dad lagu qiyaasay 70,000 oo qof ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaalada Peshawar ee dalka Pakistan, waxaana lhalkaas ku dhintay saddex qof. Sidoo kale magaalada Lahore waxaa mudaharad ku dhigay 1,500 oo arday, waxaana magaaladaas boolisku ku dileen hal qof.

14 Feb 2006: Kumanaan qof oo mudaharaadayey ayaa waxay gubeen goobaha ganacsiga ee reer Gaolbeedka ee ku yaal magaalada Lahore ee dalka Pakistan, waxaana la diley ugu yaraan hal qof.

13 Feb 2006: Mudaharaad aad u xoog badan ayaa ka dhacay dalka Pakistan, gaar ahaan Peshawar.

11 Feb 2006: Mudaharad si nabad ah u dhacay ayaa ka ka dhacay labada magalo ee ugu weyn Canada. 250 muslimiin ah ayaa isugu soo baxay meel u dhow Jaamacada McGill ee magaalada Montreal. Waxaa sidoo kale 200 qof ay mudaharaad ku dhigeen fagaare u dhow safaarada Denmark ku leedahay magaalada Toronto.

10 Feb 2006: Mudaharaadyo looga soo hor jeedey wargeyska aflagaadeeyeyRasuulka Muxamed NNKH ayaa dunida ka sii socdey, sida Bangladesh, Malaysia, Kenya iyo Russia. Dhanka Sweden; Shirkad reer Sweden ah ayaa hawada ka saartay website ay lahayeen koox xag jirta oo ka soo horjeeda dadka laajiyiinta ah. DHan Norway, Wargeyska reer Norway ee daabacay sawir gacmeedyadii ayaa daabacadaas raali gelin ka bixiyey.

9 Feb 2006: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan, ayaa ugu baaqay tifatirayaasha wargesyada caalamku in ay joojiyaan daabacaada sawir gacmeedyada (Aflagaadeeyey Rasuulka NNKH).

7 Feb 2006: Dhawr kun oo Muslimiin mudaharaadayey ayaa isku deyey in ay xoog ku galaan xarunta NATO ay ku leeyihiin magaalada Maymana ee dalka Afganistan, halkaas oo ay joogaan ciidamo kayimin Norway iyo ciidamo Finisha ah. Waxaa halkaas lagu diley saddex qof oo Afganistaniyiin ah.

6 Feb 2006: Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.

4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.

3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo ka mid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia

1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .

31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin.

30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan

26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.

25 Jan 2006: Muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,

10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.

20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.

Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.

20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.

30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.

Faafin: SomaliTalk.com | 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

 


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD