SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Dicaafa Rasuulka: Sawir gacameedyo maanta arbaco ah la soo saray

Wargayso ka soo baxa dalka Denmark ayaa maanta oo arbaco (Feb 13, 2008) ah waxay dib u soo daabaceen sawir gacameedkii sanadkii 2005 bishii September uu soo saaray lagu aflagaadaynayay Rasuulka SW. wargayskada maanta soo daabacay sawirkaani ayaa waxaa ka mid ah Politiken iyo Berlingske iyo Tidende iyo Jyllands-Poste iyadoo sidoo kal Teleshinka laga soo daayay dalkaasi sawiradaan (waxaana ka muuqday sawir ay ku sheegeen Rasuulka SW oo cimaamad dusha Miimo ka saaran tahay) lagu muujinayo

Dib u soo daabicada Sawir gacmeedkaan ayaa yimid 24 saac ka dib markii ay ciidamada dalkaasi gacanta ku dhigeen rag Muslimiin ah uu u kala dhashay Wadamada Marocca iyo Tunisa kuwaas o lagu tuhun sanaa oo kaliya in ay ka takhalusi lahaayeen sawir yahankii u dhashay Denmark ee isagu soo sawiray sawirkaasi ninkaasi oo lagu magacaabo

Jyllands-Poste ayaa waxaa uu ka mid yahay 12 wargays oo sanaihi 2005 iyo 2006ka soo daabacay sawiradaasi meel kaga dhaca ku ah Diinta Sharafta Baddan ee Islaamka.

Waxy ku adacoodeen soo daabicista Sawiradaan in ay yihiin madax banaanida saxaafada .

SomaliTalk.com | Nairobi | Feb 15, 2008

Saxaafadda Denmark oo markale si ukalac ah u aflagaadeysay Nabi Muxamed

Waxaa la yiri "Doqonta usha agteeda ku dhifo hadey diiri weysana ku dhifo iyada" Taasi macnaheedu waa tan iminka heysata guud ahaan cidkasta oo ku abtirsata magaca Islaam. Ma jirin ihaano ka weyn ee loo geystay Suubanaheeni Muxamed NNKH kadib markii wargeys xag jir ahi oo kasoo baxa dalkaasi Denmark uu ku sheegay sawiro kartuuno ah. Hadana aysan jirin cid si weyn uga dhiidhisa falkan foosha xun ee ah daan daansi geed ku gabasho laheyn ee muslimiinta iyo diintooda lugu hayo.Arrintani waxey sidoo kale marag ma doonto u tahay sida ay u liitaan dadyowga aan maanta ku tilmaami karrno damiirleweyaasha aanba awoodin iney difaacdaan Rasuulkooddii Alle karaameeyey.

Si kastaaba arrintu ahaatee dalka Denmark inkastoo uusan ku quusan natiijadii kasoo baxday xorriyatul qowlka sida qaldan loogu tuntay ee uu adeegsaday mid kamid ah wargeysyada dalkaasi kasoo baxaa muddo haatan labao sanno laga joogo. Hadana waxaa muuqata in sheekadu tahay "Xorr baan ahaye maxaad sameyn kartaa" ee aan marnaba texgelin la siin waxa sharciyan u yaala saxaafada madax banaanida lugu sheegay ee sidii la doono loo adeegsan karro.

Hadaba dhowr wargeys oo kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalkaasi ayaa maanta si ku talagal ah waxey mar qura u soo wada daabaceen sawiradii ihaanada ahaa ee muddo labo sanno kahor uu soo bandhigay wargeyska xag jirka ah ee Jylands-Posten kadib markii booliska dalkaasi laga sheegay iney fuliyeen qorshe lugu doonayey in lugu dilo mid kamid kuwa sida fuleynimada leh u sawiray sawirada kartoonka ah kaasoo magaciisa la yiraahdo Kurt Westergaard.

"Anaga iyo wargeysyo kale waxaanu dooneynaa in argagaxnimadu tahay wax fuleynimo ah oo aan awood laheyn, balse mujtamac xor ah waan ku doodi karnaa dhexdiisa sida doodu u dhaci karto ee aaney noqon mid la fal loo adeegsado" ayuu yiri tafatiraha wargeyska Politiken ninka la yiraahdo Tøger Seidenfaden oo isagu geestiisa ka muujiyey sida ula dhacsan yahay in sawirro ihaano ku ah dad gaaraya bilyan qof oo dunida ku nool loo geysto.Ciidanka dalkaasi ayaa shaaciyey iney shalay oo talaado aheyd fashiliyeen iskuday ay ku doonayeen ragg u dhashay Tuunisiya iyo Marooko iney k qaarajiyaan mid kamid sawiryaasha karoonadaasi ayaa waxaa geestiisa ka hadlay afhayeenka xisbiga xag jirka ah Folkeparti ee Henriette Kjær waxaana uu sheegay iney tahay arrin laga xumaado waxa uu ku sheegay "xorrnimadooda iyo xaqooda" ee lugu doonayey in dad lugu dilo hadana aaney cidi ka hadli karin. Kassem Ahmad, oo kamid ah afheeynada mid kamid ah urrurada islaamiga ah ee dalkaasi ka jira ayaa sheegay in cida u aragta in falalka lugu soo daabcay sawiradaasi ay yihiin kuwo ihaano ah oo ka dhan muslimiinta ay banaanbaxyo cabasho ah ku muujin karaan,waxaana uu hoosta ka xariiqay in haatan aysan habooneyn in dabka saliid lugu shubo oo fidnada jirtay la kiciyo.

Ma ahan oo keliya Denmark meesha mar qura uu ka dilaacay kacaanka daabacada sawiradan balse dalka Filand ayaa xisbiga xag jirka ahi ee Suomen Sisu shabakad ay bogga internet-ka li yihiin lugu soo daabcay qaar kamid siwiradaasi. Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee dalkaasi ninka lugu magacaabo Jari Vilén ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si deg deg ah dowlada ay sawirada kooxdaasi ku faafiyeen shabakadooda la fadhiisiyo islamarkaasina gacan adag lugu qabto waxa uu ku tilmaamay qeyral masuulnimo keeni karto in amniga guud ee dalkaasi uu halis geli karro, waxaana u tusaale u soo qaatay talaabada ay dowlada Sweden qudheeda ku xirtay bogg internet-ka ah oo ay lahaayeen kooxaha xagjirka ah ee reer Sweden ee daabacay sawiradaasi xilligii ay socotay xiisada xooga leh ee ka dhashay daabacada sawirada ihaanada ah ee Suubahaneena Muxamed ah NNKH ah loogu geystay saxaafadaha reer galbeedka qaarkood.Sidoo kale wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku cadeeyey in falalkaasi ay yihiin kuwo lugu dhaawacayo muslimiinta iyo diinta ay runsan yihiin, waxaana uu dowlada dalkaasi ka codsaday iney haatan joojis aalad kasta oo sharciyeyna in meel looga dhaco waxa dadyow badan oo dunida aaminsan yihiin ka hor inta aaney xaajo faraha ka bixin amniga dalkaasina uusan gelin qal qal.

Qore: Ikraam Cali-kaar

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2008


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji


Mudaharaadkii London, UK

Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriya oo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost

Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD