SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NURUDDIN

Nuuruddiin Faarax

Nuuruddiin Faarax waxa uu sannadkii 1945 ku dhashay dalka Soomaaliya. Waxana uu qoraaladiisa ku qoraa luqada Afka Ingriisiga. Buugaagtiisa waxaa ka mid ah: From a Crooked Rib (1970), A Naked Needle (1976), Sweet and Sour Milk (1980), Sardines (1982), Close Sesame (1984), Maps (1986), Gifts (1993),

Salman Rushdie waxa uu Nuuruddiin Faarax ku aamaanay in uu yahay "Mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan Qorayaasha Noofelada ee Casriga la socda ee Afrikaanka ah". Sidaas waxaa qortay shabakada commonwealthclub.org, oo intaas ku darday in Nuurudiin Faarax uu wax ka qoro sheekooyinka dumarka, uuna ku guulaystey billada loo yaqaan Neustadt International Prize [oo la siiyey sannadkii 1998].

Markii uu qoray Naked Needle sannadkii 1976 waxaa loo sheegay in dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre (Allah ha u naxariistee) ay qorsheyneysey in ay xabsiga dhigto haddii uu dalka kusoo laabto, waxyaabaha ku qoran buuggaas awgood. Markaas ayaa lagu soo waramay in uu Nuuridiin Faarax isku xakumay in uu dalka laaji dibada kaga ahaado.

“Nuruddin Farah, waa Noofalistaha ugu muhiimsan ee Afrikaanka ah ee soo caan baxay labaatankii sano ee ugu dambeeyey, waxaana codadka ugu cawaandisan ee sheekooyinka mala awaalka ah ee casriga ah" sidaa waxaa qortay The New York Review of  Books. "Waxaa fudud in la arko sababta uu magaca Nuurudiin Faarax ugu soo noqnoqonayo in uu noqdo kan loo malaynayo in uu helo bilada Nobel Prize ee Literature.” sidaas waxaa qortay Newsweek.

Buuga ka mid ah buugaagtiida waxa uu Nuuruddiin Faarax:
--...Nasser believed she could remove her props of age and mask of beauty whenever she wanted; it was as easy for her as undressing before a near-stranger had been, a near-stranger whom she imagined would make carry the seed which would multiply in her womb and flourish the actress's splendour. She said, her voice calm as her delivery had been rehearsed:
--"Some of us have been catapulted into the centre-stage of a century we actually don't belong in and have nothing in common with. Some of us have been forced by circumstance to accept conditions and the dictates of the century's needs. It's like living all your life natural darkness or in an area bathed in moonlight. Then suddenly powerful electric bulbs are switched on and you become the spot on which the light falls, upon whom all the world's eyes meet."
(from Sardines, 1981)

Jaridada Guardian Weekly waxay qortay: Qoraaga keligiis ay Soomaaliya leedahay ee adduunka laga yaqaan ee qora Noofalda, Farax oo wax ku qoraa English, waxaana buugaagtiisa lagu tarjumey in ka badan dersin luqado ah. Noofalkiisii ugu horeeyey oo ah "From a Crooked Rib" (oo uu qoray sannadkii 1970), waxa uu qoray markii uu Hindiya ka ahaa arday barta Falsafadda. Waxana uu buugaas kaga hadalay aragti uu ugu garaabayo dumarka arrimuhu ku cakiran yihiin ee dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, oo laga eegayo indhaha gabar yar oo reer baadiye ah oo la gudey, sidaas waxaa qortay Guardian Weekly (April 18, 1993), oo intaas ku dartay: Waxa uu ku guulaysey fursada gaarka ah ee ah ninkii 'feministaha' ahaa ee qoraaga ahaa. Mararka qaarkood ayaa loo soo diri jirey waraaqo cinawaanka looga dhigay ku: "Ms Farah" (oo macneheedu yahay in isaga looga dhigayo dheddig), oo markaas la weydiinayey in uu ka waramo khibardii uu kala kulmay gudniinka dumarka.

Ceebla, agoon siddeed-iyo-toban jir ah, waxay ka fakatay baadiyihii ee reer guuraaga Soomaalida markii ay ogaatey in awowgeed uu ballan aaday in uu u guurinayo nin da'weyn. Laakiin markii ay u fakatay Muqdishu, waxay is aragtay in aysan wax awood ah lahayn islamarkaasna ay ku tiirsanaato niman sidii ay ugu tiirsanayd markii ay duurka joogtey oo kale. Dhexjibaaxii adeegidda, guurka, faqriga iyo rabshadaha, Ceebla waxay ku dagaalantay in ay ilaashato sharafteeda, iyadoo ku jirtey adduun ah meel dumarka 'loo iibiyo sida lo'da'. Ayuu qoray Nuruddin Farah oo arrinta ka eegaya aragtida dumarka, Novel-kiisii ugu horeeyey oo ahaa mid weeraraya dhaqanka dadkiisa. Sidaas waxaa qortay shabakada Penguin.co.uk oo ka hadleysey buugga uu Nuurudiin Faarax qoray sannadkii 1970 ee cinwaankiisu yahay: From a Crooked Rib.

Isha: Sawirada: Google Images, Wikipeda


Nuuruddin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis

 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH