SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA

Somaliland oo Xirtay Dad Ajaanib ah...

"Labada Ajnebiga ee Caddaanka ah waxaa lala xiray Afar Soomaali ah....." Saraakiil Somaliland ah..

  • Tarjumadi SomaliTalk.com | Sabti 7 Jun 2008

HARGEYSA, Soomaaliya, June 7 (Reuters) - Ciidanka Ammaanka ee Somaliland ayaa Sabtidii (June 7, 2008) waxay xabsiga u taxaabeen labo reer Galbeed ah oo loo malaynayo in ay yihiin sahamiyayaal u katirsan shirkadda Macdanta ee ka diiwaan gashan Canada ee ka hawl gasha Puntland, sidaas waxaa weriyey hay'adda Reuters iyo wakaaladaha wararka oo sheegay in warkaas laga soo xigtey Wasiirka Difaaca Somaliland.

Cabdullaahi Cali Ibraahim, Wasiirka Difaaca Somaliland, ayaa sheegay in labada nin ay "dalka" kusoo galeen sharci darro, waxaana laga soo xiray degmada Laasqoray ee Bariga Gobolka Sanaag. Waxaana labadaas nin lala soo xiray Afar Soomaali ah.

"Halkan kama caddayn doono hadda dhalashada labada nin ee caddaanka ah," ayuu yiri Cabdullaahi Cali Ibraahim oo la hadlayey warbaahinta. "Waxa keliya oo aan sheegayaa in ay ku socdaalayeen gaari, oo loo malaynayo in ay aagga ka sahaminayeen macdan sahamin." Afarka Soomaalida ah dhammaan waxay ka yimaadeen Puntland, ayuu yiri, waxaana hadda lagu hayaa magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Hay'ada wararka Reuters oo soo xiganeysey ilo ayaa sheegay in labada qof ee reer galbeedka ah loo malaynayo in ay yihiin shaqaale shirkadda (ka diiwaan gashan) Canada oo rajaynaysay in ay sahamin nooca "seismic" ka sameeyso aaggaas, oo qani ku ah macdanta loo yaqaan zinc iyo macdano kale. Faahfaahin halkaas lagama bixin.

Shirkadda xarunteedu tahay Vancouver ee Africa Oil Corp (AOI.V) (iyo jaalkeeda IMC) ayaa sahamin ka wada Puntland. Saraakiisha shirkaddaasi markii warkan ay Reuters qortay lama helin si ay jawaab u bixiyaan.

Waa sida warka reuters u dhigay. Laakiin sida muuqata Somaliland waxay sheegtay warar kuwaas ka duwan. Puntland-an waa beenisey in dadkaas ajaanibta ah ay sahaminayeen Puntland.

Warar sidaas ka duwan ka akhri halkan...

Isha: Reuters iyo wakaaladaha | Tarjumadii SomaliTalk.com

Somaliland forces arrest two Westerners

  • The two men were thought to be surveyors of a Canadian mining company and had entered the country illegally, Defence Minister Abdillahi Ali Ebrahim said.. Gulfnews

Sat 7 Jun 2008, 12:43 GMT

By Hussein Ali Noor

HARGEISA, Somalia, June 7 (Reuters) - Security forces in a breakaway northern Somali republic arrested two Westerners on Saturday thought to be surveyors working for a Canadian mining company, government officials said.

Somaliland's Defence Minister Abdillahi Ali Ebrahim said the two men had entered the country illegally and had been detained in Las Qorey district, Eastern Sanag region, with four Somalis.

"I will not be revealing the identity or nationality of the two Caucasians at present," Ebrahim told reporters. "I will only say that they were travelling in a car and are believed to have been surveying minerals in the area." The four Somalis were all from neighbouring Puntland, he said, all six men were being taken to the Sanag capital Erigabo.

Government sources said the two Westerners were believed to be employees of a Canadian company hoping to conduct a seismic survey in the area, which is rich in zinc and other minerals.

They did not elaborate.

Vancouver-based Africa Oil Corp <AOI.V> is carrying out a survey in Puntland. Company officials could not immediately be reached.

Somaliland split from the rest of Somalia in 1991 when warlords toppled military dictator Mohamed Siad Barre, plunging the country into anarchy. It has governed itself since then. (Writing by Daniel Wallis) (For full Reuters Africa coverage and to have your say on the top issues, visit: http://africa.reuters.com/)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS