SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Cadde Muuse oo si Qeexan u caddeeyey in uu Xumaan Doono Xiriirka DFKMG iyo DGPL Haddii Baarlamaanka DFKMG uu ansixiyo sharciga Batroolka ee hadda Horyaal....

  • Cadde Muuse oo Ra'iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ku eedeeyey in ay wataan shirkado Batrool.. sidaas waxa uu ku cadeeyey waraysi uu siiyey Idaacada British Broadcasting Coporation...

Waraysigii Cadde Muuse (Sept 8, 2007) halkan ka dhegeyso...

cadde muuse xirsi puntland
Janaraal Cadde Muuse: hadday mariyaan wax aanaan ogeyn iyaga ayey jirtaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse oo Sabtidii (Sept 8, 2007) waraysi siiyey Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada British Broadcasting Coporation laanteeda Af-ka Soomaaliya, isagoo joogey Dubai, ayaa si qayaxan u caddeeyey haddii ay Baarlamaanka DFKMG ansixiyaan sharciga batroolka ee hadda horyaal in uu xumaan doono xiriirka u dhexeeya Puntland iyo DFKMG.

"Markaan akhriyey sharciga la rabo in la mariyo, ma aha mid Puntland ay dani ugu jirto, Federaalkana dan ugu jirto" ayuu yiri Cadde Muuse oo intaas ku daray in sharcigaas lagu soo sameeyey meel ka baxsan Soomaaliya, yahayna sharci ka duwan wixii ay ku heshiiyeen DFKMG iyo Puntland.

Waxana uu intaas ku daray "Sharcigaas markii la samaynayey nalagama tashan. Danina kuma jirto waxa sharcigaas ku qoran".

Waxa kale oo uu xusay in loo sheegay (Puntland) in ay aan waxba ka jirin heshiisyadii shidaalka ee ay hore u galeen, ayna tahay in shirkadaha ay Puntland heshiiska la gashay ay dalka ka baxaan.

Waxa kale oo uu xusay in shirkado kale ay jiraan kuwaas oo ay wataan qaar ka mid ah madaxda Sare ee DFKMG, sida ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG. "ma aqaan waxay u wataan (shirkadahaas)" ayuu yiri.

Heshiisyada la gelayo ee dhulka Puntland waxaa xaq u leh Puntland, ayuu yiri Cadde Muuse.

Mar la weydiiyey in uu arrintaas kala hadlay madaxda DFKMG intii uu joogey Dubai, waxa uu sheegay in uu laba jeer telefoon u diray Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo kusugnaa Jabuuti, nasiib darro labadii jeerba waayey, laakiin uu arrintaas kala hadlay madaxweynaha DFKMG iyo guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG.

Guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu Cadde Muuse u caddeeyey in sharcigaas la hor geynayo baarlamaanka, sida uu sheegay Cadde Muuse.

Haddii baarlamaanku hirgeliyo sharciga baatroolka hadda hor yaal taasi wax ma u dhimeysaa xiriirka Puntland iyo DFKMG markii la weydiiyey waxa uu Cadde Muuse ku jawaabay: Waa u dhimeysaa... Puntland go'aan ayey gaareysaa, markii cunaha lagu qabto bini'aadamku waa in ay is difaacaan, maxaajira tani ma ahan dan Soomaali loo samaynayo, waxaa weeye in Puntland la burburinayo oo keliya, marka go'aan adag ayey ka gaareysaa...

Baarlamaanka DFKMG oo Buuq ku saabsan Sharciga Batroolka Soomaaliya awgeed loo xiray kalfadhigii Sabtidii (Sept 8, 2007)

Baarlamaanka DFKMG ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa la xiray kaddib markii uu buuq ka dhashay qaanuun loo qaybiyey Baarlamaanka , kaas oo ku saabsanaa sharciga Batroolka Soomaaliya.

Buuq iyo sawaxan kabacdi ayaa iyadoo la cuskanayo xeer hosaaska Baarlamaanka waxaa la xiray kulankii baarlamaanka ee Sabtidii (Sept 8, 2007)..

Arrinta buuqa dhalisay ayaa waxaa ka hadlay Cawad Axmed Cashare oo ka tisan Baarlamaanka DFKMG, isagoo u waraamay British Broadcasting Coporation...

Sept 8, 2007

Jibriil Cali Salaad: Kama mid nihin Puntland & Somaliland
Madaxweynaha DG Maakhir oo u waramay idaacada Australia ayaa ka hadlay baaritaanka macdanta/batroolka Majayahan iyo arrimo kale: Dhegeyso: Play Real | Play MP3

Caasho Axmed C/le oo ka hadashay arrimaha Maakhir
Xildhibaanada oo waraysi siisay idaacada Australia ayaa ka hadshay shirka Casmara, kii xamar, Puntland iyo Maakhir.. Dhegeyso: Play Real | Play MP3


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH